kiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiil
(Kiil-ka)
Beeg; miisaan; qiyaas; cabbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiil
kiil¹: m.l 1. Beeg; miisaan; qiyaas; cabbir. 2. Bilow ciyaareed (turub).
kiil²: f.g1 (-iilay, -iishay) 1. Wax cabbirid, beegid. 2. Ciyaar turub bilaabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiil
f.g1 (-iilay, -iishay) 1. Wax cabbirid, beegid. 2. Ciyaar turub bilaabid. m.f.dh, kiilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiil
m. n. grain-measure (by volume); load, cargo
kiil v. measure out (grain)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiil
-ka: (magac, lab, keli) beeg; miisaan. Dh: qiyaas, cabbir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kiile
magac loo baxsho wiil ay hooyadii cadaadis iyo wax ay raali ka ahayn la kulmaysay xilligay uurka lahayd. Waxa kale oo loo baxshaa wiil ay hooyadii dhib la kulantay kolkii ay foolanaysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilo
* (Kiila-da)
Kun garaamme culayskood; (kg.) (ama kiilogaraamme).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilo
kiilo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Kun garaam culayskood; kiilogaraam.
kiilo²: f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiilo
kiilo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Kun garaam culayskood; kiilogaraam.
kiilo²: f.g3 (-iishay, -iilatay) 1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho. m.f.dh, kiilasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiilo
f. n. kilogram
kiilo v. measure out the weight and volume for oneself; fill to the brim, load up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiilo
-kiilada: (n) kilogram (kiila-garaam)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KIILO
(It.) Chilogrammo
Kilogram, kilogramme
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goriilla
* Daayeerrada dadka lagu soo sooco oo adduunka kan ugu weyn; wuxuu ku nool yahay Afrika. Dhererkiisu wuxuu gaaraa labo mitir iyo ka kor, culayskiisuna 300 (saddex boqol) oo kiilogaraam. Wuxuu lee yahay: madax weyn, sur gaaban, indho yaryar, san dulal waaweyn iyo dhogor oogadiisa ku wada rogan. Dabo ma laha; (ama gooriilla).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilid
(Kiilid-da)
Beegid; cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilomitir
* (Kiilomitir-ka)
Kun mitir (km.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiintaal
* (Kiintaal-ka)
Boqol kiilogaraamme culayskood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Neberi
(Neberi-ga)
Nafleyda adduunka lagu arkay ama hadda joogta, kan ugu weyn oo ugu xoog badan; qaarkood, waxaa dhererkoodu gaaraa 100 cagood, culayskooduna 150 tan (= 1500 kiintaal ama 150 kun oo kiilo); Neberigu in kastoo uu badda ku jiro, haddana kalluun iyo libaax-badeed midna ma aha; dhasha neberigu, iyagoo nool bay dhashaan, hooyadood bayna caano ka nuugaan, sida kuwa birriga; (ama nibiri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qorrax
(Qorrax-da)
Qorraxdu waa kubbad weyn oo shidmaysa oo gaas iyo olol ah; waxay dhulkeenna ka weyn tahay malyuun jeer, kulkeeduna, meeleheeda qaarkood, waxaa lagu wadaa inuu gaari karo 20 malynun oo darajo (dhulkeenna meesha u kululi waa 60° darajo!). Qorraxdu waa xiddig weyn oo aad inooku dhow haddii xiddigaha kale loo eego; waxay inoo jirtaa 150 malyuun oo kiilomitir ku dhowaad, waa ay isku wareegtaa, 25kii maalmood iyo 9kii saacba kol. Sagaal meere oo dhulkeennu kamid yahay baa weheliya oo ku dulmeera; ~ cadceed; libdho; gabbal; qundhac; dhalco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tan
1. Qof ama wax dheddig oo qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo (sida: tan i sii; gabadhii meeday? Waa tan; ...) kolka ay magac ku xiriirsan tahay oo tilmaan u tahay, waxay noqotaa tan.
