khudaarle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudaarle
-ha: (magac, dhedig, keli) qof khudaarta ka ganacsada. Dh: khudradle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xawaashle
-ha: (magac, lab, keli) meesha lagu iibiyo xawaashka. Dh: khudradle, khudaarle. Wa: xawaashlayaal
xawaashle -ha: (magac, lab, keli) ninka xawaashka iibiya. Dh: khudradle, khudaarle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khudaar
m.dh la-mid: khudrad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khudaar
m.dh la-mid: khudrad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khudaar
f. n., [collective] vegetables; fruits
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khudaar
-ta: (n) vegetable (vej tabal) ~ khudrad, qudaar, qudrad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudaar
-ta: (magacwadareed) dhir yaryar oo cagaaran oo ka kooban ubax, caleemo iyo xididdo oo dadku cunaan. Dh: khudrad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khudaar
a: khudrad
bw: Arabic
de: vegetables; fruits
lx: khudaar
pd: (-ta)
ps: n1-f-col
key: khudaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudradle
-ha: (magac, lab, keli) qof khudaarta ka ganacsada. Dh: khudaarle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kudaal
(Kudaa-sha)
1. Faras aan la lahayn oo inta la fuulo lala cararo oo dhul fog lala aado.
2. Kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudaal
kudaal¹: m.l 1. Kudid. 2. Baxsi.
kudaal²: m.dh 1. Dhicidda xoolo fardo lagu dhaco. 2. Faras aan la lahayn lala cararo.
kudaal³: f.mg3 (-aalay, -aashay) Ka k./u k.: dhibbato awgeed meel uga cararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kudaal
f. n. stolen horse
kudaal v. steal (a horse)
kudaal v. leap about, jump; gallop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kudaal
-ka: (magac, lab, keli) lo', gammaan ama wax kale, abraarid oo boodid. Dh: kudaalid.
kudaal -ka: (magac, lab, keli) faras aan la lahayn oo inta la fuulo lala cararo oo dhul fog lala aado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Dhulka u dhexeeya labada lool ee dhulbaraha hareeraha ka mara cimiladiisuna kulushahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Dhulka u dhexeeya labada lool ee dhulbaraha hareeraha ka mara cimiladiisuna kulushahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulaale
m. n., loc. tropic (zone), the tropics
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulaale
-ha: (magac, lab, keli) dhulka ama wax kale, meel aad ugu dhow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulaale
de: tropic (zone), the tropics
lx: kulaale
pd: (/ha)
ps: n7-m-loc
key: kulaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidaarle
m.l (-layaal, m.l/dh) la-mid: bidaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidaarle
m. n. bald person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidaarle
-ha: (magac, lab, keli) wax madaxa intiisa sare timo ku lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidaarle
de: bald person
lx: bidaarle
pd: (/ha)
ps: n7-m
syn: basoole
key: bidaarle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaare
m. n., [collective] loss (in business); casualties, losses (in war)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasaare
-khasaaraha: (n) loss (loos); disadvantage (disadh-vaanteeyj); casualty (kaashwalti) ~ khasaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaare
-ha: (magac, lab, keli) qiimaha iyo sicirka xoolaha la ganacsanaayo oo jaba ama wax ka hooseeya lagu iibsho. Dh: khasaaro, qasaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasaare
a: khasaaro
bw: Arabic
de: loss (in business); casualties, losses (in war)
lx: khasaare
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: khasaare
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
khasaare
خسارة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharqaanle
m.l la-mid: harqaanle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharqaanle
m. n. tailor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharqaanle
-kharqaanlaha: (n) tailor (teeylar); seamster (siimister) ~ harqaale. dawaarle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharqaanle
-ha: (magac, lab, keli) qof kharqaanka ku shaqeeya. Dh: dawaarle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharqaanle
a: harqaanle
de: tailor
lx: kharqaanle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kharqaanle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldaaree
(fal) suuldaar ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkudhagarle
-ha: (magac, lab, keli) qof dadka isku. dira; qof diradiraale ah oo hadalka uu yidhaahdo dadku isku dilo. Afkudhagarle iyo dhagarqabe waa walaalo. Dh: namiim, diradiraale, iskudire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khudbasireed
(Khudbasireed-ka)
Guur qarsoodi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khudbasireed
m.l Meher qarsoodi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khudbasireed
m.l Meher qarsoodi ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khudbasireed
m. n., [compound] secret marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudbasireed
-ka: (magac, lab, keli) guur qarsoodi ah. Dh: khudbasiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khudbasireed
de: secret marriage
lx: khudbasireed
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: khudbasireed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gudaal
(Gudaa-sha)
