kibriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibriid
m.l la-mid: kabriid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibriid
-ka: (magac, lab, keli) qoryo yaryar oo afka baaruud lagaga marqay oo dabka laga shito. Dh: kibriid, tarraq, qaraf, kebtiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibrid
(Kibrid-da)
Kibir ku kicid; qof kibrey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibrid
m.f.dh eeg kibir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibrid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir ku dhicid; qof kibrey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabriid
(Kabriid-ka)
Qolof ay ku jiraan qoryo yaryar oo dhuudhuuban oo mid walba madaxa loo marshey baaruud ama wax la mid ah oo daarma kolka meel lagu xoqo; tarraq; qaraf; (ama kebriid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabriid
m.l (-ddo, m.dh) Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. la-mid: kebriid, kibriid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabriid
m. n. match; matches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabriid
-ka: (n) match (rnaaj) stick ~ taraq, kebriid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabriid
-ka: (magac, lab, keli) qoryo yaryar oo afka loo mariyey baaruud oo qardaas yar lagu riday oo dabka laga huriyo ama laga shido. Kibriid innoo rida oo kildhi shaaha innoo kariya. Dh: qaraf, tarraq. Wa: kabriiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabriid
bw: kebriid
de: match; matches
lx: kabriid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: qaraf, tarraq
key: kabriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebriid
(Kebriid-ka)
Kabriid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kebriid
m.l la-mid: kabriid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kebriid
m. n. match; matches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kebriid
-ka: (n) match (maaj); matchstick ~ taraq, kabriid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kebriid
-ka: (magac, lab, keli) qolof ay ku jiraan qoryo yaryar oo dhuudhuuban oo mid walba madaxa loo marshey baaruud ama wax la mid ah oo daarma kolka meel lagu xoqo. Dh: tarraq, qaraf, kabriid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kebriid
a: kabriid
de: match; matches
lx: kebriid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kebriid
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fiammifero
s.m. - tarraq, kibriid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kac
(fal) is taag; sare u joogso. Dh: istaag. Li: fadhiiso.
kac: (fal) hurdo ka toos. Hurdada ka kac oo danahaaga qabso.
kac: (fal) xoolihii aad haysatay ka farabbax; lacagtu ha kaa dhammaato. Dh: caydhow.
kac: (fal) «dhul iyo wixii la mid ah», sare u soo food oo soo buuro.
kac: (fal) «meel ama dhinac» aad. Dhankaa iyo Beledweyn ayuu ciidankii u kacay.
kac: (fal) «roob iyo wixii la mid ah», joogso oo qaad. Waa goor aan dhardannay, kolkuu roobku naga kacay.
kac: (fal) «da' ama fac isku waqti ah», kor oo weynaw. Dhallinyar fiican baa dalkeenna u kacday.
kac: (fal) «matoor iyo wax la mid ah», istaadhan oo wareego. In badan buu yaalloo, way adag tahay sidii gaadhigu u kaco.
kac: (fal) «bad, dabayli ha ku gasho oo lulan. Xilliga xagaaga baddu way kacdaa.
kac: (fal) «siigo iyo boodh», samada isku shareer. Gaadhigii inna dhaafay baa siigada innagu kiciyay.
kac: (fal) fardo iyo wixii la mid ah», aad u orod. Faras kacsan baad na jidhsiisay.
kac: (fal) xanuunka sonkorta iyo wixii la mid ah, intii xadkaagu ahaa, ka sarray oo ka biir. Sonkortaa igu kacsan maanta.
kac: (fal) qiimaha badeecad lagu gado», qaali nogo oo sicirkaagu hakordho. Shidaalku ayaamahan wuu kacay.
kac: (fal) haad iyo wax la mid ah», duul oo hawada jibaax. Shinbiro badan baa guriga dushiisa ka kacay
kac: (fal) qof ama dad, (ka ~), cadhoo oo dhirif Waxaan ka kacay: sida xun oo uu iila hadlay.
kac: (fal) «muran, dagaal iyo wax la mid ah, (ka ~), bilaaban. Wuxuu khilaafku ka kacay weyl yar oo waraabe cunay.
