khararaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khararaf
-ta: (magacwadareed) dumar ganacsato ah oo aan meel ganacsigoosu ku salaysnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaf
(Kharaf-ka)
(qof) caqligiisa wax u dhinmeen; iskuddaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaf
m.l (-fyo, m.dh) Qof fudud oo iska hadla oo warkiisa aan waxba laga soo qaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharaf
m. n. confused man, crazy person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaf
-ka: (magac, lab, keli) qof caligiisu dhiman yahay noqo oo isku daran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharaf
de: confused man, crazy person
lx: kharaf
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kharaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararaf
(ereycodeed) lagu tusmeeyo sanqadha sidii wax baadad leh oo kolba dhinac u duulaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaab
(Kharaab-ka)
Wax kharriban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaab
kharaab¹: m.l K. ah: qalab gabay hawshuu qabanayey. la-mid: kharraab¹.
kharaab²: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Shaqeyn waayid (qalab). 2. Hawl gabid (qalab). la-mid: kharraab².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kharaab
kharaab¹: m.l K. ah: qalab gabay hawshuu qabanayey. la-mid: kharraab.
kharaab²: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Shaqeyn waayid (qalab). 2. Hawl gabid (qalab). m.f.dh, kharaabid. la-mid: kharraab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharaab
m. n. spoiled item, worn out thing
kharaab [inchoative] v. be spoiled; get worn out; malfunction; be incoherent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharaab
-ka: (adj) 1. fit for nothing; useless (yuuslis). 2. not working; out of order; broken down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaab
-ka: (magac, lab, keli) mid khariban; qaraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaar
(Kharaar-ka)
Dhadhan la kahdo oo aan macaaneyn; xaraar; qaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaar
m.l la-mid: xarąar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharaar
m. n. (adj.): bitter taste; bitter, acrid, sour
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kharaar
amer.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharaar
-ka: (n) bitter (bitar) ~ qaraar, xaraar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaar
(tilmaame) wax dhadhankiisu aanu macaanayn. Dh: qadhaadh, qaraar.
kharaar: (fal) aad uga dhereg, ka soo go', ka xiisa goo. Dh: qaraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharaar
de: bitter taste; [atr.] bitter, acrid, sour
lx: kharaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: xaraar
key: kharaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khawaaf
m.l.kh (-fiin, m.dh) Qof magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo wuxuu doonaba sameeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khawaaf
m.l.kh (-fiin, m.dh) Qof magaalo joog ah oo rug iyo raaslaawe ah oo wuxuu doonaba sameeya. m.dh.w, khawaafiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khawaaf
m. n. hopeless ~ desperate man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khawaaf
-ka: (n) loser (luuzer); failure (feelyar), drifter (dirifter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khawaaf
-ka: (magac, lab, keli) qofka fulaha ah ee aan kalsooni isku qabin.
khawaaf -ka: (magac, lab, keli) qof lab oo wax walba ka baqa. Dh: fule, fuley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khawaaf
bw: Arabic
de: hopeless ~ desperate man
lx: khawaaf
pd: (-ka Pl: khawaafiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: khawaaf
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qararaf
-ta: (n) petty trader women
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dharaarad
(Dharaarad-ka)
Dharaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharaarad
m.l 1. Qado. 2. la-mid: dharaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharaarad
vl. n. spending the day; day-time meal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarad
-ka: (magac, lab, keli) eeg dharaarasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharaarad
a: dharaarasho (/da) [n6-f]
de: spending the day; [ext.] day-time meal
lx: dharaarad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dharaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsad
m.l la-mid: dhararsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhararay ahaansho (nafley).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhararsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax dhararay ahaansho (nafley). m.f.dh, dhararsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabarsad
m.l la-mid: khabarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, khabaar ka raadin. Dh: waraysad, akhbaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabad
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhedig oo xumaaday ama sidii la rabay aan ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaarin
m.f.dh eeg kharaari. la-mid: xaraarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kharaar ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaarow
f.mg3 (-raaday, -raatay) 1. Wax kharaar noqosho. 2. Wax adkaaday noqosho (arrin). la-mid: xaraarow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharaarow
inch. v. become bitter; become ~ get difficult
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaarow
-ga: (magac, lab, keli) mid aan la dhandhamin karin oo la dhibsado noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharaarow
de: become bitter; [fig.] become ~ get difficult
lx: kharaarow
pd: (kharaaraaday)
ps: v3a=inch
key: kharaarow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharaarad
-da: (magac, dhedig, keli) dabeecad kululaan; xaruurad, marka qofka cadho ku soo boodda ah uu leeyahay isagoon dabeecad xumayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraa
(Haraa-ga)
Aan xoolaha socona haya madaxa ka raacin ee dib u hara oo gaabiya; aan caarad ahayn; dabaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraa
m.l 1. H. ah: Neef xoolo ah oo weligiiba ka hara xoolaha uu la soofo. 2. Baaqi. la-mid: hardabaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haraa
m.l 1. H. ah: Neef xoolo ah oo weligiiba ka hara xoolaha uu la soofo. 2. Baaqi; hardabaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraa
m. n. straggler, animal coming last ~ lagging behind; remainder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haraa
-ga: (n) remainder (rimeeyndher); leftover (left over); remnant (rem nant) ~ baaqi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
HARAA
Differenza a saldo
Balance
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Haraa
Rimanenza
Balance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraa
-ga: (magac, keli) mid aan xoolaha soconaya madaxa ka raacine dib u hadha oo gaabiya. Dh: hadhaa, dabaadi, hadhaadi.
