karshimin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karshimin
(Karshimin-ta)
Karshin gaarsiin; bisayldhaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karshimin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, intay ku bislaan lahayd dhaafin. Karashimin badan baad ku samaysay kalluunka. Dh: bisayldhaafin, muudhmuudhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karshimi
f.g2 (-iyay, -isay) Hilib aad u bislayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karshimi
v. cook thoroughly; overcook
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karshimi
(fal) cunto bisayldhaafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karshimi
de: cook thoroughly; overcook
lx: karshimi
pd: (karshimiyey)
ps: v2a=tr
key: karshimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karshimid
(Karshimid-da)
Karshin gaarid; bisayldhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karshimid
m.f.dh eeg karshin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karshimid
-da: (magac, dhedig, keli) bisayl dhaafid. Dh: muudhmuudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karshin
(Karshin-ka)
1. Sida cunnada loo karin jirey si ka sii xeeldheer; bisayldhaaf; (ama kashin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karshin
karshin¹: m.l Hilib aad loo bisleeyey.
karshin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Hilib wax aad loo kariyey noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karshin
m. n. (adj.): overcooked meat; fully cooked; overcooked
karshin [inchoative] v. be fully cooked, get overcooked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karshin
(fal) dhuundhuumi hilibka oo aad u bislee. Dh: muudhmuudhi. Li: yacyacoodi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsiin
m.f.dh eeg karsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashiimin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aan xirfad lahayn ka dhigid; khashiin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kariin
m.l la-mid: kariim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof wax ku dhib ah in uu ku dhawaaqo u suurtaggelin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karsii
v.caus: enable, give the ability ~ courage to do
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karsii
de: enable, give the ability ~ courage to do
lx: karsii
pd: (karsiiyey)
ps: v2a=caus
key: karsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrimin
(Arrimin-ta)
Talo keenid; guddoomin; talin; maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrimin
m.f.dh eeg arrimi. la-mid: arrimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimin
-ta: (magac, dhedig, keli) talo keenid; hawl guddoomin. Arrimintaada ayaa maanta meesha loo fadhiyaa. Dh: talin, arrimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barshin
m.l/dh la-mid: barkin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barshin
m. n. wooden pillow, neck rest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
barshin
-ta: (n) a pillow made of wood used for neck rest ~ barshi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barshin
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah salliyada Soomaalidu dhaqanka u lahayd. Barshir kuwii loo goglee bi'iyey beesheenna, allow yaa budeeyoo bowdka kaga saara. Dh: salli, darmo, caw, bal, cawsgogol.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Barshin
Madaxa tusmoreebta ee jirjir raaca looxa la xariiqayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barshin
a: barkin
de: wooden pillow, neck rest
lx: barshin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: barshin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carshin
(Carshin-ta)
Dhulka xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carshin
m.dh Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carshin
m.dh Dhul daaq leh, dhulka xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carshin
f. n. grazing land
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carshin
-ta: (magac, dhedig, keli) tigaadda xooluhu daaqaan; dhulka tigaadda leh ee xooluhu daaqaan. Dh: dalsan, dhulxoolaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carshin
de: grazing land
lx: carshin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: carshin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsiin
m.f.dh eeg garsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karniin
m.l 1. la-mid: karniimo. Awood; karti. 2. (- iimmo, m.dh) Kar; kab; nud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karniin
-ka: (magac, lab, keli) awoodista hawl qabashadeeda.
karniin -ka: (magac, lab, keli) si fiican ugu dhawaaqis aan laxni ku jirin sida Qur'aan.
karniin -ka: (magac, lab, keli) walax sida mindida oo kale, awoodda ay wax ku goyso.
karniin-ka: (magac, lab, keli) wax kaa dalooshamay karkariddiis, karin ku tolis.
karniin -ka: (magac, lab, keli) karitaanka lisitaanka xoolaha.
karniin -ka: (magac, lab, keli) biyo dab saaran, kulayl dartii is la rogrogis. Dh: faxniin.
karniin -ka: (magac, lab, keli) dibbiro buuxsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karriin
(Karriin-ka)
1. Raadka caanaha iyo waxa kaloo qoyani afka ku reebaan.
2. Karti.
3. Wax laysku kabay; karmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karriin
m.l la-mid: garriin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karriin
m. n., [collective] traces of milk ~ food round the mouth
karriin vl. n. ability, being able
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karriin
-ka: (n) the milk trace left on the mouth after drinking milk ~ garriin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karriin
-ka: (magac, lab, keli) inta uu qofku awoodi karo inuu wax qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsiin
m.f.dh eeg korsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo da' yar barbaarin.
korsiin-ta: (magac, dhedig, keli) meel kore saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kushiin
m.l (-nno, m.dh) Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kushiin
m.l (-nno, m.dh) Qol cunnada lagu kariyo; jiko; alawaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kushiin
m. n. kitchen
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kushiin
-ka: (n) kitchen (kijiri) ~ jiko, madbakh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kushiin
-ka: (magac, lab, keli) qolka cunnada lagu kariyo. Dh: madbakh, jiko, alawaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kushiin
de: kitchen
lx: kushiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: jiko, madbakh {C & S < It}
key: kushiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marsiin
m.f.dh eeg marsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) socodsiin. Magaalada ha i marsiin.
