khaysaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaysaraan
(Khaysaraan-ta)
Geed cawska lagu tiriyo; waa dheer yahay, laamihiisuna waa ulo dheerdheer oo xubno leh oo sida dhuumihii, dhexda ka daloola; waxyaalaha laga waxeeyo lama tirin karo; waxaa kamid ah: maacuunka iyo gurgurka guriga, kuraas, kolayo, dhuumo, dhis wax lagu dhiso, gogol, daahyo, ubaxa iyo laamihiisa curdanka ah oo la cuno...; (ama qaysaraan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaysaraan
m.dh (-no/-aamo, m.l) Geed alammo leh oo geedka qasabka u eg, ka laamo dhuudhuuban kana baxa webiyada hareerahooda iyo meelaha biyo fariisinnada, lagana sameeyo bakoorado, kuraas, dambiilo iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaysaraan
f. n. bamboo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaysaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) geed cawska lagu tiriyo oo leh ulo dhaadheer oo xubno leh oo sida dhuumihii, dhexda ka daloola. Dh: qaysaraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaysaraan
a: qaysaraan
bw: Arabic
de: bamboo
lx: khaysaraan
pd: (-ta)
ps: n2c-f, n1-f
key: khaysaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaysaraan
(Qaysaraan-ta)
Khaysaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaysaraan
m.dh (-aamo, m.l) Baanso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaysaraan
f. n. bamboo; switch ~ whip made of bamboo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaysaraan
-ta: (magac, dhedig, keli) bakoorad gadhka aad loo godo oo goobo loo dhawysiiyo oo lagu xarragoodo; ul geedka qaysaraanta laga. goosto Wiilkii yaraa oon waxba galab san ayuu qaysaraan la dhacay.
qaysaraan -ta: (magac, dhedig, keli) geedo caleen dhaadheer iyo laamo xubno leh bixiya oo selledaha, ulaha, gobayska iyo waxyaale kale oo badan laga sameeyo oo meelaha biyo fadhiisinka ah aad uga baxa. Bakoorad qaysaraan ah ayaan saaxiibkay hadiyad u siiyay. Dh: khaysaraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaysaraan
a: khaysaraan
bw: Arabic
de: bamboo; switch ~ whip made of bamboo
lx: qaysaraan
pd: (-ta)
ps: n2c-f, n1-f
key: qaysaraan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jonc
jonc, n.m. - khaysaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaafsanaan
(Khaafsanaan-ta)
Maahsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaafsanaan
m.f.dh eeg khaafsan. la-mid: khaafsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaafsanaan
f. n., [abstract] absent-mindedness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaafsanaan
de: absent-mindedness
lx: khaafsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: khaafsanaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaas ahaan
[adverbial] [expression] particularly, especially
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaas ahaan
-ta: (adv) particularly (partikalaarli)-, in particular (in partikular); especially ~ gaar ahaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaas_ahaan
de: particularly, especially
lx: khaas ahaan
ps: adv-expr
key: khaas_ahaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraan
(Haaraan-ka)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay ama noqday oo la isku eedeeyo, laysku dagaalo, wax laysaga sheego; hiif; canaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraan
haaraan¹: m.l 1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo. la-mid: haaraamid.
haaraan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haaraan
haaraan¹: m.l 1. Eedeynta cid wax ayna qabin oo ay ka gubanayso lagu eedeeyo. 2. Ceebayn cid loo jeediyo.
haaraan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Ku h.: eed aan sal lahayn cid u jeedin. 2. Cid ceebeyn. m.f.dh, haaraamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haaraan
v. blame, reprove
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haaraan
-ka: (n) censure (sensher); reproof (ripruuf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraan
(fal) wax xumaaday, ciddii ka masuulka ahayd, ku eedee. Dh: hiif, canaano.
haaraan -ka: (magac, lab, keli) canaan hiif leh. Dh: foolxagad, eed, canaan, hiifid, haaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haaraan
de: blame, reprove
lx: haaraan
nt: haaraan (ka) [vn-m] 'reproof, blaming'
pd: (haaraamay)
ps: v1=
key: haaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaraan
(tilmaame) meel la geeyo dadka la takooro.
