kashrad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashrad
-ka: (magac, lab, keli) wax aan rajo lahayn oo la nacay. Dh: rajabbeel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosh
-ka: (magac, lab, keli) kolay askarigu agaabtiisa ku rito. Booshka ii qabo intaan baabuurka ka soo degi.
boosh-ka: (magac, lab, keli) haragga aan waafiga ahayn. Boosh baraar laga bixiyey ma gogol baa? Dh: kashrad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabad
erey magacyada badhkood xagga dambe ka raaca oo macna cusub u sameeya.
qabad -ka: (magac, lab, keli) harag aan waafi ahayn. Harag qabad ah ayuu martidii ku seexiyay. Dh: kashrad.
qabad -ka: (magac, lab, keli) wax yar oo la saluugayo gaar ahaan xoolaha. Orgi qabad ah ayuu diigo u bixiyay.
qabad -ka: (magac, lab, keli) xanuun kolkol soo kaca oo qofka qabta. Qabad ayuu madaxa ku leeyahay oo kulaylaha ku soo kaca. Dh: nabar.
qabad -ka: (magac, lab, keli) orgi yar oo bilaabay kudidda riyaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafi
(tilmaame) buuxa oo dhammaystiran ah; kala dhantaallayn. Qado waafi ah ii keen. Dh: dhan, kaamil, dhammaystiran.
waafi -ga: (magac, lab, keli) dhammaystirnaan. Warka waafiga ah ayaa lagu kalsoonaadaa.
waafi -ga: (magac, lab, keli) harag aan qabad ahayn, kashrad ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kahad
m.l la-mid: kahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kahad
-ka: (magac, lab, keli) waxa la qoonsado sida laga noqdo; jeclaysad la'aan. Dh: kahasho, gensad, qoonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karad
(Karad-da)
Roobka xooggiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karad
f. n. down-pour, force of a heavy rain
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karad
cf: roob
de: down-pour, force of a heavy rain
lx: karad
pd: (-da)
ps: n-f
key: karad
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ashraf
name-m most honorable, most noble, superior
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gashad
(Gashad-ka)
Lebbis qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gashad
m.f.dh eeg gasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gashad
vl. n. dressing oneself, donning clothing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gashad
a: gashasho (/da) [vn-f]
de: dressing oneself, donning clothing
lx: gashad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: gashad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarad
(Kaarad-da)
Kiish timirta lagu guro oo lagu iibsho; min barkiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarad
m.dh (-do, m.l) Kiish timirta lagu guro, wareegsan oo qaada 20-25 kiilo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaarad
f. n. container for dates
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarad
-da: (magac, dhedig, keli) gal qaada shan hal oo rasaasta quustarka ah. Dh: qasacad. Wa: kaarado.
kaarad -da: (magac, dhedig, keli) kiish caw ka samaysan oo timirta lagu gurto.
kaarad -ka: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah khudaarta oo lagu darsado dheriga. Dh: dabacase, kaaroo, kaarot.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaarad
de: container for dates
lx: kaarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kaarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kahsad
m.l la-mid: kahasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kahsad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad ku qanci weydo, jeclaysad la'aantiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kasaad
(Kasaad-da)
Kansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasaad
f. n. time for doing something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasaad
cf: kansho, munaasabo
de: time for doing s.t.
