kawrixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawrixid
(Kawrixid-da)
Kawrax noqosho; kafafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixid
m.f.dh eeg kawrax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixid
-da: (magac, dhedig, keli) kawrax noqosho. Dh: kafafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixi
f.g2 (-iyay, -isay) Si tartiib ah u engejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawrixi
v. dry something out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixi
(fal) kawrax ka dhig. Dh: kafafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawrixi
de: dry s.t. out
lx: kawrixi
pd: (kawrixiyey)
ps: v2a=tr
key: kawrixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawrixin
(Kawrixin-ta)
Kawrax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixin
m.f.dh eeg kawrixi. la-mid: kawrixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixin
-ta: (magac, dhedig, keli) kawrax ka dhigid. Dh: kafafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixis
m.l la-mid: kawrixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixid
m.f.dh eeg kowrax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegid
(Engegid-da)
Qoyaan ka bi'id; qallalid; kafafid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafafid
(Kafafid-da)
(wax qoyan) wax yar engegid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawixid
m.f.dh eeg dawax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabriid
(Kabriid-ka)
Qolof ay ku jiraan qoryo yaryar oo dhuudhuuban oo mid walba madaxa loo marshey baaruud ama wax la mid ah oo daarma kolka meel lagu xoqo; tarraq; qaraf; (ama kebriid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabriid
m.l (-ddo, m.dh) Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. la-mid: kebriid, kibriid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabriid
m.l (-ddo, m.dh) Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. la-mid: kebriid, kibriid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabriid
m. n. match; matches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabriid
-ka: (n) match (rnaaj) stick ~ taraq, kebriid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabriid
-ka: (magac, lab, keli) qoryo yaryar oo afka loo mariyey baaruud oo qardaas yar lagu riday oo dabka laga huriyo ama laga shido. Kibriid innoo rida oo kildhi shaaha innoo kariya. Dh: qaraf, tarraq. Wa: kabriiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabriid
bw: kebriid
de: match; matches
lx: kabriid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: qaraf, tarraq
key: kabriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiid
kawdiid¹: m.l la-mid: kuududid.
kawdiid²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: kuudud².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawdiid
m. n. crouching position; sitting with legs drawn up near the body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawdiid
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kuudad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawdiid
bw: kuudud
de: crouching position; sitting with legs drawn up near the body
lx: kawdiid
nt: kawdiid [v1=intr]
pd: (-ka)
ps: n-m
key: kawdiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawirid
m.f.dh eeg kawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawirid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama markab meeshii loo socday meel aan ahayn u weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixi
f.g2 (-iyay, -isay) Hilib kowrax ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowrixi
(fal) hilib kowrax ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel mehered ah ka tagid oo hooygaad degganayd aadid. Dh: rawaxid, hoyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faarixid
(Faarixid-da)
Farxid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarixid
m.dh la-mid: farxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarixid
-da: (magac, dhedig, keli) mid faraxsan ahaan; farxad qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawricid
m.f.dh eeg gawrac². la-mid: gawricis.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KA BIXID
Scarico
Discharge
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ka bixid
Rinuncia
Renunciation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalbixid
m.f.dh eeg kalbax². la-mid: kalbax¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixin
m.f.dh eeg kowrixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarrixid
(Tarrixid-da)
Wax kelinnimada iyo miirnimada ka bi'in; dheehid; wehelin; barxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrixid
m.f.dh eeg tarrax². la-mid: tarrax¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarrixid
vl. n. act of diluting ~ mixing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarrixid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan keligii socon oo qof kale la socdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarrixid
de: act of diluting ~ mixing
initial: t
lx: tarrixid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tarrixid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalriixid
-da: (magac, dhedig, keli) deegaan ciddii hore u degganeynd dad ku soo guurey ka riixdaan. Dh: dalqaadid, udubkuriix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawriirid
m.dh la-mid: gawdiidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawriirid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan dhaqadhaqaaq lahyn u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawriirid
m.f.dh eeg jawriir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabixid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, fud iyo faar noqosho. Dh: kalagu'id.
kalabixid-da: (magac, dhedig, keli) labo walxood oo isku jiray, kala dhillasho ama kala furasho.
kalabixid-da: (magac, dhedig, keli) arrin la isku khilaafsanaa oo la isku haystay, go'aan ka gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiidid
m.dh la-mid: kuududid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawdiidid
-da: (magac, dhedig, keli) si kuudad ah u fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharribid
(Kharribid-da)
Kharaab ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharribid
m.f.dh eeg kharrib².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharribid
vl. n. destroying; spoiling; doing harm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharribid
de: destroying; spoiling; doing harm
lx: kharribid
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: kharribid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharrixid
(Sharrixid-da)
Wax sharraxan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharrixid
m.dh la-mid: sharraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharrixid
-da: (magac, dhedig, keli) faahfaahinta iyo qeexidda shey laga bixiyo si loo fahmo. Dh: qeexid, duuduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karid
(Karid-da)
1. Maaro u hayn; awoodid.
2. Rogmashada iyo abur soo saaridda biyaha iyo wixii la mid ah oo la kululeeyo.
3. Wax dillaacay jaansaarid; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karid
m.f.dh eeg kar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wax la mid ah, qabashadiisa awooddid.
