kellibalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kellibalow
(Kellibalow-ga)
Dheregsanaanta iyo gaajaysnaanta meel u dhexaysa ku sugan; aan calooshu dhab u buuxin; qarraacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kellibalow
m.l.kh K. ah: xoolo aan dhergin. la-mid: gellibalow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kellibalow
m. n., [compound] (adj.): state of being neither hungry nor satisfied; half full
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kellibalow
-ta: (magac, dhedig, keli) dheregsanaanta iyo gaajaysnaanta meel u dhexaysa ku sugan; aan calooshu dhab u buuxin. Dh: qarraacan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kellibalow
de: state of being neither hungry nor satisfied; [atr.] half full
lx: kellibalow
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: kellibalow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarraac
(Qarraac-a)
Sida la yahay kolka la cuno ama la cabbo wax aan laga dhergin; kellibalow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarraacan
Waxaan laga dhergin cabbey ama cunay; kellibalow ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kellibadeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Gacan badeed oo aan aad u ballaarayn oo iskuxira laba badood, oo dhex mara laba dhul oo waaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kellibadeed
-da: (magac, dhedig, keli) juqraafi ahaan, gacan badeed oo aan aad u ballaadhnayn oo isku xidha labo badood, oo dhex mara labo dhul oo waaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelitalis
m.l (-syo, m.dh) (siyaasad) Waddan dawladdiisu uu haysto qof keliya lehna awood kama dambaysi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kelitalis
m.l (-syo, m.dh) (siyaa.) Waddan dawladdiisu uu haysto qof keliya lehna awood kama dambaysi ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kelitalis
m. n., [compound] dictatorial government
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kelitalis
-ka: (n) dictatorship (dikteeytar-shiip)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kelitalis
de: dictatorial government
lx: kelitalis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: kelitalis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balowbalow
-ga: (magac, lab, keli) baloon, sabarad iyo wixii la mid ah oo meesha uu ku jiro jikir ku ahayn oo dhexsocsocda. Albaabku wuu yar yahay oo waa balowbalow. Li: jikir, jiq, dhag.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hullabaloo
/halabaluu/ (n) sawaxan, buuq. e.g. The teacher told the students to stop making such a hullabaloo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kelli-badeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Gacan badeed oo aan aad u ballaarayn oo iskuxira laba badood, oo dhex mara laba dhul oo waaweyn.