marsiin -ta: (magac, dhedig, keli) sharci ama sharci la'aan xad ku dhaafin. Dh: tallaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashiin
m.l (-nno, m.dh) 1. Makiinad. 2. Motoor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashiin
m. n. machine, motor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mashiin
-ka: (n) machine (mashiin); engine (en'jin); motor (mootar) ~ mishiin, matoor-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashiin
-ka: (magac, lab, keli) biro la isku geeyey kuna shaqeeya saliid iyo shidaal si uu tamar iyo dab u dhaliyo. Dh: matoor, mishiin. Wa: mashiinno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mashiin
a: mishiin {Eng}
de: machine, motor
lx: mashiin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mashiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farshiid
m.dh Dhalo aad u yar oo subagga, saliidda iyo wixi lamida lagu cabbiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilin
m.dh la-mid: fashalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhicis ka dhigidda ama kharribidda qorshe la fulinayay inta aanu dhammaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdimin
m.f.dh eeg kacdimi. la-mid: kactimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kactimin
m.dh la-mid: kacdimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadhimid
vl. n. discount
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadhimid
de: discount
lx: kadhimid
pd: (-da)
ps: vn-f
see: dhin
key: kadhimid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashifan
La kashifay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashifan
kashifan¹: f.mg1 (-fmay, -fantay; -fmi) 1. Wax qarsoonaa oo la sheegay noqosho. 2. Wax la ceebeeyey noqosho.
kashifan²: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) 1. Wax qarsoonaa oo la sheegay ahaansho. 2. Wax la ceebeeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kashifan
kashifan¹: f.mg1 (-fmay, -fantay; -fmi) 1. Wax qarsoonaa oo la sheegay noqosho. 2. Wax la ceebeeyey noqosho. m.f.dh, kashifmid.
kashifan²: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) 1. Wax qarsoonaa oo la sheegay ahaansho. 2. Wax la ceebeeyey ahaansho. m.f.dh, kashifnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kashifan
der. [adjective] exposed; disgraced
kashifan [inchoative] v. be exposed; be ashamed, get disgraced
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kashifan
-aa: (adj) disgraced (dis-gareeysidh) ~ facsharan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashifan
(tilmaame) wax la kashifay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashifid
(Kashifid-da)
1. Muujin; qaawin; feydid.
2. Ceebayn; fadeexayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashifid
m.f.dh eeg kashif². la-mid: kashif¹ (3), kashifaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashifid
-da: (magac, dhedig, keli) ceebaal qarsoonaa soo shaacin. Dh: fadeexayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khashiin
(Khashiin-ka)
(qof) aan ilbax ahayn; aan reermagaal ahayn; galti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashiin
m.l (-iimiin, m.dh) Qof degaanka uu joogo dhaqankiisa aan aqoon u lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khashiin
m.l (-iimiin, m.dh) Qof degaanka uu joogo dhaqankiisa aan aqoon u lahayn. m.dh.w, khashiimiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khashiin
m. n., [collective], (adj.): bumpkin, hick; naive, uneducated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khashiin
-ah: (n) a person regarded as primitive or uncivilized, without arts, inexperienced, wild (waayldh), savage (saavij) ~ badwi, badow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashiin
-ka: (magac, lab, keli) wax laga faa'iidaystay hadhaaga ka soo hadha ee la iska daadiyo ama la iska tuuro. Dh: qashiin, qashin, guddaafad, qush, giddaafad.
khashiin: (tilmaame, keli) qof aan xirfad lahayn. Dh: qashiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khashiin
de: bumpkin, hick; [atr.] naive, uneducated
lx: khashiin
pd: (-ka Pl: khashiimiin (ta))
ps: n2c-m, n8-m
key: khashiin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wariimin
-ta: (magac, dhedig, keli) jeenyagoosadka neef caato ah oo laga quustay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashirin
(Xashirin-ta)
(badar) xashir ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashirin
m.f.dh eeg xashiri. la-mid: xanshirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashirin
-ta: (magac, dhedig, keli) shuqlid ama tumid oo buushiga ka sifayn. Dh: feedagid.
xashirin -ta: (magac, dhedig, keli) soo saarid Ilaahay dadka uu soo saari doono maalinta qiyaame.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadshiin
m.f.dh eeg kaadshii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadshiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunug yar meel uu ku kaadsho ku fariisin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karshin_1
de: overcooked meat; [atr.] fully cooked; overcooked
hm: 1
lx: karshin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: karshin_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karshin_2
de: be fully cooked, get overcooked
hm: 2
lx: karshin
pd: (karshimay)
ps: v1=inch
key: karshin_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashifmid
(Kashifmid-da)
Wax kashifan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashifmid
m.f.dh eeg kashifan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashifmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid kashifan oo ceebtiisii la ogaaday ama la bartay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korshirix
m.l 1. Neef korka ku leh baro midabo ah. 2. Xoor barobaro leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korshirix
m. n., [compound] animal species with a spotted coat; striped mongoose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korshirix
-a: (magac, lab, keli) korka sare baro caddaan iyo madow isugu jira ku lahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
korshirix
de: animal sp. with a spotted coat; striped mongoose
lx: korshirix
pd: (-a)
ps: n2a-m-cmp
key: korshirix
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
parchemin
parchemin, n.m. - harag xoolo oo loo magdiyey in wax lagu qoro ama si kale loo isticmaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanshirin
m.dh la-mid: xashirin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanshirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dad aad u badan meel ku soo ururin.