khaalid
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaalid
name-m friend; lasting; eternal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khajalid
m.f.dh eeg khajal². la-mid: khajilaad, khajilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khajalid
-da: (magac, dhedig, keli) sheex dareemid. Dh: qajilid, khajilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalid
(Khatalid-da)
Dhagrid; khayaanayn; sirid; xeeladayn; hodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatalid
m.f.dh eeg khatal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatalid
-da: (magac, dhaddig, keli) cid kale, si xeel ah u khayaamid; eed ama ceeb ku xanbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalid
m.f.dh eeg kaal³. la-mid: kaalin² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalo uruurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaaliq
-qa: (magac, lab, keli) Abuure, Eebbaha Weyn ee wax abuura.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaalis
(Khaalis-ka)
Aan wax kale dheehin; saafi; miir; miid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaalis
m.l.kh Wax saafi ah oo aan wax kale ku jirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaalis
m. n. pure item, something unmixed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaalis
-ah: (adj) not mixed; pure (piyuur)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaalis
-ka: (magac, lab, keli) aan wax kale dheehin. Dh: saafi, miir, miid.
khaalis -ka: (magac, lab, keli) dabayaaqada ciyaarta dubnadda. Dubnaddu waa khaalis. Dh: dhammaad, gabagabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaalis
bw: Arabic
de: pure item, something unmixed
lx: khaalis
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: khaalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaalid
(Shaalid-da)
(gaadiidka badda) mowjad duuban ka hortegid oo ka dhaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalid
m.f.dh eeg shaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaalid
-da: (magac, dhedig, keli) 'markab' ka hor tagid mawjad oo ka dhaadhicid, mawjad duuban ka hortegid oo ka daaddegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalmid
(Khatalmid-da)
Qof la khatalay noqosho; sirmid; dagmid; khatalan; hodmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatalmid
m.f.dh eeg khatalan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatalmid
-da: (magac, dhedig, keli) dabin laguu dhigay gelid; shirqool ku dhicid. Dh: qatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalalid
m.dh la-mid: dhalaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayalid
(Dhayalid-da)
Cayaarid; dheelid; kaftamid; (ama dheyelid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalid
m.f.dh eeg dhayal². la-mid: dhayalis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaashid
(Khaashid-da)
Khaash noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaashid
m.f.dh eeg khaash².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khajilid
m.dh la-mid: khajalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khajilid
-da: (magac, dhedig, keli) khajalid; sheexid; qajilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kudaalid
(Kudaalid-da)
1. Faras aan la lahayn fuulid oo la cararid oo dhul fog la aadid.
2. Kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudaalid
m.f.dh eeg kudaal³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuhaamid
(Kuhaamid-da)
Waxyaalo aan weli dhicin waxkasheegid, ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuhaamid
m.f.dh eeg kuhaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuhaamid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo aan wali dhicin sii sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulaalid
(Kulaalid-da)
Dab ama wax la mid ah oo kulul ag fariisasho, dhaxanta isaga bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulaalid
m.f.dh eeg kulaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulaalid
-da: (magac, dhedig, keli) dab ama wax la mid ah oo kulul ag fariisasho oo dhaxanta isaga bi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shakalid
m.dh la-mid: sakalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shakalid
-da: (magac, dhedig, keli) shakal ku xidhid; shakalid; shakaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaali
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: kaal³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaali
v. assist, aid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaali
(fal) xoolo gargaar ah, cid kale sii. Dh: taageer, caawi, gargaar, taakulee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaali
de: assist, aid
lx: kaali
pd: (kaaliyey ~ kaashey)
ps: v2a=
key: kaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalid
bąalid¹: m.l B. ah: wax muddo dheer jiray oo aad u gaboobay.
bąalid²: f.mg1 (-day, -dday) Wax muddo dheer jiray, aad u gaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalid
-ka: (magac, lab, keli) walax duug ah. Baalid dharku wuxuu noqdaa markaan, boodhka laga maydhin.
baalid -ka: (magac, lab, keli) weel aan bilo waxba lagu shuban ama lagu ridan. Baalid gaawuhu wuu ka bixi markuu, geelo wada irmaanaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalid
m.f.dh eeg caal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caal ku dhacay oo buka ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalid
(Daalid-da)
Daal iska garasho; daal hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalid
m.f.dh eeg dąal². la-mid: daalis.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
daalid
tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl darteed oo aad dareento tabartii oo kaa dhammaatay. Dh: noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaali
m.l Dheri yar oo dhoobo ka samaysan oo wax lagu karsado bunkana lagu dubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhalid
(Dhalid-da)
1. Ummulid.
2. Ilmo ama carruur aabbe ama hooyo u noqosho.
3. Soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalid
m.f.dh eeg dhal². la-mid: dhalis², dhalmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhalitaanka nooluhu ilmo dhalo. Dh: umulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadid
(Haadid-da)
Duulid; lalid; bidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadid
m.f.dh eeg hąad³. la-mid: haadis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka kor uga duulid; hawada dhexdeeda marid sida haadka iyo diyaaradaha. Haadiddu shinbiraha qaar way ku adagtahay. Dh: haadis, biibid, lalid. Li: daadegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haagid
(Haagid-da)
Dhab u cunid; ka dhergid; ka xiisadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haagid
m.f.dh eeg haag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haagid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cunto si fiican u cunid oo ka dhergid; si dhab ah u cunitaan. Caalooli sahay ma leh oo ka haagiddu waxba kuu tari mayso. Dh: dhergid, qaraarid, haagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haalig
(fal) si waalan oo baahi ka muuqato wax u cun oo ha reebin. Sida waraabaha wax u haalig. Dh: rif, hiig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamid
-da: (magac, dhedig, keli) feker iyo talo laabta ku hayn.
