kediye
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kediye
name-m surprise, unexpected. Lit: one born unexpectedly and suddenly
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kadiye
name-m surprise, unexpected. Lit: one born unexpectedly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kadiye
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo aan la filayn ama la dareemin inay hooyadii foolanayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaadiye
magac loo baxsho wiil la ogaaday inuu uurka ku jiro ayadoo hooyadii la furayo ka dibna aabuhu furustii ka noqday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
megdiye
-ha: (magac, lab, keli) qalabka hargaha iyo saamaha lagu megdiyo ee idiinta lagaga dhigo. Megdiyaha mari haraga oo jilci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kedi
(Kedi-ga)
Shillin; quud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kedi
kedi¹: m.l Geed qodxeed miro la cuno leh oo qolof adag leh, layskuna daaweeyo; shillin; kulan; quud.
kedi²: f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: kadi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kedi
m.l Geed qodxeed miro la cuno leh oo qolof adag leh, layskuna daaweeyo; shillin; kulan; quud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kedi
m. n., [collective] fruit-bearing tree species
kedi v. surprise, move suddenly ~ unexpectedly
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KEDI
(kedi) N Balanites aegyptiaca (L) Del. Balanitaceae.
N Balanites glabra Mildbr. & Schlecht. Balanitaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kedi
see [eeg] ku kedi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kedi
(fal) si kedo ah ugu imo.
kedi -ga: (magac, lab, keli) geed qodxeed midho la cuno oo qolof adag leh, la iskuna daaweeyo. Dh: shillin, kulan, quud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kedin
(Kedin-ta)
Si kedo ah u dhicid, u imaansho, u tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kedin
m.dh la-mid: kadin².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kedin
Sorpresa
Surprise
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kedin
-ta: (magac, dhedig, keli) si degdeg ah u dhicid ama u imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kedis
(Kedis-ka)
Kedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kedis
m.l 1. Fal u dhaca si lama filaan ah. 2. Barnaamaj aqooneed oo lagu tartamo. 3. la-mid: kadin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kedis
m.l 1. Fal u dhaca si lama filaan ah. 2. Barnaamaj aqooneed oo lagu tartamo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kedis
surprise
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kedis
vl. n. (adj.): surprise; surprising, unexpected
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kedis
-ah: (adj) surprising; without warning; unexpected ~ kedo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kedis
-ka: (magac, lab, keli) eeg kedin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kedis
a: kadis
de: surprise; [atr.] surprising, unexpected
lx: kedis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: kedis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kedis
مُسَابَقَة، مُفَاجَأَة، فَجْأَة، بَغتَة
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badiye
m. n. duplicating machine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badiye
-ha: (magac, lab, keli) qofka ku guulaysta tartan. Badiyaha waxa la siinayaa abaalgud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badiye
de: duplicating machine
lx: badiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: badiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bejiye
m.dh la-mid: bejiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Celiye
(Celiya-ha)
Suun xalleefsan oo jilicsan oo badanaa dumaysan oo faraska surkiisa iyo kooraha moqotinkiisa hore isu haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
celiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Suun dhuuban, jilicsan, xalleefsan, dun guduudan lagu qurxiyay oo gaaddada faraska iyo kooraha isuhaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
celiye
m. n. strap ~ rope going round the neck of a horse and attached to the saddle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
celiye
-ha: (magac, lab, keli) suun xalleefsan oo jilicsan oo badanaa dunaysan oo faraska surkiisa iyo kooraha moqotinkiisa hore isu haya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
celiye
cf: suun
de: strap ~ rope going round the neck of a horse and attached to the saddle
lx: celiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: celiye
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
dédire
dédire, se. v. - Dafirid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
edbiye
-ha: (n) disciplinarian (di si plineeriyan)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hadiye
name-m healer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kariye
-ha: (n) cook (kuuk), chef (sheef)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kedi_1
cf: shillin
de: fruit-bearing tree sp.