lx: kasaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: kasaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kushad
(Kushad-ka)
Kul iyo caro iska dareemid; dhiidhiyid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kushad
m.f.l eeg kusho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kushad
vl. n. rage, extreme anger
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kushad
-da: (magac, dhedig, keli) kul iyo cadho iska dareemid. Dh: dhiidhiyid, xanaaqid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kushad
de: rage, extreme anger
lx: kushad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: kushad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masrad
(Masrad-ka)
Siraad; misbaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masrad
m.l (-ddo/-dyo, m.dh) Mislaax; siraad; faynuus; laambad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masrad
m. n. lantern, oil lamp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masrad
-da: (magac, dhedig, keli) iftiib; nuur wax ileeya. Saaxiibbadaa kolkaad la joogto masrad ayaad tahay. Dh: siraad misbaax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masrad
cf: misbaax, siraad
de: lantern, oil lamp
lx: masrad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: masrad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tashad
(Tashad-ka)
Tashi yeelasho; arrinsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashad
m.f.l eeg tasho. la-mid: tashi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tashad
vl. n. considering, pondering, thinking; making up one's mind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tashad
-ka: (n) consultation (kon-sol-teey-shin) ~ tashi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashad
-ka: (magac, lab, keli) tashi yeelasho; arrinsasho. Wada tashad ayaanu leenahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tashad
a: tashasho (/da), tashi (ga) [vn-m]
de: considering, pondering, thinking; making up one's mind
initial: t
lx: tashad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: tashad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaashad
m.f.l eeg kaasho. la-mid: kaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaashad
-ka: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, taageersi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamarad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab wax lagu sawiro oo noocyo badan leh, agab sawir lagu qaado ama lagu duubo. Kamarad cusub ayaan soo gatay maanta. Dh: sawirqaaddo. Wa: kamarado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawshad
-ka: (magac, lab, kali,) min ka mid ah minanka faalka magiiganaha. Waa minka ugu ba'as oo waa geesi, haseyeeshe qaylaa ku seegin, oo waxa la yidhaa 'Koore-liibaanlow Kawshad baa hadhay'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashaad
m.l (-ddo, m.dh) Farxad iyo firfircooni. la-mid: nanashaaddo, nishaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashaad
-ka: (magac, lab, keli) firfircooni iyo waxqabad. Qof nashaad badan shaqada u dhiibo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashqad
-da: (magac, dhedig, keli) jaad, nooc ama sida uu wax u eg yahay. Dharku wuu kala nashqad wanaagsan yahay. Dh: naqshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashwad
m.dh (-dyo, m.dh) Haan ka samaysan, harag, weyn oo biyaha lagu dhaansado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashwad
-da: (magac, lab, keli) haan ka samaysan, harag weyn oo biyaha lagu dhaansado.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rashaad
name-m integrity of conduct; reason, good sense; maturity, wisdom
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakhrad
m.dh (-do, m.l) Miyir la'aanta ku dhacda qof khamro ka dhergey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhrad
-da: (magac, dhedig, keli) wareer iyo maskaxguur uu keeno cabitaanka khamri iyo wixii la mid ahi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasarad
(Xasarad-da)
Gardarro; maag; adyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasarad
m.dh Carqalad; shiddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasarad
m.dh Carqalad; shiddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasarad
f. n. provocation, trouble, annoyance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasarad
-da: (n) disturbance (dis-teer-banis); problem (porob-lem); difficulty (difikalti) ~ rabshad, mushkilo, Im, dhibaato, dhib, rabash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasarad
-da: (magac, dhedig, keli) gardarro aan toos ahayn oo cid lagula kaco. Dh: xarrago, gardarro, alyad. Wa: xasarado.
xasarad -da: (magac, dhedig, keli) deggenaansho la'aan iyo khilaafyo dagaal. Dh: dhibaato. Wa: xasarado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasarad
cf: adyad, maag
de: provocation, trouble, annoyance
initial: x
lx: xasarad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xasarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashwad
(Xashwad-da)
(dooni, kd.) dalool ka samaysmay cad qori ama wax kale ah oo dhacay oo xoogga biyuhu jebsheen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashwad
m.dh (-do, m.l) Dalool weyn oo ka dalooshama doon iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashwad
f. n. leak in a ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashwad
-da: (magac, dhedig, keli) dalool ay biyo doonnida uga soo galaan. Dh: dalool.
xashwad -da: (magac, dhedig, keli) halbawle; meel halis ah. Kolkuu warka maqlay xashwaddaa go'day.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xashwad
de: leak in a ship
initial: x
lx: xashwad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: xashwad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadhoorad
m.dh la-mid: kalloorad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhoorad
-a: (magac, lab, keli) eeg kadhoodhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalhoraad
m.l (-dyo, m.dh) Dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalhoraad
-ka: (magac, lab, keli) dhammaadka gamashiga, waqti ugu horreeya waraabka xoolaha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashifaad
(Kashifaad-da)
Kashif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashifaad
m.dh la-mid: kashifid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kashifaad
f. n. shameful exposure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kashifaad
-da: (n) disclosure (dis-kaloowshar); exposure (ikispoow-shar); disgrace (disgareeys) discredit (dis keredit); scandal (iskaandhel) ~ facshar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashifaad
-da: (magac, dhedig, keli) wax ceeb ama fadeexad ahaa bannaanka soo dhigid. Dh: fadeexad, kashif.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kashifaad
a: kashif
de: shameful exposure
lx: kashifaad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kashifaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khashabad
(Khashabad-da)
Gaadiid badeed, siiba doonyaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashabad
m.dh (-do, m.l) Doon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khashabad
f. n. shipping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashabad
-da: (magac, dhedig, keli) magac guud oo loo yaqaan, gaadiidka badda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khashabad
de: shipping
lx: khashabad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khashabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasiraad
(Khasiraad-da)
