kelmed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kelmed
(Kelmed-da)
Erey; tiraab; hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelmed
m.dh (-do, m.l) Eray, hadal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kelmed
f. n. word
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kelmed
-da: (n) word (woodh) ~ kalmad, erey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelmed
-da: (magac, dhedig, keli) dhawaaq xuruuf ka kooban oo macne buuxa leh. Dh: erey, tiraab, hadal, kalmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kelmed
bw: Arabic
de: word
lx: kelmed
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: erey
key: kelmed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kelbed
(Kelbed-da)
Qalab ka samaysan labo birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado; (ama kalbad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelbed
m.dh (-do, m.l) Qalab ka samaysan laba birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado, waxaana lagu soo fujiyaa masaabiirta, siliggana lagu gooyo; biinso. la-mid: kalbad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kelbed
m.dh (-do, m.l) Qalab ka samaysan laba birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado, waxaana lagu soo fujiyaa masaabiirta, siliggana lagu gooyo; biinso. la-mid: kalbad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kelbed
f. n. pincers, pliers, tweezers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kelbed
-da: (n) pliers (palaayaris); pincers (pensarizs) ~ kalbad, biinso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelbed
-da: (magac, dhedig, keli) qalab ka samaysan labo birood oo istallaabsan, iskuna qodban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaado oo wax lagu qabto. Dh: kalbed.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Kelbed
Qalab-gacmeed looga shaqeeyo xeelado kala duwan sida: Jaridda iyo qalloocinta masaamiirta, siligga qarada yar, qabatinta iyo xajinta guud iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kelbed
a: kalbad
de: pincers, pliers, tweezers
lx: kelbed
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kelbed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Erey
(Erey-ga)
(hadal) dhawaaq ama dhawaaqyo ulajeeddo leh; kelmed; (ama eray).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erey
m.l (-yo, m.dh) 1. Dhawaaq kasta oo weer ka mid ah oo macne lagu garto gudbiya; kelmed. 2. Muran aan loo bogin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
erey
m.l (-yo, m.dh) 1. Dhawaaq kasta oo weer ka mid ah oo macne lagu garto gudbiya; kelmed. 2. Muran aan loo bogin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
eray
-ga: (n) word (woordh) ~ erey, kalmad, kelmed, xaraf
eray -ga: (n) angry dispute; quarrel (ku woorel) murana. Ex: waad eray badan tahay; you are quarreling too much [you are quarrelsome]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
erey
de: word
lx: erey
pd: (-ga)
ps: n2-m
syn: kelmed
key: erey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jelemed
m.dh Kirli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jelemed
m.dh Kirli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jelemed
-da: (magac, dhedig, keli) Weel biyaha iyo shaaha lagu karsho oo siddo fur iyo naas leh. Dh: ibriiq, jalmad, kirli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beled
(Beled-ka)
Meel dad badani wada deggan yahay oo leh guryo badan iyo waddooyin dheerdheer; degmo buulada ka weyn; magaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beled
m.l (-ldaan, m.dh) Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iyo wixi lamida; magaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beled
m.l (-ldaan, m.dh) Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iyo wixi lamida; magaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beled
m. n. town, settlement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beled
-ka: (n) city (sitty, town ~ magaalo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beled
-ka: (magac, lab, keli) magaalo weyn oo cammiran. Beled iyo baadiye midkaad doonto waad degi karaysaaye. Dh: magaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beled
de: town, settlement
lx: beled
pd: (-ka Pl: beldaan (ta))
ps: n2a-m, n8-m
syn: beel; Contrast: caasimad, magaalo
key: beled
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebed
(Kebed-da)
Gogol badanaa mayrax laga falkiyo oo marriin ama dun midabyo leh, lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kebed
m.dh (-bdo, m.l) Gogol badanaa mayrax ka samaysan oo dun midabyo leh lagu qurxiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kebed
m.dh (-bdo, m.l) Gogol badanaa mayrax ka samaysan oo dun midabyo leh lagu qurxiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kebed
f. n. mat; thatch roof
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kebed
-ka: (n) comforter or quilt used to protect camel's back from the load
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kebed
-da: (magac, dhedig, keli) raro qurux badan oo laga sameeyo maydhax ka kooban badhooq, duf iyo xadhko midabbo kala duwan leh oo aqal soomaaliga lagaga dhiso dhanka dahada awrtana rarka looga dhigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kebed
cf: gogol; surrad
de: mat; thatch roof
lx: kebed
pd: (-da Pl: kebdo (/ha))
ps: n3-f
key: kebed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kefed
(Kefed-da)