hm: 1
lx: kedi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: kedi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kedi_2
de: surprise, move suddenly ~ unexpectedly
hm: 2
lx: kedi
pd: (kediyey)
ps: v2a=
see: ku kadi
key: kedi_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kediso
m.dh la-mid: kadiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kediso
-da: (magac, dhedig, keli) wax si degdeg iyo lama filaan ah ku dhaca; aan la iska jirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keliya
keli ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keliya
s. Aan wax wehlin; uun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
keliya
s. Aan wax wehlin; uun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keliya
adj., [adverb] alone, only
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Keliya
seulement.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
keliya
(adj) only (oonli); alone (a-loon). Ex: AH oo kaliya..; only AH
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keliya
de: alone, only
lx: keliya
ps: adj / adv
syn: jaw, uun
key: keliya
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kiciye
Activator
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kiciye
m. n. starter {automotive}
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kiciye
de: starter {automotive}
lx: kiciye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kiciye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kojiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Toddoba-maggaarto; teetano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kojiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Toddoba-maggaarto; teetano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kojiye
-ha: (magac, lab, keli) toddobamaggaadho; teetano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kujiye
m.l (-yaal, m.l/dh) (daawo) Cudur muddo gaaban oo la isqaadsiiyo, kuna dhaca qaybta maskaxda iyo dareen-wadayaasha, waxaana keena baktiiri-yuumka la yiraahdo “cloridium tetani”. Infekshinku wuxuu ka yimaadaa nooca adkeysta ee baktiiriyada oo gaarta meel dhaawacan oo jirka ka mid ah, baktiiriyadu way badataa waxayna soo saartaa sun kicisa dareemayaasha oo muruqyada isku koojiya. Toddobamagaarto, teetano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kujiye
m.l (-yaal, m.l/dh) (daaw.) Cudur muddo gaaban oo la isqaadsiiyo, kuna dhaca qaybta maskaxda iyo dareenwadayaasha, waxaana keena baktiiriyuumka la yiraahdo 'cloridium tetani'. Infekshinku wuxuu ka yimaadaa nooca adkeysta ee baktiiriyada oo gaarta meel dhaawacan oo jirka ka mid ah, baktiiriyadu way badataa waxayna soo saartaa sun kicisa dareemayaasha oo muruqyada isku koojiya. Toddobamagaarto, teetano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kujiye
-ha: (magac, lab, keli) cudur muddo gaaban oo la isqaadsiiyo, kuna dhaca qaybta maskaxda iyo dareen-wadayaasha, waxaana keena baktiiriyuumka la yiraahdo 'cloridium tetani'. Infekshinku wuxuu ka yimaadaa nooca adkeysta ee baktiiriyada oo gaarta meel dhaawacan oo jirka ka mid ah, baktiiriyadu way badataa waxayna soo saartaa sun kicisa dareemayaasha oo muruqyada isku koojiya. Dh: toddobamagaardho, teetano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ladiye
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa ay hooyadii ku gama'day ama ku ciilbeeshay oo hurdo ledday.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
médire
médire, v. - qofka dadka wax xun ka sheega.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qadiye
magac loo bixiyo wiil hooyadii isaga hortii aanay wiil dhalin aabbihiina uurka kaga hadhay oo ay hooyadii ula jeeddo kii dhaxalkii u ooliyay oo cid kale oo qaadan lahayd ba ka qadiyay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
redire
redire, v. - dhihid mar labaad
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sedile
s.m. - kursi (nooc kasta).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tebiye
-ha: (magac, lab, keli) qalabka war-isgaarsiinta mid ka mid ah oo birlabdanabawga hawada u dira. Tebiye ayaan war ugu diray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weriye
m.l la-mid: wariye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qofka wararka tebiya. la-mid: wariye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weriye
-ha: (magac, lab, koli) qof wararka raadintooda, tebintooda iyo ka faalloodkooda ka shaqeeya oo aqoonna u leh. Dh: wariye.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XADIYE
(Hadie) N Maerua oblongifolia (Forsk.) A. Rich. Capparidacea.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xejiye
-ha: (magac, lab, keli) suun labada dhegood ee kab soomaalida xagga hore isaga haya.
