ereyga

kh

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kh

DHAN

(خ; kha') dhawaaq alifba'da kamid ah oo astaantatani kh calaamo u tahay. Waa shibbane.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kh

DHAN

(n) the thirteenth letter of Somali alphabet, pronounced as kha'

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

A

DHAABAN
1

a: (a')

2

Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.

3

-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Anaakici

DHAABAN
1

(Anaakici-da)

2

(anaa kici) col yar oo si gaar ah u laylyan oo cadowga lala dagaallama hayo dhulkiisa lagu sii dhex daayo; wuxuu ka kooban yahay, dad aan la khasbine, iyagu raalli ku ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Anqaas

DHAABAN
1

(Anqaas-ta)

2

Khad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Arbaca

DHAABAN
1

(Arbaca-da)

2

Maalinta afraad oo toddobaadka; maalinta Talaadada iyo Khamiista u dhexaysa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baanid

DHAABAN
1

(Baanid-da)

2

Hadal ama dood qoran ama aan qornayn, meel madal ah ka jeedin; khudbayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baanise

DHAABAN
1

(Baanisa-ha)

2

Hadal ama dood, qoran ama aan qorrayn oo meel madal ah laga yiraahdo; khudbo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Badow

DHAABAN
1

(Badow-ga)

2

Aan reer-magaal ahayn; reer-miyi; aan wax aqoon; aan ilbax ahayn; galti; khashiin; (ama Badwi).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Baq

DHAABAN
1

(Baq-a)

2

1. Caanaha iyo wixii la mid ah oo xumaada kala-go'iddooda.

3

2. Khamiir; qaab; salsal.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cabsiin

DHAABAN
1

(Cabsiin-ta)

2

1. Cabsi gelin; bajin.

3

2. (-°) Wax la cabbo (biyo, khamro) siin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cagcagaar

DHAABAN
1

(Cagcagaar-ka)

2

Dhirta yaryar oo nagaarka ah wadajirkeed, siiba tan dadku cuno; khudrad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Canab

DHAABAN
1

(Canab-ka)

2

1. Miro yaryar oo kulkulucsan oo dhawr midab (guduud; cagaar,...) leh, oo cuntub cuntub u baxa: sidoodaa lagu cunaa, ama khamraa laga sameeyaa, ama inta la engejiyo baa sabiib laga dhigaa.

3

2. Geedka mirahaasi ka baxaan; (ama cinab).

4

3. Kuul mirahaas u eg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cayaari

DHAABAN
1

(Cayaari-ga)

2

Garangar yar oo inta xarig laga dhexdusiyo, waxyaalaha culus lagu shubashubeeyo; khafiyad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ciqaab

DHAABAN
1

(Ciqaab-ka)

2

Gaboodfalka la falay, eedsiiska le'eg oo hor yaal; ganaax; khasiraad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ciqaabid

DHAABAN
1

(Ciqaabid-da)

2

Eedsiin; ka goyn; kajeebid; yakayn; ganaaxid; khasirid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daabac

DHAABAN
1

(Daabac-a)

2

1. Farsamada buugagga iyo wargeysyada, kd., oo aan farta ahayn lagu qoro inta lagu isticmaalo xuruuf jaran, ama tu kolkaas qalab gaar ahi shubo oo jarjaro oo dabadeed inta khad la marsho waraaqaha lagu qoro.

3

2. (dhar, kd.) xarar wax lagu qurxiyo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daah

DHAABAN
1

(Daah-a)

2

1. Ilixir laga sameeyey dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha, kd., ama qolalka lagu kala gooyo; ilixir.

3

2. Dib u dhac; raagis.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daaqad

DHAABAN
1

(Daaqad-da)

2

1. Khalfad: dariishad.

3

2. Xoog, tabar. maaro (ama daaqo).

4

3. Duub maro ah oo dhawr go' ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dagasho

DHAABAN
1

(Dagasha-da)

2

1. (u dagasho) Kansho wax lagu qabto ama si cid wax lagu yeelo, soo gudboonaan ama helid.

3

2. Sigasho; baylahoobid; (ku dagasho) ku dagmid; ku khatalmid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dagid

DHAABAN
1

(Dagid-da)

2

Dhacsiin qof la dhacsiiyo wax aan jirin ama si aan run ahayn; dhagrid; khatalid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dagniin

DHAABAN
1

(Dagniin-ta)

2

Dhagar; khatal; sir; mardabo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

akh

DHAFANDHAAF

(interj) yuck(yn£) ~akhas, aqas

waa la naqliyay ✓