khamiisley
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamiisley
-da: (magacwadareed) arday maalinta khamiista uun meel wax ka barata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamiis
1. (Khamiis-ka) Dhar tolan oo korka laga qaato oo mid gaaban iyo mid dheerba leh; gashi.
2. (Khamiis-ta) Maalmaha toddobaadka mid kamid ah oo Arbacada iyo Jamcaha u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamiis
khamiis¹: m.l (-syo, m.dh) Dhar tolan oo ilaa canqowyada jooga, gacmo dheerna leh oo raggu gashadaan. la-mid: qamiis.
khamiis²: m.dh (-so, m.l) Maalmaha toddobaadka mid ka mid ah oo arbacada iyo jimcaha u dhexeysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Khamiis
f. n. Thursday (sixth day of the Somali week)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamiis
m. n. long robe ~ shirt
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khamiis
name-m one born on Thursday
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Khamiis
-ta: (n) Thursday (tharaz-dheey)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamiis
-ka: (n) a loose robe worn by men; shirt (sheert); robe (roowb) ~ shaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Khamiis
-ta: (magac, dhedig, keli) maalmaha toddobaadka mid ka mid ah oo Arbacada iyo Jimcaha u dhaxaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamiis
-ka: (magac, lab, keli) dar tolanoo korka laga qaato oo mid gaaban iyo mid dheerba leh. Dh: gashi, qamiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Khamiiso
magac loo baxsho gabadh ayaan Khamiis ah dhalatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Khamiis_1
bw: Arabic
cf: maalin
de: Thursday (sixth day of the Somali week)
hm: 1
lx: Khamiis
pd: (-ta)
ps: n2-f-time, n1-f
key: Khamiis_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamiis_2
a: qamiis
de: long robe ~ shirt
hm: 2
lx: khamiis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: khamiis_2
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Khamiis-ta
Jeudi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shambisgeys
m.l Geedgaab aan qodax lahayn oo daawo laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shambisgeys
-ka: (magac, lab, keli) geedgaab aan qodax lahayn oo daawo laga sameeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ariiley
-da: (magacwadareed) reeraha isla deggan ee adhiga oo keliya dhaqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilley
m.dh Meesha ay sagaaradu si joogto ah ugu saxarooto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiiqley
m.dh la-mid: xiiqley.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaliil
name-m sincere; friend
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamiir
(Khamiir-ka)
1. Baqa ama kalaggo'a ka samaysma badarka iyo miraha u rogmanaya, waxa ay ahaayeen wax ka duwan oo hor leh.
2. Waxyar oo dhanaan (salsal, gundhig, qaab, ...) oo wixii lagu daro ka dhiga dhanaan, karuur, baq, cajiin, ...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamiir
khamiir¹: m.l 1. Badar cajiiman, muddo la huuriyo si loo dubi karo. 2. Badar yar, cajiiman oo canjeero, bur iyo wixi lamida lagu fixiyo.
khamiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Badar cajiiman khamiir noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khamiir
khamiir¹: m.l 1. Badar cajiiman, muddo la huuriyo si loo dubi karo. 2. Badar yar, cajiiman oo canjeero, bur iyo wixi lamida lagu fixiyo.
khamiir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Badar cajiiman khamiir noqosho. m.f.dh, khamiirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamiir
m. n. enzyme; fermented matter
khamiir v. ferment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamiir
-ka: (n) 1. dough (dow) ~ cajiin. 2. fermenting (feer menting) agent; yeast (yiist); something that causes fermentation (feer-man-teey-sheri) ~ qamiir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamiir
-ka: badar cajiiman, khamiir noqosho.
khamiir -ka: (magac, lab, keli) badar cajiiman oo inta muddo la huuriyo, haddana la dubo.
