kasaarid
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasaarid
vl. n., [compound] withdrawal, pullout; expulsion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasaarid
de: withdrawal, pullout; expulsion
lx: kasaarid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
see: saar
key: kasaarid
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka saarid
sending-off, to disqualify
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka saarid
-da: (n) removal (rimuu-val); dismissal (dis-misal); withdrawal (withdarool)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaarid
(Khasaarid-da)
(ganacsi) wax dheefid la'aan; khasaaro ku dhicid; wax beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaarid
m.f.dh eeg khasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ganacsi, faa'iido la'aan; khasaaro ku dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, gawricid ama qalid. Gasaaridda adhiga waan ka soo daalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarid
m.f.dh eeg karaar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xawli ku socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasaarid
m.f.dh eeg kalasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo isku darsan, hadba intii is leh dhinac u saarid; kala bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yarayn
yarayn¹: m.f.dh eeg yaree. la-mid: yarays, yaraysiin.
yarayn²: m.dh (kiimika) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yarayn
m.dh (kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Discharges
Kasaarid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hydrofugation
hydrofugation, n.f. - biyo celin ama kasaarid biyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casamarid
m.f.dh eeg casamar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fansaarid
(Fansaarid-da)
Fangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fansaarid
m.dh la-mid: fangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xagga danbe ee muurka aad wadato, korsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabarid
-da: (magac, dhedig, keli) shay labo is le'eg ka dhigid, laba gabal oo is le'eg ka dhigid. Dh: kalabadhid.
kalabarid -da: (magac, dhedig, keli) hawl aad haysid labo meelood marka loo qaybiyo meel dhammayn. Dh: kalabbadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, ka kaaftoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarid
m.f.dh eeg khabaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, u warramid. Dh: akhbaarid, waramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamaarid
m.f.dh eeg khamaar². la-mid: khammaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaarid
-da: (magac, dhedig, keli) khamaar cayaarid. Dh: qamaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaarin
(Khasaarin-ta)
(ganacsi) si khasaaro ah, ku bixin, ku lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaarin
m.f.dh eeg khasaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosaarid
m.f.dh eeg koosaar². la-mid: goosaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosaarid
-da: (magac, dhedig, keli) koosaar ku darid; suugo ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korsaarid
(Korsaarid-da)
Dusha wax ka saarid (faa'ido, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsaarid
m.f.dh eeg korsaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) shey meel yaal oo wax kale korka laga saaro. Dh: duldhigid.
korsaarid -da: (magac, dhedig, keli) shay korka ama madaxa saarid. Dh: dushasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarid
(Kaarid-da)
Kaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarid
m.f.dh eeg kaar². la-mid: kaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xanuunku qof ku keeno xummad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kasaad
(Kasaad-da)
Kansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasaad
f. n. time for doing something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasaad
cf: kansho, munaasabo
de: time for doing s.t.
lx: kasaad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: kasaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saarid
(Saarid-da)
1. Wax meel hoose yaal meel kore dhigid.
2. (wax) wax sarreeya dushiisa dhigid.
3. (gaadiid, kd.) ku rarid.
4. Dibad u bixin.
5. (soo saarid) soo bixin, keenid; dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarid
m.f.dh eeg saar².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
saarid
disqualifies tion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saarid
vl. n. placing, putting (on top)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sarreeya dushiisa dhigid, wax meel hoose yaallay meel sare dhigid. Dh: saaris, fuushiin. Li: dejin, dhaadhicin.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) gaadiid ku rarid.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) wax aan jirin cid ku nabid. Dh: masabbidid.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) cillaan, gacmaha ama cagaha ku samaysad. Li: saaris.
saarid -da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo bixin; soo saaris; dibad u soo bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saarid
de: placing, putting (on top)
initial: s
lx: saarid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: saarid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaarid
-da: (magac, dhedig, keli) geela goojintiisa. Amaaridda geelu waa calaamadda lagu garto in uu rimay.
