kharribaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharribaad
m.dh Halleynta wax wanaagsanaa la halleeyo. la-mid: kharrib¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kharribaad
m.dh Halleynta wax wanaagsanaa la halleeyo. la-mid: kharrib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharribaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhis, alaabo ama wax kale oo wanaagsan, xumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharibaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhis ama alaabo ama wax kale oo wanaagsan oo la xumeeyo ama la burbursho. Dh: kharrib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharribaad
m.dh 1. Isku dayidda la isku dayo wax samayntooda. 2. Tijaabinta wax la tijaabiyo. la-mid: sharribid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharribaad
m.dh 1. Isku dayidda la isku dayo wax samayntooda. 2. Tijaabinta wax la tijaabiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharribaad
vl. n. trying out, act of testing (a machine, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharribaad
-da: (n) testing (testing)-, experimenting ~ tijaabin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharribaad
-da: (magac, dhedig, keli) sharrib; tijaabin; jarribid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharribaad
de: trying out, act of testing (a machine, etc.)
initial: s
lx: sharribaad
pd: (-da)
ps: vn-f
key: sharribaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharribnaan
m.f.dh eeg kharriban². la-mid: kharribnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharribnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kharriban ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarribaad
-da: (magac, dhedig, keli) shirrabaad iyo laylyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharriban
Kharaab noqday ama laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharriban
kharriban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax la kharribay noqosho.
kharriban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la kharribay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kharriban
kharriban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax la kharribay noqosho. m.f.dh, kharribmid.
kharriban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la kharribay ahaansho. m.f.dh, kharribnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharriban
der. [adjective] spoiled, ruined, worn out, out of order
kharriban [inchoative] v. go wrong, become bad, get spoiled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharriban
-kharribnaa: (adj) messy (mesi); broken down; out of order
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharriban
(tilmaame) wax la xumeeyay. kharribid -da: (magac, dhedig, keli) alaabo ama wax kale oo wanaagsanaa oo la xumeeyo, ama la burburiyo. Dh: kharibaad. Li: hagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharribid
(Kharribid-da)
Kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharribid
m.f.dh eeg kharrib².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharribid
vl. n. destroying; spoiling; doing harm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharribid
de: destroying; spoiling; doing harm
lx: kharribid
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: kharribid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarribaad
-da: (magac, dhedig, keli) xumaasho aalad ku yimaad; caddilaad walax la soo derista.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharribmid
m.f.dh eeg kharriban¹.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
havoc
/haavak/ (n) baaba' (kharribaad weyn). e.g. The tornado created havoc over a wide area.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hooliganism
/huuliganism/ (n) fallaaganimo (rabsho iyo kharribaad u go'doomid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ravages
/raavijs/ (n) baaba' (kharribaad, burbur).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sabotage
/saabataj/ (v) 1. curyaamin (dhaawicid iyo burburin loo geysto mashiin, guri iwm, si loo curyaamiyo socodka hawlaha) (n) 2. kharribaad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vandalism
/vaandhalizam/ (n) kharribaad (bur-burin kas ah oo lugu sameeyo hantida dad-weynaha iwm).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baaba'
-a: (n) havoc (haavak); widespread destruction or devastation ~ kharribaad weyn. Ex: duufaantii waxay gaarsiisay baaba' dhul balaaran; the tornado created havoc over a wide area
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddilaad
-da: (magac, dhedig, keli) dheellitirka iyo isle'ekaysiinta.
caddilaad -da: (magac, dhedig, keli) kharribaadda wax hore u wanaagsanaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camaalaq
-a: (magac, lab, keli) kharribaad iyo laaqista wax la qaban doono.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déformer
déformer, v. - Kharribaad; Qaabka-ka-xumayn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharriban_1
de: spoiled, ruined, worn out, out of order
hm: 1
lx: kharriban
pd: (kharribnaa)
ps: adj-der
key: kharriban_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharriban_2
de: go wrong, become bad, get spoiled
hm: 2
lx: kharriban
pd: (kharribmay)
ps: v1=inch
key: kharriban_2
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kharribayya
gåter.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharribnaan
m.f.dh eeg sharriban². la-mid: sharribnaansho, shirrabnaan, shirrabnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraad
(Harraad-ka)
Sida la noqdo kolka biyo la cabbo la waayo; oon; surmi; asqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraad
harraad¹: m.l Baahi biyo loo qabo.