haamid -da: (magac, dhedig, keli) caleen ama caws majo ama haame ku jarjarid. Haamiddii beertu weli way socotaa. Dh: goyn, jarid, haamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaqid
-da: (magac, dhedig keli) xaadhista meel uskag iyo gidaafadi taallo si ay u nadiifawdo. Dh: xaadhid, xaaqid, salabayn, fiiqid.
haaqid-da: (magac, dhedig, keli) dabargoynta iyo laynta aan la isku naxariisan. Haaqiddii gumeystaha, ayaan weli hafeeftaa. Dh: xasuuqid, xaaqid, tirtirid, dabargoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarid
(Haarid-da)
Dhuldhac diidid; werfid; harjadid; madaxdhulladhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarid
m.f.dh eeg hąar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarid
-da: (magac, dhedig, keli) calaamad wejiga ama dhabarka lagaga dhigo ilmaha dhashay ama wanka adhiga lagu darayo ee sumalka.
haarid -da: (magac, dhedig, keli) dhuldhac ama welfid maanka la iska qaado. Dh: harjadid, welfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawid
m.f.dh eeg haaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayid
(Haayid-da)
Niyo; dan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayid
m.dh.u (-dyo, m.l) Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haayid
f. n. intention, aim, objective
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayid
-da: (magac, hedig, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
haayid-da: (magac, dhedig, keli) hammi iyo dareen, doonis xoog badani ku jiraan. Haayidda badan waa lagu horumaraa. Dh: dan, niyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haayid
de: intention, aim, objective
lx: haayid
pd: (-da)
ps: n-f
syn: dan, niyo
key: haayid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadlid
(Hadlid-da)
Waxa uurka ku jira afka kaga tiraabid, hadal ku sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadlid
m.f.dh eeg hadal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadlid
vl. n. talking, speaking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadlid
-da: (n) the act of speaking or talking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadlid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maskaxdu doonayso inay tidhaahdo, cod u samayn oo dhihid, ku dhawaaqid. Dh: hadlis, hadal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadlid
de: talking, speaking
lx: hadlid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: talking about the weather
xv: hawada ka hadlid
key: hadlid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlid
(Hawlid-da)
Hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin, ku jaadid, u dhiibid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlid
m.f.dh eeg hawl³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabto u dirid. Dh: hawlis.
hawlid-da: (magac, dhedig, keli) hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin ama u dhiibid.
hawlid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale dhibid; qof kale shiddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylid
m.f.dh eeg hayl². la-mid: haylaamayn, haylyaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabid
(Kaabid-da)
Wax ka maqan ku darid, ku kordhin, siin; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabid
m.f.dh eeg kaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan adkayn oo xoojin u baahan, wax ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaahid
(Kaahid-da)
Iftiin kaah ah yeelasho, soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahid
m.f.dh eeg kaah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahid
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifid; meel fog ka iftiimid; iftiin kaah ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaalin
1. (Kaalin-ka) Dhis wareegsan oo ceelka agtiisa laga sameeyo oo darka wax lagu waraabina hayo la saaro.
2. (Kaalin-ta) a) Hawl guud, meesha ama inta qof gaar u lee yahay oo ku qaybsan yahay. b) Kaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalin
kaalin¹: m.l (-immo, m.dh) 1. Ceelka meesha biyaha lagala soo baxo, darkana ku aaddan. 2. Meelaha shidaalka laga qaato.
kaalin²: m.dh 1. Hawl guud inta qof kaga aaddan. 2. la-mid: kaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalin
kaalin¹: m.l (-immo, m.dh) 1. Ceelka meesha biyaha lagala soo baxo, darkana ku aaddan. 2. Meelaha shidaalka laga qaato.
kaalin²: m.dh 1. Hawl guud inta qof kaga aaddan. 2. la-mid: kaalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalin
m. n. wood watering trough next to a well
kaalin: vl. n. allotted task, job; contribution; role, function
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalin
-ta: (n) function (fangk shen); role (rool) or position ~ door. Ex: kaalin muhim ah buu ka qaatay; he took an important role ~ door
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kaalin
Assistenza
Assistance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) caawimaad iyo gargaar siin. Dh: caawin, taageeris, taakulayn, gargaaris.
kaalin -ta: (magac, dhedig, keli) goobta lagu gado shidaalka. Gaadhiga kaalinta gee oo shidaal ku soo shub.
kaalin -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah meelaha ragga ceelka shubayaa ay is taagaan ama is daba joogsadaan si biyo uga soo saaraan. Dh: karkaar, dac.
kaalin -ta: (magac, dhedig, keli) meesha uu qof kaga jiro hawl la wado. Dh: door.
kaalin -ta: (magac, dhedig, keli) meesha uu qof kagag jiro tartan. Tartankii orodka, anaa kaalinta kowaad galay. Dh: tirsi, heer, darajo, martabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarid
(Kaarid-da)
Kaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarid
m.f.dh eeg kaar². la-mid: kaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xanuunku qof ku keeno xummad.