ke
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ke
qui? quel?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgobaadsi
(Afgobaadsi-ga)
Hadal macaan oo hufan oo eed ka cararid darteed keliya loo yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajalid
(Ajalid-da)
1. (Waqti) dib u dhigid.
2. Geeri ku keenid; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Alaalabbaq
(Alaalabbaq-a)
Biqid aan aqoon ku dhisnayn; baqdin qalo keento; malabbaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Argaggax
(Argaggax-a)
Cabsi weyn oo kedo ah; naxdin lala gariiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Argaggaxsan
La aragagixiyey; cabsi weyn oo kedo ah la geliyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Argaggixid
(Argaggixid-da)
Cabsi weyn oo kedo ah, qabasho; naxdin la gariirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arkaan
(Arkaan-ta)
(keli: rukni) rukniyo badan; tiirar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrimin
(Arrimin-ta)
Talo keenid; guddoomin; talin; maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaraarid
(Asaraarid-da)
Hadal la sheegay asaraar ka hor keenid; beenin; ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Atoor
(Atoor-ka)
Sagaarada keeda lab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayaan
(Ayaan-ka)
1. Xoog la moodo inuu dadka u keeno xumaan ama samaan; cawo; hoodo; ul; nasiib;
2. (Ayaan-ta) Qorrax-soo-baxa iyo qorraxdhaca inta u dhexaysa oo iftiinka ah; maalin; dharaar; casho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ayo
Kuma? Kee? Tuma? Tee?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baddhac
(Baddhac-a)
Qof badda iyo waxa laga helo keliya ku nool oo aan meel kale ku noolaan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bal
1. Erey ulajeeddooyin midabyo badan leh sida 'waa yahay e,' 'Arrintii hore daayey ama ka noqday e,' oo la yiraahdo inta badan kolka wax kabbixiwaa ah lays yeelsiiyo ama layska yeersiiyo (wax aan lagu jacsanayn ama cagajiid lagu yeelo); Bal hoo, bal kaalay, bal ina keen; wiilka bal u yeer.
2. (Bal-ka) a) Geedka meseggada, galleyda, kd. inta laamaha iyo caleemaha ah. b) Ballan; wacad; axdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balalo
(Balala-da)
1. Geedo waabaayo leh.
2. Xoolo ceel la keeno, iyadoo aan yeel loo sidin oo dabadeed baryo lagu waraabsho.
3. Bilaw; unug.
4. Cudur xoolaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bandhig
(Bandhig-ga) 1. Alaab ganacsi ama masawirro ama wax kale oo si habaysan, meel fagaare ah, la isugu keeno si dadweynuhu u daawado, waxna uga iibsado.
2. Carwo yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baqo
(Baqa-da)
Saamayska wax cabsi lihi keeno; cabsi; carar; (ama baqe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bardad
(Bardad-ka)
Cabsi kediso ah la wareerid; argaggax; sas; (ama bended).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barriijin
(Barriijin-ta)
Neef aad u orda haya si kedo ah oo xoog leh u joojin ama dhinac ugu leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kee
Kee?
Kuma? Iyama? Ayo? Yaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kee
kee¹: mu.we.l kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: “ Waa kee midka aaday xafiiska?.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kee
kee¹: mu.we.l (kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Waa kee midka aaday xafiiska?
kee²: (-kee) dk.we.l Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Wiilkee baa kula hadlay?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kee
(pronoun) which (wif); who (huu); used only for masculine singular nouns ~kuma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kee
(magacuyaal) weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Dh: kuwee.
kee: (dibkabe) weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Qalinkee la ii soo iibshay?
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Key
Fure
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
key
/kii/ (n) 1. fure; muftaax e.g. Have you seen my keys? 2. xal u ah (fure u ah) e.g. A key to this problem. 3. badhanka la garaaco (botoonka teebka iwm). e.g. You have to press the return key. 4. muhiim ah (ugu muhiim san). e.g. Education is the key to success.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
key
n., muftaax, -i.