kiiloowaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiiloowaad
-ka: (n) kilowatt (kiilo-wat); 1000 w = IkW
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiilowaad
m. n. kilowatt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiilowaad
de: kilowatt Alt sp: kiilowaat {Eng}
lx: kiilowaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kiilowaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilowaat
m.l Kun waad oo ah awoodda korontada ama makaanikada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiilowaat
m.l (fis.) Kun waad oo ah awoodda korontada ama makaanikada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilowaat
-ka: (magac, lab, keli) cabbir 1000 waat ah oo korontada lagu cabbiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koowaad
(Koowaad-ka)
Kowaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koowaad
m.l 1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. la-mid: koobaad, kowaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koowaad
m.l 1. (t.j) Lambarka tirada jagaalada ah ugu horreeya. 2. (-dyo, m.dh) Halbeeg. la-mid: koobaad, kowaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koowaad
numeral: first
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koowaad
(adj) first (farest) Ex: aqalka koowaad ee bidixdaada; the first house on your left
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Koowaad
Primo
First
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koowaad
-ka: (magac, lab, keli) wax is dabasooda ama xiriir ah, kan ugu horreeya. Dh: kowaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koowaad
a: kowaad
de: first
lx: koowaad
pd: (-ka)
ps: num-ord-m
key: koowaad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
koowaad
أول
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siinoolaad
-ka: (magac, lab, keli) muddo nolol ku sii jirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiiloogaraam
-ka: (magac, lab, keli) culays dhan kun giraam (1000gr). Wa: kiiloogaraamyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilogaraam
m.l (-myo, m.dh) la-mid: kiilo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kiilogaraam
Kilogramme
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kiilogaraam
Kilogram
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiilogaraam
m. n. kilogram
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiilogaraam
-ka: (n) kilogram (kiilagaraaniy, 1000 gram = 1 kg
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiilogaraam
de: kilogram {Eng}
lx: kiilogaraam
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kiilogaraam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaad
m.l la-mid: koowaad.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
NIILOOD
(Nilod) N Celosia polystachia (Forsk.) Townsend Amaranthaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilnaan
m.f.dh eeg kiilan. la-mid: kiilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la kiilay ama la cabbiray ahaan.
kiilnaan -ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale, cidhiidhyoomid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kilowatt
/kilo waat/ (n) hal kiilowaat (= 1000 waat), korontada ayaa lugu cabbiraa).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Kilowatt
Kiilowaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galoofaad
galoofaad¹: m.l Daal iyo dhibaata badan oo lagala kulmo socod dheer.
galoofaad²: f.mg1 (-day, -dday) Daal, dhibaato badan socod dheer kala kulmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galoofaad
-ka: (magac, lab, keli) daal iyo dhibaato badan oo lagala kulmo socod dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilqooraad
m.l la-mid: ilqooreed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalhoraad
m.l (-dyo, m.dh) Dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalloorad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan ka samaysan sal ballaaran, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iyo wixi lamida lagu shubto; jeeg. la-mid: gadhoorad, kadhoorad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalloorad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan ka samaysan sal ballaaran, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iyo wixi lamida lagu shubto; jeeg. la-mid: gadhoorad, kadhoorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalloorad
f. n. covered metal container (for milk, water, etc.)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalloorad
de: covered metal container (for milk, water, etc.)
lx: kalloorad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kalloorad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciillanaad
m.l la-mid: cillanaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciillanaad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan muuqaalkiisa la arki karin; aan dibedyaal ama caadyaal ahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalloodhad
-a: (magac, lab, keli) weel macdan ka samaysan oo sal ballaadhan, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iyo wixii la mid ah lagu shubto. Dh: kadhoorad, kadhoodhad, kalloorad.
kalloodhad -a: (magac, lab, keli) eeg kalloodhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silloonaan
m.f.dh eeg silloon. la-mid: sillaanaan, sillanaansho, silloonaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silloonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lalasyaabo ah oo sirgacan. Dh: sirgacanaan. Li: hagaagsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciid hoosaad
n. phr. sub-soil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciid_hoosaad
de: sub-soil
lx: ciid hoosaad
ps: np
key: ciid_hoosaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiifoonaan
m.f.dh eeg dhiifoon. la-mid: dhiifoonaansho, dhiifooni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiifoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax foojigan oo digtoon ahaan. Dh: digtoonaan, feejignaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirhoosaad
-da: (magacwadareed) dhirta yaryar ee gaagaaban ama geedaha waawayn ka hoos baxda. Berisamaadka waxa bata dhirhoosaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dibloomaasi
m. n. diplomat
dibloomaasi m. n., [abstract] diplomacy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibloomaasi
-ga: (n) diplomat (diplomaat); politician (polatishin) ~ siyaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diimmoonaan
(Diimmoonaan-ta)
Ogaan la'aan; qarsoonaan; diimmooni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diimmoonaan
m.f.dh eeg diimmoon. la-mid: diimmoonaansho, diimooni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diimmoonaan
f. n., [abstract] state of being newly discovered, 'new', previously unknown
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimmoonaan
-ta: (magac, dhedig, keli) war la'aan aan waxba laga warhayn. Dh: ogaanla'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diimmoonaan
a: diimmooni (-da) [n0-f-abs]
de: state of being newly discovered, 'new', previously unknown
lx: diimmoonaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: diimmoonaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiid-horaad
m.l Fiidka intiisa hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiid-horaad
m. n. early in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiid-horaad
-ka: (v) early evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiid-horaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiidadaw.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiiloosafer
-ka: (n) philosopher (filoo safer)~ faylasuuf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idiloojiyad
f. n. ideology
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idiloojiyad
de: ideology
lx: idiloojiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: idiloojiyad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kal roobaad
Wet spell
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynroobaad
(Kaynroobaad-da)
Qaanso-roobaad; jeegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynroobaad
m.dh Kolka roob da'ayo ee ifka qorraxda iyo dhibicda roobku isqabtaan, muuqaalka isku duuban ee midabbada badan leh oo qaabka qaansada u eg, cirkana ka dhex muuqda; qaanso-roobaad; jeegaan; caasha-carrabdheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaynroobaad
m.dh Kolka roob da'ayo ee ifka qorraxda iyo dhibicda roobku isqabtaan, muuqaalka isku duuban ee midabbada badan leh oo qaabka qaansada u eg, cirkana ka dhex muuqda; qaanso-roobaad; jeegaan; caasha-carrabdheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaynroobaad
f. n. rainbow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynroobaad
-da: (magac, dhedig, keli) qaansoroobaad ama jeegaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaynroobaad
de: rainbow Lit: bush of the rain
lx: kaynroobaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: kaynroobaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiiloomitir
-ka: (n) kilometer (kii-loo-meter)-, 1000 m= 1km
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiiloomitir
-ka: (magac, lab, keli) fogaan dhan kun mitir (1000m). Wa: kiiloomitirro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiloogaraam
m.l (-mo, m.dh) Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiloogaraam
m.l (-mo, m.dh) Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiloogaraam
-ka: (magac, lab, keli) halbeeg cufka ama culayska lagu cabbiro oo la mid ah 1000g.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liimoonaato
-da: (magac, dhedig, keli) cabbitaan laga sameeyey liin iyo biyo iyo sonkor: limonaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiillimaad
m.l Shiilidda wax la shiilo. la-mid: shiilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiillimaad
-ka: (magac, lab, keli) shiilaan; shiilliin.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biikoo-Faraad
Pico-Farad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xisbi hoosaad
-ka: (n) faction (faak-shiri) ~ farac xisbi