khulaasayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khulaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan, gabagabayn ama soo koobid. Li: faahfaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khilaawayn
(Khilaawayn-ta)
Khilaawo gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khilaawayn
m.f.dh eeg khilaawee. la-mid: qalwayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khilaawayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidlo ah, ku cibaadaysad; khilaawo gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khusayn
m.f.dh eeg khusee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khusayn
-ta: (n) concern (ken-seen); relevance (relavansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khusayn
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin, qof la xidhiidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaaqan
(fal) dab, qiiqaab; soo hur.
hulaaqan: (tilmaame) yalaalugaysan oo calooshu dhaqdhaqaaqayso.
hulaaqan -ka: (magac, lab, keli) hulaaqan; huritaan; qiiqaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kulmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax kulmay ahaansho. m.f.dh, kulansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulansan
der. [adjective] gathered, assembled; united
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulansan
-aa: (adj) assembled; gathered
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulansan
(tilmaame) meel isugu yimid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulansan
de: gathered, assembled; united
lx: kulansan
pd: (kulansanaa)
ps: adj-der
key: kulansan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) culaab u yeelid; culaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaamayn
m.dh la-mid: khayaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, sirid. Dh: dhagrid, khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khayaanayn
(Khayaanayn-ta)
Khatalid; sirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanayn
m.f.dh eeg khayaanee. la-mid: khayaamayn, khiyaamayn, khiyaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, siyaasadayn oo khiyaamayn. Dh: qiyaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khilaafsan
1. Ka duwan; ka dhigan; weydaarsan.
2. Aan oggolayn; diiddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khilaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax, wax kale ka duwan ahaansho. 2. Arrin iyo wixi lamida waxaan raacsaneyn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khilaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax, wax kale ka duwan ahaansho. 2. Arrin iyo wixi lamida waxaan raacsaneyn ahaansho. m.f.dh, khilaafsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khilaafsan
der. [adjective] different; disagreeing, contradicting; opposed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khilaafsan
(tilmaame) mid aan wax oggolayn; mid wax diiddan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khilaafsan
de: different; disagreeing, contradicting; opposed
lx: khilaafsan
pd: (khilaafsanaa)
ps: adj-der
key: khilaafsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khiyaamayn
m.dh la-mid: khayaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khiyaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, khayaano ku samayn; cid kale sirid oo khatalid. Dh: dhagrid, khayaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khiyaanayn
m.dh la-mid: khayaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khiyaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, khayaano ku samayn. Dh: khayaamayn, sirid, khatalid, dhagrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhallaamayn
m.f.dh eeg dhallaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhallaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhallaan ka dhigid; da' yarayn oo wax ciyaal ah ka dhigid. Dh: ciyaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhangalaasayn
m.f.dh eeg dhangalaasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhangalaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo la dhicid. Dhangalaasaynta ka daa gabadha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khalad samayn
-ta: (n) wrongdoing ~ xumaato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khilaafsanaan
m.f.dh eeg khilaafsan. la-mid: khilaafsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khilaafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax diiddan ahaan; oggolaansho la'aan.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHASAYN
[DASEYN] Commiphora sec. Opobalsames sp = Kuchar 16231 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasayn
-ka: (magac, lab, keli) geed la bah ah dhiddink aiyo xagarka oo leh budhuq la faqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) taar dhexdhexaad ah oo aalaaba ciidda lagu aaso oo saldanabyada ka imanaya waqal darruureedka u noqda wadiigo oo ka difaacda dooriyaha hilaaca iyo danaka ku dhici lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mooteer ama wax la mid ah, gaas ku shubid. Faynuusku gaasayn buu doonayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarayn
(Haarayn-ta)
Haar u yeelid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarayn
m.f.dh eeg haaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haar iyo nabar ku dhufasho; haar gaadhsiin. Edbi gabadha laakiin haaraynta ka ilaali. Dh: qoomid, dakhrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulnaan
m.f.dh eeg hulan. la-mid: hulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid hulan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasayn
m.f.dh eeg jaasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalaas
Dhammaad; idlaad; baabbah; eber.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khalaas
: finished, all gone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalaas
-ka: (magac, lab, keli) dhammaad; idlaad; baabbah; eber.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khalaas
bw: Arabic
de: finished, all gone
lx: khalaas
ps: expr
key: khalaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamayn
m.f.dh eeg laamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) badar la karinaayo laan ku walaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaasay
(fal) ka dhig ugaas. Ugaasay ninkaaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabayn
m.f.dh eeg alaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xafiis iyo wax la mid ah, qalab shaqo soo dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax bul loo yeelay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulaysan
der. [adjective] furnished with bows ~ a fringe, tasseled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulaysan
(tilmaame) ah ul ama wax kale oo bul leh. Cidaad bulaysan ma haystaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulaysan
de: furnished with bows ~ a fringe, tasseled
lx: bulaysan
pd: (bulaysnaa)
ps: adj-der
key: bulaysan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhul san
Arable land
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhullayn
Earthening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulaaban
(tilmaame) wax meel iska taagan. Xoor gulaaban geedaha saroo guudka kaga jooga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulaalan
gulaalan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) 1. Wax doobbo ka soo dhici weyday noqosho (awr). 2. Wax iin lug ku leh noqosho (neef geel).
