khashkhashid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khashkhashid
(Khashkhashid-da)
Hadal badan oo been ah iyo mardabo qof wax kaga qaadid ama ku seejin; qof madaxiisa manjo u rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashkhashid
m.f.dh eeg khashkhash². la-mid: khashkhashaad, qashqashaad, qashqashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashkhashid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal badan oo been ah iyo mardabo qof wax kaga qaadid; qof madaxiisa majo u rogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaskhashid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo jaahwareer u gaysasho dad xaalad deggan ku jirey oo hawshooda watay. Dh: qashqashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashkhashaad
m.dh 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax looga qaado. 2. Cid la dhibo ama lagu dheelo. la-mid: qashqashaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khashkhashaad
m.dh 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax looga qaado. 2. Cid la dhibo ama lagu dheelo. la-mid: qashqashaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashkhashaad
-da: (magac, dhedig, keli) jaahwareer iyo dhib loo gaysto dad xaalad deggan ku jirey oo hawshooda si haboon u watay. Dh: qashqashaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khashkhash
(Khashkhash-ka)
Khashkhashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashkhash
khashkhash¹: m.l 1. Dhagar; sir; mardabo. 2. Wadnaqabad; qasacajebis. la-mid: qashqash¹.
khashkhash²: f.g1 (-shay, -shtay) 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax kaga qaadid. 2. Cid dhibid, ku dheelid ama lagu dheelo. la-mid: qashqash².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khashkhash
f.g1 (-shay, -shtay) 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax kaga qaadid. 2. Cid dhibid, ku dheelid ama lagu dheelo. m.f.dh, khashkhashid. la-mid: qashqash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khashkhash
v. disturb, annoy, bother
khashkhash vl. n. disturbance, annoyance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khashkhash
-ay / tay: (v) annoy (a nooy); harass (haaras); bug (baag); bother (baather); irritate (ir riteeyt); anger (angger); pester (pester)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashkhash
(fal) hadal mardabo oo aan dhab ahayn ku dheh oo ku ciyaar; khalkhal geli; jaahwareer ku rid. Dh: qashqash, khalkhali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaashid
m.f.dh eeg kashkhaash². la-mid: kashkaashis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashkaashid
-da: (magac, dhedig, keli) meel burgoglid oo kashkaash u samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khashkhash_1
de: disturb, annoy, bother
hm: 1
lx: khashkhash
pd: (khashkhashay)
ps: v1=
key: khashkhash_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khashkhash_2
de: disturbance, annoyance
hm: 2
lx: khashkhash
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: khashkhash_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaashad
m.f.l eeg kashkaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaashis
m.dh la-mid: kashkaashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ash'ashid
-da: (magac, dhedig, keli) wax araggiisa ku daalalyood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashkaash
(Kashkaash-ka)
1. Joodari.
2. Caws iyo waxyaalo kale oo jilicsan oo dhulka adag layska xijiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaash
kashkaash¹: m.l Caws nagaar iyo wixi lamida oo aqallada lagu goglo, si reyska gogosha looga xijiyo.
kashkaash²: f.g1 (-shay, -shtay) Caws, nagaar iyo wixi lamida aqal ku goglid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kashkaash
m.l Caws nagaar iyo wixi lamida oo aqallada lagu goglo, si reyska gogosha looga xijiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kashkaash
m. n. mattress; grass (etc.) strewed to make a mat ~ soft surface
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashkaash
-ka: (magac, lab, keli) caws jilicsan oo aqal iyo ardaa ba gogol looga dhigo. Dh: asgogol, burgogol, gogol, kashaash.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kashkaash
bw: joodari
de: mattress; grass (etc.) strewed to make a mat ~ soft surface
lx: kashkaash
nt: kashkaash [v1=] 'prepare a resting place with a grass mat'
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kashkaash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaasho
f.g3 (-shtay, -shatay) Aqal kashkaash ku goglasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalkhalid
(Khalkhalid-da)
Khalkhal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalkhalid
m.f.dh eeg khalkhal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalkhalid
-da: (magac, dhedig, keli) jahawareer iyo khalkhal qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashmashid
m.f.dh eeg mashmash². la-mid: mashmash¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashqashid
m.dh la-mid: khashkhashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashaashid
(Xashaashid-da)
Xarragood; mardaaddiyid; shoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashaashid
m.f.dh xashaash². la-mid: xarshaashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashaashid
-da: (magac, dhedig, keli) xarrago samayn. Dh: xarragood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la kashkaashay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kashkaashan
der. [adjective] covered, prepared with grass ~ soft material
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashkaashan
(tilmaame) wax la kashkaashay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kashkaashan
de: covered, prepared with grass ~ soft material
lx: kashkaashan
pd: (kashkaashnaa)
ps: adj-der
key: kashkaashan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashnaashid
m.f.dh eeg nashnaash². la-mid: naashnaashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashnaashid
m.dh la-mid: nashnaashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naashnaashid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanmarin iyo gabagabayn. Naashnaashidda waxa loo daayaa qof farsamayaqaan ah. Dh: qabyatirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaashxaashid
-da: (magac, dhedig, keli) tamashleyn oo kolba meel iska dalxiisid. Xaashxaashid badanaa wiilku. Dh: taxtaxaashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asha-shid