1. Qaan ama wax kale oo laysku lahaa oo la bixiyo, la gudo.
2. Habeenkii oo la socdo, la gudo, la guureeyo.
3. Gudidda carruurta.
4. (naag) habeen ku soo guurayn; mirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudaal
m.l/dh Socod habeenkii la socdo; guure. la-mid: gudid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudaal
vn-m: travel by night; a night spent traveling
gudaal vl. n. payment of a debt
gudaal vl. n. circumcision
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gudaal
name-m night traveler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gudaal
magac loo baxsho wiil habeen socdaal iyo guure lagu jiro dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudaal
-ka: (magac, lab, keli) habeen socosho; habeen guurayn. Gudaalka habeenkii waa halis. Dh: guure.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Qof haar u yeelid. m.f.dh, haarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaree
v. make a scar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaree
(fal) cid kale, haar iyo nabar u yeel. Dh: haaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaree
de: make a scar
lx: haaree
pd: (haareeyey)
ps: v2b=
key: haaree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodaar
-ka: (magac, lab, keli) ruux jabbaarad iyo burji yeesha; qof jinni iyo jalaal Eebbe ku mannaysto. Dh: jabbaar, hoggaan, libaax, hodaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubaal
(Hubaa-sha)
Wax la hubo; hubanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubaal
m.dh Xog run ah oo wax la xiriirta; xaqiiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubaal
m.dh Xog run ah oo wax la xiriirta; xaqiiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubaal
vl. n. exactness, precision, positiveness, certainty
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hubaal
sûr, certain.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubaal
-hubaasha: (n) certainty (sertentii); certitude (sertituudh)
hubaal -ah: (adj) certain (seer-ten); sure (shuur); positive (posativ) ~ xaqiiq ah
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hubaal
Certezza
Certainty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubaal
-ka: (magac, lab, keli) wax la hubo; hubanti.
hubaal-sha: (magac, dhedig, keli) ogaal dhab ah oo aan shaki ku jirin. Dhimashadu waa hubaal. Dh: xaqiiq. Li: shaki.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubaal
de: exactness, precision, positiveness, certainty
lx: hubaal
pd: (/sha)
ps: vn2-f
key: hubaal
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hubaal
ثُبُوت
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
huddle
/hadhal/ (n) 1. xoon-sanaan. (v) 2. shamoomid, isa-soo xoomin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
huddle
v.tr., (throw in confusion) qalad, isku qalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huraal
(Huraal-ka)
Wax la isu huro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huraal
vl. n. self-sacrifice
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huraal
-ka: (magac, lab, keli) siin mannasheegasho iyo lexjeclo midna la socon oo daacad ah. Dh: quudhid, deeq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huraal
de: self-sacrifice
lx: huraal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: huraal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huwaar
m. n. steam (from boiling water)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huwaar
de: steam (from boiling water)
lx: huwaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: uumi {S}
key: huwaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarre
-ha: (magac, lab, keli) tacluus xummad iyo waliil badan leh oo xoolaha si ba'an u laaya; boog fidda oo jidhka si ba'an u riiqda. Dh: kaariye, kaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khadar
m.l Nasiib wanaagsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Khadar
name: Khadar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khadar
m. n., [abstract] fortune, luck
khadar: m. n. holy man, saint
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khadar
name-m holy man, saint; fortune, luck. Cf: Khadaro, Khadro
name-m green; fertility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Khadar
magac loo baxsho wiil loola jeedo in uu noqdo qof nasiib wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khadar
-ka: (magac, lab, keli) ruux barakaysan; qof axsaanfal badan oo wax anfaca. Dh: khaliif, khalaf, qadar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khudro
f. n., [collective] vegetables; fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khudro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg khudrad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khudro
de: vegetables; fruit
lx: khudro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: khudro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kidaar
(Kidaar-ka)
Kimis, muufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kidaar
m.l Nooc kibis ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kidaar
m. n., (mass n.): flat bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kidaar
-ka: (magac, lab, keli) cunto bur iyo hadhuudh la qooshay laga dubo, oo loo sameeyo qaab balbaldhaban oo laxooxda u eg ka se qara weyn. Dh: moofo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kidaar
de: flat bread
lx: kidaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
syn: muufo {N}
key: kidaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuddar
m.l Xisaab xisaab kale lagu daro; isugayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuddar
m.l Xisaab xisaab kale lagu daro; isugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufaar
m.l.w 1. eeg kaafir. 2. eeg kufri¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufaar
f. n., pl. unbelievers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufaar
-ka: (n) infidel (infidal); an unbeliever, especially an Islam; rebel against God ~ gaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufaar
-ta: (magacwadareed) dadka aan Ilaah rumeysnayn. Dh: gaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufaar
bw: Arabic
de: unbelievers
lx: kufaar
pd: (-ta Sg: kaafir ~ kufri)
ps: n8-f-pl
key: kufaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulaal
(Kulaal-ka)
Dab ama wax la mid ah oo kulul oo inta loo dhowaado dhaxanta lay saga bi'iyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulaal
kulaal¹: m.l Dab ama wax la mid ah oo kulul oo inta loo dhowaado dhaxanta laysaga bi'iyo.
kulaal²: f.g1 (-aalay, -aashay) Dab ag fariisasho si dhaxanta la isaga bi'iyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulaal
v. warm oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulaal
-ay / kulaashay: (v) heat up, warm up, stoke up the fire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulaal
(fal) dab ku diirso oo dhaxanta iskaga celi. Dh: diirso
kulaal -ka: (magac, lab, keli) dab ama wax la mid ah oo inta loo dhowaado dhaxanta la isag bi'iyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulaal
de: warm oneself
lx: kulaal
nt: kulaal (ka) [vn-m]
pd: (kulaalay)
ps: v1=tr
key: kulaal
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KURAAL
(Cural) S Kigelia africana (Lam) Benth. Bignoniaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraar
(Kuraar-ka)
Biyo culus oo dhanaan yari ku jiro lase cabbi karo.