harraad²: f.mg1 (-day, -dday) Biyo u baahasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harraad
harraad¹: m.l Baahi biyo loo qabo.
harraad²: f.mg1 (-day, -dday) Biyo u baahasho. m.f.dh, harraadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harraad
m. n., [collective] thirst
harraad [inchoative] v. be ~ become thirsty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
harraad
-ka: (n) thirst (therest) ~ oon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraad
(fal) biyo u baaho; cid biyo u baahan noqo. Dh: oon, asqow.
harraad -ka: (magac, lab, keli) baahida iyo hamuunta la yeesho kolka la waayo wax la cabo. Dh: oon, surmid, asqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharrib
(Kharrib-ka)
Dhis ama alaabo ama wax kale oo wanaagsan oo la xumeeyo, la burbursho, kharaab laga dhigo; kharribaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharrib
kharrib¹: m.l Dhis ama alaabo ama wax kale oo wanaagsan oo la xumeeyo, la burbur-sho, kharaab laga dhigo. la-mid: kharribaad.
kharrib²: f.g1 (-bay, -btay) Wax wanaag-sanaa xumeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kharrib
kharrib¹: m.l Dhis ama alaabo ama wax kale oo wanaagsan oo la xumeeyo, la burbursho, kharaab laga dhigo. la-mid: kharribaad.
kharrib²: f.g1 (-bay, -btay) Wax wanaagsanaa xumeyn. m.f.dh, kharribid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharrib
v. ruin, spoil, wear out, corrupt
kharrib vl. n. ruining, act of spoiling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharrib
-yey / tay: (v) spoil (ispooyl), inflict damage upon; mess up; disable (diseeybel); impair (impeer); mar (maar); destroy (dis-tarooy) ~ hallee, kharaabi, qarbud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharrib
(fal) wax wanaagsanaa, xumee. Dh: qarrib. Li: wanaaji, toosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharraab
kharraab¹: m.l la-mid: kharaab¹.
kharraab²: f.mg1 (-bay, -btay) la-mid: kharaab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayraad
m.l.w 1. Waxyaabaha dabiiciga ah oo banii'aadanka manaafacaad u leh oo laga helo oogada ama gudaha badda iyo berrigaba. 2. eeg khayr.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayraad
m.l.w 1. Waxyaabaha dabiiciga ah oo banii'aadanka manaafacaad u leh oo laga helo oogada ama gudaha badda iyo berrigaba. 2. eeg khayr.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayraad
m. n., [collective] resources, wealth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayraad
-ka: (n) [Plural of khayr] prosperity (poroospeeriti); resources (ri soorsis); possessions. Ex: khayraadka dabiiciga ah: natural resources
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayraad
de: resources, wealth
lx: khayraad
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: khayraad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khurraad
m.l Hadal aan macno lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khurraad
-ka: (magac, lab, keli) hadal aan milgo iyo macne lahayn oo la iska yidhaahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaddibaad
m.dh Qarxi waayidda xabbad qori laga riday ay qarxi weydo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaddibaad
-da: (magac, dhedig, keli) qarxi waayidda xabbad qori laga riday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khajilaad
m.dh Dareen naxdin iyo xishood badan leh cid fagaara joogto ay muujiso. la-mid: khajalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khajilaad
m.dh Dareen naxdin iyo xishood badan leh cid fagaara joogto ay muujiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khajilaad
-da: (magac, dhedig, keli) sheexitaan; qajilaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabad
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhedig oo xumaaday ama sidii la rabay aan ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khariidad
m.dh (-do, m.l) la-mid: khariiddo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Khariidad
Map
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Khariidad
Map
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khariidad
f. n. map; plan, diagram, blueprint
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khariidad
-da: (n) map (maap); plan (palaan) ~ maab, naqsad, balaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khariidad
-da: (magac, dhedig, keli) warqad ama wax la mid ah oo korkeeda lagu masawiro dhulka ama badhkii. Dh: khariiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khariidad
a: khariiddo
bw: Arabic
de: map; plan, diagram, blueprint
lx: khariidad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khariidad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharrib_1
de: ruin, spoil, wear out, corrupt
hm: 1
lx: kharrib
pd: (kharribay)
ps: v1=
key: kharrib_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharrib_2
de: ruining, act of spoiling
hm: 2
lx: kharrib
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: kharrib_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasiraad
(Khasiraad-da)
