keni'adayg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keni'adayg
(Keni'adayg-ga)
Kal'adayg; geesinnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keni'adayg
-ga: (magac, lab, keli) wax maqal la'aan dadka dirasho ka daaya; waano qaadasho la'aan. Dh: dhega'adayg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keni-adayg
m.l Qof go'aan adag leh. la-mid: keni-adkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keni-adayg
m. n., [compound] bravery, courage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keni-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Wax qalbi adag ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabjilicsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid calool dabacsan oo naxariis leh ahaan. Dh: laabjilayc. Li: keni'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxadayg
-ga: (magac, lab, keli) keni adayg: dhega adayg aan hadalka dadka dhug loo yeelan oo la iska dhegeysto. Iska daa madaxadaygga. Dh: macanggagnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxadaygid
-da: (magac, dhedig, keli) keni adaygid oo wixii kuu muuqda maahee wax kale iska diidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kelya'adayg
(Kelya'adayg-ga)
Cabsi la'aan; geesinnimo; dhiirranaan; calool'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelya'adayg
-a: (magac, lab, keli) cabsila'aan iyo geesinimo. Dh: calooladayg. Li: calooljileec.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keni'adkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) macangag madax adag ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beer'adayg
-ga: (magac, lab, keli)) qalbi adayg, jixinjix darro, naxariis la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geed'adayg
-ga: (magac, lab, keli) dhirta aanay biyala'aantu wax badan yeelin ee mar walba caleentoodu dooggan tahay. Dh: geed'abaareed.
geed'adayg-ga: (magac, lab, keli) qof hawl dhib badan oo la qabto u adkaysi badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhega'adayg
(Dhega'adayg-ga)
Tilmaanta qofka dhegaha adag; dhasiig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhega'adayg
dhega'adayg¹: m.l Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. la-mid: dhega-adkaan.
dhega'adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku dh.: cid wax loo diray fulin waayid. m.f.dh, dhega'adaygid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhega'adayg
-ga: (magac, lab, keli) qof aan talada iyo farriimaha maqlin oo canaaga. Li: dhaganugayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelya-adayg
m.l Dhiirranaan cidi leedahay. la-mid: kelya-adkaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kelya-adayg
m.l Dhiirranaan cidi leedahay. la-mid: kelya-adkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kelya-adayg
m. n., idiom: bravery, courage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keni-adkaan
m.f.dh eeg keni-adag. la-mid: keni-adayg, keni-adkaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalbi'adayg
-ga: (magac, lab, keli) naxariisdarro iyo niyad adkaan cidba loo naxariisan. Ragga qalbi'adaygga ayaan kaga yaabay. Li: qalbijilayc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ad'adayg
-ga: (magac, lab, keli) tamarta ka muuqata muruqyada iyo seedaha qof jidhkiisu dhisan yahay Qofka jimicsiga ciyaara ad'adayg ayaa lagu gartaa. Dh: jiljileec.
ad'adayg -ga: (magac, lab, keli) dabeecadda iyo dhaqanka naxariisdarrada ah ee qof yeelan karo. Li: dabacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
il'adayg
-ga: (magac, lab, keli) khajilaad la'aan iyo dhiirranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cag'adayg
(Cag'adayg-ga)
Dhul digdigo ah oo aan ruubad ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cag'adayg
m. n., [compound] heavy, rich soil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cag'adayg
-ga: (magac, lab, keli) dhulka digdigada ah ee aan ruubadka ahayn. Dhul cag'adaq ah ayaan soo marnay.
-ga: (magac, lab, keli) dhul digdigo ah oo aan ruubad ahayn ama aan jilicsanayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cag'adayg
de: heavy, rich soil
lx: cag'adayg
pd: (-ga)
ps: n2-m-cmp
key: cag'adayg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hal'adayg
(Hal'adayg-ga)
Qofka arrintuu wato ku adkaysta oo meel marsiin kara kartidiisa, tayadiisa; hadal'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hal'adayg
-ga: (magac, lab, keli) ku dheggenaansha ra'yiga. Li: habacsanaan, ilnugayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geed-adayg
m.l 1. Geed jirrid adag leh oo ayan birtu sahal u karin; geedlab. 2. G. ah: qof dhibaatada u adkaysta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geed-adayg
m.l 1. Geed jirrid adag leh oo ayan birtu sahal u karin; geedlab. 2. G. ah: qof dhibaatada u adkaysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geed-adayg
m. n. plant with hard wood; strong man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelya'adag
(tilmaame) indha'adag oo dhiirran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhega-adayg
dhega-adayg¹: m.l Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. la-mid: dhega-adkaan.
dhega-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku dh.: cid wax loo diray fulin waayid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhega-adayg
m. n., [compound] disobedience, stubbornness
dhega-adayg: [inchoative] v. refuse to listen; become stubborn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhega-adayg
-a: (n) obstinateness; disobedience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacan'adayg
-ga: (magac, lab, keli) qof aan deeq lahayn oo aan wax bixin noqosho. Dh: bakhaylnimo, dhabcaalnimo, masuugnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiwadaag
(Hantiwadaag-ga)
1. Hab siyaaso iyo dhaqaale isugu jira oo qaba in wixii wax soo saara ama lagu soo saaro oo dhan (dhulka, shaqada, hantida, ...) xoogsatadu lahaato oo ilaaliso oo gacanta ku hayso, si mujtamacu u helo oo u gaaro sinnaan buuxda, xag siyaasadeed, iyo xag dhaqaale, iyo xag bulsho intaba.
2. Dhaqdhaqaaq ama xisbi siyaasadeed oo ujeeddadaas leh.
3. (Hantiwadaag-cilmi) Hantiwadaagga, sida Marks iyo Lenin u arkeen oo u habeeyeen.
~ Ishtiraakiyad; hawlwadaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiwadaag
m.l Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo waxa la soo saaraba dadweynuhu u simanyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantiwadaag
m.l Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka waxsoosaarka iyo waxa la soo saaraba dadweynuhu u simanyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiwadaag
m. n., [compound] socialism; socialist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hantiwadaag
-ga: (n) socialism (sooshaliisim)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hantiwadaag
Socialismo
Socialism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiwadaag
-ga: (magac, lab, keli) hannaan siyaaso iyo dhaqaale oo dawladu ay leedahay dhammaan ilaha dhaqaalaha ee dalka sida warshadaha iyo wixii la mid ah. Waa hab aan ogolayn in cidina gaar u yeelato hanti buuran oo la taaban karo. Ilaha dhaqaalaha, sida dhulka, shaqada, hantida, waxa ilaashada xoogsada oo shacabka intiisa badan ah. Li: hantigoosi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiwadaag
de: socialism; socialist
lx: hantiwadaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
syn: hawlwadaag, ishtiraakiya
key: hantiwadaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Indha'adayg
(Indha'adayg-ga)
Aan ceebtu karin; waxa laga xishoodo ku dhiirrad; xishooddarro; sheexla'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
indha'adayg
-ga: (magac, lab, keli) cabsi iyo qajilaad la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaawiyadayn
(Kaawiyadayn-ta)
Kaawiyad marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaawiyadayn
m.f.dh eeg kaawiyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaawiyadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sigibtirka dharka oo loo adeegsado kaawiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasiyadayn
(Khasiyadayn-ta)
Wax khasiyad ah cid kula kicid; maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiyadayn
m.f.dh eeg khasiyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasiyadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faragelin iyo afdheeri wax aan laguu dirsan. Dh: faduulin.