khaddiifad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaddiifad
-da: (magac, dhedig, keli) gogol yar oo khafiif ah oo lagu fadhiisto. Dh: salli, qaddiifad, bal, darmo. Wa: khaddiifado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaddiifad
(Kaddiifad-da)
Gogol laga falkiyo dun aad u adag oo dhogor ah ama cudbi ama mayrax oo marriin iyo xarad qurux badan loo yeelo; waxaa lagu goglaa guryaha gudohooda; (ama qaddiifad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaddiifad
m.dh (-do, m.l) Gogol dun adag, cudbi iyo wixi lamida ka samaysan, qurux leh oo lagu goglado guryaha gudahooda. la-mid: gaddiifad, kaddiifo, katiifad, qaddiifad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaddiifad
m.dh (-do, m.l) Gogol dun adag, cudbi iyo wixi lamida ka samaysan, qurux leh oo lagu goglado guryaha gudahooda. la-mid: katiifad, gaddiifad, kaddiifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaddiifad
f. n. tapestry, figured carpet ~ rug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaddiifad
-da: (n) carpet (kaarpit), rug (raag)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaddiifad
-da: (magac, dhedig, keli) gogol yar oo inta badan xadhadh iyo midabyo leh oo lagu. Fadhiisto. Dh: sali, kaddiifo, qaddiifad, bal, darmo. Wa: kaddiifado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaddiifad
a: kaddiifo (/da) [n6-f]; gaddiifad ~ qaddiifad
de: tapestry, figured carpet ~ rug
lx: kaddiifad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kaddiifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaddiifad
(Gaddiifad-da)
Kaddiifad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddiifad
m.dh la-mid: kaddiifad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaddiifad
f. n. tapestry, carpet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaddiifad
-da: (n) see [eeg] kaddiifad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddiifad
-da: (magac, dhedig, keli) gogol caag ama wax kale oo la isku tidcay ka samaysan oo lagu fadhiisto. Dh: qadiifad, khadiifad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaddiifad
de: tapestry, carpet
lx: gaddiifad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: kaddiifad
key: gaddiifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaddifid
m.f.dh la-mid: khatifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaddifid
-da: (magac, dhedig, keli) jidkii la mari lahaa ka lumid ama ka habaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddiifad
m.dh la-mid: kadiifad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaddiifad
f. n. rug, carpet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddiifad
-da: (magac, dhedig, keli) bal u eg sijaajadaha salaadda kase ballaadhan oo guryaha lagu goglo. Saaloonka qaddiifad qurux badan ayaa goglan. Dh: gaddiifad, khaddiifad, ruumi.
qaddiifad -da: (magac, dhedig, keli) go' lagu goglo sariiraha dushooda. Hooyo waxay soo iibisay qaddiifad dun ah. Dh: durraaxad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaddiifad
bw: Arabic
de: rug, carpet
lx: qaddiifad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: kaddiifad
key: qaddiifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaddif
(Khaddif-ka)
Meeshii la mari lahaa oo inta la gefo meel kale la maro; gef; habaw; ilduuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaddif
khaddif¹: m.l la-mid: khatif¹.
khaddif²: f.mg1 (-fay, -ftay) la-mid: khatif².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaddif
v. go astray, lose one's way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaddif
(fal) meel ama jid aad mari lahayd ka lun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaddif
a: khatif
de: go astray, lose one's way
lx: khaddif
pd: (khaddifay)
ps: v1=intr
key: khaddif
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddiiba
(adv) suddenly (sadhanli); immediately ~ durbadiiba, si kadis ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddiiba
(falkaabe) isku xidhiidhiya weedh shardiley ku xidhan oo ku salaysan male iyo wax aan la hubin ama la hubo. Dh: kolkiiba, judhiiba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaddiifo
m.dh la-mid: kaddiifad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaddiifo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kaddiifad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
katiifad
m.dh la-mid: kaddiifad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
katiifad
f. n. tapestry, rug
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
katiifad
-da: (n) carpet (kaarpet); rug (raag)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
katiifad
bw: Arabic
de: tapestry, rug
lx: katiifad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: kaddiifad
key: katiifad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaddiib
(Khaddiib-ka)
Kan khudbada akhriya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaddiib
m.l (-bbo, m.dh) Ninka khudbadda jimcaha ka akhriya masaajidka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaddiib
m.l (-bbo, m.dh) Ninka khudbadda jimcaha ka akhriya masaajidka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaddiib
m. n. preacher, orator in a mosque
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaddiib
-ka: (magac, lab, keli) qof khudbad akhriya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaddiib
de: preacher, orator in a mosque
lx: khaddiib
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: khaddiib
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Khadiija
pr. n., [feminine] Kadija
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khadiija
name-f great; Prophet Muhammad's first wife
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Khadiija
de: Kadija
lx: Khadiija
ps: name-f
key: Khadiija
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Khadiira
magac loo baxsho gabadh loo rajaynayo in ay noqoto mid nasiib badan oo lagu reeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadiifad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaddiifad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadiifad
-da: (magac, dhedig, keli) shaqo iyo hawl qof yaqaanno oo looga danbeeyo. Dh: wadiifo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaddifad
m.dh la-mid: caaddifo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaddifad
-da: (magac, dhedig, keli) xamaasad iyo kaljeclaysi, dhabta aad uga durugsan oo ruuxu siduu jecel yahay oo qudha ismoodsiiyo ama rumaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddidaad
m.dh Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo. la-mid: haddidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haddidaad
m.dh Hadal ama ficil cid lagu cabsi gelinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddidaad
-da: (magac, dhedig, keli) hanjabaad iyo cagajuglayn. Dh: cabsiin, handidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaddibaad
m.dh Qarxi waayidda xabbad qori laga riday ay qarxi weydo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaddibaad
-da: (magac, dhedig, keli) qarxi waayidda xabbad qori laga riday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khafiifid
m.f.dh eeg khafiif².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaliifan
Khaliif laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaliifan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) (dii.) Qof la khaliifay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaliifan
f.mg4 (-fnaa, -fnayd) (dii.) Qof la khaliifay ahaansho. m.f.dh, khaliifnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaliifan
der. [adjective] named caliph; being a caliph
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaliifan
(tilmaame) mid khaliif laga dhigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaliifan
de: named caliph; being a caliph
lx: khaliifan
pd: (khaliifnaa)
ps: adj-der
key: khaliifan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaliifid
(Khaliifid-da)
Khaliif ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaliifid
m.f.dh eeg khaliif².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaniisad
f. n. lesbian, homosexual female, gay woman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaniisad
-da: (n) lesbian (leez-biyan)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaniisad
de: lesbian, homosexual female, gay woman
lx: khaniisad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khaniisad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khariidad
m.dh (-do, m.l) la-mid: khariiddo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Khariidad
Map
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Khariidad
Map
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khariidad
f. n. map; plan, diagram, blueprint
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khariidad
-da: (n) map (maap); plan (palaan) ~ maab, naqsad, balaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khariidad
-da: (magac, dhedig, keli) warqad ama wax la mid ah oo korkeeda lagu masawiro dhulka ama badhkii. Dh: khariiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khariidad
a: khariiddo
bw: Arabic
de: map; plan, diagram, blueprint
lx: khariidad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khariidad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khariifid
(Khariifid-da)
Doonyaha shiraaca leh iyo dadka la socda oo meel dhoof lagu tegey ku xayirma, urta oo is beddesha oo rogmata darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khariifid
m.f.dh eeg khariif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khariifid
-da: (magac, dhedig, keli) doonyaha shiraaca leh iyo dadka la socda oo meel dhoof lagu urta ama hawada oo tegay ku xayirma, isbeddasha oo rogmata darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maddiibad
(Maddiibad-da)
Qaafiri; baaquli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maddiibad
m.l/dh (-dyo, m.dh/-do, m.l) Baaquli; daafiri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maddiibad
m.l/dh (-dyo, m.dh/-do, m.l) Baaquli; daafiri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maddiibad
f. n. vessel for water ~ milk; basin, bowl
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maddiibad
-da: (n) plate (paleeyt)-, a metallic shallow dish in which food or drinks are served ~ baaquli, qaafiri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddiibad
-ka: (magac, lab, keli) eeg maddeebad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maddiibad
cf: baaquli, qaafiri {N & E}
de: vessel for water ~ milk; basin, bowl
lx: maddiibad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: maddiibad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaddifsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: kha-tifsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaddifsan
(tilmaame) qof habaabaw; qoflunsan oo jidkii saxda ahaa ka habowsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhacdiidsad
m.l la-mid: dhacadiidsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddaad
conj., vl. pron. if you ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddaad
(pronoun) if you...
haddii: if he / she...
hadday: if they...
haddaan: if we /1...
haddaadan: if you not...
haddaanan: if I / we not...
hadduusan: if he not...
haddaysan: (haddaydin) if they / she., not
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaad
(falkaabe) ujeedooyin badan gala oo ay ka mid tahay wax la tamanniyayo ama wax shardi lagu xidhayo oo ku wajahan qofka lala hadlaha: haddii aad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddaad
de: if you ... = haddii + aad
lx: haddaad
ps: conj + vpro
key: haddaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadiyad
(Hadiyad-da)
Wax la siiyo qof la xurmaynayo ama la raalli gelinayo; deeq; diiqo; siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadiyad
m.dh (-do, m.l) Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadiyad
m.dh (-do, m.l) Hanti yar oo cid la sharfayo loo geeyo; deeq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadiyad
f. n. present, gift
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadiyad
-da: (n) gift (gift); present (parezent)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hadiyad
Regalo
Present
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadiyad
-da: (magac, dhedig, keli) wax la isa siiyo oo xormayn iyo qaddrini ku jirto amaah iyo abaalna laga sugayn. Dh: hadaayo, hadyad, deeq, diiqo, siin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadiyad
bw: Arabic
de: present, gift
lx: hadiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hadiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiid
kawdiid¹: m.l la-mid: kuududid.
kawdiid²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: kuudud².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawdiid
m. n. crouching position; sitting with legs drawn up near the body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawdiid
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawdiid
bw: kuudud
de: crouching position; sitting with legs drawn up near the body
lx: kawdiid
nt: kawdiid [v1=intr]
pd: (-ka)
ps: n-m
key: kawdiid