m.f.dh eeg ash-ash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaakhsad
-ka: (magac, lab, keli) khaakhato iska keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalkhali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: 1. ld. khalkhali. Cid khalkhal ku abuurid.². Aala
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khalkhali
f.g2 (-iyay, -isay) Cid khalkhal ku abuurid. m.f.dh, khalkhalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khalkhali
v. confound, cause to be confused; disconnect, make something loose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khalkhali
-yey / say: (v) confuse (konfiyuuz); throw off (tharaw of); rave (reeyv). Ex: cabbirkii khaladka ahaa baa qiyaastii ka khalkhaliyey; the wrong measurement threw her estimate off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalkhali
(fal) cid kale, jahawareer ku rid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khalkhali
de: confound, cause to be confused; disconnect, make s.t. loose
lx: khalkhali
pd: (khalkhaliyey)
ps: v2a=tr
key: khalkhali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamaasid
(Khamaasid-da)
(bil) Toomman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamaasid
m.f.dh eeg khamaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaasid
-da: (magac, dhedig, keli) bil toomman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaarid
(Khasaarid-da)
(ganacsi) wax dheefid la'aan; khasaaro ku dhicid; wax beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaarid
m.f.dh eeg khasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ganacsi, faa'iido la'aan; khasaaro ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khashabad
(Khashabad-da)
Gaadiid badeed, siiba doonyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashabad
m.dh (-do, m.l) Doon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khashabad
f. n. shipping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashabad
-da: (magac, dhedig, keli) magac guud oo loo yaqaan, gaadiidka badda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khashabad
de: shipping
lx: khashabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khashabad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashaashi
v. dress someone elegantly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xashaashi
a: xarshaashi
de: dress s.o. elegantly
initial: x
lx: xashaashi
pd: (xashaashiyey)
ps: v2a=tr
key: xashaashi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashaashad
m.dh (-do, m.l) B. ah: qof haween ah, bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaashad
-da: (magac, dhedig, keli) wejifurnaan, dabeecad samaan dadka dhoollocaddayn lagu qaabilo. Wejigaaga bashaashad ha laga arko. Dh: wejifurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasakhasho
m.f.dh eeg fasakho. la-mid: fasaqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasakhasho
-da: (magac, dhedig, keli) guur sharciqu oggolaaday ka nikaaxfurasho; nikaaxjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karbaashid
m.f.dh eeg karbaash².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karbaashid
-da: (n) whipping (wipping) ~ jeedlid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karbaashid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, karbaash la dhicid. Dh: jeedalayn, shaabuugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalkhalin
m.f.dh eeg khalkhali. la-mid: khalkhalgelin, khalkhalgelis, khalkhalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalkhalin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid khalkhalsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashuucid
m.f.dh eeg khashuuc². la-mid: khushuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashnaashi
nashnaashi¹: m.l Qurux iyo wanaag wax loo yeelay. la-mid: naashnaashi¹.
nashnaashi²: f.g2 (-iyay, -isay) Qurux iyo wanaag wax u yeelid. la-mid: nashnaash².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nashnaashi
f.g2 (-iyay, -isay) Qurux iyo wanaag wax u yeelid. m.f.dh, nashnaashin. la-mid: nashnaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qushaashid
m.f.dh eeg qushaash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalshaashin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmaha ceelka dheer ee dad badan lagu shubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaakhaayir
(fal) indhaha baadadkooda kor iyo hoos u dhig, adoo cid kale ku maagaya.
khaakhaayir -ka: (magac, lab, keli) indhaha baadadkooda oo kor iyo hoos u dhigdhigo, si cid kale looga cadhaysiiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashnaashi
naashnaashi¹: m.l la-mid: nashnaashi¹.
naashnaashi²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: nashnaashi².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashnaashad
m.f.dh la-mid: nashnaashasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashnaashin
m.f.dh eeg nashnaashi². la-mid: naashnaashin, naashnaashis, nashnaashis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarshaashid
m.dh la-mid: xashaashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashgaashin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod dhaqaaqjoogsi ah oo xeelad iyo qayaano ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashnaashin
m.dh la-mid: nashnaashin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashnaashis
m.l la-mid: nashnaashin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharashdhaafin
vl. n., [compound] over-expenditure, overspending
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharashdhaafin
de: over-expenditure, overspending
lx: kharashdhaafin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: kharashdhaafin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanshanqadhid
-da: (magac, dhedig, keli) shanqar soo noqnoqota oo la maqlo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaashnaan
m.f.dh eeg kashkaashan. la-mid: kashkaashnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashkaashnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) meel caws lagu goglay oo la kashkaashay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaakhaayirid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha baadadkooda kor iyo hoos u dhigdhigid, iyadoo cid kale lagu maagayo.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KHARASH GAADIID
Spese di trasporto
Transport expenditure