kg
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kg
/ (abbr) kilo-gram oo la soo gaabiyey (hal kiilo)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kiilo
* (Kiila-da)
Kun garaamme culayskood; (kg.) (ama kiilogaraamme).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraf-dhagax
m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.

cufnaan u-eegan
m.l (fiisikis) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiloogaraam
m.l (-mo, m.dh) Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.

kulqaad-gaar
m.l (fiisikis) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mansuun
m.l (-no, m.dh) (juqraafi) Eray ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee “mawsim” macnaheeduna yahay “xilli”, carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tan
tan¹: m.l 1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug.
tan²: mu.ti.dh (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka ha-dlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “Tan meesha fadhidaa waa walaashay”.
tan³: (-tan) dk.ti.dh Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tusaale: “Tintan tayda ma aha”.
tan⁴: fk. Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tusaale: “Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baraf-dhagax
m.l (-xyo, m.dh) (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cufnaan u-eegan
m.l (-nayaal, m.l/dh) (fiisikis) Summad: d. Cufnaanta walax oo loo qaybshay cufnaanta biyaha. Cufnaan u-eegan (d) = cufnaanta walaxda (P)/cufnaanta biyaha (P). Mar haddii cufnaanta biyuhu ay le'egtahay 1000 kg/m3, cufnaanta u-eegan ee walaxi waxa le'egtahay 1/1,000 (hal kumaadka) cufnaanta walaxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiloogaraam
m.l (-mo, m.dh) Summad: Kg. Halbeegga caalamiga (H.C.) ee cufka loona qeexo cuf le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna keydiyo waaxda keydinta cabbirka iyo misaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. Muunadda caalamigu waxa ay ka samaysan tahay dhululubo jooggeedu le'egyahay dhexroorkeeda kana diyaarsan iskudhaf ka kooban 90% balaatinum iyo 10% iridiyam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulqaadgaar
m.l (fiisikis) Summad: c. Kulqaadka halkii halbeeg ee cuf ah, oo ah xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu sare u qaado heerkulka hal halbeeg oo cufka walax hal digrii kelfin (IK). Kulqaadka gaarka ee walax waxa lagu cabbiraa Juul/Kg K.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mansuun
m.l (-no, m.dh) (juqraafi) Erey ka soo askunmay kelmadda carabiga ah ee 'mawsim' macnaheeduna yahay 'xilli', Carabta ayaana u isticmaasha dabaylo, xilliyeedka ka dhaca Badda Carbeed, kuwaas oo muddo lix bilood ah ka soo dhaca dhanka koonfurta galbeed (KG), lix biloodna ka soo dhaca dhanka woqooyi bari (WB). Imminka guud ahaan waxaa lagu isticmaala dabaylaha jihadoodu xilliyada isla beddesho. Waxay si gaar ah xoog ugu leeyihiin kulaalayaasha dhanka bari ee qaaradaha, laakiin, sidaas oo kale, waxay ka dhacaan kulaalayaasha a bannaanka, maxaa yeelay Bariga Aasiya waxay gaaraan ilaa 60 ee woqooyi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tan
tan¹: m.l 1. Culays dhan 1000 kg. 2. Mug.
tan²: mu.ti.dh (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. Tan meesha fadhidaa waa walaashay.
tan³: (-tan) dk.ti.dh Dibkabe tilmaame oo magac dheddig dib looga qodbo oo wax qofka hadlaya u dhow oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tusaale: Tintani way caddahay.
tan⁴: fk. Ilaa; T. ama taniyo: mar laga bilaabo; jeer laga gaaro. Tusaale: Tan iyo intii uu halkaan yimid wuu bukay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gram
/graam/ (n) garaam, hal-beeg culays oo la mid ah 1/1000 Kg.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ton
/tan/ (n) 1. tan (halbeeg culays oo la mid ah 2000 oo rodol oo Maraykanka ama 2240 rodol oo ingiriiska ama 1000 kg.) (n) 2. cabbir baaxadeed oo la mid ah 100 tallaabo oo saddex-jibbaaran. (infl) (n) 3. tira-badan (fara-badan).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaam
-ka: (n) gram (garaam) ~ hal-beeg culays oo la mid ah 1/1000 Kg
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
giraam
-ka: (n) gram (garaam) ~ garaam, hal-beeg culays oo la mid ah 1/1000 Kg
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
joonyad
-ka: (n) sack for holding about 100 kg objects or materials in bulk ~ juuni, jawaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kiilogaraam
-ka: (n) kilogram (kiilagaraaniy, 1000 gram = 1 kg
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faraasiilo (Cr.)
Sedici kg.
Sixteen kg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kag
v. freeze; congeal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kag
de: freeze; congeal
lx: kag
pd: (kagay)
ps: v1=
key: kag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kog
f.mg1 (-gay, -gtay) Wax fidsanaa isku soo roorid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kog
f.mg1 (-gay, -gtay) Wax fidsanaa isku soo roorid. m.f.dh, kogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kog
v. shrink, shrivel up, contract
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kog
-ay / tay: (v) shrink back; shrink (shirink); recoil (rikooyl); draw back involuntarily
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kog
(fal) isku soo roor; isku soo urur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kog
de: shrink, shrivel up, contract
lx: kog
pd: (kogay)
ps: v1=intr
key: kog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kug
(Kug-ta)
Waw walba oo fiiqan, meesha ugu korraysa; dhalo; dhako; fiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kug
m.dh Wax walba oo taagan, meesha ugu korreysa; dhako.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kug
m.dh Wax walba oo taagan, meesha ugu korreysa; dhako.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kug
Azimuth
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kug
Azimuth, Zenith
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kug
f. n., loc. point, tip, peak, summit; crown of the head
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kug
-ta: (magac, dhedig, keli) wax walba oo fiiqan, meesha ugu korraysa. Dh: dhalo, dhako, fin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kug
cf: baso, dhako, dhalo
de: point, tip, peak, summit; crown of the head
lx: kug
pd: (-ta)
ps: n0-f-loc
key: kug