kibris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibris
m.l la-mid: kibrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibis
(Kibis-ta)
Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo ama caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo, la dubo; laxoox; rooti; muufo; (ama kimis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibis
m.dh (-bso, m.l) Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo, caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo la dubo; muufo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibis
f. n., (mass n.): bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibis
-ta: (magac, dhedig, keli) cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo caano ama wax kale lagu qaso oo qaabab badan loo dubo. Dh: kimis, loxoox.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibis
a: kimis
de: bread
lx: kibis
pd: (-ta Pl: kibso ~ kibiso (/ha))
ps: n3-f-mass, n1-f
key: kibis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibri
f.mg2 (-iyay, -isay) Cid kibir ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kibri
f.mg2 (-iyay, -isay) Cid kibir ku abuurid. m.f.dh, kibrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibri
v. make someone conceited, haughty ~ proud; spoil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kibri
-yey / say: (v) pamper (paam-per); indulge (in dhalj); spoil (ispooyl). Ex: carruurtii by kibriyee; they pampered their child
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibri
de: make s.o. conceited, haughty ~ proud; spoil
lx: kibri
nt: kibrin (ta) [vn-f], kibris (ka) [vn-m]
pd: (kibriyey)
ps: v2a=tr
key: kibri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibrid
(Kibrid-da)
Kibir ku kicid; qof kibrey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibrid
m.f.dh eeg kibir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibrid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir ku dhicid; qof kibrey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibrin
(Kibrin-ta)
Kibir ku abuurid; qof kibrey ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibrin
m.f.dh eeg kibri. la-mid: kibris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibrin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, kibir ku abuurid; qof kibrey ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir ku dhicid; qof kibray noqosho. Dh: kibrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibriid
m.l la-mid: kabriid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibriid
-ka: (magac, lab, keli) qoryo yaryar oo afka baaruud lagaga marqay oo dabka laga shito. Dh: kibriid, tarraq, qaraf, kebtiid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ibis
/aybis/ (n) shimbir weyn oo laga helo meelaha biyo galeenka ah iyo cimilada kulul.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iris
Kurux
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Iris
Kurux
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
iris
(n) the colored, round, membrane of the eye, situated between the cornea and lens.
xayuubka midabka leh ee wereegsan isha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
iris
/ayris/ (n) 1. bu'da isha (birta isha) 2. ubax qurxoon.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
iris
iris, n.m. - qaybta madow ee isha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiis
(Kiis-ka)
Kolay; kiish.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiis
kiis¹: m.l (-sas, m.l) 1. Dacwad maxkama-deed. 2. la-mid: xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.
kiis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Wax cidid. 2. Dad mag lagu leeyahay xoolo ka xereyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiis
kiis¹: m.l (-sas, m.l) 1. Dacwad maxkamadeed. 2. la-mid: xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.
kiis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Wax cidid. 2. Dad mag lagu leeyahay xoolo ka xereyn. m.f.dh, kiisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiis
v. fill up
kiis m. n. court case, lawsuit
kiis m. n. bag, case
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiis
-ka: (n) case (keeys)-, an argument offered in support of a claim ~ arrin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiis
-ka: (magac, lab, keli) maro la tolay oo wax lagu rito. Dh: kiish
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abris
(Abris-ka)
1. Halaqa waabaayada leh jaad ka mid ah.
2. Halaq duqoobey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abris
m.l (-syo, m.dh) Halaq madow oo gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo dabada wax ku qaniina inta badanna aan suntiisa laga kicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abris
m.l (-syo, m.dh) Halaq madow oo gaaban oo waabaayo halis ah leh, oo afka iyo dabada wax ku qaniina inta badanna aan suntiisa laga kicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abris
m. n. poisonous snake species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abris
-ka: (n) a large poisonous snake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abris
-ka: (magac, lab, keli) halaq gaboobay oo leh sun gaamurtay geesihiisu na guradiisa ka soo muuqdaan. Afka iyo adabada ayuu wax ku qaniinaa, suntiisana badanaa lagama tooso. Abris guriga kuu jiifa iyo arammi kuu laaban, ul haddaanad kaga saarin iyo eebo iyo qaylo, abtirsiinya kaagama tagiyo ina'adeerow e. Wa: abrisyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abris
de: poisonous snake sp.
lx: abris
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: abris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biris
-ta: (magac, dhedig, keli) hurinta dab yar. Dh: bidhis, daaris, huris. Li: demis, bakhtiis.
biris-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhid.
biris -ta: (magac, dhedig, keli) leexista ama laabista walax fidsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibis
(ereycodeed) awrta lagu yidhaa oo lagu amarayo inuu lugaha isku keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibri
f.g2 (-iyay, -isay) Cid dibir ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibri
(fal) ledeg oo xambaaree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diris
(Diris-ta)
Meel u dawis; meel aadsiis; dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diris
m.dh la-mid: dirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diris
vl. n. act of sending
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diris
de: act of sending
lx: diris
pd: (-ta)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: diris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firis
-ta: (magac, dhedig, keli) timo iyo wax la mid ah, saqaf ama wax kale ku kala saarid. Dh: fidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hirid.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Iblis
le Diable.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibrin
-ka: (magac, lab, keli) aqal iyo wax la mid ah, afaafka laga galo. Ibrinka ka durug ha la maree. Dh: kadin, afaaf, irrid, albaab, af.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibis
(Iibis-ka)
Iibinta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibis
m.l la-mid: iibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibis
vl. n. buying, selling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibis
-ka: (n) the act of selling (seeling) ~ gadid -da, iibin -ta.