kac: (fal) «shir, heshiis iyo wixii la mid ah, ka ka teg oo ka bax. Ergadii, shirka way ka baxday.
kac: (fal) ula, wax ula kas iyo ula jeeddo u samee. Aqallada gutaankoogu ula kac buu ahaa.
kac: (fal) la col dagaal ku jiray, ka adka. Ciidankii cadawga waa lala kacay.
kac: (fal) duco ama habaar», ha lagu arko oo aqbal noqo. Awoowo, ducadiisu way kacdaa.
kac: (fal) dab iyo wax la mid ah», meel qabsooo huri. Dabka xaafadda gubay, wuxuu ka kacay kibriid.
kac (fal) «miino iyo wax aasnaa», cid ku qarax. Gaadhigii naga horreeyay ayay miino la qaraxday.
kac-da: (magac, dhedig, keli) subaxa hore. Kacda hore anoo kood u baxay ma i katiineeyey. Dh: subax, muuni, hiir, salaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarraq
-a: (magac, lab, keli) qoryo yaryar oo kartoon ku jira cadcadna oo madax madow oo wax lagu shido ama lagu daaro. Taraq ii soo iibi aan faynuuska ku shido. Dh: kibriid, qaraf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibri
f.mg2 (-iyay, -isay) Cid kibir ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kibri
f.mg2 (-iyay, -isay) Cid kibir ku abuurid. m.f.dh, kibrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibri
v. make someone conceited, haughty ~ proud; spoil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kibri
-yey / say: (v) pamper (paam-per); indulge (in dhalj); spoil (ispooyl). Ex: carruurtii by kibriyee; they pampered their child
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibri
de: make s.o. conceited, haughty ~ proud; spoil
lx: kibri
nt: kibrin (ta) [vn-f], kibris (ka) [vn-m]
pd: (kibriyey)
ps: v2a=tr
key: kibri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriid
m.dh la-mid: cirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciriid
-da: (magac, dhedig, keli) meesha cadceedu aad ubkululaysay. Dh: bacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ibriiq
(Ibriiq-a)
Weel biyaha iyo wixii la mid ah, lagu karsho, oo siddo iyo naas leh ~ kirli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibriiq
m.l (-qyo, m.l/dh) Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iyo wixi lamida oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibriiq
m.l (-qyo, m.l/dh) Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iyo wixi lamida oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ibriiq
m. n. kettle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibriiq
-qa: (magac, lab, keli) weel yar oo sida kildhiga ah oo biyaha waysada lagu shubto. Dh: wayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ibriiq
bw: Arabic
cf: kirli
de: kettle
lx: ibriiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: ibriiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiriid
(Jiriid-ka)
Daamanka dabadooda mid kamid ah; jaqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiriid
m.l (-ddo, m.dh) Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiriid
m.l (-ddo, m.dh) Lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiriid
m. n. bone of the back of the jaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhuudh la ridqay intiisa xabuubka ah. Dh: budo.
jiriid -ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah gowsaha ugu danbeeya ee xooga badan leh.
jiriid-ka: (magac, lab, keli) lafta daanka ee dhegta ka hoosaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiriid
de: bone of the back of the jaw
lx: jiriid
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: jiriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibrin
(Kibrin-ta)
Kibir ku abuurid; qof kibrey ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibrin
m.f.dh eeg kibri. la-mid: kibris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibrin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, kibir ku abuurid; qof kibrey ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibris
m.l la-mid: kibrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiriir
m. n. grain of seed, pip; corpuscle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiriir
-ta: (magac, dhedig, keli) geedcaleemaad yar oo leh qodxo iyo iniino kulkulucsan. Dh: xumboo, xumboox, kiriiri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiriir
de: grain of seed, pip; [ext.] corpuscle
lx: kiriir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kiriir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Librid
(Librid-da)
Libdhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
librid
m.dh la-mid: libdhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
librid
(magac, dhedig, keli) eeg libdhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cifriid
m.l la-mid: cirfiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cifriid
m. n. demon, devil, evil spirit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cifriid
-ka: (magac, lab, keli) jinni xun. Dh: cirfiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cifriid
a: cirfiid
bw: Arabic
de: demon, devil, evil spirit
lx: cifriid
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cifriid
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
fibroid
(n) resembling or composed of fibrous tissue,
u eg tahar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jibriil
name-m servant of God or Cabdullaah; biblical Gabriel; angel of God
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir ku dhicid; qof kibray noqosho. Dh: kibrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bibjirid
-da: (magac, dhedig, keli) dibjir noqosho; saaqidid oo suuqa barasho. Waa in carruurta dibjiridda lagala dagaallamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibbirid
(Dibbirid-da)
Calool fuurid, dabayl gudaheeda ka samaysantay darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibbirid
m.f.dh eeg dibbir².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dibbirid
-da: (v) 1. excessive fullness of stomach with food or gas, 2. (adj) extremely angry, Ex: caruu la dibbiray; he got extremely angry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibbirid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto aad u cunis oo aad u dhergid. Dh: dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibjirid
(Dibjirid-da)
