kelyo-adag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kelyo-adag
-kelyo-adkaa: (adj) courageous (koreeyjas); brave (bareev); valiant (vaalyant) ~ geesi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelya-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Wax dhiirran ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kelya-adag
adj., [expression] brave, courageous
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelya-adayg
m.l Dhiirranaan cidi leedahay. la-mid: kelya-adkaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kelya-adayg
m.l Dhiirranaan cidi leedahay. la-mid: kelya-adkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kelya-adayg
m. n., idiom: bravery, courage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelya'adag
(tilmaame) indha'adag oo dhiirran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kelya'adayg
(Kelya'adayg-ga)
Cabsi la'aan; geesinnimo; dhiirranaan; calool'adayg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelya'adayg
-a: (magac, lab, keli) cabsila'aan iyo geesinimo. Dh: calooladayg. Li: calooljileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keni-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Wax qalbi adag ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelya-adkaan
m.f.dh eeg kelya-adag. la-mid: kelyaadeyg, kelya-adkaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) 1. Adkeysi iyo dulqaad loo yeesho dhibaato. 2. Naxariis iyo jixinjix la'aan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calool-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) 1. Adkeysi iyo dulqaad loo yeesho dhibaato. 2. Naxariis iyo jixinjix la'aan. m.f.dh, calooladkaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalbad-adag
-aa: (adj) hardback (haardh-baak) hardcover ~ gal-adag, Ex: buug kalbad adag; a hardback book
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
il-adag
f.mg4 (-dkaa, -dkayd) la-mid: il-adayg².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
il-adag
der. [adjective] shameless, impudent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
il-adag
-kaa: (adj) 1. feeling no shame; shameless (sheeym-les), bare-faced (beer-feeyst). 2. bold (booldh); fearless and daring
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kelli-da
rein.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Biyo adag
Hard Water
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-ADAG
(Ged-adag) S, C Canthium pseudosetiflorum Bridson. Rubiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilka-adag
m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilka-adag
f. n., [collective] fish species
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keni-adayg
m.l Qof go'aan adag leh. la-mid: keni-adkaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keni-adayg
m. n., [compound] bravery, courage
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayo-arag
m.l.kh la-mid: waaya-arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calool-adayg
calool-adayg¹: m.l la-mid: calool-adkaan.
calool-adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku c.: adkeysi iyo isbeddel la'aan muujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
calool-adayg
m.l eeg calool-adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calool-adayg
m. n. (adj.): courage, bravery, boldness; brave; cruel, ruthless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelya'adkaan
-ta: (magac, dhedig, keli) geesinnimo iyo dhiirranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calool'adag
(tilmaame) qof aan sirtiisa la helin ama aan nixin; qof aan biqin.
calool'adag: (tilmaame) aan sindhoonayn; aan calooshiisu socon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilbowadaag
-ta: (magac, dhedig, keli) dad isku dhaw oo dhalasho ahaan meel ka soo wada jeeda. Dh: xigto, qaraabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelyala'aan
-ta: (magac, dhedig, keli) habrasho ama wax aad samaynkarto ka baqasho inay wax kaaga yimaaddaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XERYO-LAJAB
(Hrio-lajab) N Combretum aculeatum Vent. Combretaceas.
N Hypericum synstylum Robson. Hypericaceae.
N Hypericum peplidifolium A. Rich. Hypericaceae.