ereyga

kelya'adag

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kelya'adag

DHAN

(tilmaame) indha'adag oo dhiirran.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kelya'adayg

DHAFAN
1

(Kelya'adayg-ga)

2

Cabsi la'aan; geesinnimo; dhiirranaan; calool'adayg.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kelya'adayg

DHAFAN

-a: (magac, lab, keli) cabsila'aan iyo geesinimo. Dh: calooladayg. Li: calooljileec.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kelya-adag

DHAFAN

f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Wax dhiirran ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kelya-adag

DHAFAN

adj., [expression] brave, courageous

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kelya-adayg

DHAFAN

m.l Dhiirranaan cidi leedahay. la-mid: kelya-adkaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kelya-adayg

DHAFAN

m.l Dhiirranaan cidi leedahay. la-mid: kelya-adkaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kelya-adayg

DHAFAN

m. n., idiom: bravery, courage

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kelyo-adag

DHAFAN

-kelyo-adkaa: (adj) courageous (koreeyjas); brave (bareev); valiant (vaalyant) ~ geesi

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kelya'adkaan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) geesinnimo iyo dhiirranaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Ilka'adag

DHAFANDHAAF
1

(Ilka'adag-to)

2

Kalluun.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kelya-adkaan

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg kelya-adag. la-mid: kelyaadeyg, kelya-adkaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kalbad-adag

DHAFANDHAAF

-aa: (adj) hardback (haardh-baak) hardcover ~ gal-adag, Ex: buug kalbad adag; a hardback book

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kelyala'aan

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) habrasho ama wax aad samaynkarto ka baqasho inay wax kaaga yimaaddaan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hal'adag

DHAFANDHAAF

(tilmaame) qof arrintiisa ku adkaysta oo kartidiisa ku meel marin kara. Li: ilnugul.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sal'adag

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) nooc rasaasta ka mid ah gaar ahaan ta qoryaha fudud.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

idha'adag

DHAFANDHAAF

(tilmaame) qof xishoodla'aan wax walba ku gala. Cali waa nin idha'adag oo aan waxba ka xishoon. Dh: indha'adag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

ilka-adag

DHAFANDHAAF

m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ilka-adag

DHAFANDHAAF

f. n., [collective] fish species

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

keni-adag

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Wax qalbi adag ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhega'adag

DHAFANDHAAF

Wixii loo diro diida; dhasiigid badan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhega'adag

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-dkaa, -dkayd) Qof aan amarka si sahlan u qaadan ahaansho. m.f.dh, dhega'adkaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Indha'adag

DHAFANDHAAF

Aan ceebta ka biqin, xishood yar; meeshii la rabey in laga madaxmeersho, iska taga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Keni'adayg

DHAFANDHAAF
1

(Keni'adayg-ga)

2

Kal'adayg; geesinnimo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

keni'adayg

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) wax maqal la'aan dadka dirasho ka daaya; waano qaadasho la'aan. Dh: dhega'adayg.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Waaya'arag

DHAFANDHAAF
1

(Waaya'arag-ga)

2

Aqoon laga helo wixii hor loo soo qabtay ama loo soo arkay.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

waaya'arag

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof wax bandan u soo joogay garaad iyo aqoonna leh. Qof waayo-arag ah wax looma tilmaamo. Dh: indheergarad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

calool'adag

DHAFANDHAAF
1

(tilmaame) qof aan sirtiisa la helin ama aan nixin; qof aan biqin.

2

calool'adag: (tilmaame) aan sindhoonayn; aan calooshiisu socon.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhabar'adag

DHAFANDHAAF

(tilmaame) mid adkaysi iyo dulqaad leh.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Dhega'adayg

DHAFANDHAAF
1

(Dhega'adayg-ga)

2

Tilmaanta qofka dhegaha adag; dhasiig.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

dhega'adayg

DHAFANDHAAF
1

dhega'adayg¹: m.l Dabci qof leeyahay oo u diida in si sahlan ku fulin waxa loo diray. la-mid: dhega-adkaan.

2

dhega'adayg²: f.mg1 (-gay, -gtay) Ku dh.: cid wax loo diray fulin waayid. m.f.dh, dhega'adaygid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhega'adayg

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) qof aan talada iyo farriimaha maqlin oo canaaga. Li: dhaganugayl.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Haadka'adag

DHAFANDHAAF
1

(Haadka'adag-ta)

2

Gorgor aad u weyn oo xoog badan; wuxuu lee yahay madax guduudan iyo bidaar iyo addimo iyana gudguduudan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

haadka'adag

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) gorgor aad u weyn oo xoog badan. Wuxuu leeyahay madax guduudan, bidaar iyo addimo iyana gudguduudan. Raqda la lama wadaagi karo haadka'adagta.

2

haadka'adag -ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah haadka yaryar ee shimbiraha ugaadhsada. Dh: baas, shimbirolaaye, baqay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Hilbawadaag

DHAFANDHAAF
1

1. (Hilbawadaag-ga) Hilib isugu oollaansho; xigto ahaansho.

2

2. (Hilbawadaag-ta) Dad hilib isugu yaal; xigto.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

hilbawadaag

DHAFANDHAAF
1

hilbawadaag¹: m.l Xiriir qaraabannimo.

2

hilbawadaag²: m.dh.u Dad xiriir qaraabannimo ka dhexeeyo. la-mid: hilbawadaageen.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

hilbawadaag

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] blood relatives; close kinship, close relationship

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

hilbawadaag

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) dad isku xigto iyo qaraabo ah; hilib isugu oollaansho; xigto ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

hilbawadaag

DHAFANDHAAF
1

de: blood relatives; close kinship, close relationship

2

lx: hilbawadaag

3

pd: (-ga)

4

ps: n2a-m-cmp

5

key: hilbawadaag

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Indha'adayg

DHAFANDHAAF
1

(Indha'adayg-ga)

2

Aan ceebtu karin; waxa laga xishoodo ku dhiirrad; xishooddarro; sheexla'aan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

indha'adayg

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) cabsi iyo qajilaad la'aan.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kelyaddarri

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) geesinimo la'aan. Fule kelyadarri buu kabahana ka cararaa

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kelyaddarro

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) cabsi kugu baahda; baqdin kugu fogaata. Dh: fulaynimo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qalbi'adayg

DHAFANDHAAF

-ga: (magac, lab, keli) naxariisdarro iyo niyad adkaan cidba loo naxariisan. Ragga qalbi'adaygga ayaan kaga yaabay. Li: qalbijilayc.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kalama'adkaan

DHAFANDHAAF

-ka: (magacwadareed) dad ama wax kale oo itaal iyo cudud isku dhigma leh oo aan kala xoogganayn.

waa la naqliyay ✓