haraa -ga: (magac, keli) xisaab inta ka soo baxda ee soo hadha kolka la isku celceliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraa
de: straggler, animal coming last ~ lagging behind; remainder
lx: haraa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: haraa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harar
harar¹: m.l la-mid: harrar¹.
harar²: m.dh la-mid: harrar².
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HARAR
Terminalia spinosa 10
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harar
-ka: (magac, lab, keli) gogosha jaad ka mid ah oo cawska laga tolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karar
m.dh Xoogga roob u da'o una biya dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karar
f. n. downpour, cloudburst, heavy rain
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Karar
nickname-m downpour, cloudburst, heavy rain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karar
-ta: (n) downpour (dhaawn-puur); heavy rain fall
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karar
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibicda roobka xoogga leh. Dh: karadh
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karar
de: downpour, cloudburst, heavy rain
lx: karar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: karar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ararad
m.l la-mid: ararasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararad
-ka: (magac, lab, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararayn, ararays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araray
(fal) gogoldhig ama hordhac samee. Si habboon u araray maqaalka. Dh: araree.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraaf
m.l Nuqul, bartilmaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraaf
-ka: (magac, lab, keli) qoraal in dib loo eego u baahan oo aan dhammaystirnayn. Dh: qabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharar
f.g1 (-ray, -rtay) Raagsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dharar
f.g1 (-ray, -rtay) Raagsasho. m.f.dh, dhararid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharar
v. wait anxiously ~ impatiently for
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharar
de: wait anxiously ~ impatiently for
lx: dharar
pd: (dhararay)
ps: v1=tr
key: dharar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaaf
m.l (-fyo, m.dh) (xisaab) Jaantus muujinaya xiriirka ka dhexeeya laba tiro ama laba xaddi. Waxa la adegsadaa dhidibbo iyo kulanno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garaaf
m.l (-fyo, m.dh) (xisaab) Jaantus muujinaya xiriirka ka dhexeeya laba tiro ama laba xaddi. Waxa la adegsadaa dhidibbo iyo kulanno.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf
Graph
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaaf
Graph
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaaf
m. n. graph
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaaf
de: graph {Eng}
lx: garaaf
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: garaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg haar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaran
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, guulguulid. Dh: haaraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraw
-ga: (magac, lab, keli) haar yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaray
(fal) cid kale, haar iyo calaamad nabar ah u yeel ama ku dhifo. Dh: calaamadee, haaree, qoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaruf
m.dh Nabarrada ay cadhada iyo wixi lamida ay oogada ku reebaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaruf
-ta: (magac, dhedig, keli) qolofta wax qoyanaa oo qallalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaaf
(Hadaaf-ka)
Socod gaabis ah; hudeec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaaf
hadaaf¹: m.l 1. Socod tartiib loo socdo. 2. la-mid: hadaafid.
hadaaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Socod tartiib ah socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadaaf
f.mg1 (-fay, -ftay) Socod tartiib ah socosho. m.f.dh, hadaafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadaaf
m. n. slow pace
hadaaf v. walk slowly, drag along
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaaf
(fal) qaab kala daadsani iyo caajis ka muuqdaan oo kala lulasho ah u soco; si wax indhala' u soco. Wiyil gees leh gaatama biciid gorey hadaafaaya. Dh: hudeec.
hadaaf -ka: (magac, lab, keli) socod gaabis ah oo kala daadsanaan iyo daal ku jiraan; socodka qofka indhaha la' ama ilmaha yar ee aan meel uu u socdo garanayn; socod uu weheliyo degenaansho iyo culays. Dh: hudeec.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraad
(fal) oon oo biyo u baaho. Dh: harraad, oon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraan
(Haraan-ka)
Dhar la tolay ama la iibshey cad ka soo haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraan
m. n. leftover piece of cloth, remnant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar la iibshay ama la tolay in yar oo ka soo hadhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraan
de: leftover piece of cloth, remnant
lx: haraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: haraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraaq
-da: (magac, dhedig, keli) cad yar oo maro ah oo hawl lagu qabto. Dh: haylaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harari
m.l.kh Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
harari
m.l.kh Nooc jaadka ka mid ah oo Harar ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardaf
(Hardaf-ka)
Orodka fardaha oo saqlaha iyo kacdinka u dhexeeya; gaaddabbuur; qaatimays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardaf
hardaf¹: m.l 1. Nooc orodka fardaha ka mid ah. 2. la-mid: hardafid.
hardaf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Si hardaf ah u ordid.