khanni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khanni
(Khanni-ga)
1. (markab, doonni...) qolalka iyo hulalka alaabada lagu guro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khanni
m.l (-iyo, m.dh) Qolalka iyo hulalka alaabada lagu guro (markab, dooni iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khanni
m. n. hold of a ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khanni
-ga: (magac, lab, keli) qolalka iyo hulalka alaabada lagu guro ee maraakiibta iyo doonyahu leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khanni
de: hold of a ship
lx: khanni
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: khanni
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cabina
s.f. - khanni; shir; gabbiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaniis
m.l Baane; siiba midka carruurta faraxuumeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaniis
m.l Baane; siiba midka carruurta faraxuumeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaniis
m. n. homosexual male, gay man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaniis
-ka: (n) 1. homosexual (hoomasekshuwal); gay (geey). 2. [offensive] fag (faage); or faggot (faaget) male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaniis
-ka: (magac, lab, keli) nin galmada dumarka aysan u cuntamin ee tan ragga aad u jecel amase isagu inuu naag noqdo jecel. Dh: qaniis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaniis
bw: Arabic
de: homosexual male, gay man
lx: khaniis
pd: (-ka Pl: khaniisiin (ta))
ps: n8-m, n2-m
syn: baane, makhnuud
key: khaniis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muhanni
-ga: (magac, lab, keli) qof wax bixinta ku wanaagsan oo gacan furan. Dh: deeqsi, faxal. Li: bakhayl.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hani
Valve
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kani
deictic, subject case: this [subject]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kani
[pronoun this plus is] this is... Ex: kani waa buug; this is a book
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kani
de: this [SUBJECT]
lx: kani
ps: deic-m-subj
xe: This is my son.
xv: Kani waa wiilkaygii.
key: kani
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
banni
banni, adj. - Masaafurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Danni
(Danni-ga)
Male.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
danni
danni¹: m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
danni²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Dareen shaki iyo hubsiino la'aan leh cid ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
danni
m.l Dareen shaki iyo hubsiino la'aan abuura.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danni
m. n. thought
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danni
(fal) sida ay wax yihiin maskaxdaada ka suurayso. Dh: malee, malay, tuhun.
danni -ga: (magac, lab, keli) tuhun aanad hubin oo kaa gala wax ama cid. Dh: tuhun, male.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
danni
bw: Arabic
de: thought
lx: danni
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: danni
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHANI
(Dani) NFD,S Boscia tomentella Chiov. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanfi
(Hanfi-ga)
Dabayl kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfi
hanfi¹: m.l Dabayl kulul.
hanfi²: m.l (juqraafi) Dabayl kulul oo qallalan oo ka soo dhacda meelaha dulaha ah una soo dhacda xeebaha, gaar ahaan dalka koonfurta Afrika; waxaana ay dalkaas ka dhacdaa xilliga jiilaalka. Hanfigu wuxuu dhulka Soomaalida ka dhacaa xilliga xagaaga, waxaanu ka dhacaa Xeebta Badda Cas, sida Berbera iyo Jabuuti.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanfi
hanfi¹: m.l Dabayl kulul.
hanfi²: m.l (juqraafi) Dabayl kulul oo qallalan oo ka soo dhacda meelaha dulaha ah una soo dhacda xeebaha, gaar ahaan dalka koonfurta Afrika; waxaana ay dalkaas ka dhacdaa xilliga jiilaalka. Hanfigu wuxuu dhulka Soomaalida ka dhacaa xilliga xagaaga, waxaanu ka dhacaa Xeebta Badda Cas, sida Berbera iyo Jabuuti.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hanfi
Berg wind
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanfi
m. n. hot wind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanfi
-ga: (n) hot, humid air or wind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfi
-ga: (magac, lab, keli) dabayl kulul oo jidhka leefta; dabayl kulul oo qallalan. Dh: halaso. Li: dhaxan, hamaday, gabadano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanfi
de: hot wind
lx: hanfi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hanfi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanna
m.dh Dembi ah wax ka baxsan ballannada herinta ama xeerka qofkii ku xad gudba ayaa la yiraahdaa (hannaa gashay) waxaana ugu culus, u galmoodka naageed inta ugaarsiga lagu jiro ama loo tabaabushaysanaayo, siiba waqtiyada oroobka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansi
-ga: (magac, lab, keli) sugashada ay kalsoonida iyo rajuhu ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanti
(Hanti-da)
Wax qof gaar u lee yahay; lihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanti
hanti¹: m.dh 1. Wax mood iyo nool ah ee cidi leedahay. 2. Maal badan.
