kaxaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaan
m.l Roobka ugu horreeya ee dayrta da'a.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacaan
(Kacaan-ka)
1. Sarajoogsi; kicitaan.
2. Isbeddelka hawada gala kolka xilliga roobku bilaabana hayo; kicin.
3. Isbeddel saamays weyn leh oo qaran gudihii ka dhaca: maamulkii iyo taliskii hore oo la tuuro oo mid hor leh oo cusub la abuuro.
4. Xoog gaar ah oo la saaro, xubnaha ereyga mid kamid ah; astaanta xooggaas loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaan
kacaan¹: m.l 1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. la-mid: kacaamid.
kacaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kacaan
kacaan¹: m.l 1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo.
kacaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid. m.f.dh, kacaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaan
vl. n. act of getting up, standing up ~ rising; revolution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacaan
-ka: (n) revolution (ravalushiri)-, uprising (apreeysing) ~ tawrad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kacaan
Rivoluzione
Revolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaan
-ka: (magac, lab, keli) carruurtu marka ay koraan ee ay carruurnimada ka baxaan ee ay dhallinyaranimo u diga rogtaan.
kacaan -ka: (magac, lab, keli) is beddel siyaasadeed ama dhaqaale oo degdeg isu baddala oo halmar xawaare sare ku dhaqaaqa. Dh: toowrad. Wa: kacaanno
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacaan
bw: tawrad
de: act of getting up, standing up ~ rising; [ext.] revolution
lx: kacaan
nt: kacaan (kacaamay) [v1=]
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kacaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kacaan
ثورة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaan
m.l Hadal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaan
Common N. word; speech, talk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal ama khudbad meel laga jeediyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaan
a: kalaam
bw: Arabic
de: word; speech, talk
lx: kalaan
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
key: kalaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karaan
(Karaan-ka)
Awood; karti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaan
m.l Awood wax qabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karaan
m.l Awood wax qabad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karaan
m. n. ability
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karaan
-ka: (n) ability (abiliti); talent (taalant); competence (kam pi tansi) ~ awood -da, karti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaan
-ka: (magac, lab, keli) farsamo iyo tab iyo itaal wax lagu qaban karo. Dh: karti, awood, itaal, tabar, maaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karaan
de: ability
lx: karaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: karaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kataan
(Kataan-ta)
1. (shaxda) labo jare oo isxigsada oo hal ka dhexeeyo oo hadba mid laysugu dhacayo; weddin; irmaan.
2. Dhiqle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kataan
m.dh Shax laba jare leh; irmaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kataan
f. n. bedbug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kataan
-ta: (magac, dhedig, keli) shaxda, labo jare oo isxigsada oo hal ka dhexeeyo oo hadba mid laysugu dhacayo. Dh: weddin, irmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kataan
a: kutaan
de: bedbug
lx: kataan
pd: (-ta)
ps: n2-f
syn: dhiqle
key: kataan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawaan
(Kawaan-ka)
Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaan
kawaan¹: m.l (-nno, m.dh) 1. Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. 2. Meesha xoolaha lagu qalo.
kawaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami/-aani) Neef si hilibkiisa loo cuno qalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kawaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. 2. Meesha xoolaha lagu qalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawaan
m. n. butcher's shop, stall, butchery
kawaan v. butcher, slaughter animals in order to sell the meat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kawaan
-ka: (n) slaughterhouse (islootarhaaws); slaughter (islooter)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawaan
-ka: (magac, lab, keli) meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. Kawaanka hilib innooga soo iibiya. Dh: gasaar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kawaan
مَجْزَر
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxayn
(Kaxayn-ta)
Wax nool oo socona haya meel ka wadid iyadoo aan la hoggaaminayn lana horkacayn ee gadaal laga wado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxayn
m.f.dh eeg kaxee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax nool oo soconaaya meel ka wadid iyadoo aan la hoggaaminayn lana horkacayn, balse ee gadaal laga socdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxaan
question word, vl. pron. what ... I?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxaan
(question word) what ... I. Ex: maxaan ku iri? what did I tell you?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxaan
de: what ... I? = maxaa + baan
lx: maxaan
ps: qw + vpro
xe: What am I to do?
xv: Maxaan falaa?
key: maxaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxaan
vl. pron. what I ...
waxaan n. whachamacallit, whats-it [when one does not know or cannot remember the right word.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxaan
(n) thing (thing)-, referent (re-farent)-, something referred. Ex: waxaan waa maxay? What is this thing?