xejiye -ha: (magac, lab, keli) biro noocyo badan leh oo kolka wax la dhisayo waxyaalaha in la isku qabto la doonayo een gacantu xajin karayn lagu qabto si la iskgu xejiyo.
xejiye -ha: (magac, lab, keli) suunka kabaha ee xagga dambe mara. Dh: xajiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kordhiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalab kordhiya itaalka sinyaala danabeed sida codka oo tamar dheeraad ah ka soo dheegata il danab kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kordhiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (fiisikis) Qalab kordhiya itaalka sinyaala danabeed sida codka oo tamar dheeraad ah ka soo dheegata il danab kale.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kordhiye
Amplifler
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kordhiye
-ha: (magac, lab, keli) qalab kordhiya itaalka sinyaala danabeed sida codka oo tamar dheeraad ah ka soo dheegata il danab kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akhriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Nin raadiyaha, telefiishinka iyo wixi lamida war ka sii daaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akhriye
-ha: (magac, lab, keli) qofka wax qoran daalacanaya ama ku codaynaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiye
-ha: (magac, lab, kel) dhulka magaalada ka baxsan ee xoola dhaqatadu dego. Dh: miyi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bedside
/bedhsaaydh/ (n) sariirta dhinaceeda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bedtime
/bedtaym/ (n) wakhtiga' hurdada (wakhtiga seexashada)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhiye
magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu midkii reerka ku soo kordhiyay iftiin iyo faraxad; wiilkii u dhashay reer hore gabdho uun u lahaa. Dh: biriye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
debciye
m. n. gear level; something which loosens ~ makes less heavy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
debciye
de: gear level; s.t. which loosens ~ makes less heavy
lx: debciye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: debciye
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déduire
déduire, v. - Ka jarid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
deymiye
-deymiyaha: (n) lender (lendhar); creditor (kari-diter) ~ qaansheegte
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gediyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax rogid; wax beddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (c.nafl) Noole, sida badan cayayaan oo ka qaada deriskunoole qof oo u gudbiya qof kale sidaas darteed ay cudur u keenaan. Sida kaneecadu u tahay gudbiyaha duumada, filaariyasiga iyo qandho dillaanta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudbiye
m.l (-yayaal, m.l/dh) (c.nafl) Noole, sida badan cayayaan oo ka qaada deriskunoole qof oo u gudbiya qof kale sidaas darteed ay cudur u keenaan. Sida kaneecadu u tahay gudbiyaha duumada, filaariyasiga iyo qandho dillaanta.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gudbiye
Conductor
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudbiye
m. n. conductor {physics, chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gudbiye
-gudbiyaha: (n) [Physics] conductor (kon dhek ter)-, [opposite of magudbiye-ha]: (n) non conductor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudbiye
-ha: (magac, lab, keli) walax kaste oo tebisa danabka ileyska, jabaqda, kulka iyo wixii la mid ah oo ay dhexmaraan. Dahabku waa gudbiyaha ugu wanaagsan ee danabka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gudbiye
a: kulgudbiye
de: conductor {physics, chemistry}
lx: gudbiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gudbiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Qof dhintay quraan u akhrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadiyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Qof dhintay quraan u akhrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hadliye
magac loo baxsho wiil dhalashadiisii hadal ka dhashay oo loo shiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeldiyo
f.g3 (-yaday, -yatay) la-mid: jildiso.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KAAHIYE
(Kahiye) N Reseda amblycarpa Fres. Resedaceae.
N Reseda bracteata Boiss. Resedaceae.
N Reseda oligomeroides Schinz. Resedaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaahiye
name-m he who shines or enlightens
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaahiye
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa ay hooyadii ku diirsatay oo ay isaga hortii gabdho uun lahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaaliye
(Kaaliya-ha)
Gargaare; taageere.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof caawiya qof hawl haya; gargaare.