khudbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khudbo
(Khudba-da)
1. Hadal dad badan horti laga jeediyo; baanise.
2. Hadalka loo jeediyo labada qof oo is guursana haya; guur; nikaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khudbo
m.dh la-mid: khudbad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khudbo
m.dh la-mid: khudbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khudbo
f. n. speech, Friday sermon; performance; marriage ceremony
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khudbo
- khudbada: (n) lecture (lak-jar); speech (ispiij); sermon (seermen); public address. Ex: khudbada jimicaha; the Friday sermon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudbo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal dad badan loo soo jeediyo. Dh: khudbad, baanise.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khudbo
a: khudbad
bw: Arabic
de: speech, Friday sermon; performance; marriage ceremony
lx: khudbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: khudbo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khudro
f. n., [collective] vegetables; fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg khudrad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khudro
de: vegetables; fruit
lx: khudro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: khudro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanise
(Baanisa-ha)
Hadal ama dood, qoran ama aan qorrayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanise
m.l 1. la-mid: baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. la-mid: baane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baanise
m.l 1. la-mid: baaniso. Hadal ama dood qoran ama aan qornayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo. 2. la-mid: baane.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
banquet
/baankuwit/banquets;(n) casuumad (qada-sharaf) badanaa kulan iyo khudbooyin leh. e.g. I met her at the banquet.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
controversial
/kontaravershal/ (adj) laysku khilaafo ama lugu murmo (sida buug, khudbo, gof iwm oo sababa in la murmo ama la iskhilaafo)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
declamation
/dhiklameyshan/ (n) khudbo xamaasad leh jeedin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
discourse
/dhiskoors/ (n) 1. khudbo, hadal; sheeko (n) 2. maqaal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
harangue
/haraang/ (n) khudbo kulul oo xamaasad-leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
inaugural
/inoogyural/ (adj) 1. xaflad furitaan ama khudbo furitaan ah (furitaanka meel ugu horreeya). 2. caleema-saar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
inflammatory
/inflaamatori/ (adj) khudbo ama hadal qiiro leh oo dadka shucuurtooda kiciya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lecture
/lekjar/ (n) muxaadaro (cashar ama khudbo).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
oration
/ooreyshan/ (n) orate; khudbo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
preach
/priij/ (v) wacdiyid (khudbo diini ah jeedin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sermon
/serman/ (n) khudbo diini ah (wacdi).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
speaker
/spiikar/ (n) 1. khudbo-jeediye (qofka meel ka hadla) 2. samaacad (sida samaacadaha raadyaha) 3. ku hadla (qofka luqad ku hadla).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
speech
/spiij/ (n) 1. hadal 2. khudbo (hadal meel laga jeediyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qudbad
-da: (n) lecture (lakjar); speech (ispiij); public address ~ khudbo, khudbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khudbad
m.dh (-do, m.l) Hadal dad badan hortii laga jeediyo. la-mid: khudbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khudbad
m.dh (-do, m.l) Hadal dad badan hortii laga jeediyo. la-mid: khudbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khudbad
f. n. speech, lecture, discourse, sermon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khudbad
-da: (n) lecture (lak jar); speech (ispiij); public address ~ khudbo, qudbad, khutbad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudbad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal dad loo soo jeediyo oo ujeeddo leh. Dh: khudbo, baanise.
khudbad -da: (magac, dhedig, keli) hadalka loo jeediyo labada qof ee is guursanaaya. Dh: nikaax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khudbad
a: khudbo
bw: Arabic
de: speech, lecture, discourse, sermon
lx: khudbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khudbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khudbee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) Khudbad jeedin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khudbee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) Khudbad jeedin. m.f.dh, khudbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khudbee
v. lecture, make a speech
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khudbee
-yey / khudbeysay: (v) deliver a lecture or speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudbee
(fal) hadal ujeeddo gaar ah leh u jeedi dad badan. Dh: khudbadee, qudbee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khudbee
de: lecture, make a speech
lx: khudbee
pd: (khudbeeyey)
ps: v2b=
key: khudbee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudo
f.g3 (-oday, -otay) Dhar dillacsan tolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kubo
(Kuba-da)
Calool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kubo
m.dh (-ooyin, m.l) Kuboddawaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubo
f. n. stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kubo
-da: (magac, dhedig, keli) caloolyarta oo ah mid ka mid ah afarta caloolood ee raamsatada oo leh laallaabyo ay ku shiiddo cuntada. Kubada ayaa i damqanaysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubo
de: stomach
lx: kubo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: calool
key: kubo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huubo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Meel qatar ah. 2. God aan si fiican loo arki karin oo lagu dhici karo. 3. Gufarka weel salkiis ku hara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huubo
-ha: (magac, lab, keli) saxarro aad u yaryar oo qaarkii ili ma qabatay ah. Dh: saxar, gufar.
