kibiscun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibiscun
-ka: (magac, lab, keli) qof kibis ku nool ah. Dh: kimiscun, laxooxcun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kimiscun
(Kimiscun-ka)
Wiil aan weli suqayar gaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kimiscun
m. n., idiom: little boy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kimiscun
de: little boy Lit: eating bread
lx: kimiscun
pd: (-ka)
ps: n2-m-idiom
key: kimiscun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibin
(Kibin-ka)
Qol markab ku yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibin
m. n. cabin (in a ship)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibin
-ka: (magac, lab, keli) qol markab ku yaalla. Dh: qol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibin
de: cabin (in a ship) {Eng}
lx: kibin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kibin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibis
(Kibis-ta)
Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo ama caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo, la dubo; laxoox; rooti; muufo; (ama kimis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibis
m.dh (-bso, m.l) Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo, caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo la dubo; muufo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kibis
m.dh (-bso, m.l) Cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo, caano ama wax kale lagu qaso oo dabadeed inta qaabab badan loo yeelo la dubo; muufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibis
f. n., (mass n.): bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibis
-ta: (magac, dhedig, keli) cunno laga sameeyo bur ama budada badarka oo biyo caano ama wax kale lagu qaso oo qaabab badan loo dubo. Dh: kimis, loxoox.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibis
a: kimis
de: bread
lx: kibis
pd: (-ta Pl: kibso ~ kibiso (/ha))
ps: n3-f-mass, n1-f
key: kibis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciilcun
(Ciilcun-ka)
Ciil badan oo isgaargaarey ama wax badan uurka lagu haystey oo raagey; ciilqab weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilcun
ciilcun¹: m.l la-mid: ciilcunid.
ciilcun²: f.mg1 (-nay, -ntay) Muddo badan ciil qabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciilcun
v., [compound] feel anxious ~ disturbed, be embittered ~ eaten up by anger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciilcun
-ay / tay: (v) be consumed by anger; feel rage, anger or resentment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciilcun
-ka: (magac, lab, keli) ciil isgaadhay oo uurkaaga ku raagay, qabitaan. Dh: ciilqab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciilcun
de: feel anxious ~ disturbed, be embittered ~ eaten up by anger
lx: ciilcun
pd: (ciilcunay)
ps: v1=cmp
key: ciilcun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof kibray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kibirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof kibray ahaansho. m.f.dh, kibirsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kibirsan
der. [adjective] arrogant, conceited, proud
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kibirsan
-aa: (adj) insolent (in so lant); arrogant (aar-ro-gent)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirsan
(tilmaame) qof kibir hayo; qof qab weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kibirsan
de: arrogant, conceited, proud
lx: kibirsan
pd: (kibirsanaa)
ps: adj-der
key: kibirsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilibcune
m.l (-nayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Xayawaan quuta cunto ka timid xayawaan. Hilib cunayaashul waxay leeyihiin ilko fiiqfiiqan oo si fiican u jar jari kara hilibka. Tusaale: libaaxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilibcune
m.l (-nayaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) xayawaan quuta cunto ka timid xayawaan. Hilib cunayaashul waxay leeyihiin ilko fiiqfiiqan oo si fiican u jar jari kara hilibka. Tusaale: libaaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbisiin
(Kabbisiin-ta)
Kebbisiin; kebbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisiin
m.f.dh eeg kabbisii. la-mid: kebbisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) halmar qof cabbitaan la cantuujinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebbisiin
(Kebbisiin-ta)
Caano ama wax kale in kabbo le'eg ka siin, afka u saarid, dhadhansiin; (ama kabbisiin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kebbisiin
m.dh la-mid: kabbisiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibiraani
-ga: (magac, lab, keli) qof qab weyn. Dh: kibraani.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kiristaan
-ka: (n) Christian (kirisshan)-, a Christian male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kiristaan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg kirishtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibirsanaan
m.f.dh eeg kibirsan. la-mid: kibirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kibir hayo oo qab weyn ahaan.