2. (*) (Tan-ka) Kun kiilograam ama toban kiintaal culayskood.
-tan — Ereyga tan kolka uu tilmaanta yahay oo magac ka dabadhaco; kolka magac qodob lihi ka horreeyo, inta ta'-da la tuuro baa la isku gaabin karaa (sida: naagtatan = naagtaan; maradatan = maradaan; hashatan = hashaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraasilad
m.dh (-do, m.l) Shay wax lagu miisaamo oo culayskiisu u dhigmo 16 kiilo ama 28 rodol. la-mid: faraasilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaamme
m.l 1. Kiilo kun meelood loo qaybiyey meel ka mid ah. 2. Raashin, hal meel xaq u leeyahay. la-mid: garaam, garaammo, garaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosarad
m.dh (-do, m.l) Timir 25 kiilo ah oo callaal, jawaan iyo wixi lamida ku jirta. la-mid: koosarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halbeeg
m.l (-gyo, m.dh) Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halbeeg H.C.
m.l (-yo H.C., m.dh) (xisaab) H.ga H.C. (Habka Caalamiga) waa hab caalamku ay wadajir ahaan isugu raaceen, loona adeegsado laamaha cilmiga. Habkani waxa uu ku salaysanyahay habka M.K.S. (mitir, kiilogaram iyo seken), waxanau beddelay habka C.G.S. (santimitir, garaam iyo seken) iyo F.B.S. (fuudh, bawnd iyo seken).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiraab
m.l (-bo/-byo, m.dh) 1. Kolay harag ama wax kale ka samaysan oo cuntada miraha ah lagu gurto. 2. Konton (50) kiilo oo timir ah oo jiraab caw ka samaysan ku jirta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarad
m.dh (-do, m.l) Kiish timirta lagu guro, wareegsan oo qaada 20-25 kiilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilad
m.l la-mid: kiilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la kiilay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilasho
m.f.dh eeg kiilo. la-mid: kiilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilayn
m.f.dh eeg kiilee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Wax kiilo ku cabbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iil
(Iil-ka)
1. Godka xabaasha dhinaciisa hoose oo inta la barbarqodo qofka dhintay la gesho.
2. Meel leexsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iil
iil¹: m.l (-lal, m.l) Meesha yar oo godka xabaasha dhinaceeda hoose ku taal oo qofka dhintay la dhigo.
iil²: f.g1 (iilay, iishay) Wax inyar weecin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iil
iil¹: m.l (-lal, m.l) Meesha yar oo godka xabaasha dhinaceeda hoose ku taal oo qofka dhintay la dhigo.
iil²: f.g1 (iilay, iishay) Wax inyar weecin. m.f.dh, iilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iil
v. turn aside; lean
iil: m. n. side-chamber of the grave, where the corpse is placed
iil: v., sg., simple past tense: I was (at ~ in a place)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iil
-ka: (n) grave (gareeyvf, especially where the corpse is placed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iil
-ka: (magac, lab, kel) meel cidhifkeed. Dh: baal, dhinac, barbar, gees.
iil-ka: (magac, lab, keli) godka xabaasha dhinaca hoose laga jeexo ee meydka la dhigo ama lagu dhababo, Dh: luxud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kii
Qof ama wax laysla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegeyn, oo lab.
-kii — a) Kii. b) Qodobka ka oo noqda -kii kolkuu ka dabadhaco magac qofka hadlaya iyo qofka lala hadlayo isla og yihiin ama yaqaanniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kii
kii¹: mu.ac.l kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tusaale: “Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay”: “Kii baa yimid”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kii
kii¹: mu.ac.l (kuwii, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tusaale: Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay. Kii baa yimid.
kii²: (-kii) q.l Qodob magac lab dib looga qodbo, kaasoo tilmaamaya waxay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin. Tusaale: Ninkii baa yimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kii
(qodob) qodob magac lab dib lagaga qodbo oo tilmaamaya wax ay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biil
biil¹: m.l Kharash maalmeedka ama bileed; masaruuf.
