khabaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khabaar
(Khabaar-ka)
War; (ama khabar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaar
khabaar¹: m.l (-rro, m.dh) Wax aan horey loo ogeyn oo laysu sheego ama la helo; war. la-mid: khabar.
khabaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) U k.: cid war u dirid ama u sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khabaar
m.l (-rro, m.dh) Wax aan horey loo ogeyn oo laysu sheego ama la helo; war. la-mid: khabar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khabaar
m. n. notice, information, news item; intelligence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khabaar
-ka: (n) piece of information; news (niyuus); newsbreak (niyuusbareek), information ~ khabar, akhbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaar
-ta: (magac, dhedig, keli) xog cid kale kaaga timaad. Dh: war, khabar, akhbaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khabaar
bw: Arabic
de: notice, information, news item; intelligence
lx: khabaar
pd: (-ka Pl: akhbaar (ta))
ps: n2-m, n8-m
key: khabaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaar
(Habaar-ka)
Qof, kd., loo baryo in wax xumi gaaraan; inkaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaar
habaar¹: m.l Dhibaato cid Eebbe looga baryo.
habaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habaar
habaar¹: m.l Dhibaato cid Eebbe looga baryo.
habaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Cid belaayo haleesha Ilaah uga baryid. m.f.dh, habaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaar
m. n. curse
habaar v. curse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaar
-ay / tay: (v) prayer for evil or misfortune to happen someone or something; curse (keers)-, damn (dhaam), —habaar -ka: (n) curse (keers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaar
(fal) Eebbe qof ama wax kale, xumaan uga bari. Li: ducee.
habaar -ka: (magac, lab, keli) baryada Ilaahay xumaan iyo kadeed cid kale looga baryo. Habaar hoostii ma dhaafo. Li: duco.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
habaar
لَعْنَهُ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khabar
(Khabar-ka)
Khabaar; war.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabar
khabar¹: m.l 1. Dhacdo naxdin leh. 2. la-mid: khabaar¹.
khabar²: m.l (naxwe) Curiye weerta ka tirsan oo tilmaama waxa yeelaha laga sheego. Tusaale: “Saalax waa wiil fiican”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khabar
khabar¹: m.l 1. Dhacdo naxdin leh. 2. la-mid: khabaar.
khabar²: m.l (naxwe) Curiye weerta ka tirsan oo tilmaama waxa yeelaha laga sheego. Tusaale: Saalax waa wiil fiican.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khabar
m. n. notice, information, news
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khabar
-ka: (v) piece of information; news (niyuus); newsbreak (niyuus-bareeky, information ~ khabaar, akhbaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabar
-ka: (magac, lab, keli) xog cusub oo cid kale kaaga timid. Dh: khabaar, war, akhbaar.
khabar -ka: (magac, lab, keli) naxwe ahaan, curiye weedha ka tirsan oo tilmaama waxa yeelaha laga sheego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khabar
a: khabaar
bw: Arabic
de: notice, information, news
lx: khabar
pd: (-ka)
ps: n2-m, n8-m
key: khabar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khajaar
m. n. cucumber
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KHAJAAR
(Gajar) S Cucumis sativus L. Cucurbitaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khajaar
-ka: (n) cucumber (kiyuu-kam-bar) ~ qajaar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khajaar
de: cucumber
lx: khajaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: qajaar
key: khajaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamaar
khamaar¹: m.l Cayaaro lacag lagu kala helo. la-mid: khammaar¹.
khamaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Khamaar ciyaarid. 2. Ku k.: wax biimo gelin. la-mid: khammaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khamaar
khamaar¹: m.l Cayaaro lacag lagu kala helo. la-mid: khammaar.
khamaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Khamaar ciyaarid. 2. Ku k.: wax biimo gelin. m.f.dh, khamaarid. la-mid: khammaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khamaar
v. gamble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khamaar
-ka: (n) gamble (gaambal); wager (weeyjar); stakes (isteeykis); bet ~ khammaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaar
-ka: (magac, lab, keli) cayaar wax lagu kala helo oo guushu ku xidhantahay farsamo ama nasiib. Dh: qamaar, turub, bakhtiyaanasiib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khamaar
a: khammaar
de: gamble
lx: khamaar
pd: (khamaaray)
ps: v1=
key: khamaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaar
(Kharaar-ka)
Dhadhan la kahdo oo aan macaaneyn; xaraar; qaraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaar
m.l la-mid: xarąar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharaar
m. n. (adj.): bitter taste; bitter, acrid, sour
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kharaar
amer.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharaar
-ka: (n) bitter (bitar) ~ qaraar, xaraar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaar
(tilmaame) wax dhadhankiisu aanu macaanayn. Dh: qadhaadh, qaraar.