karid-da: (magac, dhedig, keli) wax dalooshamay ragcadayn oo karin ku dul tolid.
karid-da: (magac, dhedig, keli) aqoonta lisitaanka xoolaha. Karidda geela bar wiilka kol uun baad maqnaane.
karid-da: (magac, dhedig, keli) dheri, kulayl dartii is la rogrogis oo daadasho. Dh: faxid, baylid.
karid-da: (magac, dhedig, keli) dibbiro buuxsamid. Xabagtii aad cuntay baa karidda kuugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bariid
(Bariid-ka)
Geed yar oo la beero iyo iniino uu dhalo oo budo leh oo la cuno (ama bariis).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariid
m.l la-mid: bariis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bariid
m. n., (mass n.): rice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bariid
-ka; (n) rice (raays) ~ bariis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariid
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo la beero oo bixiya badar ama midho yaryar oo cadcad, ahna cuntada ugu caansan ee la cuno. Bariid na cuntaye badawsanidaa. Dh: bariis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bariid
a: bariis
de: rice
lx: bariid
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: bariid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barxid
(Barxid-da)
(caano) biyo ku darid; dheehid; tarrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barxid
m.f.dh eeg barax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barxid
vl. n. mixing of milk and water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barxid
-da: (magac, dhedig, keli) isku darid biyo iyo caano. Dh: badhxid, xariirid.
barxid -da: (magac, dhedig, keli) bibbadka iyo kolba dhan u orodka baraarka oo hurdo maqashii kaga hadhay. Dh: badhxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barxid
de: mixing of milk and water
lx: barxid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: barxid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawrid
m.dh la-mid: dowrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariid
(Fariid-ka)
1. Qof wanaagsan; diric; wabar.
2. Hawraarsan; waa yahay; haye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariid
m.l 1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fariid
m.l 1. Nin karti iyo caqli badan; diric. 2. (fk) Waa tahay, waa hagaag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fariid
m. n. clever man, good person
fariid inter. good!, great!, hooray!, okay!
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Fariid
nickname; name-m good, great, clever. Cf: Facaye, Gaawiido
name-m unique, precious, rare
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariid
-ka: (n) good boy; good man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Fariid
magac loo baxsho wiil raganimo iyo fariidnimo laga filayo, saansaanyaheegii na laga arkayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariid
-da: (magac, dhedig, meli) qof dhedig oo ficnaan ama gaarinimo leh. Fariidi filkeed ka roon. Dh: dhabeel. Li: doqon.
fariid -ka: (magac, lab, keli) nin firfircoon oo caqli badan. Fariid faacuuro ma leh. Dh: hanad, geesi, diric. Li: dabbaal, nacas, caran, doqon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farxid
(Farxid-da)
Farax helid; riyaaqid; reyrreyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farxid
m.f.dh eeg farax². la-mid: faarxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farxid
-da: (magac, dhedig, keli) farax helid; riyaaqid iyo rayrayn; faaraxid oo riyaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawrid
(Jawrid-da)
Qof jawr ku falid; jululid; dulmiyid; (ama jowrid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrid
jąwrid: m.f.dh eeg jąwr². la-mid: jowrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawrid
-da: (magac, dhedig, keli) gefid oo qalad samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarid
(Kaarid-da)
Kaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarid
m.f.dh eeg kaar². la-mid: kaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xanuunku qof ku keeno xummad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabixi
-yey / say: (v) 1. take out; remove (rimuuv); extract (ikis tarakt). 2. make a payment on behalf of someone
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabxid
(Kabxid-da)
Meel la dhisi doono ama wax laga qodi doono, ciidda kore oo jilicsan ka qaadid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabxid
-da: (n) excavation (ekis-kaveeyshen)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karhid
m.f.dh eeg karah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nicid. Dh: kahasho, karhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kariim
m.l 1. (dii.) Macagyada Eebbe mid ka mid ah; Kariin. 2. Qof deeqsi ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kariim
m.l 1. (dii.) Macagyada Eebbe mid ka mid ah; Kariin. 2. Qof deeqsi ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kariim
m. n. being that is worthy of veneration (God)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kariim
name-m generous, noble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kariim
-ka: (magac, lab, keli) magac ka mid ah magacyada Eebbe oo macnihiisu yahay Allaha deeqsiga ah.