1. Lacagta la khasiro.
2. Ganaax lacageed oo qof la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiraad
m.dh Ganaax cid la saaro. la-mid: khasir¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasiraad
m.dh Ganaax cid la saaro. la-mid: khasir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasiraad
f. n. fine, penalty; waste (of money)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasiraad
a: khasir
de: fine, penalty; waste (of money)
lx: khasiraad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khasiraad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korrimaad
vl. n. ascent, ascending, ascension; hill, incline
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korrimaad
-ka: (magac, lab, keli) waynaanshaha iyo barbaarista qof yaraa. Dh: koritaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korrimaad
de: ascent, ascending, ascension; [ext.] hill, incline
lx: korrimaad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: korrimaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrifaad
-da: (magac, dhedig, keli) 'lacag' sarrifid. Sarrifaadda baro haddaad safar gelayso.
sarrifaad -da: (magac, dhedig, keli) hadal iyo wax la mid ah, sarrifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharabaad
m.l Hu' ka samaysan nayloon, cudbi, suuf iyo wixi lamida oo cagaha la gashado, kabahana layska xijiyo; kaalso. la-mid: sharabaaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharabaad
m.l Hu' ka samaysan nayloon, cudbi, suuf iyo wixi lamida oo cagaha la gashado, kabahana layska xijiyo; kaalso. la-mid: sharabaaddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sharabaad
m. n. stocking, pair of socks
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharabaad
-ka: (magac, lab, keli) maro cagaha lagashado. Dh: shuraabaad. Wa: sharaabaaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sharabaad
de: stocking, pair of socks
initial: s
lx: sharabaad
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: iskaalso, sigis {N}
key: sharabaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharriban
sharriban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; bmi) Wax la sharribay noqosho. la-mid: shirraban¹.
sharriban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la sharribay ahaansho. la-mid: shirraban².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharriban
(tilmaame) la shirrabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharribid
(Sharribid-da)
Isku deyid, jarribid, tijaabin, hollin, baxnaaniin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharribid
m.f.dh eeg sharrib². la-mid: sharribaad, shirrabaad, shirrabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharribid
-da: (magac, dhedig, keli) jarribid; tijaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharbudaad
f. n. sabotage, destruction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharbudaad
-da: (n) destruction (distarakshen); wastage (weeys-teeyj); devastation (dhavesteeyshen); chaos (keeyoos); havoc (haavek) ~ qarbudaad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharbudaad
bw: Arabic
de: sabotage, destruction
lx: kharbudaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kharbudaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaabaad
-ka: (magacwadareed) marooyin kiishash u eg oo lugaha la gashado oo kabaha laga dulgashado; sharaabaaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharraxaad
m.dh Qurxinta meel lagu qurxiyo nalal, dhar, qalab iyo wixi lamida. la-mid: sharra-xid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sharraxaad
m.dh Qurxinta meel lagu qurxiyo nalal, dhar, qalab iyo wixi lamida. la-mid: sharraxid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharraxaad
-da: (n) decoration (di-koreey-shin); ornament (oorna-mant) embellishment, ~ qurxin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharraxaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax ay adagtahay in la fahmo hadal dheeraada ah oo lagu faahfaahinayo si loo fahmo. Macallinow casharkan sharraxaad dheeraad ah iga sii. Dh: faahfaahin, balballaadhin, jilcin.
sharraxaad -da: (magac, dhedig, keli) qurxin dheeraad ah. Aqalka sharraxaaddiisa badiya.