biil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Kharash maalmeed cid bixin; masaruufid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biil
biil¹: m.l Kharash maalmeedka ama bileed; masaruuf.
biil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Kharash maalmeed cid bixin; masaruufid. m.f.dh, biilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biil
m. n. maintenace money for daily expenses
biil v. give someone money for daily expenses, maintain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biil
-ka: (n) maintenance (meyn-ta- nansi); as of a family, with the necessities of life; support (sa-poort) ~ masaariif.
biil -ay/shay: (v) provide for or maintain, by supplying with money or necessities
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biil
(fal) masruuf sii. Bahda weyn iyo bahda yar isku si u biil. Dh: quudi, biili.
biil-ka: (magac, lab, keli) nafaqo ama quud siin. Dh: masruuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciil
(Ciil-ka)
Wax xun oo lays yeelay, kulka iyo ka xumaanshada iyo ka aargudasho doonidda, qofka wax loo dhimay ku abuuranta; umal; caro; dhirif: xanaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciil
ciil¹: m.l Dareen uurkutaallo leh oo ku dhasha qof marka lagu sameeyo wax uusan raalli ka ahayn. la-mid: ciifo.
ciil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Dareen uurkutaallo leh cid ku beerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciil
ciil¹: m.l Dareen uurkutaallo leh oo ku dhasha qof marka lagu sameeyo wax uusan raalli ka ahayn. la-mid: ciifo.
ciil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Dareen uurkutaallo leh cid ku beerid. m.f.dh, ciilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciil
v. disturb, make someone anxious, anger, embitter
ciil m. n. grief, anger, resentment, grudge
ciil v. shrink, fall, diminish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciil
-ka: (n) anger (ang ger); rage (reeyj) ~ xanaaq. —Syn: fury, ire, wrath, resentment, indignation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ciil
Risentimento
Resentment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciil
(fal) dhib oo caloolxumo ku reeb; ciil iyo tiiraanyo ku reeb. Wiilka maxaa loo ciilay?
ciil: (fal) hoos u dhac, aad u shiiq; sii baaba'a; ciir.
ciil -ka: (magac, lab, keli) dareen cadho iyo xumaan ah oo ka dhasha dulmi jawaab loo waayay; xumaan qofka wax loo dhimay ku abuuranta. Dh: umal, caloolxumo.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ciil
غَيْظَ، غَضَبٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diil
(Dii-sha)
Xirrib; tab; dhagar; xeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diil
diil¹: m.dh (-lo, m.l) Dhabbo; jid.
diil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Wax ciid, neef iyo wixi lamida ka buuxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diil
f. n. long animal track ~ path
diil [feminine] n. stripe, line
diil [feminine] n. cunning, trickery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diil
-sha: (magac, dhedig, keli) farsamo iyo xeelad cid kale lagaga badin karo. Diil hayaa wax diida. Dh: xirrib, il; tab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiil
m.l Midab cad oo geela iyo farduhu yeeshaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiil
(fal) geed, soo bax oo biqil.
fiil-ka: (magac, lab, keli) baarka yar ee aadka u qoyan ee geeduhu bixiyaan kolka roobku ku da'o. Dh: magool, fiile, filo.
fiil-ka: (magac, lab, keli) midab geel oo caddaan ah; waxa la yidhaahdaa geela fiilka ahi adkaysi ma laha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiil
1. (Hiil-ka) Labo qof oo la kala godobsado oo mid, af ama addin wax laga taro, si uu kan kale uga adkaado; hiillo; danaano.