kaaraan -ka: (magac, lab, keli) xanuun dilaa ah oo xoolaha iyo dadkaba ku dhaca. Dh: kud, xaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaan
f.g1 (-aamay/-aanay, aantay; - aami/-aani) Cid khayaano ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayaan
f.g1 (-aamay/-aanay, aantay; - aami/-aani) Cid khayaano ku samayn. m.f.dh, khayaanid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayaan
v. cheat, deceive; betray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaan
-ay / tay: (v) deceive (diziiv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit); scam (iskaam) beguile, delude, dupe; swindle (iswindal) ~ fool (fuul) khiyaan, khatal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaan
(fal) dad waxaad isku ogaydeen ama aad ku heshiiseen dabamar ugu dhufo; wax aan ilaahay raalli ka ahayn kula dhaqan dadka. Dh: siyaasadee, sir, khiyaan, qayaan, khayaanee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaan
a: khiyaan
de: cheat, deceive; betray
lx: khayaan
pd: (khayaamay)
ps: v1=
key: khayaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaaraan
m.l (-nno, m.dh) Maro yar, aan cusbayn oo la xirto inta hawl la hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaaraan
m.l (-nno, m.dh) Maro yar, aan cusbayn oo la xirto inta hawl la hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaaraan
Common N. work clothes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaaraan
-ka: (magac, lab, keli) dharka shaqada loo sito. Dh: dhaaran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaaraan
de: work clothes
lx: dhaaraan
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
key: dhaaraan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayraad
m.l.w 1. Waxyaabaha dabiiciga ah oo banii'aadanka manaafacaad u leh oo laga helo oogada ama gudaha badda iyo berrigaba. 2. eeg khayr.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayraad
m.l.w 1. Waxyaabaha dabiiciga ah oo banii'aadanka manaafacaad u leh oo laga helo oogada ama gudaha badda iyo berrigaba. 2. eeg khayr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayraad
m. n., [collective] resources, wealth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayraad
-ka: (n) [Plural of khayr] prosperity (poroospeeriti); resources (ri soorsis); possessions. Ex: khayraadka dabiiciga ah: natural resources
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayraad
de: resources, wealth
lx: khayraad
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: khayraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsamaan
m.f.dh eeg habsan. la-mid: habsamaansho, habsami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cuddoonaan iyo qummanaan; hannaan wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harsanaan
m.f.dh eeg harsan. la-mid: harsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacsanaan
m.f.dh eeg kacsan. la-mid: kacsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacsanaan
f. n. agitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kacsan ahaan; taagnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacsanaan
de: agitation
lx: kacsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f
syn: lurnaan
key: kacsanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsamaan
m.f.dh eeg kalsan. la-mid: kalsamaansho, kalsami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsamaan
-ta: (magac, dhedig, keli) niyadsamaan; qalbisamaan. Dh: niyadsami. Li: niyadxumo, qalbixumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsanaan
m.f.dh eeg karsan. la-mid: karsa-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax karsan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaysan
der. [adjective] ashamed, embarrassed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasaysan
cf: khaso
de: ashamed, embarrassed
lx: khasaysan
pd: (khasaysnaa)
ps: adj-der
key: khasaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasiraad
(Khasiraad-da)
1. Lacagta la khasiro.
2. Ganaax lacageed oo qof la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiraad
m.dh Ganaax cid la saaro. la-mid: khasir¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasiraad
m.dh Ganaax cid la saaro. la-mid: khasir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasiraad
f. n. fine, penalty; waste (of money)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasiraad
a: khasir
de: fine, penalty; waste (of money)
lx: khasiraad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khasiraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacsanaan
m.f.dh eeg dhacsan. la-mid: dhacsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax taariikhdii la isticmaali lahaa dhamaatay ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaylanaan
f. n., [abstract] perfection, irreproachability
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaylanaan
de: perfection, irreproachability
lx: dhaylanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dhaylanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsanaan
m.f.dh eeg kaydsan. la-mid: kaydsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaydsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasbanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax lagu qasbanyahay in la falo.Dh: sandulaysnaan, qasbanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaamayn
m.dh la-mid: khayaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, sirid. Dh: dhagrid, khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khayaanayn
(Khayaanayn-ta)
Khatalid; sirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanayn
m.f.dh eeg khayaanee. la-mid: khayaamayn, khiyaamayn, khiyaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, siyaasadayn oo khiyaamayn. Dh: qiyaanayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayraysan
(adj) blessed (balee-sidh); scared (seeykaridh); glorified (galoorifyidh); holy (holi) ~ barakaysan, karaamaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatifsanaan
m.f.dh eeg khatifsan. la-mid: khaddifsanaan, khaddifsanaansho, khatifsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatifsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid qaldan oo jidka ka leexsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaafsanaan
m.f.dh eeg dhaafsan. la-mid: dhaafsaanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) intii la filayay ka siyaadsanaan; ka badnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansanaan
m.f.dh eeg dhaansan. la-mid: dhaansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhaamiyay oo daf laga dhigay ahaan. dhaansanaansho -ha: (magac, lab, keli) weel ama wax kale buuxsanaan. Dh: dhaansanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaarsanaan
m.f.dh eeg dhaarsan. la-mid: dhaarsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaarsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid dhaar galay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaashanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid subag marsaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawrsanaan
m.f.dh eeg dhawrsan. la-mid: dhawrsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawrsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) edeb lahaan oo af iyo addinba ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahamsanaan
m.f.dh eeg fahamsan. la-mid: fahamsanaansho, fahansanaan, fahansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahamsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) garashada dhabta ah ee qof wax u yeelan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahansanaan
m.dh la-mid: fahamsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) garashada dhabta ee ah qof wax u yeelan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) maro ama wax kale oo qoyan, soo yara engegsanaan, soo yara qallalsanaan. Dh: kawraxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulansanaan
m.f.dh eeg kulansan. la-mid: kulansanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulansanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel ku kulmay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mahadsanaan
m.f.dh eeg mahadsan. la-mid: mahadsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maharsanaan
m.dh la-mid: mehersanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maharsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naag meher lagu xidhay oo la guursaday ahaan. Waajibaad badan ayaa maharsanaanta ka ratibmaya. Dh: mehersanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sahansanaan
m.f.dh eeg sahansan. la-mid: sahansanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shakisanaan
(Shakisanaan-ta)
Wax shakisan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakisanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shakisan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaqoyaraan
f. n., [abstract] under-employment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaqoyaraan
de: under-employment
initial: s
lx: shaqoyaraan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: shaqoyaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yakaysanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid la ganaaxay ahaan.