khayaanee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Cid khayaano ku samayn. la-mid: khayaamee, khiyaamee, khiyaanee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayaanee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Cid khayaano ku samayn. m.f.dh, khayaanayn. la-mid: khiyaamee, khiyaanee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayaanee
v. deceive, betray, cheat, swindle, defraud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanee
(fal) khayaano ku samee. Dh: khayaamee, khiyaanee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaanee
a: khayaamee, khiyaamee
de: deceive, betray, cheat, swindle, defraud
lx: khayaanee
pd: (khayaaneeyey)
ps: v2b=tr
key: khayaanee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayaane
m. n. cheating
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaane
a: khayaano
de: cheating
lx: khayaane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: khayaane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) la-mid: khayaanee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayaamee
v. deceive, cheat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaamee
-yey/khayaameysay: (v) deceive (diziiv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit), beguile, delude, dupe; swindle (iswindal); fool (find) ~ khiyaan, khatal, khiyaamee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaamee
(fal) cid kale, sir; khayaano ku samee. Dh: khiyaanee, khatal, sir, dhagar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaamee
de: deceive, cheat
lx: khayaamee
pd: (khayaameeyey)
ps: v2b=tr
see: khayaanee
key: khayaamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khiyaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: khayaanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatal
(fal) shirqool u dhig: dabin u xidh. Gu' buu kugu khatali coomirkii geedka yuurureye. Dh: qatal, khayaanee, dag.
khatal -sha: (magac, dhedig, keli) shirqool loo dhigo qof si uu dhib u soo gaadho. Khatashuu la helay uunka kale ima khayaamayne.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
deceived
a., (man) nin la khayaaneeyay, qalqaalan; be deceived, v.i., qaaway, khatalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaan
f.g1 (-aamay/-aanay, aantay; - aami/-aani) Cid khayaano ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayaan
f.g1 (-aamay/-aanay, aantay; - aami/-aani) Cid khayaano ku samayn. m.f.dh, khayaanid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayaan
v. cheat, deceive; betray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaan
-ay / tay: (v) deceive (diziiv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit); scam (iskaam) beguile, delude, dupe; swindle (iswindal) ~ fool (fuul) khiyaan, khatal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaan
(fal) dad waxaad isku ogaydeen ama aad ku heshiiseen dabamar ugu dhufo; wax aan ilaahay raalli ka ahayn kula dhaqan dadka. Dh: siyaasadee, sir, khiyaan, qayaan, khayaanee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaan
a: khiyaan
de: cheat, deceive; betray
lx: khayaan
pd: (khayaamay)
ps: v1=
key: khayaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khayaano
(Khayaana-da)
Dhagar; sir; mardabo; (ama khiyaano).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaano
m.dh Dhib si qarsoodi ah cid loogu geysto; dhagar; sir. la-mid: khiyaamo, khiyaano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayaano
m.dh Dhib si qarsoodi ah cid loogu geysto; dhagar; sir. la-mid: khiyaamo, khiyaano.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayaano
f. n. trick, deceit, fraud, cheating; treason
khayaano [feminine] n. plot (of a play)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaano
-khayaanada: (n) deceit (disiit), trick (tiriik), fraud (faroodh), deception (di sap shan); scam (iskaam) ~khiyaamo, dibindaabyo, dhagar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaano
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isku ogaa, wax ka duwan, si ula kac ah, cid kale kula dhaqmid. Dh: khiyaano, dhagar, sir, mardabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiyaane
m. n. fraud, deception
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khiyaane
-khiyaanada: (n) deceit (disiit); trick (tiriik); fraud (faroodh); deception (disapsheri)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiyaane
a: khayaano
de: fraud, deception
lx: khiyaane
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: khiyaane
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanid
m.f.dh eeg khayaan. la-mid: kha-yaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, khayaano ku samayn. Dh: sirid, khatalid, dhagrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khiyaamee
f.g2 (-meyay, meysay) la-mid: khayaanee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiyaamee
v. deceive, cheat, swindle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khiyaamee
-yey / khiyaameysay: (v) deceive (diziiv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit), beguile, delude, dupe; swindle (iswindal); fool (fuul) ~ khiyaan, khatal, khayaamee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khiyaamee
(fal) cid kale, khiyaano ku samee. Dh: khayaamee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiyaamee
de: deceive, cheat, swindle Also: khiyaanee
lx: khiyaamee
pd: (khiyaameeyey)
ps: v2b=tr
see: khayaanee
key: khiyaamee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaanoole
-khayaanoolaha: (n) dishonest or crooked man; deceiver (diziiver); swindler (swindhalar); rascal (raaskal); cheater (fitter) ~ khaayin; khayaanalow, khaa'in, dhagar qabe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiyaanadee
v. cheat, deceive, trick
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiyaanadee
de: cheat, deceive, trick
lx: khiyaanadee
pd: (khiyaanadeeyey)
ps: v2b=
key: khiyaanadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadee
(fal) cid u hanjab oo afka kala dirir. Dh: guhaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharqaanle
m.l la-mid: harqaanle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharqaanle
m. n. tailor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharqaanle
-kharqaanlaha: (n) tailor (teeylar); seamster (siimister) ~ harqaale. dawaarle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharqaanle
-ha: (magac, lab, keli) qof kharqaanka ku shaqeeya. Dh: dawaarle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharqaanle
a: harqaanle
de: tailor
lx: kharqaanle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kharqaanle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khayaanayn
(Khayaanayn-ta)
Khatalid; sirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanayn
m.f.dh eeg khayaanee. la-mid: khayaamayn, khiyaamayn, khiyaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, siyaasadayn oo khiyaamayn. Dh: qiyaanayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaano_1
a: khayaane, khiyaamo, khiyaanad, khiyaane, khiyaano
bw: Arabic
de: trick, deceit, fraud, cheating; treason
hm: 1
lx: khayaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: khayaano_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaano_2
de: plot (of a play)
hm: 2
lx: khayaano
pd: (/da)
ps: n6-f
key: khayaano_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaan
(Hayaan-ka)
Geeddi dheer oo dhib badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaan
hayaan¹: m.l 1. Dhawr geeddi, aan kala go' lahayn, oo meel fog loogu guuro. 2. H. ah: dad iyo xoolo guuraya oo meel fog u socda.
hayaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dhawr geeddi oo aan kala go' lahayn meel fog ugu guurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hayaan
hayaan¹: m.l 1. Dhawr geeddi, aan kala go' lahayn, oo meel fog loogu guuro. 2. H. ah: dad iyo xoolo guuraya oo meel fog u socda.
hayaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) Dhawr geeddi oo aan kala go' lahayn meel fog ugu guurid. m.f.dh, hayaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayaan
m. n. long journey, hard trek, migration
hayaan v. make a long journey ~ hard trek, migrate to a better place
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hayaan
name-m long journey, hard trek, migration. Lit: he who was born during a long journey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hayaan
-ka: (n) a long journey in search of rain and pasture for the livestock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hayaan
magac loo baxsho wiil dhashay xilli uu reerku geeddi dheer ku jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaan
(fal) meel fog oo dhul abaar ihi ka sokeeyo, u guur. Dh: kaynaan.