2. (Hii-sha) a) Digo ama saalo badan oo xeryaha ariga ku ururta. b) Geed yar oo xoolaha cuna caanohooda xaraar ka dhiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiil
hiil¹: m.l Taageero la siiyo laba qof ama ka badan oo wax isku haysta midkood. la-mid: hiillo.
hiil²: f.mg1 (-lay; -iishay) la-mid: hiili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hįil
m.dh Digo xoolaad oo uruurtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiil
m.l Taageero la siiyo laba qof ama ka badan oo wax isku haysta midkood. la-mid: hiillo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiil
f. n., (mass n.): sheep ~ goat dung
hiil m. n. support, partisanship, siding with one's friends ~ relatives
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HIIL
(Hil) N Vernonia cinerascens Sch.Bip. Compositae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiil
-hiisha: (n) dung (dhang); manure (manuur) ~ digo
hiil -ka: (n) partiality; partisanship to a person or faction; favoritism ~ hiillo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiil
-ka: (magac, lab, keli) labo dhinac oo dagaalamaya, garabsiin iyo tageero dhinac lala garab joogsado. Hiil iyo hoo ba waad iga helaysaa. Dh: gurmad, hiillo, danaaano.
hiil-sha: (magac, dhedig, keli) digo ama saalo badan oo xeryaha adhiga ku ururta. Dh: digo, gujuf.
hiil-sha: (magac, dhedig, keli) geedgaab xooluhu. ay daaqaan oo caanahooda khadhaadheeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiil
(Jiil-ka)
1. Lakab xalleef ah iyo qolfo qallalan oo afku yeesho kolka la harraado ama la bukoodo; luun.
2. Wax afka lagaga xiro dhasha yaryar oo xoolaha, si ayan wax u nuugin; sees; afduub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiil
jiil¹: m.l 1. Qolof bushimaha kor fuusha marka oon ama xanuun ku yimaado. 2. (-lal, m.l) Qoryo fiiqfiiqan, si farsamo ah loo habeeyey oo nirgaha afka looga xiro. 3. Dalab. 4. (-lal, m.l) Fac.
jiil²: f.g1 (-iilay, -iishay) Nirgo qoryo fiiqfiiqan oo si farsamo ah loo habeeyey si aysan wax u nuugin gafuurka uga xirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiil
m.l 1. Qolof bushimaha kor fuusha marka oon ama xanuun ku yimaado. 2. (-lal, m.l) Qoryo fiiqfiiqan, si farsamo ah loo habeeyey oo nirgaha afka looga xiro. 3. Dalab. 4. (-lal, m.l) Fac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiil
m. n. splint; gag over mouth of young animal to prevent it from suckling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiil
-ka: (n) generation (jena reey-shin) ~ fac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiil
(fal) nirgo inay hooyooyinkood jaqaan loog acabsanayo, qori afkaga xidh.
jiil-ka: (magac, lab, kali) qoriga yar oo afka lagaga xidho nirigaha si looga ilaaliyo inay jaqaan hooyadood. Dh: cafuuf.
jiil-ka: (magac, lab, keli) marka gabadhu tagto reerkooda ee ay muddo maqnaato waxa laga soo raaciyo ama laga soo siiyo reerkooda. Dh: dhibaad.
jiil -ka: (magac, lab, keli) dad cimri isku soo gaadhay oo casri keliya wada nool. Dh: fac.
jiil -ka: (magac, lab, keli) qolof bushimaha kor fuusha marka oon ama xanuun ku yimaaddo qofka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiil
de: splint; gag over mouth of young animal to prevent it from suckling
lx: jiil
pd: (-ka Pl: jiilal (ka))
ps: n4-m
key: jiil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiin
-kiin
Kiinna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiin
kiin¹: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tusaale: “Wuu iga kiin waday”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiin
mu.dhm.ly Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tusaale: Wuu iga kiin waday.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kiin
name-f beautiful; friendly; sociable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiin
-ka: (magac, lab, keli) cayaar nambarro bakhtiyaanasiib ah lagu dheelo oo la isku tirsado. Dh: haws.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiir
-ka: (magac, lab, keli) bir sida giraanta baaskiiladda ah oo lagu xidhay bir qaacwada ah oo afka loo geliyey dab la wareejiyo oo neefta ka samaysanta lagu buufiyo dabkaas oo biraha la tumayo lagu caddeeyo. Kiirka wareeji oo dabka ku shid birtu ha caddaato si loo tume e'. Wa: kiirar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiis
(Kiis-ka)
Kolay; kiish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiis
kiis¹: m.l (-sas, m.l) 1. Dacwad maxkama-deed. 2. la-mid: xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.