1. Miisaanka labadiisa saxan, midkood.
2. Madaxa ballaaran oo saayibta; (ama kafad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kefed
m.dh la-mid: kafad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kefed
f. n. balance pan (on weighing scale)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kefed
-da: (n) [ Pl. kefedo-ha] one of the pans or trays of a weight scale (iskeel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kefed
-da: (magac, dhedig, keli) miisaanka labadiisa saxan midkood. Dh: bardaan, kafad. Wa: kefedo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kefed
a: kafad
bw: Arabic
de: balance pan (on weighing scale)
lx: kefed
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kefed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keleb
m. n. dog
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keleb
bw: Arabic
cf: kelbad
de: dog (also used as an insult)
lx: keleb
pd: (-ka Pl: kelaab (ta))
ps: n8-m
key: keleb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelmi
m.l la-mid: gelmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kelmi
m. n., [collective] small biting insect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kelmi
-ga: (n) fly; fruit fly ~ galmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kelmi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan yar oo qaniinyo kulul oo duulduula. Dh: galmi, gelmi, gemi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kelmi
a: gelmi
de: small biting insect (especially annoying to cows)
lx: kelmi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: kelmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Weled
(Weled-ka)
1. Beeryarada oo bukoota; beeryaro.
2. Wille.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weled
m.l 1. Beeryarada oo jirrata aadna u bararta. 2. (awlaad, m.dh) Ilmo la dhalay. 3. Kasha badarka lagu tumo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weled
m.l 1. Beeryarada oo jirrata aadna u bararta. 2. (awlaad, m.dh) Ilmo la dhalay. 3. Kasha badarka lagu tumo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weled
m. n. enlargement of the spleen, splenomegaly
weled m. n. pestle ~ stone used for grinding food to a paste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weled
-ka: (magac, lab, keli) uurjiifta libaax-badeedka; haawilood. Weled baan ka helay libaax badeedkii.
weled -ka: (magac, lab, keli) beeryarada oo bukoota.
weled -ka: (magac, lab, keli) dhagaxa kore ee mixdinka; dhagaxa la dul dhigo dhagax ridqinka ee la marmariyo ee shuurada lagu ridqo. Weled iyo dhagax shuuro ayaa wax lagu ridqaa. Dh: wille.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
helmet
/helmit/ (n) kullad (koofi bir ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jelled
f.g1 (-day, -dday) 1. Buug, kitaab iyo wixi lamida jeldi u samayn. 2. Maqaar il, kor u rogid. 3. Badar kala saarid. la-mid: jillad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jelled
f.g1 (-day, -dday) 1. Buug, kitaab iyo wixi lamida jeldi u samayn. 2. Maqaar il, kor u rogid. 3. Badar kala saarid. m.f.dh, jelledid. la-mid: jillad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalmad
-da: (n) word (woodh) ~ kelmad, erey
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kelbad
f. n. female dog, bitch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kelbad
-da: (n) pliers (palaayaris); pincers (pensarizs) ~ kelbed, biinso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kelbad
bw: Arabic
cf: keleb
de: female dog, bitch (also used as an insult)
lx: kelbad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kelbad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolmee
f.mg2 (-meeyay, -maysay) Ka k.: wax, wax kale ka soo laalaadin ama lalmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kolmee
v. suspend, hang down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kolmee
(fal) kolmo u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kolmee
de: suspend, hang down
lx: kolmee
pd: (kolmeeyey)
ps: v2b=intr
see: kolon
key: kolmee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulmid
(Kulmid-da)
Meel isugu imaansho; ururid; isgaarid; shirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulmid
m.f.dh eeg kulan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmid
-da: (magac, dhedig, keli) meel isugu imaansho. Dh: shirid.