hanti²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax mas'uuliyaddooda ka adkaansho. 2. Wax lahaanshihiisa la wareegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hanti
hanti¹: m.dh 1. Wax mood iyo nool ah ee cidi leedahay. 2. Maal badan.
hanti²: f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax mas'uuliyaddooda ka adkaansho. 2. Wax lahaanshihiisa la wareegid. m.f.dh, hantiyid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hanti
Assets
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hanti
Capital
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanti
f. n., [collective] property, assets, possessions; wealth
hanti v. own, possess; acquire (wealth); inherit; nationalize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hanti
-da: (n) property (proparti); holdings (holdhingis); assets (aasset); belongings (bi loongings); wealth (weelthi) ~ maal -ka, milkiyad
hanti -yey / say: (v) have control over; get by one's own efforts: own (oon); acquire (akuweer)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hanti
Beni; capitale
Assets; capital
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanti
(fal) hanti ahaan u yeelo, gacanta ku dhig. Dh: hano, qabso, mulki.
hanti-da: (magac, dhedig, keli) mooro iyo maal uu qof gaar u leeyahay. Hanti baa geesi harigga saartoo, waa kaa layga kaa haleelee, bal an hoodo sheegtee... Dh: hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinni
(Hinni-ga)
Dhir shareeran; jiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinni
m.l (-iyo, m.l/dh) Meel dhirtu ku badantahay; jiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hinni
m.l (-iyo, m.l/dh) Meel dhirtu ku badantahay; jiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinni
m. n. forest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinni
-ga: (magac, lab, keli) dhir aad isku haysata oo shareeran. Hinni ha ina dhex marine banaanka inoo saar. Dh: kayn, jiq, hirig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinni
de: forest
lx: hinni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hinni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadni
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax aan dhawrayn. Dh: dayacni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kanna
deictic, [conjunction] and this ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kanna
[pronoun this plus and] and this; with this; about this. Ex: kanna ka waran; say something about this one
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kanna
de: and this ... = kan + -na
lx: kanna
ps: deic-m + conj
key: kanna
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kansi
(Kansi-ga)
Kensi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kansi
m.l (-iyo, m.dh) Lacag, dhagax, bir iyo wixi lamida oo qaali ah si gaar ahna loo ilaaliyo. la-mid: kensi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kansi
m.l (-iyo, m.dh) Lacag, dhagax, bir iyo wixi lamida oo qaali ah si gaar ahna loo ilaaliyo. la-mid: kensi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kansi
m. n. treasure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kansi
-ga: (magac, lab, keli) tiro is dheer; tiro wax loo qaybiyo ee hadhaaga yeelata. Kow iyo toban waa tiro kansi ah. Dh: kinsi, kisi. Li: dhaban,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kansi
a: kensi
bw: Arabic
de: treasure
lx: kansi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kansi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khafi
-ga: (magac, lab, keli) maahsani iyo dhaadidli'i. Dh: qafi, maah, suur, suul, aroor. Li: miyirqab.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
khaki
/kaaki/ (adj) kaaki ah (dharka adag oo askarta)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhacni
v. take place, go on, be conducted
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanna
adv; n. phr., neg. nowhere
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhanna
(adv) 1. no direction; no where. Ex: dhanna umasocdo; I am going no where. 2. impartial (im-paar-shel). Ex: dhanna ma raacsana: he is impartial
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhanna
de: nowhere = dhan (ka) + -na (neg)
lx: dhanna
ps: adv / np + neg
key: dhanna
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaanni
gaanni¹: m.l (-iyo, m.dh) 1. Yaxaas lab oo dilaa ah. 2. Ugaarta nooceeda waaweyn; ishin.
