keyn roobaad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Keyn roobaad
Rainforest
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynroobaad
(Kaynroobaad-da)
Qaanso-roobaad; jeegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynroobaad
m.dh Kolka roob da'ayo ee ifka qorraxda iyo dhibicda roobku isqabtaan, muuqaalka isku duuban ee midabbada badan leh oo qaabka qaansada u eg, cirkana ka dhex muuqda; qaanso-roobaad; jeegaan; caasha-carrabdheer.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaynroobaad
f. n. rainbow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynroobaad
-da: (magac, dhedig, keli) qaansoroobaad ama jeegaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaynroobaad
de: rainbow Lit: bush of the rain
lx: kaynroobaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: kaynroobaad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rainforest
Keyn roobaad
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kal roobaad
Wet spell
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Maalin roobaad
Wet day
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qaanso roobaad
Rainbow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansaroobaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhig midabyo kala duwan ah oo ka samaysan isku dhaca fallaadhaha cadceedda iyo tiiftiifka ama xafiifka ka farcama dhibcaha roobka. Qaanso roobaad ayaa dhankii roobka isku gudubtay: Dh: jeegaan, deegaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaansoroobaad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qaansaroobaad.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xaddi roobaad
Rainfall
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deynoobid
m.dh la-mid: deymoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deynoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid deyn badan lagu leeyahay noqod. Dh: deymoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kontrobaan
m.l la-mid: kontarabaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kontrobaan
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo si sharcidarro ah waddan lagu soo geliyo. Dh: kotorobaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Koox hoosaad
Subgroup
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddiroobaad
m.l (-iyo ..., m.l) (juqraafi) Wadarta inta roob ah ee la dhigay meel waqti lagu siiyay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeer hoosaad
-ka: (n) bylaw (baay-loo)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaansa-roobaad
-ka: (n) rainbow (reeyn-bow) ~ qaansa-roobaad, jeegaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaansarroobaad
qaansarroobaad¹: m.dh (-dyo, m.dh) Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.
qaansarroobaad²: m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaansarroobaad
qaansarroobaad¹: m.dh (-dyo, m.dh) Midabyo dhowr ah oo si iskorsaar ah u samaysama daruurta marka uu roob da'ayo; caashacarrabdheer; keynroobaad; jeegaan.
qaansarroobaad²: m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) qaansada midabbaysan oo ka kooban midabbada isbektramka, oo la arko marka ilayska qorraxdu ku dhaco roobka, waxaana sababa noqodka iyo qalloocashada fallaaraha ilays ee ku dhacaya dhibcaha roobka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaanso-roobaad
-da: (n) rainbow (reeyn-bow) ~ qaansa-roobaad, jeegaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaanso-roobaad
قَوْسُ قُرَحٍ
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qodaal roobaad
Farming, dry
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddi-roobaad
m.l (-iyo ..., m.l) (juqraafi) Wadarta inta roob ah ee la dhigay meel waqti lagu siiyay.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayax madoobaad
Eclipse, lunar
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dayax madoobaad
Eclipse, lunar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayax madoobaad
-ka : (n) lunar eclipse (luuner ik-lipsi)
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Keynaan Dhamaad
Terminal Velocity