kha'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kha'
de: KH [digraph letter of the Somali alphabet] Voiceless velar or uvular fricative
lx: kha'
pd: (-da)
ps: n-f
key: kha'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anaakici
(Anaakici-da)
(anaa kici) col yar oo si gaar ah u laylyan oo cadowga lala dagaallama hayo dhulkiisa lagu sii dhex daayo; wuxuu ka kooban yahay, dad aan la khasbine, iyagu raalli ku ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anqaas
(Anqaas-ta)
Khad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arbaca
(Arbaca-da)
Maalinta afraad oo toddobaadka; maalinta Talaadada iyo Khamiista u dhexaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badow
(Badow-ga)
Aan reer-magaal ahayn; reer-miyi; aan wax aqoon; aan ilbax ahayn; galti; khashiin; (ama Badwi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baq
(Baq-a)
1. Caanaha iyo wixii la mid ah oo xumaada kala-go'iddooda.
2. Khamiir; qaab; salsal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsiin
(Cabsiin-ta)
1. Cabsi gelin; bajin.
2. (-°) Wax la cabbo (biyo, khamro) siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canab
(Canab-ka)
1. Miro yaryar oo kulkulucsan oo dhawr midab (guduud; cagaar,...) leh, oo cuntub cuntub u baxa: sidoodaa lagu cunaa, ama khamraa laga sameeyaa, ama inta la engejiyo baa sabiib laga dhigaa.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan; (ama cinab).
3. Kuul mirahaas u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaari
(Cayaari-ga)
Garangar yar oo inta xarig laga dhexdusiyo, waxyaalaha culus lagu shubashubeeyo; khafiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciqaab
(Ciqaab-ka)
Gaboodfalka la falay, eedsiiska le'eg oo hor yaal; ganaax; khasiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciqaabid
(Ciqaabid-da)
Eedsiin; ka goyn; kajeebid; yakayn; ganaaxid; khasirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daabac
(Daabac-a)
1. Farsamada buugagga iyo wargeysyada, kd., oo aan farta ahayn lagu qoro inta lagu isticmaalo xuruuf jaran, ama tu kolkaas qalab gaar ahi shubo oo jarjaro oo dabadeed inta khad la marsho waraaqaha lagu qoro.
2. (dhar, kd.) xarar wax lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daah
(Daah-a)
1. Ilixir laga sameeyey dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha, kd., ama qolalka lagu kala gooyo; ilixir.
2. Dib u dhac; raagis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqad
(Daaqad-da)
1. Khalfad: dariishad.
2. Xoog, tabar. maaro (ama daaqo).
3. Duub maro ah oo dhawr go' ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagasho
(Dagasha-da)
1. (u dagasho) Kansho wax lagu qabto ama si cid wax lagu yeelo, soo gudboonaan ama helid.
2. Sigasho; baylahoobid; (ku dagasho) ku dagmid; ku khatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagid
(Dagid-da)
Dhacsiin qof la dhacsiiyo wax aan jirin ama si aan run ahayn; dhagrid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagniin
(Dagniin-ta)
Dhagar; khatal; sir; mardabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalayn
(Dalayn-ta)
1. Dal ka dhigid.
2. Qurxin; dheehid; jalayn.
3. Aqal, kd., meelo ka banbannayn, si neecawda iyo iftiinku u soo galaan; neecaabin; khalfado u furid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dariishad
(Dariishad-da)
Daloollada loo yeelo aqallada, kd., oo iftiinka iyo neecawdu kasoo galaan; khalfad; shabaako, daaqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaad
(Dawaad-da)
1. Weelka khadda lagu shubo.
2. Madow khadda u eg oo awrtu qadaadka ku yeelato; (ama tawaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhagar
(Dhagar-ta)
Arrin ama wax kale oo been ah oo run loo ekaysiiyey, in dad lagu khatalo, darteed; khatal; sir; mardabo; khayaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ha'
de: H [letter of the Somali alphabet]
lx: ha'
pd: (-da)
ps: n-f
key: ha'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka'
a: kaaf
de: K [letter of Somali alphabet] Can never be final
lx: ka'
pd: (-da)
ps: n-f
key: ka'
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dha'
de: DH [digraph letter of the Somali alphabet] Voiced post-alveolar retroflex stop; can be double, but is not spelled as such; changes to R when not the first consonant in most dialects
lx: dha'
pd: (-da)
ps: n-f
key: dha'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khad
(Khad-da)
Wax shubma oo madow ama midab kale leh oo wax lagu dhigo ama wax lagu daabaco; anqaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khad
m.l/dh Wax shubma oo madow ama midab kale oo wax lagu dhigo ama wax lagu daabaco; anqaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khad
f. n., [collective] ink
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khad
-da: (n) ink (ingk)
khad -ka: (n) plan (palaan)
khad -ka: (n) line. Ex: khadka taleefoonka; the telephone line
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khad
-ka: (magac, lab, keli) iskudar ka kooban xar dhuxuleed iyo murre, biyo, xabag iyo dhuxul dhagax lagu xaquuq ama la ridqay oo tawaad lagu shubo oo looxa lagu qoro. Khadka tawaadda ku jira ha iga daadin. Dh: anqaas, dawaad, tawaad.
khad -ka: (magac, lab, keli) daliig dhuubaan oo dhareran oo isku joogta. Khadkaa la jeexay yaan la soo dhaafin. Dh: xarriijin, liin.