gulaalan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax doobbo ka soo dhici weyday ahaansho (awr). 2. Wax iin lug ku leh ahaansho (neef geel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gulaalan
(tilmaame) awr hadduu qooqo aan doobbada soo ridan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaagan
halaagan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax baaba'ay noqosho. la-mid: halligan¹.
halaagan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax baaba'ay ahaansho. la-mid: halligan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halaagan
f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax baaba'ay noqosho. m.f.dh, halaagmid. la-mid: halligan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaagan
der. [adjective] annihilated, defeated; extinguished; extinct, dead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaagan
(adj) destroyed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaagan
(tilmaame) wax baaba'san oo rafaad iyo dhibaato qaba. Dh: halaagsan, baaba'san.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaagan
de: annihilated, defeated; extinguished; extinct, dead
lx: halaagan
pd: (halaagnaa)
ps: adj-der
key: halaagan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo, wax halabaysan oo dheeraaday ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la halciyay ahaansho (hilib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halakayn
(Halakayn-ta)
Nabarro xunxun gaarsiin; aad wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakayn
m.f.dh eeg halakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaawacyo culculus gaadhsiin. Dh: dhibaatayn, waxyeelayn, halukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasan
(tilmaame) qof hinaase hayo ah. Dh: masayrsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax holan lagu dubay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubaysan
hubaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata noqosho. 2. Cid arrad tiran noqosho.
hubaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata ahaansho. 2. Cid arrad tiran ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubaysan
hubaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata noqosho. 2. Cid arrad tiran noqosho. m.f.dh, hubaysmid.
hubaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata ahaansho. 2. Cid arrad tiran ahaansho. m.f.dh, hubaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubaysan
der. [adjective] armed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubaysan
-aa: (adj) equiped with weapons; armed (aarmidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubaysan
(tilmaame) mid qalabkii dagaalka sita; qalabaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubaysan
de: armed Alt sp: hubeysan
lx: hubaysan
pd: (hubaysnaa)
ps: adj-der
key: hubaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka caraysiin. Dh: hullaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiiro sahan sugasho oo u kuurgelid iyo hullo ogaaneed; dersid iyo salgaadh dhammays ah. Guur saddex buu eedaa: ma aqoon, ma abraacin, ma ilaalayn. Dh: kuurgal, dersid.
ilaalayn-ta: (magac, dhedig, keli) eeg'eegid ay foojignaani ku jirto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalacayn
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo kala duwan; kala jaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaafsan
(qof) caqligiisu meel kale jiro u eg; maahsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaafsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dareenkiisa garasho feker awgiis la maqan yahay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaafsan
der. [adjective] absent-minded
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaafsan
-aa: (adj) absent-minded; preoccupied; distracted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaafsan
(tilmaame) ruux caqligiisu meel kale jiro; qof maahsan. Dh: maqan, dhoofsan, didsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaafsan
de: absent-minded
lx: khaafsan
pd: (khaafsanaa)
ps: adj-der
syn: maahsan
key: khaafsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaasiyo
(Khaasiya-da)
Karti ama waxtar gaar ah oo wax gooni u lee yihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaasiyo
n. expertise, specialty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaasiyo
cf: khaas
de: expertise, specialty
lx: khaasiyo
pd: (/da)
ps: n -f
key: khaasiyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan laga arki karin dhigid. Dh: xasayn, qarin, sheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khulafaa
m.dh.w eeg khaliif.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khulafaa
f. n., pl. caliphs; the four successors of the Prophet; representatives of a religious head
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khulafaa
-da: (n) the rulership of Islam; successors of prophet; caliphs; caliphate