amaarid -da: (magac, dhedig, keli) dareenka lulo iyo caajiska kaa xoog badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaasid
(Asaasid-da)
Asaas u yeelid; bilaabid; (ama aasaasid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasid
m.f.dh eeg asaas². la-mid: aasaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaasid
vl. n. act of founding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asaasid
-da: (n) the act of creating or founding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin, yagleelid. Dh: aasaasid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaasid
de: act of founding
lx: asaasid
pd: (-da)
ps: vn2-f
key: asaasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax badin. 2. Xowli kordhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaari
(fal) baabuur iyo wax la mid ah, xawli ku kaxee. Karaari gaadhiga oo kadarta ka saar. Dh: taraari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Masaari
f. n., pl. Egyptian people, Egyptians
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Masaari
-da: (n) 1. Egyptian (i-japshan). 2. Egypt; Cairo is the capital and the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Masaari
de: Egyptian people, Egyptians
lx: Masaari
pd: (-da Sg: Masri (ga))
ps: n8-f-pl
key: Masaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nasaari
m.dh.u la-mid: nasaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nasaari
-ga: (magac, lab, keli) qof Nebi Ciise sheegta oo Kiristaan ah. Dh: nasaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasid
m.dh la-mid: asaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasid
-da: (magac, dhedig, keli) unkidda wax cusub oo la bilaabo. Waxa la oggolaaday aasaasidda xisbi cusub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) rasaas ama wax la mid ah, meel aad ugu dhaw kaga liishaamid.
afsaarid -da: (magac, dhedig, keli) irrid ka oodid; afka wax ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarid
m.f.dh eeg baraar⁴.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basaasid
(Basaasid-da)
1. Jaasuusid.
2. Dufan lays marsho waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basaasid
m.f.dh eeg basaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasid
-da: (magac, dhedig, keli) bisaarad iyo cawlaan kugu dhaca dhaashixumo awgeed.
basaasid -da: (magac, dhedig, keli) si qarsoodi ah warka uga soo helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadaarid
-ka: (magac, lab, kali) xiddig ka mid ah sagaalka cirjiidh ee loo adeegsado faalka magiiganaha, wuxuu na ka dhexeeyaa Jaamac iyo Istamiic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarid
-da: (magac, dhedig, keli) haan la lulayo, cagaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarid
(Cayaarid-da)
Cayaar ka qaybgelid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayaarid
m.f.dh eeg cayaar². la-mid: ciyaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dahaarid
(Dahaarid-da)
Dahaar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dahaarid
m.f.dh eeg dahaar².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dahaarid
-da: (n) encasement (en-keeys-ment) covering (kavar-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dahaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dahaar u samayn. Alaabtani dahaarid ayey u baahan tahay. Dh: dahaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gamaarid
(Gamaarid-da)
(dab, kd.) sii baabbi'id; sii basid; sii dhammaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gamaarid
m.f.dh eeg gamaar². la-mid: gamaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gamaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dab iwm, sii damid; sii dhammaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaarid
(Hawaarid-da)
Fadhi ballaaran oo kala daadsan fadhiyid; barraaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaarid
m.f.dh eeg hawaar³. la-mid: hawaar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ballaadhan oo kala daadsan fadhiyid; si hawaar ah u fadhiyid. Dh: hawaarsasho, bahardaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarid
(Kabrarid-da)
Xalxalid; bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarid
m.f.dh eeg kabrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarid
-da: (magac, dhedig, keli) barar badan. Dh: xalxal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamid
m.f.dh eeg kacaan². la-mid: kacaan¹ (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaqaadid
vl. n. confiscation, taking away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaqaadid
de: confiscation, taking away
lx: kaqaadid
pd: (-da)
ps: vn1-f
see: qaad
key: kaqaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarin
m.f.dh eeg karaari. la-mid: karaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarin
-ta: (magac, dhedig, keli) karaar u yeelid. Dh: taraarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaaris
m.l la-mid: karaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawaamid
(Kawaamid-da)
Xoolo in hilibkooda la iibsho darteed u qalid; (ama kawaanid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaamid
m.f.dh eeg kawaan². la-mid: ka-waanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo in hilibkooda la iibsho darteed u qalid. Dh: kawaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaanid
m.dh la-mid: kawaamid.