gaanni²: m.dh.kh G. ah: fardo xoog, cayil iyo adkaysi isku darsaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaanni
m.l (-iyo, m.dh) 1. Yaxaas lab oo dilaa ah. 2. Ugaarta nooceeda waaweyn; ishin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaanni
nickname-m a full-grown crocodile or a young male lion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaanni
-da: (magac, dhedig, keli) fardo xoog, cayil iyo adkaysi isku darsaday.
gaanni -ga: (magacwadareed) geela gudhan, ee aan rimmanayn.
gaanni -ga: (magac, lab, keli) yaxaas ama libaax weynaaday oo aanu xoog u dhinnayn. Marka aan gardaadshaba waxaan odhan la haa gaanni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaati
(Khaati-ga)
(Khaati baa laga joogaa: dhib baa lagu qabaa; naftii buu dadka u keenay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaati
m.l la-mid: khaatir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaati
m. n. bored ~ fed-up person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaati
-ga: (magac, lab, keli) dhibta iyo kadeedka cid kale lagu daaliyo oo dulqaadka ka yaraysa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaati
cf: khaatir
de: bored ~ fed-up person
lx: khaati
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: khaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaawi
(fal) wax isku laaq oo kala saari waa: naftaada malaheeda meel kale mari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabbi
(fal) meel ku qari. Dh: sheel, qari, xasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalii
(Khalii-ga)
Qoryo dhuudhuuban oo aqallada (cariishyo) lagu dhiso ama bedemmada, kd., lagu awdo; sarab; sadaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalji
khalji¹: m.l.u Qoryo dhuudhuuban oo aqallada lagu dhiso ama bedemmada iyo wixi lamida lagu awdo ama lagu karo; sarab; sadaq.
khalji²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Khalji wax ku dhisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khalji
m. n., [collective] flexible bundles of twigs used for building huts
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalji
(fal) cariish ku dhis laamaha khaliga.
khalji -ga: (magac, lab, keli) laamo jiljilicsan oo cariishyada lagu dhiso. Dh: sarab.
khalji -ga: (magac, lab, keli) eeg seeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khalji
de: flexible bundles of twigs used for building huts
lx: khalji
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: khalji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalqi
(Khalqi-ga)
Uun; abuur; dad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalqi
m.l.u Uun badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khalqi
m.l. u Uun badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khalqi
m. n., [collective] creation; people
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khalqi
-ga: (n) all creatures in the world; creation (kiri-yeey-shiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalqi
-ga: (magac, lab, keli) uunka Ilaahay dunida dhigay oo dhan. Dh: abuur, makhluuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khalqi
bw: Arabic
de: creation; people rw: khalaq
lx: khalqi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: khalqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamri
m.l la-mid: khamro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamri
m. n., (mass n.): alcoholic beverage, liquor, wine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamri
-ga: (n) alcoholic liquor, beer or wine ~ khamro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamri
-ga: (magac, lab, keli) dareere la cabbo oo alkool ku jiro. Waxa laga sameeyaa midhaha canabka laga miiro oo la khamiiriyo, doorisa maanka iyo maskaxda qofka oo xumaan iyo wanaag kala garan waayo. Dh: qamri, farsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamri
a: khamro
bw: Arabic
de: alcoholic beverage, liquor, wine
lx: khamri
pd: (-ga)
ps: n2-m-mass
key: khamri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khayli
(Khayli-da)
Maro midabyo badan oo la huwan jirey (khayli-cad; khayli-mandheeri; khayli-madow).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayli
m.dh Guntiino daliig madow darfaha ku leh oo waagii hore dumarku qaadan jireen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayli
f. n. brightly colored cloth (no longer in use)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayli
-ga: (magac, lab, keli) maro midabyo badan oo la huwan jiray. Khaylida jilbaha loo dhigiyo jaaha wilicdiisa, ha jalleecin wiil baa uga dhacay tobanka jiiroode.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayli
de: brightly colored cloth (no longer in use)
lx: khayli
pd: (-da)
ps: n2-f
key: khayli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naanni
(Naanni-da)
Kaalin ceelka agtiisa laga dhiso oo xooluhu biyaha ka cabbaan; berked yar; dar.