khad -ka: (magac, lab, keli) hab aan dadku wada ogayn oo la raaco si hawl gaar ah loo fuliyo. Wax khad ah maad haysaa oo aan ku bixi karno?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khad
bw: Arabic
de: ink
lx: khad
pd: (-da Pl: khadad (ka))
ps: n1-f, n4-m-mass
syn: anqaas
key: khad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khal
(Khal-ka)
Waxyaalaha la cabbo oo aalkolku ku jiro, oo inta kala go'a, dhanaan u rogmada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khal
m.l Waxyaalaha lagu saqraamo oo cinabka la khamiiriyay laga sameeyo oo kala go'a dhanaanna isu roga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khal
m.l Waxyaalaha lagu saqraamo oo cinabka la khamiiriyay laga sameeyo oo kala go'a dhanaanna isu roga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khal
m. n., (mass n.): vinegar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khal
-ka: (n) vinegar (vinigar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khal
-ka: (magac, lab, keli) waxyaalaha lagu saqraamo oo cinabka la khamiiriyay laga sameeyo oo kala go'a dhanaanna isu roga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khal
bw: Arabic
de: vinegar
lx: khal
pd: (-ka Pl: khalal)
ps: n4-m-mass
key: khal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sha'
a: shiin
de: SH [digraph letter of the Somali alphabet] Voiceless palato-alveolar fricative
initial: s
lx: sha'
pd: (-da)
ps: n-f
key: sha'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhas
e.d Erey la yiraahdo markii la arko ama la maqlo wax xun. la-mid: aqas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akhas
inter. How disgusting!, Yuck!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
akhas
(interj) yuck (yak) ~ akh, aqas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhas
akhas! eray dareen ah oo la yidhaahdo kolka wax aan habboonayn la arko ama la maqlo. Akhas! Waxay ku faanayaan in ay hantidii dalka boobeen! Dh: akh! aqas!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akhas
de: How disgusting!, Yuck!
lx: akhas
ps: intj
see: aqas
key: akhas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kahad
m.l la-mid: kahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kahad
-ka: (magac, lab, keli) waxa la qoonsado sida laga noqdo; jeclaysad la'aan. Dh: kahasho, gensad, qoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kama'
kama'¹: m.l la-mid: kamma'¹.
kama'²: f.mg1 (-a'ay, -a'day) la-mid: kamma'².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kama'
-ah: (adj) accidental (aksi-dental); incidental (insidental); contingent (kontinjant); by chance ~ kamma'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kama'
-a: (magac, lab, keli) khalad u dhaca si u kas la'aan ah. Nabarku si kama' ah ayuu yarka ugu dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaas
(Khaas-ka)
Gooni; gaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaas
m.l 1. K. ah: wax gaar ah oo lagu keli yahay. 2. K. ahaan: gaar ah, gooni ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaas
m.l 1. K. ah: wax gaar ah oo lagu keli yahay. 2. K. ahaan: gaar ah, gooni ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaas
m. n. (adj.): specialty; special, particular
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaas
-ah: (adj) special (ispeshal), particular (paartikilar)-, distinct (distingt)-, exclusive (ikis-kuluusiv) ~ gaar ah. Ex: arrin khaas ah; a special case
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaas
(tilmaame) wax gooni ah; wax cid u gaar ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaas
bw: Arabic
de: specialty; [atr.] special, particular
lx: khaas
pd: (-ka Pl: khusuus (ka))
ps: n8-m
key: khaas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khafi
-ga: (magac, lab, keli) maahsani iyo dhaadidli'i. Dh: qafi, maah, suur, suul, aroor. Li: miyirqab.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
khaki
/kaaki/ (adj) kaaki ah (dharka adag oo askarta)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khase
-ha: (magac, lab, keli) hungaw iyo ceeb kaa raacda wax aad qabatay ama aad tidhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaso
f. n., [abstract] shame, embarrassment
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaso
bw: Arabic
de: shame, embarrassment
lx: khaso
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: khaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khayr
(Khayr-ka)
Wax wanaag ku jiro oo dhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayr
m.l (-raad, m.l) Wax wanaag ku jira oo dhan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayr
m.l (-raad, m.l) Wax wanaag ku jira oo dhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayr
m. n. goodness, good fortune, welfare, blessing
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khayr
name-m goodness, good fortune, welfare, blessing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayr
-ka: (n) good thing; blessing (baleesing); prosperity (poroos-peeriti); goodness (guud nes); godsend; well-being; good luck; betterment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayr
-ka: (magac, lab, keli) wax wanaag ku jiro oo dhan. Dh: qayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayr
bw: kheer
de: goodness, good fortune, welfare, blessing
lx: khayr
pd: (-ka Pl: khayrar ~ khayraad)
ps: n4-m, n8-m
syn: dhur
xv: Arabic
key: khayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaa'in
(Khaa'in-ka)
(qof) Khayaano badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaa'in
m.l (-niin/-nno, m.dh) Qof dhagar badan. la-mid: khaayin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khaa'in
m.l (-niin/-nno, m.dh) Qof dhagar badan. m.dh.w, khaa'iniin. la-mid: khaayin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khaa'in
m. n. traitor, cheater, deserter, treacherous person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khaa'in
-ka: (n) dishonest or crooked person; deceiver (dhiziiver); swindler (swindhalar); rascal (raaskal); cheat (jiiter) ~ khaayin; khayaanalow, khayaamoole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaa'in
-ka: (magac, lab, keli) qof u kas wax is waydaariya ama isdaba mariya: qof aan daacad ahayn. Khaa'in ma aflaxo. Dh: khaayin. Li: aammin. Wa: khaa'inno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khaa'in
a: khaayin
bw: Arabic
de: traitor, cheater, deserter, treacherous person
lx: khaa'in
pd: (-ka Pl: khaa'iniin)
ps: n2-m, n8-m
key: khaa'in