huubo-da: (magac, dhedig, keli) biyaha iyo wixii la mid ah, inta aan maaxda ahayn ee gunta ku hadha. Dh: qay, huube.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadbo
f.g3 (-baday, -batay) Calaf Ilaah siiyay cunid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadbo
v. consume one's daily bread; make do with one's lot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadbo
(fal) wax lagugu arsaaqay, dheeftiisa iyo waxtarkiisa hel oo calfo. Dh: calfo, intifaacso, dheefso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadbo
bw: kadbasho (/da) [vn-f]
de: consume one's daily bread; make do with one's lot
lx: kadbo
pd: (kadbaday)
ps: v3a=
see: kadab
key: kadbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuddo
(Kudda-da)
Orod booddo ku anbabbaxa oo xawli dheer leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuddo
m.dh 1. Orod booddo ku anbabbaxa oo xawli dheer leh. 2. Dagaal aan habeys-nayn oo aan laysu tureyn. 3. Masaafada u dhexeysa laba qof oo orotameysa oo kala horreeysa. 4. Orgoodka gammaanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuddo
f. n. fast running pace, gallop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuddo
-da: (magac, dhedig, keli) orod booddo ku anbabbaxa oo xawli dheer leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuddo
cf: kud
de: fast running pace, gallop
lx: kuddo
pd: (/da)
ps: n-f
key: kuddo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudmo
m.dh 1. Saarashada dibi ama faras saarto, sac deggan ama geenyo beydalan. 2. la-mid: kudid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kudmo
m.dh 1. Saarashada dibi ama faras saarto, sac deggan ama geenyo beydalan. 2. la-mid: kudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kudmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kunbo
(fal) biyaha wada gal ama quus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kurbo
(Kurba-da)
Naxdin iyo welwel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kurbo
m.dh Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kurbo
m.dh Dareen, welwel, cabsi iyo tiiraanyo leh oo ka dhasha mushkilad cusub oo cid ku timaadda oo aan maaro loo hayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kurbo
f. n. anxiety, worry, deep concern
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kurbo
-kurbada: (n) the act of worrying; worry (wooriy uneasiness (aniisines); anxiety (engzaayati)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kurbo
bw: Arabic
cf: naxdin, welwel
de: anxiety, worry, deep concern
lx: kurbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kurbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Hoore, badar iyo wixi lamida meel ku geddisasho. 2. Xoolo waraabsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shubo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Hoore, badar iyo wixi lamida meel ku geddisasho. 2. Xoolo waraabsasho. m.f.dh, shubasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shubo
v. pour for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shubo
shubtay/shubatay: (v) pour in, put into for one's self. Ex: koob ku shubo; pour a cup [for yourself]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubo
(fal) dareere iyo wax la mid ah oo ad doonaysid, weel ku hoorso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shubo
de: pour for oneself
initial: s
lx: shubo
pd: (shubtay)
ps: v3b=tr
key: shubo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhidbo
(fal) walax bir, loox ama wax kale ah, dhulka ku adkayso oo ku taago. Dh: dhaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhumbo
f.mg3 (-baday, -batay) la-mid: yumbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhumbo
v. dive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhumbo
-day / tay: (v) dive (daayv); plunge (palaanji) into water, especially headfirst ~ quus, tiimbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumbo
(fal) biyo fadhiya muquuro. Dh: limmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhumbo
a: yumbo
de: dive
lx: dhumbo
pd: (dhumbaday)
ps: v3a=intr
syn: quus
key: dhumbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhurbo
-da: (magac, dhedig, keli) geed cawsaad yaryar oo ad'adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuubo
f.mg3 (-bay, -batay) 1. Noqosho wax dhuuban. 2. Noqosho wax caato ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhuubo
nickname; name-f tall and slender
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dhuubo
naanays loo baxsho gabadh dheer oo dhuuban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuubo
(fal) dhumucyaraw oo weyd noqo. Dh: dhuubnaw.
dhuubo: (fal) adke, biyo ku mil oo rib ka dhigo. Hadduu macaanku kaa yaraado sonkor dhuubo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khadro
name-f holy man, saint; fortune, luck. Cf: Khadar, Khadaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khidmo
(Khidma-da)
1. Soddonka jus oo Quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo.
2. Hawl cid loo qabto; adeeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khidmo
m.dh 1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (- ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. la-mid: khidmad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khidmo
m.dh 1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (-ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. la-mid: khidmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khidmo
f. n. service, work done; compensation for service
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khidmo
-khidmada: (n) 1. service (servos); favor (feey ver). 2. service charge; fee (fii) ~ khidmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khidmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg khidmad. khilaaf -ka: (magac, lab, keli) heshiis la'aan iyo is fahmi waa. Dh: maandhaaf, afgaranwaa. Li: afgarad. Wa: khilaafyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khidmo
bw: Arabic
de: service, work done; compensation for service See also: khidmad
lx: khidmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: khidmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khuuro
(Khuura-da)
Sharqan aan loo bogin oo kolka la hurdo neefsashada la socota, badanaana, afka la kala hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khuuro
m.dh Shanqar aan loo bogin oo kolka la hurdo neefsashada la socota oo afka ka timaadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khuuro
m.dh Shanqar aan loo bogin oo kolka la hurdo neefsashada la socota oo afka ka timaadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khuuro
f. n. snore, snoring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khuuro
-khuurada: (n) snore (isnoor)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khuuro
de: snore, snoring
lx: khuuro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: khuuro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khudbeyn
m.f.dh eeg khudbee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhukubo
m.dh Qiimaha iyo anfaca.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dhuubow
nickname; nickname-m tall and thin