1. Habeen dhan qadoodi ku seexad.
2. (xoolo) dibad ku baryid; dibboodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibjirid
m.f.dh eeg dibjir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digriyid
(Digriyid-da)
Digriga wadaaddada dariiqooyinku hadba qabtaan, maamulkiisa iyo samayntiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digriyid
m.f.dh eeg digri². la-mid: digri¹, dikri¹, dikriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dikriyid
m.f.dh la-mid: digriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dikriyid
-da: (magac, dhedig, keli) digri akhriyid; duco iyo Allabari aan sabab lahayn samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbisid
(Kabbisid-da)
Kebbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisid
m.dh la-mid: kebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbisid
-a: (magac, lab, keli) ciid cusub ku adkayn oo ku tumid; carro biyo lagu rusho ka dibna la nabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarid
(Kabrarid-da)
Xalxalid; bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarid
m.f.dh eeg kabrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarid
-da: (magac, dhedig, keli) barar badan. Dh: xalxal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabtiyid
(Kabtiyid-da)
Ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabtiyid
m.f.dh eeg kabti².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) roorid; ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawrixid
(Kawrixid-da)
Kawrax noqosho; kafafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixid
m.f.dh eeg kawrax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixid
-da: (magac, dhedig, keli) kawrax noqosho. Dh: kafafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebbisid
(Kebbisid-da)
Kebbis u yeelid; (ama kabbisid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kebbisid
m.f.dh eeg kebbis². la-mid: kabbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kebbisid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kebbisan ka dhigid. Dh: kabbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kilkilid
(Kilkilid-da)
Si xoog iyo dadaal leh, waran ama samayo u ruxid, u ridid; dedejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kilkilid
m.f.dh eeg kilkil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kilkilid
-da: (magac, dhedig, keli) dab shidid oo balbalin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kirikidh
-ka: (n) [Sports] cricket (kirikit)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirkirid
(Kirkirid-da)
Mindi ama qalab kale oo aan af lahayn wax ku goynteed ku celcelin; kirkir u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirkirid
m.f.dh eeg kirkir³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirkirid
-da: (magac, dhedig, keli) mindi ama qalab kale oo aan af lahayn wax ku goynteed oo ku celcelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixid
m.f.dh eeg kowrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufriyid
(Kufriyid-da)
Kufri noqosho; gaaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufriyid
m.f.dh eeg kufri². la-mid: kufrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufriyid
-a: (magac, dhadig, keli) diinta Islaamka ka bixid. Dh: gaaloobid. Li: muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifrifid
m.f.dh eeg rifrif².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigid
m.f.dh eeg rigrig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama weel afkiisa tolmo tidic ah ku samayn; afka ka adkayn tolmo afka kaga tolid. Masaftani rigrigid bay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tifrimid
m.f.dh eeg tifrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tifrimid
-da: (magac, dhedig, keli) hal hogol horaad gu' rintay; hal awr mudatay oo horay ka ilmo-qabsatay ama geel u goojo horraysa. Hashu way tifrintay. Dh: haleelarin, tifrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirrigid
-da: (magac, dhedig, keli) fiddigid, engegida.