kaydsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kaydiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaydsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kaydiyey ahaansho. m.f.dh, kaydsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsan
(tilmaame) wax la kaydiyey oo meel la dhigtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaydsad
(Kaydsad-ka)
Kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsad
m.l la-mid: kaydsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaydsad
vl. n. economizing; act of saving, preserving ~ storing away for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsad
-ka: (magac, lab, keli) wax kayd ka dhigasho; kayd ahaan meel u dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaydsad
a: kaydsasho (/da) [vn6-f]
de: economizing; act of saving, preserving ~ storing away for oneself
lx: kaydsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kaydsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kensi
(Kensi-ga)
Lacag badan ama alaabo qaali ah oo meel ku kaydsan, ku qarsoon, ku aasan; (ama kansi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasnad
(Khasnad-da)
1. Weel adag oo waxa qaaliga ah oo la dhawra hayo iyo waxa la kaydsana hayo, la geliyo.
2. Maalka la kaydina hayo laftiisa; kensi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsanaan
m.f.dh eeg kaydsan. la-mid: kaydsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsanaansho
m.l/dh la-mid: kaydsanaan.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KAYD
Risparmio
Saving
Waa dhigaal lacageed oo ku kaydsan Banki, wuxuuna u kala baxaa dhawr hab, sida badanse waxaa lagu dhaqmaa labo hab: (1) Kayd dulsaar dhalis ah iyo; (2) Kayd dulsaar laawe ah. Kan koowaad waa kan kaydlaha iyo Bankigu ku heshiiyaan dulsaar boqolkiiba in ah (%) haddii lacagta kaydsani Bankiga oollayso in muddo lagu heshiiyey ah, ayadoo aan laga qaadqaadin, waxaana loo yaqaan «KAYD GOORAYSAN».
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beytimaal
(fal) wax baylahsan oo aan tashiilnayn ahaw.
beytimaal -ka: (magac, lab, keli) wax baylahsan oo aan tashiilnayn ahaan. Dh: bulqaas.
beytimaal -ka: (magac, lab, keli) dawladihii hore ee Islaamka meeshay ku kaydsan jireen lacagaha iyo wixii maguurto ah, oo qiimo weyn leh, sida dahabka iyo qalinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabdemiso
-da: (magac, dhedig, keli) haan bir ah oo uu ku jiro dareere cadaadis sare ku kaydsan oo dabka lagu baqtiiyo. Dabdemiso weyn ayaa la soo iibiyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarbixi
(fal) geedo iyo caano sii oo caloosha shub; qushka iyo dacarta caloosha ku kaydsanta shubsii. Odayga ka dacarbixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danabneg
-ga: (magac, lab, keli) danab ku kaydsan walax aan hawl ku jirin. Biya xidheenkani waxu leeyahay danabneg oo hadduu fataho waxu yeelanayaa danab kaynaan.
danabneg -ga: (magac, lab, keli) saynis, barashada saldanabyada ee neg, xoogagga u dhexeeya iyo badada danabka ee la xiriira.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagable
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan looxa cuna oo baalasha sare qolof adag ku leh. Loox ii kaydsanaa geedagable ayaa madhiyey. Dh: xar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaydsan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kensi
-ga: (magac, lab, keli) lacag badan ama alaabo qaali ah oo meel ku kaydsan ama ku qarsoon. Dh: kayd, khasnad. Wa: kensiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaanad
-da: (magac, dhedig, keli) weel adag oo waxa qaaliga ah oo la dhawraayo iyo waxa la kaydsanaayo, la gurto. Dh: khasnad, qasnad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasnad
-da: (magac, dhedig, keli) weel adag oo waxa qaaliga ah oo la dhawraayo iyo waxa la kaydsanaayo lagu gurto. Dh: qasnad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhaxsan
(tilmaame) wax meel la dhigay ah.. Dh: kaydsan.
madhaxsan: (tilmaame) wax meel lagu qudhmiyay ah. Dh: qudhmisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsan
(tilmaame) kaydsan oo meel lagu qarsaday ah. Harag meel ku maraxsan ayaa uraya. Dh: madhaxsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiidan
-ka: (magac, lab, keli) dhuun aad u dheer oo carjaw ah oo cuntada caloosha ka baxdaayi ku kaydsanto siina dhex marto oo caloosha iyo malawadka u dhexeeya. Dh: xiidmo, xiidme. Wa: xiidmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiidme
-ha: (magac, lab, keli) dhuun aad u dheer oo carjaw ah oo cuntada caloosha ka baxdaayi ku kaydsanto siina dhexmarto oo caloosha iyo malawadka u dhexeeya. Dh: xiidmo. Wa: xiidmayaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoobsan
(tilmaame) cidhiidhi ah. Meel yoobsan baan fadhiyaa.
yoobsan: (tilmaame) meel ku kaydsan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yoobsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cidhiidhi ahaan. Fasalku yoobsanaanta kuma sama.
yoobsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) meel ku kaydsanaan. Hadhuudhka yoobsanaanta u daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydhsan
(tilmaame) wax meeshii uu u socday ka leexsan. Dh: weecsan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaydsade
-kaydsadaha: (n) stockpiler (istookpaayler); depositor (dipaasitar) ~ dhitayste
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laydisan
Rectangular
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadan
(tilmaame) wax aan xafidnayn, wax ilaashanayn. Guri kadan baad gashaa tuugna wuu jiraa. Dh: dayacan, baylahsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasan
(tilmaame) la wada garanaayo oo cid waliba aqoonsanayso. Dh: caan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydan
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo inay noqoto mid deggan oo toosan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caydan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Qof, baahi weyn alaab maacuun u qaba ahaansho. la-mid: ceedan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caydan
der. [adjective] be in a desperate need of help (usually while working)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydan
(tilmaame) baahi weyn hawl u qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caydan
de: be in a desperate need of help (usually while working)
lx: caydan
pd: (caydnaa)
ps: adj-der
key: caydan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydan
(fal) xaydan oo feydan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan degganeyn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan degganeyn ahaansho. m.f.dh, kacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacsan
der. [adjective] agitated, excited, aroused
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kacsan
agité.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacsan
-aa: (adj) nervous (neervas)-, agitated or distressed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacsan
(tilmaame) la kiciyey: la taagey: taagan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacsan
de: agitated, excited, aroused Contrast: kacso
lx: kacsan
pd: (kacsanaa)
ps: adj-der
key: kacsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadfan
(tilmaame) wax la kidfay oo jarjar yaryar oo badan laga dhigay. Tani waa maro kadfan. Dh: jarjaran, kidfan, googo'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalsan
Laabtiisu deggan tahay; aan shiddo ku jirin; kalsooni qaba; hebed ah; kalbaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax laabtiisu deggan tahay oo aan shiddo ku jirin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax laabtiisu deggan tahay oo aan shiddo ku jirin ahaansho. m.f.dh, kalsamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalsan
der. [adjective] confident
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsan
(tilmaame) laabtiisu deggan tahay oo calool baxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalsan
cf: kalsoon
de: confident
lx: kalsan
pd: (kalsamaa)
ps: adj-der
key: kalsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kariyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kariyey ahaansho. m.f.dh, karsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karsan
der. [adjective] cooked
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Karsan
bouilli.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karsan
-aa: (adj) cooked (kuukidh); well-done
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karsan
de: cooked
lx: karsan
pd: (karsanaa)
ps: adj-der
key: karsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaydin
(Kaydin-ta)
(cunno, lacag, kd.) kayd ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydin
m.f.dh eeg kaydi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaydin
vl. n. storage, storing; preservation; economy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaydin
-ta: (n) storing (istooring); stockpiling (istaakpaayling) ~ kaydsi -ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, kayd ka dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaydin
de: storage, storing; preservation; economy Alt sp: keydin
lx: kaydin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kaydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsi
m.l la-mid: kaydsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaydsi
vl. n. saving, economy, preserving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaydsi
-ga: (n) storing (istooring)-, stockpiling (istaakpaayling) ~ kaydin -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsi
-ga: (magac, lab, keli) wax urursi; wax dhigasho. Dh: maradhaadhsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaydsi
de: saving, economy, preserving Alt sp: keydsi
lx: kaydsi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m, vn7-m
key: kaydsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydso
f.g3 (-saday, -satay) Cunno, lacag iyo wixi lamida meel dhigasho si aad mar kale u isticmaashid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaydso
f.g3 (-saday, -satay) Cunno, lacag iyo wixi lamida meel dhigasho si aad mar kale u isticmaashid. m.f.dh, kaydsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaydso
v. save, store away (for oneself), put in store, preserve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaydso
-kaydsaday / kaydsatay: (v) make a deposit or reserve something for future use
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaydso
de: save, store away (for oneself), put in store, preserve
lx: kaydso
pd: (kaydsaday)
ps: v3a=
key: kaydso
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paysan
paysan, adj. et n. - qodatada; beeraaleyda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: qatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la cabbiray ahaansho (dhul).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaydan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax la cabbiray ahaansho (dhul). m.f.dh, qaydnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Badar, maro iyo wixi lamida wax biyo lala dhigay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
radsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Badar, maro iyo wixi lamida wax biyo lala dhigay ahaansho. m.f.dh, radsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radsan
(tilmaame) biyo ku dhex jiray in cabbaar ah, biyo lagu radshey ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Maro iyo wixi lamida wax la xayday ahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaydan
-aa / nayd: (n) tucked up; rolled up [one's] sleeve
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydan
(tilmaame) guntiga gaabsan oo kor u haysta ah. Dh: feydan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayidsan
f.g4 (-naa, -nayd) Qof, wax ayiday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayidsan
f.g4 (-naa, -nayd) Qof, wax ayiday ahaansho. Tusaale: Yaa ayidsan figraddaan cusub?. m.f.dh, ayidsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baydaan
m.l Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baydaan
m.l Geed weyn oo aan qodax lahayn oo caleemo balballaaran iyo miro kuuskuusan oo la cuno leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baydnan
vl. pron., neg. you all ... not,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baydnan
de: you all ... not + [FOCUS] = baa + aydin + aan
lx: baydnan
pd: (beydnan)
ps: focus + vpro + neg
xe: It is only on Sunday that you wont come to work.
xv: Axaddoo keliya beydnan shaqada imaneynin.
key: baydnan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caynsan
1. La caymiyey.
2. Cayn ku xiran yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax caymiska ka diiwaan gashan ahaansho (hanti). 2. Wax cayn lagu xiray ahaansho (rati). 3. Wax dhibaato laga samatabixiyey ahaansho (hanti).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caynsan
der. [adjective] saved
caynsan [derived] [adjective] tied with a rope (of a camel)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caynsan
-aa / ayd: (adj) insured (in-shuuridh)', covered with insurance. Ex: baabuur caynsan; insured car
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsan
(tilmaame) rati raran oo bogga cayn kaga giigsan yahay.
caynsan: (tilmaame) wax caymis ku jira.
caynsan: (tilmaame) mid badbaaday oo aan loo cabsi qabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daadsan
Quban; bilqaxan; kala firirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la daadiyay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la daadiyay ahaansho. m.f.dh, daadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daadsan
der. [adjective] spilled, scattered