khad meere
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khad meere
-meeraha: (n) [science] orbit (oorbit)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haddeer
Hadda; amminka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haddeer
adv., time: soon, immediately; now, at present
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haddeer
(adv) 1. just now; only a moment ago. 2. immediately; right now
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddeer
(falkaabe) waxyar ka hor, milayga la joogo inyar ka hor. Dh: hadda, imika. Li: hadhaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haddeer
de: soon, immediately; now, at present = had + teer
lx: haddeer
ps: adv-time
key: haddeer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadimee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Cid hadimo gaarsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadimee
v. endanger, put in danger; deceive, mislead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadimee
(fal) eeg hadimay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadimee
de: endanger, put in danger; deceive, mislead
lx: hadimee
pd: (hadimeeyey)
ps: v2b=tr
key: hadimee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khidmee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof la xurmaynayo hawl u qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khidmee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Qof la xurmaynayo hawl u qabasho. m.f.dh, khidmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kormeere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Qof ay hawshiisu tahay inuu wax soo kormeero. 2. Askari darajadiisu ka korreysa saddex alifle kana hooseysa xiddigle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kormeere
m.l (-rayaal, m.l/dh) 1. Qof ay hawshiisu tahay inuu wax soo kormeero. 2. Askari darajadiisu ka korreysa saddex alifle kana hooseysa xiddigle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kormeere
m. n. inspector (police ~ military rank); supervisor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kormeere
-kormeeraha: (n) supervisor (suparveeyzer); inspector (inispakter)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KORMEERE
Controllore; supervisore
Controller; inspector
Waa qofka xilku ka saaran yahay hubsashada hawl cid kale hayso in loo fulinayo sidii iyo habkii loogu tala galay, ama loo magacaabay hubsashada sugnaanta xisaabaadka, amaba kormeerka guud ee la xiriira habaynta farsamada hawlahaas, waana qof leh aqoon iyo awood uu wax uga qaban karo wixii aan u socon sidii la rabey.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kormeere
Controllore, ispettore
Controllor; inspector
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kormeere
-ha: (magac, lab, keli) qof meel ilaalo ayaan u jooga. Dh: ilaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kormeere
de: inspector (police ~ military rank); supervisor
lx: kormeere
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kormeere
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
chaumière
chaumière, n.f. - cariish; aqal yar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhammeeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka cid dacwo loo haysto u dhaw oo masuuliyad iska saari kara oo wixii lagu gooyo iyo keeniddiisa loo raaci karo. Raggu waa dhaweeye iyo dhammeeye. Dh: aabbo. Li: dhaweeye.
dhammeeye -ha: (magac, lab, keli) sifo uu Ilaahay leeyahay oo tilmaamaysa inuu yahay midka leh awood aan la qiyaasi karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxdheere
-ha: (magac, lab, keli) shax dhammaystirin. Li: shaxgaab, shaxyare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharsameeye
m.l (-yayaal, m.l/dh/-mayso, m.dh) Qof ka shaaqaya warshadaha dharka; dunmiiqe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dharsameeye
m. n. weaver, one who makes fabric ~ weaves cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsameeye
-ha: (magac, lab, keli) qofka yaqaan farsamada dharka loo sameeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dharsameeye
de: weaver, one who makes fabric ~ weaves cloth
lx: dharsameeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dharsameeye
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhex meeran
Inscribed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadibeenle
-ha: (magac, lab, keli) kortag aan jirin oo hadba lala kackaco; kuurkuursi iyo kadaalli boodh isku qarineed; kacaa fadhiisi. Markuu kaalmaha, kurka ku hantiyo, kelyaliicyada, baday. Dh: kaadibeenliyo, koondhaskood muqdadays, daboshabeelis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
khadka hore
forward
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xudun meere
Circumcenter