khamiir -ka: (magac, lab, keli) in yar oo badar ah oo cajiiman oo kolkaa canjeero, bur iyo wixii la mid ah lagu fixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaniis
m.l Baane; siiba midka carruurta faraxuumeeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaniis
m.l Baane; siiba midka carruurta faraxuumeeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaniis
m. n. homosexual male, gay man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaniis
-ka: (n) 1. homosexual (hoomasekshuwal); gay (geey). 2. [offensive] fag (faage); or faggot (faaget) male
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaniis
-ka: (magac, lab, keli) nin galmada dumarka aysan u cuntamin ee tan ragga aad u jecel amase isagu inuu naag noqdo jecel. Dh: qaniis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaniis
bw: Arabic
de: homosexual male, gay man
lx: khaniis
pd: (-ka Pl: khaniisiin (ta))
ps: n8-m, n2-m
syn: baane, makhnuud
key: khaniis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasiis
(Khasiis-ka)
(qof) xun; liid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiis
m.l (-syo/-siin, m.dh) Qof aan ka xishoon falalka xunxun oo dhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasiis
m. n., [collective], (adj.): evil person; wicked, depraved, amoral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasiis
-ka: (n) immoral, indecent or immodest person ~ wasqaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasiis
-ka: (magac, lab, keli) qof aan waxba isku falin oo aan waxba ka xishoonin. Dh: qasiis, maxishoode. Li: shariif. Wa: khasiisiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasiis
bw: Arabic
de: evil person; [atr.] wicked, depraved, amoral
lx: khasiis
pd: (-ka Pl: khasiisiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: khasiis
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaliila
name-f sincere; friend
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Khamiir ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khamiiri
f.g2 (-iyay, -isay) Khamiir ka dhigid. m.f.dh, khamiirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamiiri
v. make something ferment ~ rise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamiiri
-yey / say: (v) produce by fermentation; ferment (feer ment) ~ qamiiri
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamiiri
de: make s.t. ferment ~ rise
lx: khamiiri
pd: (khamiiriyey)
ps: v2a=tr
key: khamiiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ra'iisle
m.l Ninka timaha madaxa dadka gaagaabiya ama qurxiya. la-mid: rayiisle.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ra'iisle
-ra'iislaha: (n) barber (baar'ber); barber shop ~timajare, baarbayeeri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ra'iisle
-ha: (magac, lab, keli) qofka ama meesha timaha xiirta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ra'iisle
a: rayiisle
cf: xiir {N > Arb}
de: barber, hairdresser
lx: ra'iisle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ra'iisle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayiisle
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Nin xirfaddiisu tahay jaridda iyo habaynta timaha; baarbiyeeri. 2. la-mid: rayiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayiisle
-ha: (magac, lab, keli) qofka timaha xiira ama meesha tímaha lagu xiiro. Rayiisle u tag timaha ha kaa xiiree. Dh: timajare, raysle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saamiley
m.dh Naag wax dad badan ka dhexeeya saami ku leh.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Saamiley
Azionisti
Shareholders
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saamiley
-da: (magac, dhedig, keli) qof saami meel ku leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddisley
m.dh la-mid: geddisley.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddisley
-da: (magac, dhedig, keli) dad hawshoodu tahay iibinta iyo gadidda alaabta laga ganacsado. Dh: baayacmushtar, ganacsato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaariiste
-ha: (magac, lab, keli) dirawalka baabuurta dagaalka ee qufulan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamiir_1
bw: Arabic
de: enzyme; fermented matter
hm: 1
lx: khamiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: khamiir_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamiir_2
de: ferment
hm: 2
lx: khamiir
pd: (khamiiray)
ps: v1=intr
key: khamiir_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamiirid
(Khamiirid-da)
Khamiir noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamiirid
khamiirid¹: m.f.dh eeg khamiir².
khamiirid²: m.dh (baayoloji) Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iyo wixi lamida). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khamiirid
m.dh (baay.) Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iyo wixi lamida). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamiirid
-da: (magac, dhedig, keli) khamiir noqosho; qamiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamiirin
(Khamiirin-ta)
Khamiir ka dhigid; (ama qamiirin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamiirin
m.f.dh eeg khamiiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamiirin
vl. n. fermentation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamiirin
-ta: (n) fermentation (feer-man- teey-shen)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamiirin
de: fermentation
lx: khamiirin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: khamiirin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
khamiirin
تَحْمِير
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaniisad
f. n. lesbian, homosexual female, gay woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaniisad
-da: (n) lesbian (leez-biyan)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaniisad
de: lesbian, homosexual female, gay woman
lx: khaniisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khaniisad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitay
(fal) shamiito mari, dhexgeli, sibdhi sibidhay guriga, sibidh mari, ku samee sibidh. Dh: shamiitee, sibidhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiitee
(fal) shamiinto ku dhis; sibidhee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shardiley
f. n. conditional, subjunctive {grammar}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shardiley
de: conditional, subjunctive {grammar}
initial: s
lx: shardiley
pd: (-da)
ps: n1-f
key: shardiley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiisiin
m.dh.w eeg khasiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamiintee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Wax shamiinto marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shamiintee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Wax shamiinto marin. m.f.dh, shamiintayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shamiintee
v. cement, pave with cement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiintee
(fal) derbi ama wax kale, shamiinto mari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shamiintee
de: cement, pave with cement
initial: s
lx: shamiintee
pd: (shamiinteeyey)
ps: v2b=tr
key: shamiintee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khariidadee
(fal) sawir oo khariidad u yeel; dhulka. qaab ahaan gacantaada ku sawir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasiisnimo
-da: (magac, dhedig, keli) xishood la'aan; sarriig la'aan. Dh: qasiisnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamiintayn
m.f.dh eeg shamniitee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamiintayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shamiito ku samayn; sibirayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shammiintee
-yey / shamiinteysay: (v) coat with cement (si-ment); build with cement ~ shamiitee