kiis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Wax cidid. 2. Dad mag lagu leeyahay xoolo ka xereyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiis
kiis¹: m.l (-sas, m.l) 1. Dacwad maxkamadeed. 2. la-mid: xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.
kiis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Wax cidid. 2. Dad mag lagu leeyahay xoolo ka xereyn. m.f.dh, kiisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiis
v. fill up
kiis m. n. court case, lawsuit
kiis m. n. bag, case
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiis
-ka: (n) case (keeys)-, an argument offered in support of a claim ~ arrin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiis
-ka: (magac, lab, keli) maro la tolay oo wax lagu rito. Dh: kiish
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kill
/kil/ (v) 1. dil (gudha ka jarid) 2. waqti dilid (waqti dhumin) e.g. kill time. 3. laba shimbirood hal dhagax ku dilid (laba natiijo hal ficil ka helid). e.g. Kill two birds with one stone.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
kill
v.tr., dil, nafta ka qaad, kaga caqbal, ka kawsii, ka kudi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liil
(Lii-sha)
1. Sooh wanaagsan; mayrax jilicsan oo aan go'in.
2. Waxtar danbe oo loo aayo; cirib; meecaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liil
m.dh 1. Dun mayraxeed oo adag. 2. L. ah: wax adkaysi leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liil
m. n. strong thread ~ fiber
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liil
cf: dun, mayrax
de: strong thread ~ fiber
lx: liil
pd: (/sha Pl: liilal (/sha))
ps: n4-m
key: liil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miil
(Miil-ka)
1. Cabbir dherer le'eg 1609,35 mitir ama 1760 yaardi; mayl.
2. Labada madax oo markabka ama doonnida midkood.
3. Markab weyn oo badaha isaga gudba oo waqti la yaqaan ku socda.
4. Ciyi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miil
m.l (-lal, m.l) 1. Labada madax oo markabka ama doonta midkood. 2. Hilibka la siiyo deriska marka la shiraysto. 3. Hilib dhinacyada geela laga gooyo. 4. la-mid: mayl.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miil
m.l (-lal, m.l) 1. Labada madax oo markabka ama doonta midkood. 2. Hilibka la siiyo deriska marka la shiraysto. 3. Hilib dhinacyada geela laga gooyo. 4. la-mid: mayl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miil
m. n. mile
miil m. n. stern, poop deck (of a large ship)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miil
-ka: (magac, lab, keli) hilib habeen la qasho. Miil waa ka baryay ninkii qaataa liita. Dh: ciyi.
miil-ka: (magac, lab, keli) qayb ka mid ah cunto la kala qaybiyay oo qaybba meel loo xidhay. Miil kaagii wakaa halkaa yaal ee qaado. Dh: sad, qayb.
miil-ka: (magac, lab, keli) qiyaas lagu cabbiro dhererka oo 1 miil uu u dhigmo 1609.35 mitir ama 5,280 feet ama 1,760 waar. Dh: mayl.
miil-ka: (magac, lab, keli) markab xamuul ah oo wayn oo dad iyo shixnad ba qaada. Sida may ka soo baxay hindiya marinnadii jaawa. Dh: markab.
miil-ka: (magac, lab, keli) laba madax oo ay maraakiibta, iyo doonyuhu leeyihiin midkood. Milka markabka arag. Dh: mayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niil
m.l Feeraha geel saddexda ugu dambaysa oo xiga lugta dambe; mayraq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Niil
pr. n., loc. Nile River