1. Lacagta la khasiro.
2. Ganaax lacageed oo qof la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiraad
m.dh Ganaax cid la saaro. la-mid: khasir¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasiraad
m.dh Ganaax cid la saaro. la-mid: khasir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasiraad
f. n. fine, penalty; waste (of money)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasiraad
a: khasir
de: fine, penalty; waste (of money)
lx: khasiraad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: khasiraad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashcarad
-da: (magac, dhedig, keli) ilili iyo alalaas ay dumarku farxadda ku cabbiraan.
mashcarad -da: (magac, dhedig, keli) laambad la shito oo iftiin bixisa. Dh: laambad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mashxarad
(Mashxarad-da)
Yeer dawan la ruxayo u eg oo dumarku ka dhawaajiyaan kolkay wax aad ugu bogaan ama cid dhiirri gelinayaan; carrabdhaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashxarad
mashxarad¹: m.dh (-do, m.l) Dhawaaq dheer, googo'an oo haweenku carrabkooda ku sameeyaan waqtiga farxadda, arooska iyo wixi lamida; alalaas; carrabdhow.
mashxarad²: f.mg1 (-day, -dday) Haween mashxarad samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashxarad
m.dh (-do, m.l) Dhawaaq dheer, googo'an oo haweenku carrabkooda ku sameeyaan waqtiga farxadda, arooska iyo wixi lamida; alalaas; carrabdhow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashxarad
f. n. ululation, trilling of women
mashxarad: v. ululate, trill
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashxarad
-da: (n) a trilling or fluttering sound made by women to show support
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashxarad
(fal) mashxarad samee. Caashaay mashxarad arooskii soo galye. Dh: alalas, dalamee, damalee.
mashxarad-da: (magac, dhedig, keli) cod dheer oo qurux badan oo dawan la ruxayo u eg oo dumarku carrabka iyo labada faruuryood ama carrabka iyo langadhaxa ay ku sameeyaan kolka ciyaar ama farxad la joogo. Wiilkaagiibaa u horreeyee mashxarad ku dhifo. Dh: damalo, dalamo; alalas, ilili, mashcarad. Wa: mashxarado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qashiraad
-da: (magac, dhedig, keli) qoridda ama fiiqidda qalin rasaaska. Dh: afayn, qoris, fiigis, qashirid.
qashiraad -da: (magac, dhedig, keli) qalab yar oo qalinrasaaska lagu qoro ama lagu afeeyo. Qashi- raad ii soo iibi aabbo. Dh: xururufley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasharaad
(Xasharaad-ka)
Nafley yaryar oo kumanyaal jaad u sii kala baxbaxda; waxay isaga mid yihiin oo lagu yaqaan: waxay lee yihiin oogo arorro leh oo u kala baxda saddex qaybood (madax iyo dhex ama saab iyo sal ama qaar danbe); lix lugood, iyo (kuwooda duula) labo ama afar baal; iyo labo gees oo madaxa ka taagan. Lafdhabar ma leh. Waxaa ka mid ah: diqsi, shinni, xoon, kaneeco, injir, aboor, balanbaallis, dhiqle, booddo, geesoole, doorshaan, kd.; ~ cayayaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasharaad
m.l.u Cayayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xasharaad
m.l.u Cayayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasharaad
m. n., [collective] insects
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasharaad
-ka: (n) insects (insektis); pests (pestis) ~ cayayaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasharaad
-ka: (magac, lab, keli) noole yaryar oon laf dhabar lahayn oo duula ama gurguurta. Dh: cayayaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasharaad
bw: Arabic
de: insects
initial: x
lx: xasharaad
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
syn: cayayaan
key: xasharaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casiraad
-da: (magac, dhedig, keli) majiiran iyo xanuun ay calooshu yeelato. Curuuqdaa bukootoo, casiraadda beertee. Cawaj buu badhkii kugu taroo waad casirantaaye. Dh: qabasho, majiirad.