kharaar: (fal) aad uga dhereg, ka soo go', ka xiisa goo. Dh: qaraar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharaar
de: bitter taste; [atr.] bitter, acrid, sour
lx: kharaar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: xaraar
key: kharaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaar
f.mg1 (-ray, -rtay) Khasaaro la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasaar
f.mg1 (-ray, -rtay) Khasaaro la kulmid. m.f.dh, khasaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaar
v. lose money, be unprofitable (of a business)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasaar
-ay / tay: (v) be unsuccessful; fail to win; lose (luus); be defeated (difiitidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaar
(fal) baaba' oo faa'iido ha yeelan. Dh: qasaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasaar
cf: khasir
de: lose money, be unprofitable (of a business)
lx: khasaar
pd: (khasaaray)
ps: v1=intr
key: khasaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khabarsi
(Khabarsi-ga)
Khabaar helid, war cusub soo dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarsad
m.l la-mid: khabaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarsasho
m.f.dh eeg khabaarso. la-mid: khabaarsad, khabaarsi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
notizia
s.f. - war, khabaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabarsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, khabaar ka raadin. Dh: waraysad, akhbaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabarsi
-ga: (magac, lab, keli) khabaarsi; khabaarsad; khabaarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabarso
(fal) warayso; khabaarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhbaar
bw: Arabic
de: news Also plural of khabar ~ khabaar
lx: akhbaar
pd: (-ta)
ps: n1-f; n8-f-pl
key: akhbaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarid
m.f.dh eeg khabaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, u warramid. Dh: akhbaarid, waramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarsi
m.l Dhibaato ay dhaliyeen col iyo abaar. la-mid: khabarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarso
f.g3 (-saday, -satay) War raadsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khabaarso
v. obtain information from someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarso
(fal) cid kale, war ka raadi. Dh: warayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khabaarso
de: obtain information from s.o.
lx: khabaarso
pd: (khabaarsaday)
ps: v3a=tr
key: khabaarso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u khabaar
v. inform, give notice (of)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u_khabaar
de: inform, give notice (of)
initial: u
lx: u khabaar
pd: (khabaaray)
ps: v1=expr
key: u_khabaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khammaar
(Khammaar-ka)
Cayaaro wax lagu kala helo oo guushu ku xiran tahay nasiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khammaar
khammaar¹: m.l la-mid: khamaar¹.
khammaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: khamaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khammaar
v. gamble
khammaar vl. n. gambling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khammaar
-ka: (n) gamble (gaambal); wager (weey jar); stakes (isteeykis); bet ~ khamaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaari
f.g2 (-iyay, -isay) Wax kharaar ka dhigid. la-mid: xaraari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharaari
v. cause something to be bitter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaari
(fal) wax dhadhan khadhaadh ka dhig. Dh: khadhaadhi, qaraari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharaari
de: cause s.t. to be bitter
lx: kharaari
pd: (kharaariyey)
ps: v2a=tr
key: kharaari
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KHARAARO
(Gararo) NFD, S Sterculia africana. (Lour) Fiori Sterculiaceae.
NFD, S Sterculia rhynchocarpa K.Schum. Sterculiaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaare
m. n., [collective] loss (in business); casualties, losses (in war)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasaare
-khasaaraha: (n) loss (loos); disadvantage (disadh-vaanteeyj); casualty (kaashwalti) ~ khasaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaare
-ha: (magac, lab, keli) qiimaha iyo sicirka xoolaha la ganacsanaayo oo jaba ama wax ka hooseeya lagu iibsho. Dh: khasaaro, qasaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasaare
a: khasaaro
bw: Arabic
de: loss (in business); casualties, losses (in war)
lx: khasaare
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: khasaare
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
khasaare
خسارة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid khasaaro gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasaari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid khasaaro gelin. m.f.dh, khasaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaari
v. lose someone's money; cause someone to take a loss
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasaari
-yey / say: (v) cause someone to lose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaari
(fal) khasaaro ku rid. Dh: qasaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasaari
de: lose someone's money; cause s.o. to take a loss
lx: khasaari
pd: (khasaariyey)
ps: v2a=tr
key: khasaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaaro
(Khasaara-da)
(ganacsi) qiimaha iyo sicirka xoolaha la ganacsanayo oo jaba ama wax ka hooseeya lagu iibsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaaro
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato ku timaada qof hantidiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasaaro
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato ku timaada qof hantidiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaaro
m. n., [collective] loss (in war ~ business), harm, casualty
khasaaro [feminine] n. loss; harm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasaaro
-khasaaraha: (n) loss (loos); disadvantage (disadh-vaanteeyj); casualty (kaash walti) ~ khasaare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaaro
-ha: (magac, lab, keli) qiimaha iyo sixirka xoolaha laga ganacsanaayo oo hoos u dhacay ama laga waayey faa'iidadii la filayay. Dh: qasaare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaybaar
m.l (-rro, m.dh) Meel qalabaysan oo tijaabooyinka cilmiga lagu sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shaybaar
m.l (-rro, m.dh) Meel qalabaysan oo tijaabooyinka cilmiga lagu sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaybaar
m. n., [compound] laboratory
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaybaar
-ka: (n) laboratory (laa-ba-ratoori); lab (laab); medical lab oratory ~ labaratori
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaybaar
Laboratorio
Laboratory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaybaar
-ka: (magac, lab, keli) meelaha lagu baadho xanuunnada ee gaarka loo leeyahay. Dh: shaybaadh.
shaybaar -ka: (magac, lab, keli) qalab waxyaabo badan ka samaysan oo koronto ama caadi u shaqeeya oo waxyaalaha ilma-aragtada ah lagu ogaado iyo cudurada; shaybaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaybaar
de: laboratory
initial: s
lx: shaybaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: laborotori, rugta baarista
key: shaybaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaar
(Abaar-ta)
Roob la'aan; doog la'aan; jiilaal dheeraaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaar
m.dh (-ro, m.l) Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaar
m.dh (-ro, m.l) Dhibaato ballaaran oo roob la'aani keentay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaar
f. n. drought, famine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaar
-ta: (n) drought (da-raawt); famine (faa min); wide-reaching food shortage -abaari keentay: (adj) drought victim; drought refugee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abaar
magac loo baxsho wiil dhashay xilli reeruhu abaarsadeen oo roob la waayay.