khaljiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaljiyid
m.f.dh eeg khalji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaljiyid
-da: (magac, dhedig, keli) laamaha khaljiga, cariish ku dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khajilid
m.dh la-mid: khajalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khajilid
-da: (magac, dhedig, keli) khajalid; sheexid; qajilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaliifid
(Khaliifid-da)
Khaliif ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaliifid
m.f.dh eeg khaliif².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalii
(Khalii-ga)
Qoryo dhuudhuuban oo aqallada (cariishyo) lagu dhiso ama bedemmada, kd., lagu awdo; sarab; sadaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalji
khalji¹: m.l.u Qoryo dhuudhuuban oo aqallada lagu dhiso ama bedemmada iyo wixi lamida lagu awdo ama lagu karo; sarab; sadaq.
khalji²: f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Khalji wax ku dhisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khalji
m. n., [collective] flexible bundles of twigs used for building huts
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalji
(fal) cariish ku dhis laamaha khaliga.
khalji -ga: (magac, lab, keli) laamo jiljilicsan oo cariishyada lagu dhiso. Dh: sarab.
khalji -ga: (magac, lab, keli) eeg seeb.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khalji
de: flexible bundles of twigs used for building huts
lx: khalji
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: khalji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanjiid
hanjiid¹: m.l Qob ka saaridda in yar oo gocoso ah gacan qobka looga saaro.
hanjiid²: f.g1 (-day, -dday) Gocoso gacan qob uga saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabiid
m.l (-dyo, m.dh) Qof aan weji furreyn oo xaasid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khabiid
m. n. mean person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khabiid
-ka: (n) unkind, cruel or mean person; malicious person ~ qabiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabiid
-ka: (magac, lab, keli) qof aan naxariis iyo jixinjix lahayn. Dh: qabbiid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khabiid
de: mean person {S}
lx: khabiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: khabiid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaldid
-da: (magac, dhedig, keli) khalad ka dhigid; shay sidii loogu talagalay laga duway. Dh: qaldin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaliif
(Khaliif-ka)
1. Taliyaha u sarreeya qaran Muslin ah.
2. Qof jago qof kale lahaa dhaxla ama fariista.
3. Afartii madax oo Nebi Maxamed ku xigtey (Abuu Bakar, Cumar, Cismaan iyo Cali), darajada iyo magaca loo yiqiin.
4. Shiikh urur diin, sida dariiqada, u madax ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaliif
khaliif¹: m.l 1. (dii.) (khulafaa, m.dh) Afartii madax oo Nebi Maxamed (n.k.h.a) ku xigtay (Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali) darajada iyo magaca loo yiqiin. 2. (-fyo, m.dh) Nin wakiil ka ah Shiikh xertiisu meelo badan joogto.
khaliif²: f.g1 (-fay, -ftay) (dii.) Khaliif ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaliif
khaliif¹: m.l 1. (dii.) (khulafaa, m.dh) Afartii madax oo Nebi Maxamed (n.k.h.a) ku xigtay (Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali) darajada iyo magaca loo yiqiin. 2. (-fyo, m.dh) Nin wakiil ka ah Shiikh xertiisu meelo badan joogto.
khaliif²: f.g1 (-fay, -ftay) (dii.) Khaliif ka dhigid. m.f.dh, khaliifid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Khaliif
name: Calif, Calaf
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaliif
m. n. caliph
khaliif v. make someone caliph; name as caliph
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaliif
name-m vice-regent, successor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaliif
-ka: (magac, lab, keli) taliyaha u sarreeya qaran muslin ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaliij
m. n. gulf
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaliij
-ka: (n) Gulf States, such as Saudi Arabia, Bahrain, Qatar, United Arab Emirates, Oman, Iran, Iraq or Kuwait
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaliij
de: gulf
lx: khaliij
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: khaliij
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaliil
name-m sincere; friend
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khalqid
(Khalqid-da)
Abuurid; uumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalqid
m.f.dh eeg khalaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khalqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uumid; wax aan hore u jirin, abuurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maljiid
maljiid¹: m.l la-mid: marjiid¹; marjiidid.
maljiid²: f.g1 (-day, -dday) la-mid: marjiid².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maljiid
v. stretch, extend, lengthen (elastic material)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maljiid
-ka: (magac, lab, keli) kala jidmidda waxyaalaha laastiigga ah; kala fidsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maljiid
de: stretch, extend, lengthen (elastic material)
lx: maljiid
pd: (maljiiday)
ps: v1=tr
see: marjiid
key: maljiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xajiyid
(Xajiyid-da)
Xaj tegid, gudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xajiyid
m.f.dh eeg xaji¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) xaj tegid; xaj gudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haajirid
(Haajirid-da)
Dal durugsan aadid; dalaabid; (ama haayirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haajirid
m.f.dh eeg haajir². la-mid: haajir¹ (2), haayir¹ (3), haayirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haajirid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka socosho oo meel kale u guurid. Shimbiruhu waxa ay sameeyaan haajirid xilliyada ku salaysan. Dh: qaxid, dalandoolid, guurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haliilid
(Haliilid-da)
Wax helidood, ama qof wax gaarsiinti, kd., u soo kicid, soo aadid, aan dib looga waabanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haliilid
m.f.dh eeg haliil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haliilid
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) wax aan faraha ku jirin, heliddooda, hamuun dheeri ah u muujin. Dh: kardhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halligid
(Halligid-da)
Halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halligid
m.dh la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halligid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg halligaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hammiyid
(Hammiyid-da)
Walbahaarid; welwelid: islahadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammiyid
m.f.dh eeg hammi². la-mid: hammin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammiyid
-da: (magac, dhedig, keli) talo ku fekerid oo maanka ku hayn.
