ereyga

kayga² (-kayga)

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kayga² (-kayga)

DHAN

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tusaale: “Dalkaygu waa hodan”. la-mid: kay³.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaaga² (-kaaga)

DHAFAN

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tusaale: “Qalinkaaga baa cusub”. la-mid: kaa³.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kayaga (-kayaga)

DHAFAN

dk.lh.l la-mid: kaayaga².

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kayga

DHAABAN
1

kayga¹: mu.lh.l (kuweyga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tusaale: Midkan kayga ma ah.

2

kayga²: (-kayga) dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tusaale: Dalkaygu waa hodan. la-mid: kay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kayo² (-kayo)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l la-mid: kaayaga².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaas² (-kaas)

DHAFANDHAAF

dk.ti.l Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tusaale: “Dukaankaas Cali baa leh”. la-mid: kaa4.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaayo² (-kaayo)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l la-mid: kaayaga².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

keeda² (-keeda)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. la-mid: keed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kiisa² (-kiisa)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tusaale: “Aaway qalankiisa?”. la-mid: kiis³, ki, kįi².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kooda² (-kooda)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tusaale: “Macallinkooda ayay la tashadeen”. la-mid: kood².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tayada (-tayada)

DHAFANDHAAF

dk.lh.dh la-mid: tayo².

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

keenna² (-keenna)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tusaale: “Aan aadno gurigeenna”. la-mid: keen³.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kiinna² (-Kiinna)

DHAFANDHAAF

dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tusaale: “Dad badan baa dhagaysta warkiinna”. la-mid: kiin².

waa la naqliyay ✓