hayaan -ka: (magac, lab, keli) geeddi dheer oo maalmo qaata. Reerahan hayaanka u baxee meder ku huugaamay. Dh: qayaad, dalandool, kaynaan, callad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaanle
m.l Nin nasiib wacan leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayaanle
m.l Nin nasiib wacan leh.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ayaanle
name-m luck, fate, good fortune. Syn: Cawaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ayaanle
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa halis badani wehelisay oo dhimasho looga baqay ama la filayo inay noqoto nasiib iyo bishaaro fiican.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaale
-ha: (magac, lab, keli) qof habac ah oo wax walba isagoon ka fiirsan aqbala. Ninkaasi naf ma leh oo waa hayaale. Dh: dameeridhanraacday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ihaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Cid ihaano u geysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ihaanee
f.g2 (-neeyay, -neysay) Cid ihaano u geysasho. m.f.dh, ihaanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ihaanee
v. despise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ihaanee
-yey / ihaaneysay: (v) treat as contemptible or unworthy: despise (dispaays); condemn (kondteem); scorn (iskoon) ~ xaqir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ihaanee
(fal) eeg ihaanay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ihaanee
de: despise
lx: ihaanee
pd: (ihaaneeyey)
ps: v2b=
key: ihaanee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabanee
-ga: (magac, lab, keli) godka lagu xaaro. Dh: musqul, godxaar, suuli.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Khayaal
Imaginary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaal
-ka: (n) delusion (diluushin), illusion (iluushin), fancy (faansi) ~ khiyaal
khayaal -ah: (adj) mythical (mithikal); imaginary (imaajaneri); unreal (anriyal) ~ khiyaali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaal
-ka: (magac, lab, keli) aragti maskaxda ka jirta oo aan dhab ahayn. Dh: mala'awaal, aragti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khiyaan
v. cheat, deceive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khiyaan
-ay / tay: (v) deceive (diziiv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit), beguile, delude, dupe; swindle (iswindal); fool (fuul) ~ khayaan, khatal, khayaamee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khiyaan
a: khayaan
de: cheat, deceive
lx: khiyaan
pd: (khiyaamay)
ps: v1=
key: khiyaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahaannee
v., pl., opt. form: suppose we may be ..., what if we are ...?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahaannee
de: suppose we may be ..., what if we are ...?
lx: ahaannee
ps: v5a-1pl-pot
xe: What if were rich?
xv: Sow hodan ahaannee?
key: ahaannee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqee
f.g2 (-qeeyay, -qeysay) la-mid: hantaaqee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hataaqee
v. shove, push forward
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqee
(fal) hanboorriyee; turaanturree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hataaqee
de: shove, push forward
lx: hataaqee
pd: (hataaqeeyey)
ps: v2b=tr
key: hataaqee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayaan_1
de: long journey, hard trek, migration
hm: 1
lx: hayaan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: hayaan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayaan_2
de: make a long journey ~ hard trek, migrate to a better place
hm: 2
lx: hayaan
pd: (hayaamay)
ps: v1=
key: hayaan_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanad
-da: (magac, dhedig, keli) dirir afka ah oo canaan iyo guulguulid ah. Dh: dirir, hanjabaad, guhaad, cagajuglayn.
hayaanad -da: (magac, dhedig, keli) cid kuu baahatay, si xun ula dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Cid kacaan ka dhigid. 2. Wax cusbooneysiin. la-mid: kacaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamee
(fal) kacaan ka dhig; kacaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) 1. Cid karaamo siin (Eebbe). 2. Cid xurmayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) 1. Cid karaamo siin (Eebbe). 2. Cid xurmayn. m.f.dh, karaamayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karaamee
-yey / karaameysay: (v) 1. bless (balees); honor as holy; glorify barakee. 2. respect (ris-pakt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamee
(fal) haybad iyo darajo sare saar. Dh: xurmee, sharafi, qaddari, xushmee. Li: xumee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawaanle
(Kawaanla-ha)
Hilible.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaanle
m.l (-layaal, m.dh) Qof meheraddiisu tahay inuu hilibka ka ganacsado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kawaanle
m.l (-layaal, m.dh) Qof meheraddiisu tahay inuu hilibka ka ganacsado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawaanle
m. n. butcher
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kawaanle
-kawaanlaha: (n) butcher (bujar) ~ hilible
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawaanle
-ha: (magac, lab, keli) qof meheraddiisu tahay inuu hilibka ka ganacsado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawaanle
cf: hilible, qale, sugiye
de: butcher
lx: kawaanle
pd: (/ha Pl: kawaanley (da))
ps: n7-m, n5b-m
key: kawaanle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaawee
f.g2 (-weeyay, -weysay) Beer kawaawe ku simid.