hammiyid -da: (magac, dhedig, keli) arrin wax ka qabashadeeda ku werwerid oo ku walbahaarid. Dh: murugo, taamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiyid
(Hantiyid-da)
Wax la lee yahay ka dhigid; qabsasho; yeelasho; lahaansho; hanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiyid
m.f.dh eeg hanti². la-mid: hantin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiyid
vl. n. taking possession; nationalization, socialization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ku dhigid oo iska yeelasho. Dh: hantiyis, qabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiyid
de: taking possession; nationalization, socialization
lx: hantiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hantiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardiyid
(Hardiyid-da)
Hardi ku dhufasho; madaxa xoog wax ugu dhufasho; cid madaxa wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardiyid
m.f.dh eeg hardi. la-mid: haratin, hardin, hertin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale madax ku jiidid. Hardiyidda naga daa oo saani u ciyaar. Dh: herdiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldiyid
m.dh la-mid: jildiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buug jaldi u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadiyid
m.f.dh eeg kaadi³. la-mid: kaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi iska keenid. Dh: kaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaafiyid
(Kaafiyid-da)
Ku fillaansho; wada gaarid; deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafiyid
m.f.dh eeg kaafi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) daboolitaanka baahida uu wax leeyahay; dhammaystirka baahida uu wax qabo. Dh: gaadhis, deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabtiyid
(Kabtiyid-da)
Ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabtiyid
m.f.dh eeg kabti².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) roorid; ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalbixid
m.f.dh eeg kalbax². la-mid: kalbax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kallifid
(Kallifid-da)
Wax aan maaro loo hayn, cid dusha ka saarid, ku qaybin; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallifid
m.f.dh eeg kallif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kallifid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax uunu karayn ku dirqiyid. Dh: dirqiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallihid
m.dh la-mid: kallahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khafiyad
(Khafiyad-da)
Cayaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khafiyad
m.dh (-do, m.l) Garaangar yar oo wareegta oo leh meel xariggu galo, oo ceelka korkiisa suran, dalowgana lagu soo jiido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khafiyad
f. n. pulley
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khafiyad
-da: (n) pulley (puli)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khafiyad
-da: (magac, dhedig, keli) garangar yar oo inta xadhig laga dhexdusiyo, waxyaalaha culus lagu shubashubeeyo. Dh: cayaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khafiyad
de: pulley
lx: khafiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khafiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khajalid
m.f.dh eeg khajal². la-mid: khajilaad, khajilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khajalid
-da: (magac, dhedig, keli) sheex dareemid. Dh: qajilid, khajilid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaliida
name-f immortal, survinving
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaliifi
v. make someone caliph
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaliifi
de: make s.o. caliph
lx: khaliifi
pd: (khaliifiyey)
ps: v2a=
key: khaliifi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasifid
(Khasifid-da)
Dhulka la rogid, la goyn; ciiddu cunid; baabbi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasifid
m.f.dh eeg khasif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasifid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka la rogid, la goyn; baabbi'in.
khasifid-da: (magac, dhedig, keli) wax asalkiisii laga kaxeeyo oo nooc kale loo rogo. Dh: baddalid, qayirmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasirid
(Khasirid-da)
1. Lacag bixin; lumin.
2. Ganaax lacageed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasirid
m.f.dh eeg khasir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasiyad
(Khasiyad-da)
Wax la qoonsado oo gardarro ah, oo cid lagula kaco; maag; xumakaddoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiyad
m.dh (-do, m.l) Wax la qoonsado oo gardarro ah oo cid lagula kaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasiyad
m.dh (-do, m.l) Wax la qoonsado oo gardarro ah oo cid lagula kaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasiyad
f. n. trouble, disturbance; scandal, offense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasiyad
-da: (magac, dhedig, keli) wax aanad shuqul ku lahayn, faragelin. Dh: qasiyad, faduul, maag, edabdarro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasiyad
de: trouble, disturbance; scandal, offense
lx: khasiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khasiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatifid
m.f.dh eeg khatif². la-mid: khaddifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatifid
-da: (magac, dhedig, keli) si gef iyo qalad ah, jidka uga leexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatimid
(Khatimid-da)
Wax socona hayey dhammaystirid, ebyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatimid
m.f.dh eeg khatin². la-mid: khatin¹.