waxaan: (pronoun I plus action verb) ... I ... Ex: waxaan macsuumay dad badan; I invited a lot people
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxnaan
m.dh Dabeecad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxnaan
f. n., [abstract] innate character, one's nature
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baxnaan
name-m innate character, one's nature
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxnaan
de: innate character, one's nature
lx: baxnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: baxnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxaan
m.l.kh F. ah: qof farxadi hayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farxaan
m.l.kh F. ah: qof farxadi hayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farxaan
m. n. cheerful, happy ~ merry man
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Farxaan
name-m cheerful, happy, merry man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farxaan
-ka: (n) happy person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Farxaan
ama Fayaan, magac loo baxsho wiil weji furan oo farxad iyo mirqaan laga arkay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxaan
(tilmaame) qof aan cadhoon oo inta badan weji furan, markasta faraxsan. Wiilkaygu had iyo jeer waa farxaan. Li: wejicabuus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farxaan
de: cheerful, happy ~ merry man
lx: farxaan
pd: (-ka)
ps: n-m
key: farxaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faxnaan
(Faxnaan-ta)
Deeq badnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faxnaan
m.f.dh eeg faxan. la-mid: faxnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faxnaan
f. n., [abstract] generosity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) deeq iyo bixin badnaan. Dh: faxalsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faxnaan
a: faxnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: generosity
lx: faxnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: faxnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaraan
(tilmaame) meel la geeyo dadka la takooro.
kaaraan -ka: (magac, lab, keli) xanuun dilaa ah oo xoolaha iyo dadkaba ku dhaca. Dh: kud, xaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabnaan
m.f.dh eeg kaban³. la-mid: kabnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalan
m.l Jirriqaa; warriiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kadalan
m.l Jirriqaa; warriiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaddaan
m.dh Takar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta wax aan baylahtirnayn. Dh: dayacnaan, baylahsanaan. Li: digtoonaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaani
-ga: (magac, lab, keli) qof xafiis, dukaan iyo wixii la mid ah ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karnaan
m.f.dh eeg karan4. la-mid: karnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaslaan
m.l Qof aan hawsha jecleyn; caajis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaslaan
m.l Qof aan hawsha jecleyn; caajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaslaan
m. n. lazy ~ idle person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaslaan
-ka: (magac, lab, keli) caajis dartiis qof aan hawl qaban karin. Dh: caajislow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaslaan
bw: Arabic
de: lazy ~ idle person
lx: kaslaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kaslaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaano
f.g3 (-aantay, -aanatay) Neef xoola ah ganacsi ahaan qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynaan
(Kaynaan-ka)
Geeddi meel fog loo guuro; hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynaan
kaynaan¹: m.l Geeddi meel fog loo guuro oo aan nasasho badan lahayn.
kaynaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) Geeddi dheer oo aan nasasho badan lahayn guurid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaynaan
Escope velocity
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaynaan
m. n. emigration, continous travel towards a specific destination; caravan; velocity {physics}
kaynaan v. migrate ~ emigrate a long distance
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaynaan
name-m emigration, continuous travel towards a specific destination; caravan. Lit: one born during that kind of travel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaynaan
magac loo baxsho wiil geeddi dheer ama dhoof meel kale loo guurayo ku dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynaan
-ka: (magac, lab, keli) geeddiyo dhaahdeer oo is dabada joog ah oo reer guuraagu galo. Dh: hayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaan
f.g1 (-aamay/-aanay, aantay; - aami/-aani) Cid khayaano ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayaan
f.g1 (-aamay/-aanay, aantay; - aami/-aani) Cid khayaano ku samayn. m.f.dh, khayaanid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayaan
v. cheat, deceive; betray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaan
-ay / tay: (v) deceive (diziiv); betray (bitareey), mislead (misliidh); cheat (jiit); scam (iskaam) beguile, delude, dupe; swindle (iswindal) ~ fool (fuul) khiyaan, khatal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaan
(fal) dad waxaad isku ogaydeen ama aad ku heshiiseen dabamar ugu dhufo; wax aan ilaahay raalli ka ahayn kula dhaqan dadka. Dh: siyaasadee, sir, khiyaan, qayaan, khayaanee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaan
a: khiyaan
de: cheat, deceive; betray
lx: khayaan
pd: (khayaamay)
ps: v1=
key: khayaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxayan
question word, vl. pron., neg. why they ... not?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxayan
de: why they ... not? = maxay + aan
lx: maxayan
ps: qw + vpro + neg
key: maxayan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxraan
m.l la-mid: qahraan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxraan
m. n. person tormented by problems
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxraan
-ka: (n) nervous person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxraan
-ka: (magac, lab, keli) cid wax samayntiisa ku khasban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaxraan
de: person tormented by problems
lx: qaxraan
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: qahraan
key: qaxraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Raxmaan
-ka: (magac, lab, keli) Eebbaha naxariistiisu uumiyaha deeqday; magacyada Ilaahay mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxnaan
(Saxnaan-ta)
Wax saxan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxnaan
m.f.dh eeg saxan². la-mid: saxnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxnaan
f. n., [abstract] state of being corrected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saxan ahaan; kalad la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxnaan
de: state of being corrected
initial: s
lx: saxnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: saxnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxtaan
-ka: (magac, lab, keli) khalad ka saarniin; toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taxnaan
(Taxnaan-ta)
Wax taxan ama la taxay ahaan.