kebriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebriid
(Kebriid-ka)
Kabriid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kebriid
m.l la-mid: kabriid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kebriid
m. n. match; matches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kebriid
-ka: (n) match (maaj); matchstick ~ taraq, kabriid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kebriid
-ka: (magac, lab, keli) qolof ay ku jiraan qoryo yaryar oo dhuudhuuban oo mid walba madaxa loo marshey baaruud ama wax la mid ah oo daarma kolka meel lagu xoqo. Dh: tarraq, qaraf, kabriid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kebriid
a: kabriid
de: match; matches
lx: kebriid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kebriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabriid
(Kabriid-ka)
Qolof ay ku jiraan qoryo yaryar oo dhuudhuuban oo mid walba madaxa loo marshey baaruud ama wax la mid ah oo daarma kolka meel lagu xoqo; tarraq; qaraf; (ama kebriid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabriid
m.l (-ddo, m.dh) Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. la-mid: kebriid, kibriid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabriid
m.l (-ddo, m.dh) Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. la-mid: kebriid, kibriid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabriid
m. n. match; matches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabriid
-ka: (n) match (rnaaj) stick ~ taraq, kebriid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabriid
-ka: (magac, lab, keli) qoryo yaryar oo afka loo mariyey baaruud oo qardaas yar lagu riday oo dabka laga huriyo ama laga shido. Kibriid innoo rida oo kildhi shaaha innoo kariya. Dh: qaraf, tarraq. Wa: kabriiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabriid
bw: kebriid
de: match; matches
lx: kabriid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: qaraf, tarraq
key: kabriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibriid
m.l la-mid: kabriid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibriid
-ka: (magac, lab, keli) qoryo yaryar oo afka baaruud lagaga marqay oo dabka laga shito. Dh: kibriid, tarraq, qaraf, kebtiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarraq
(Tarraq-a)
Kebriid; qaraf.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tarraq
-a: (n) matchbox (maaj-bokis); match (maq/); lighter (laay-ter); torch ~ kabriid, kebriid, qaraxad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarraq
de: match; matches
initial: t
lx: tarraq
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: kabriid ~ kebriid, qaraf
key: tarraq
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
brimstone
n., (sulphur) kebriid, -ki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
match
n., (lucifer) qaraf, -ki, kebriid, -di.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sulphur
n., kebriid, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebbisid
(Kebbisid-da)
Kebbis u yeelid; (ama kabbisid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kebbisid
m.f.dh eeg kebbis². la-mid: kabbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kebbisid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kebbisan ka dhigid. Dh: kabbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debrid
m.l la-mid: dabrid¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kibrid
(Kibrid-da)
Kibir ku kicid; qof kibrey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kibrid
m.f.dh eeg kibir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kibrid
-da: (magac, dhedig, keli) kibir ku dhicid; qof kibrey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meriid
(Meriid-ka)
1. Geed aad u weynaada oo sunta meriidka laga liso.
2. Sun, fallaaraha iyo warmaha iyo lagu dhoobo oo wax lagu laayo; sun; waabaayo; (ama mariid, maliid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meriid
m.l la-mid: mariid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meriid
m. n., [collective] large tree species, from which arrow-poison is extracted; poison extracted from this tree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meriid
-ka: (n) poison, especially used in an arrowhead ~ mariid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meriid
-ka: (magac, lab, keli) nooc sun dhirta laga sameeyo ah oo la mariyo gucunka leebka iyo warmihii lagu dagaalami jiray. Dh: sun, daxal.
meriid -ka: (magac, lab, keli) xidid halbowle ah oo dhuunta ku yaala. Dh: xawlalmariid, halbawle.
meriid -ka: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada oo laga liso sunta mariidka. Dh: waabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meriid
de: tree sp., from which arrow-poison is extracted; poison extracted from this tree
lx: meriid
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: meriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
debbirid
m.f.dh eeg debbir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
debbirid
-da: (magac, dhedig, keli) adiga oo aan cidna la kaashan, wax, hagaajin oo suubbin. Dh: debberid, dabbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbisid
(Kabbisid-da)
Kebbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisid
m.dh la-mid: kebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbisid
-a: (magac, lab, keli) ciid cusub ku adkayn oo ku tumid; carro biyo lagu rusho ka dibna la nabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarid
(Kabrarid-da)
Xalxalid; bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarid
m.f.dh eeg kabrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarid
-da: (magac, dhedig, keli) barar badan. Dh: xalxal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabtiyid
(Kabtiyid-da)
Ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabtiyid
m.f.dh eeg kabti².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) roorid; ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawrixid
(Kawrixid-da)
Kawrax noqosho; kafafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixid
m.f.dh eeg kawrax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixid
-da: (magac, dhedig, keli) kawrax noqosho. Dh: kafafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kebbisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: kabbisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kebbisii
v.caus: make someone sip something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kebbisii
-yey/say: (v) cause someone to sip a liquid ~ kebbi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kebbisii
de: make s.o. sip s.t.
