kayntirid
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kayntirid
m.dh (juqraafi) Goynta dhirta iyo bannaynta kaynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kayntirid
-da: (magac, dhedig, keli) juqraafi ahaan, jaridda dhirta iyo bannaynta kaymaha.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kayn tirid
Deforestation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-tirid
m.dh (juqraafi) Goynta dhirta iyo bannaynta kaynta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayactirid
* (Dayactirid-da)
Dayaca ka dhawrid; Xannaanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayactirid
m.f.dh eeg dayactir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarantirid
m.dh (daawo) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarantirid
m.dh (daaw.) Qalliin ama hab hawleed kale oo loola qasdiyo in uu keeno madhaleysnimo qof lab ama dhedig ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarantirid
vl. n., [compound] sterilization, sexual neutering
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarantirid
de: sterilization, sexual neutering
initial: t
lx: tarantirid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
key: tarantirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftirid
m.f.dh eeg aftir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftirid
-da: (magac, dhedig, keli) sharaabkii iyo cuntadii aftirka qaadasho. Dh: aftirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catirid
m.f.dh eeg catir². la-mid: catirayn, cartirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catirid
-da: (magac, dhedig, keli) weel la culay, cidaad marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltiri
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. U k.: xooluhu inta ay biyaha ka qadayaan xisaabin. 2. Wax riman sidkooda u maalmo tirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaltiri
v., [compound] count the time necessary for something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltiri
(fal) (u ~) inta ay xooluhu ceel ka maqnaanayaan u tiri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaltiri
de: count the time necessary for s.t.
lx: kaltiri
pd: (kaltiriyey)
ps: v2a=cmp
key: kaltiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kantiin
m.l (-nno, m.dh) Dukaan yar oo laga qaato raashinka iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kantiin
m. n. canteen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kantiin
-ka: (magac, lab, keli) Dukaan yar oo laga qaato raashinka iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kantiin
de: canteen {N < Eng}
lx: kantiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kantiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawirid
m.f.dh eeg kawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawirid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama markab meeshii loo socday meel aan ahayn u weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaytiin
m.l (-no, m.dh) Walax geeso oo kale ah oo laga helo gidaarada unugyada fangi farabadan; waxaana uu ka koobanyahay boolisakaraydhyo. Waxa uu ka mid yahay walxaha daboola jidhka cayayaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaytiin
m.l (-no, m.dh) Walax geeso oo kale ah oo laga helo gidaarada unugyada fangi farabadan; waxaana uu ka koobanyahay boolisakaraydhyo. Waxa uu ka mid yahay walxaha daboola jidhka cayayaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayirid
(Qayirid-da)
Beddelid; doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayirid
m.f.dh eeg qayir².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qayirid
-da: (n) the act of altering, usually by discoloring ~ dhalanrogid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayirid
-da: (magac, dhedig, keli) si kale u bedde lid. Alaabtu qayirid uma baahnee innoo daa. Dh doorin, qayiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayirid
(Xayirid-da)
Dhaqdhaqaaq ama socod ama safar u diidid; joojin; celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayirid
m.f.dh eeg xayir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayirid
-da: (magac, dhedig, keli) hulo kasta la awdidi oo xannibid. Dh: jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bantarid
m.f.dh eeg bantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bantarid
-da: (magac, dhedig, keli) caatoobid oo wax hilib weyd ah leh noqosho. Gaajada ayaa neefka bantaridda ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantarid
m.f.dh eeg cantar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantarid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macne lahayn ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartirid
m.dh la-mid: catirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantiyid
(Hantiyid-da)
Wax la lee yahay ka dhigid; qabsasho; yeelasho; lahaansho; hanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiyid
m.f.dh eeg hanti². la-mid: hantin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiyid
vl. n. taking possession; nationalization, socialization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiyid
-da: (magac, dhedig, keli) gacanta ku dhigid oo iska yeelasho. Dh: hantiyis, qabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiyid
de: taking possession; nationalization, socialization
lx: hantiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: hantiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabtiyid
(Kabtiyid-da)
Ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabtiyid
m.f.dh eeg kabti².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabtiyid
-da: (magac, dhedig, keli) roorid; ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaltirin
(Kaltirin-ta)
Wax rimman sidkood u maalmo tirin; xoolaha, goorta la shuba hayo iyo intay hadba qada hayaan, tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltirin
m.f.dh eeg kaltiri. la-mid: kaltiris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaltirin
vl. n., [compound] calculation, estimate ~ estimation of time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltirin
-ta: (magac, dhedig, keli) inta maalmood ee ay xooluhu qadayaan oo loo tiriyo; inta cisho ee ay xooluhu ceelka ka moogaanayaan oo loo tiriyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaltirin
de: calculation, estimate ~ estimation of time
lx: kaltirin
pd: (-ta)
ps: vn2-f-cmp
key: kaltirin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltiris
m.l la-mid: kaltirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltiris
-ka: (magac, lab, keli) inta beri ee ay biyaha ama ceelka ka maqnaanayaan xoolaha u tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftirid
m.f.dh eeg naftir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oontirid
m.f.dh eeg oontir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oontirid
-da: (magac, dhedig, keli) harraad bi'in; biyo waraabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qanjirid
m.f.dh eeg qanjir². la-mid: qanjir¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caratirid
m.f.dh eeg caratir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caratirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, wax u cadhada ku illaawo siin ama u samayn. caray: (fal) qof kale, 'car!' ku dheh, adoo u digaaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirid
m.f.dh eeg daaltir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynaanid
(Kaynaanid-da)
Hayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynaanid
m.f.dh eeg kaynaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantiirid
(Xantiirid-da)
Xantiir noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantiirid
m.f.dh eeg xantiir².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
XANTIIRID
Fallimento
Bankruptcy
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xantiirid
Fallimento
Bankruptcy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantiirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caydh ah noqosho. Dh: caydhoobid, saboolid.
xantiirid -da: (magac, dhedig, keli) caydhoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawryatirid
-da: (magac, dhedig, keli) si cawryoda looga fogaado wax bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxantirid
m.f.dh eeg dhaxantir². la-mid: dhaxantir¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamuuntirid
(Hamuuntirid-da)
Hamuunta ka bi'in; quraac siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamuuntirid
m.f.dh eeg hamuuntir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamuuntirid
-da: (magac, dhedig, keli) hamuun ka bi'in; afur siin. Dh: qandhuufbi'in, qureecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrtirid
(Masayrtirid-da)
Masayrtir siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrtirid
m.f.dh eeg masayrtir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrtirid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo masayrtir ah siin. Dh: hinaasatirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaantirin
m.dh Maalin wakhti gaar ah lagu magacaabay. Tusaale: “Maalin gaar ah”, “Sannad gaar ah”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahitirid
m.f.dh eeg baahitir². la-mid: baahitir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitirid
-da: (magac, dhedig, keli) shey, qof ama koox wax tebaysa oo laga bi'iyo tabashada iyo baahida wax u haysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baynibixid
m.f.dh eeg baynibax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baynibixid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baynibbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawratirid
m.f.dh eeg cawratir². la-mid: cawritirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawritirid
m.f.dh eeg cawritir². la-mid: cawratirid, cawritir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayntaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) xoog u ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daanjiriid
-ka: (magac, lab, keli) daanka oo xagga danba ah gawska ku yaalla. Waa weedha da'weyne, daanjiriidka ku haystoo. Dh: gawsdanbeedka. Wa: daanjiriidyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambitirid
m.dh la-mid: dembitirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambitirid
-da: (magac, dhedig, keli) dembidhaafid iyo saamaxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantihurid
(Hantihurid-da)
Wax qof kale lee yahay oo uusan bixin, hanti ka dhigasho, isku hallayn darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantihurid
m.f.dh eeg hantihur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantihurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qof kale leeyahay oo uusan bixin, hanti ka dhigasho, isku hallayn darteed.
hantihurid -da: (magac, dhedig, keli) hantidaada ku deeqid oo cid siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyirtirid
m.f.dh eeg miyirtir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyirtirid
-da: (magac, dhedig, keli) maandoori; miyirdoorin. Sakhraanku miyirtiridda naftiisa isaga ayaa ugu wacan. Dh: waalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxartirid
m.f.dh eeg saxartir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxartirid
-da: (magac, dhedig, keli) turxaanbixinta arrin ama talo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abtiri
f.mg2 (-iyay, -isay) U a.: qof faraciisu siday isu dhaleen sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abtiri
(fal) «u ~» sheeg oo tax magacda nasabka. U abtiri wiilka ad isa soo raacdeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayidid
m.f.dh eeg ayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayidid
-da: (magac, dhedig, keli) taageeris dhan waliba noqon karta. Dh: ayidaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayimid
m.f.dh eeg ayin². la-mid: ayin¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayrid
m.f.dh eeg bayr³. la-mid: bayr¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u wee- casho. Bayridda ka ilaali oo hagaag u wad. Dh: baydhid, leexad, weecad.