khalkhal-birlabeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalkhal-birlabeed
m.l (c.fal) Qulqulad weyn oo ku dhacda bed birlabeedka dhulka oo dunida oo dhan saamaysa, taas oo dhammaan ama sida badan qarinaysa isbeddelka maalmeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Khalkhal birlabeed
Magnetic storm
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Magnetic storm
Khalkhal birlabeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badad-birlabeed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Badad xoog oo ka jira weegaarka birlab ama gudbiye qulqul danab wada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badad-birlabeed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Badad xoog oo ka jira weegaarka birlab ama gudbiye qulqul danab wada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaal birlabeed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Summad H. Xaddi leeb laguna qeexo bar gaar ah ku taal badad birlabeed keenaysana cabbirka qaybta cufnaan burqaad birlabeedka (B), xorna ka ah dhextaalka ay ku falmayaan xoogagga badada birlabeed. Waxa lagu cabbiraa halbeegga (A/m).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ka-siq-birlabeed
Diamagnetism
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badad birlabeed
Magnetic Field
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidhif-birlabeed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Dacallada birlabta ee u muuqda in xoogagga birlabeed ay ka unkamaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ku-siq-birlabeed
Paramagnetism
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dib dhac birlabeed
Hysteresis
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KALKAAL-CURYAAMEED
(Kalkal-uriamed) May Acalypha fruticosa Forsk. Euphorbiaceae.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidhifbirlabeed
m.l (-dyo, m.dh) (fiisikis) Dacallada birlabta ee u muuqda in xoogagga birlabeed ay ka unkamaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cirlf birlabeed
Magnetic pole
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharab-barafeed
m.l (fiisikis) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sallax-barafeed
m.l (juqraafi) Cuf ballaaran oo baraf ah oo daboola dhulal ballaaran ee ku dhaca cirifyada; sallaxa barafka dushiisu sida badan waa simanyahay. Baraf gogollada Giriinland iyo Antaartika waa kuwa keliya o waaweyn oo imminka jira.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sallax-barafeed
m.l (juqraafi) Cuf ballaaran oo baraf ah oo daboola dhulal ballaaran ee ku dhaca cirifyada; sallaxa barafka dushiisu sida badan waa simanyahay. Baraf gogollada Giriinland iyo Antaartika waa kuwa keliya o waaweyn oo imminka jira.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xagal-bartameed
Qalab loogu isticmaalo bartan-calaamadinta birta duuban.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cidhif birlabeed
Magnetic pole
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhadhaablakabeed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Dhaqxaan u tuulmay dhadhaab salceedyo, badanaa lakabeedyo (sida, biyaha hoostooda) oo sameeya midka mid ah saddexda nooc ee waaweyn ee dhadhaabaha kuwaa oo sameeya oogada dhulka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhadhaablakabeed
Sedimentary rocks
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhidib birlabeed
Magnetic Axes
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Foorar birlabeed
Magnetic Dip
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexad birlabeed
m.l (-dyo ..., m.dh) ??
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahin-birlabdanabeed
m.dh (fiisikis) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.