soo iibiska: (n) the act of purchasing (peerjaasing)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibis
de: buying, selling
lx: iibis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: iibis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala jabay ama kala go'ay isu keenistii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karis
(Karis-ka)
Karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karis
m.l la-mid: karin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karis
vl. n. ability, being able
karis vl. n. act of cooking ~ boiling; cookery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karis
-ka: (n) cooking (kuuking); Ex: cunta karinka; the cooking of the food ~ karin, karsi-ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karis
-ka: (magac, lab, keli) cunto karin. Karis xun iyana wax ku la'.
karis-ka: (magac, lab, keli) cunto, hadhuudh la buunshabixiyay oo la kariyey. Karis ninkii ciir looga daray saw dibbiri maayo.
karis-ta: (magac, dhedig, keli) wax qabad awoodis. karista: (magac, dhedig, keli) si fiican ugu dhawaaqis oo aan laxni lahayn.
karis-ta: (magac, dhedig, keli) walax af ay wax ku jarto leh; shey wax goyn awooda. Mindi karis lahayni kurusna ma goyso.
karis -ta: (magac, dhedig, keli) wax kaa dalooshamay karin ku tolistii.
karis-ta: (magac, dhedig, keli) lisidda xoolaha. Karis geel nimaan aqoon gorof looma dhiibto.
karis -ta: (magac, dhedig, keli) kulayl dartii is la rogrogid, la daadasho kulayl awgiis. Kildhiga karista kulaylkaa ka keenay. Dh: faxis, baylis.
karis-ta: (magac, dhedig, keli) dibbiro buuxsamis. Xabagtii cadaaddaa karis ii keentay.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
karis
طَهُو، طَبْخ، اقْتِدارِ، اسْتِطَاعَةَ، إِمْكَانٍ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibin
(Kibin-ka)
Qol markab ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibin
m. n. cabin (in a ship)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibin
-ka: (magac, lab, keli) qol markab ku yaalla. Dh: qol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibin
de: cabin (in a ship) {Eng}
lx: kibin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibir
(Kibir-ka)
Qab iyo islaweyni foolxun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibir
kibir¹: m.l Qab iyo islaweyni.
kibir²: f.mg1 (-bray, -birtay; -bri) Qab iyo islaweyni muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kibir
kibir¹: m.l Qab iyo islaweyni.
kibir²: f.mg1 (-bray, -birtay; -bri) Qab iyo islaweyni muujin. m.f.dh, kibrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibir
m. n. pride, arrogance, conceit
kibir [inchoative] v. be arrogant, get conceited
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kibir
-ka: (n) overbearing pride; insolence (in sa lansi); arrogance (aar-ro gansi); conceit (kon siif)
kibir -kibray / kibirtay: (v) become arrogant or insolent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibir
-ka: (magac, lab, dhedig) isla weyni, dhaqan qofku isu arko inuu dadka ka mudan yahay ama ka sarreeyo. Kibirka waa lagu kufaa ee ragoow ha la ogaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kimis
(Kimis-ta)
Rooti; laxoox; muufo; (ama kibis).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kimis
f. n. bread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kimis
-ta: (n) bread (bareedh) ~ rooti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kimis
-ta: (magac, dhedig, keli) calafka uu leeyahay nooluhu inta uu dunida joog. Kimistii la ii qoray anoon laasan kadabkayga, kodadii horteed inaan dhintaa kaafka kuma taal. Dh: kadab.
kimis-ta: (magac, dhedig, keli) cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo caano ama wax kale lagu qaso oo qaabab badan loo dubo. Dh: loxoox, kibis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kimis
a: kibis
de: bread
lx: kimis
pd: (-ta Pl: kimisyo ~ kimso)
ps: n2-f, n3-f
key: kimis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirib
m.l la-mid: kareeb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirib
-ka: (magac, lab, keli) dhar jilacsan, midab leh oo qurxan oo haweenku qaataan. Dh: kareeb.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koris
m.l la-mid: korin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koris
-ta: (magac, dhedig. keli) dheeraansho; weynaansho; koritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libri
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: libdhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libri
v. cause to disappear, make vanish; hide
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libri
de: cause to disappear, make vanish; hide rw: libir
lx: libri
pd: (libriyey)
ps: v2a=tr
key: libri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miris
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagax cid ama meel si xawli ah ugu tuurtuurid. Mirista dhagaxa xaafadaha ha laga daayo. Dh: aa'id dhagxin, mirid, shiidid.
miris -ta: (magac, dhedig, keli) habeen daajin oo xoolo eegid. Mirista xoolaha carruur looma diro. Dh: mirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiris
tiris¹: m.l la-mid: tirin.
tiris²: m.dh la-mid: tirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiris
vl. n. cancelling; wiping (out), erasing
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tiris
Conteggio
Counting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg tirinta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiris
de: cancelling; wiping (out), erasing
initial: t
lx: tiris
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tiris
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wiris
m.dh Shimbir la shaqaysa herinta; maras.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg xidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yibis
-ka: (magac, lab, keli) calool istaag dadka ku dhaca oo sindhadu sidii dabiiciga ahayd u iman weydo. Yibis baa ilmaha ku dhacay.
yibis -ka: (magac, lab, keli) cunto aan caano iyo dufan midna lahayn. Dh: yaamis, yaabis, qarax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biiris
biiris¹: m.l la-mid: biirin.
biiris²: m.dh la-mid: biirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biiris
vl. n. accumulation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biiris
-ta: (n) the act of joining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku darsamid. Dh: biirid.