lx: kebbisii
pd: (kebbisiiyey)
ps: v2a=caus
key: kebbisii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixid
m.f.dh eeg kowrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufriyid
(Kufriyid-da)
Kufri noqosho; gaaloobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufriyid
m.f.dh eeg kufri². la-mid: kufrin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufriyid
-a: (magac, dhadig, keli) diinta Islaamka ka bixid. Dh: gaaloobid. Li: muslimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lebbisid
(Lebbisid-da)
Labbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lebbisid
m.dh la-mid: labbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lebbisid
-da: (magac, dhedig, keli) «ucid kale lebbis u gelin; cid kale dhar u labbisid.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Mebritis
Xanuunka ilmagaleenka
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kabriid-ka
allumette.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biid
(Biid-ka)
Waxyar; in yar, xoogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biid
m.l 1. Wax aad u yar. 2. B. ah: xarrago badan oo dharkiisu hab gaar ah u tolanyahay (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biid
m.l 1. Wax aad u yar. 2. B. ah: xarrago badan oo dharkiisu hab gaar ah u tolanyahay (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biid
m. n. bit, morsel, a little
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biid
ka: (n) fashion (faashin) moodo, casri. Syn: style, mode, vogue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biid
(tilmaame) qof xarraga badan.
biid: -ka: (magac, lab, keli) qof wax tar yar leh. Bili nimaan lahayn baa xarbiga biid ka tarahayne.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biid
de: bit, morsel, a little
lx: biid
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: biid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abiid
m.l.fk la-mid: abad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abiid
m. n., adv., time: ever; never
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abiid
(falkaab) intii la soo jiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abiid
a: abad
de: ever; never
lx: abiid
pd: (-ka)
ps: n0-m / adv-time
syn: weli
key: abiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bebid
(Bebid-da)
(cayaar), intii layska badiyey (tiro, foorad, duq,.,.) in le'eg dhalin, iska soo celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bebid
m.f.dh eeg beb.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bebid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar intii lagaa dhaliyey in le'eg dhalin. Bebid mar hore kuu ekayd imika keentay. Dh: bedid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
braid
/brayd/ (n) 1. timy dabyng. 2. dung.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
braid
(of hair), n., tidic, -i; (a texture) tidcasho, -adi.
braid, v.tr., (weave together) tidci; v.r., tidco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ebyid
(Ebyid-da)
Qabyada ka bi'in: dhammaystirid; buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebyid
m.f.dh eeg ebi².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ebyid
vl. n. act of completing, filling up; culmination, conclusion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebyid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl, qabyo ka bi'in oo dhamaystirid. Dhismuhu ebyid ayuu u baahan yahay. Dh: dhamaystir, dhamayn. Li: qabyayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ebyid
de: act of completing, filling up; culmination, conclusion
lx: ebyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: ebyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ergid
(Ergid-da)
Ereg u bixin, u dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ergid
m.f.dh eeg ereg².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ergid
-da: (magac, lab, keli) neef xoolo ah ama wax kale, ereg u bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Eryid
(Eryid-da)
Aad uga dabo ordid, in la fogeeyo ama la qabto ama wax la yeelo darteed; ceyrin, cagaajin; dibad u dirid; nicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eryid
m.f.dh eeg eri³. la-mid: eri², erin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eryid
vl. n. dismissing, 'firing', excluding; driving out, sending ~ chasing away
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Eryid
Destituzione
Dismissal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eryid
-da: (magac, dhedig, keli) caydhin ama fogayn; aad uga daba'ordid, si loo fogeeyo ama la qabto ama wax la yeelo.
eryid -da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» shaqo ama martabo uu lahaa ka caydhin. Qofkii an shaqaysanayn waxa u soo baxday eryid. Dh: caydhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eryid
de: dismissing, 'firing', excluding; driving out, sending ~ chasing away
lx: eryid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: eryid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebid
m.dh la-mid: gabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jebid
m.dh la-mid: jabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabid
(Kabid-da)
1. Wax jabay, kabay saarid.
2. Wax wax ka go'een ama ka maqan yihiin, wax beddelkood ah u yeelid ama siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabid
m.f.dh eeg kab³. la-mid: kab¹ (3), kabniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabid
f. n., vn-f: plaster bandage, cast; setting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabid
-da: (n) the act of repairing especially something broken
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabid
-da: (magac, dhedig, keli) laf ama wax kale oo kala jabay isku geyn oo sidiisii hore ku celin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabid
de: plaster bandage, cast; setting
lx: kabid
pd: (-da)
ps: n1-f, vn-f
key: kabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karid
(Karid-da)
1. Maaro u hayn; awoodid.
2. Rogmashada iyo abur soo saaridda biyaha iyo wixii la mid ah oo la kululeeyo.
3. Wax dillaacay jaansaarid; kabid.