kulmid-da: (magac, dhedig, keli) marka falaadho (ilays, kul, kaah) oo barbarro u wada socda, wax ay isku soo duwaan ama ay soo dhexmaraan ee ay meel ku kulmaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lemmed
-da: (magac, dhedig, keli) laambad ama guluub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melmel
(fal) dhanka kale u jeedi; kala wareeji. Kolkaad meydka dhan maydho dhanka kale u melmel. Dh: jeedi.
melmel: (fal) si duuban oo xooggan u tuur. Horiyo daba qabo oo sida dhagaxa u melmel. Dh: tuur, gan, maqiiq.
melmel -ka: (magac, lab, keli) jeedinta wax dhinicii hore laga jeediyo oo dhinac kale loo jeediyo. Ninka bukaa melmel ma doonayee iska daa. Dh: jeedin, geddin, rogid, qallibid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
melted
a., shuban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
selled
m.dh (-do, m.l) Weel caw laga falkiyo oo midabyo badan loo yeelo oo suuqyada looga adeegto; dambiil. la-mid: sallad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
selled
-da: (magac, dhedig, keli) eeg danbill.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keligeed
n. phr. she ... alone, all by herself, on her own
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keligeed
de: she ... alone, all by herself, on her own
lx: keligeed
ps: np
key: keligeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
melmelid
-da: (magac, dhedig, keli) kala jeedin; dhinaca kale u rogid: qallinka u geddiyid. Melmelidda ka daa oo sidaa wax ku sii. Dh: rogid, qallibid.
melmelid -da: (magac, dhedig, keli) si duuban oo xooggan u tuurid. Ninka melmelidda ka daa oo aayar wax ugu sheeg. Dh: tuurid, maqiiqid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
belated
/bileytidh/ (adj) habsan ah (soo dib dhacay)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
belated
/bilayted/ (adj) reed ing dhiyi (daayi amy daayty). It is a belated letter.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
beloved
/biiloofid/ (n) aad loo jecel yahay (maxbuub)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
beloved
/beloovid/ (adj) eed lyng jeelyi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
beloved
a.; God has sent to us his beloved son, Eebbeheen wuxuu inoo soo diray inankiisii u jeclaa.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Delayed
Hakad: raagsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jelledo
f.g3 (-etay, -edatay) la-mid: jallado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalmee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid caawinid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalmee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid caawinid. m.f.dh, kaalmayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalmee
v. help, support, aid, assist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalmee
-yey / kaalmeysay: (v) assist (a-siist)-, help (help)-, aid (eeydh)-, succor (soker) ~ u miciin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalmee
(fal) cid kale, gacan sii oo gargaar u fidi. Dh: caawi, taakulee, kalkaali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaalmee
de: help, support, aid, assist
lx: kaalmee
pd: (kaalmeeyey)
ps: v2b=
key: kaalmee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalamid
f. n. variant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalamid
de: variant
lx: kalamid
pd: (-da)
ps: n1-f
see: mid
key: kalamid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koomeed
-ka: (magac, lab, keli) walaxcireed dhex orodda meerayaasha bahqorraxeedda ah oo markay qorraxdu u soo dhawaato u uumibaxda neef iyo huubo is daba jiidanaya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
related
/rileytidh/ (adj) qaraabo ah (dad xiriir qaraabo ama mid xidid isu keeno).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
skilled
/skildh/ (adj) 1. xirfad leh (xirfadle) 2. xirfad u baahan (shaqo xirfad laysaga baahan yahay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
temmedi
f.mg2 (-iyay, -isay) Wax qiimayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltameed
-ka: (magac, lab, keli) wixii leh kal sugan oo soo rogaalceliya.