karrays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karrays
(Karrays-ta)
Lafaha labada ah, oo mid waliba dhinac madax kaga hayso lafsakaarta, dhinacna meesha lafta garabka iyo cududda madaxeeda kore ku kulmaan, middood; kalxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karrays
m.dh (-so, m.l) Luqunta iyo feeraha lafta u dhexeysa, garbahana kala reebta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karrays
f. n. collarbone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karrays
-ta: (n) clavicle (kalaa-vikal); collarbone (kalarbon) ~ kalxan -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karrays
-ka: (magac, lab, keli) lafaha labada ah, oo mid waliba dhinac madax kaga hayso lafsakaarka. Dh: kalxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karrays
de: collarbone
lx: karrays
pd: (-ta)
ps: n2a-f
syn: kalxan
key: karrays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karraysi
m.l la-mid: karraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysi
-ga: (magac, lab, keli) caafimaad helid oo xanuun ka bogsood. Dh: raysasho, ladnaansho, karraysad, karraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karrayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Meel dhibaato leh meel ka fiican ka doorsasho. 2. Jirro ka bogsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karrayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Meel dhibaato leh meel ka fiican ka doorsasho. 2. Jirro ka bogsasho. m.f.dh, karraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karrayso
v. be better off ~ happier (than before)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karrayso
-karraystay / karraysatay: (v) become better off; better oneself; be satisfied
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karrayso
(fal) caafimaad hel oo bogso. Dh: rayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karrayso
de: be better off ~ happier (than before)
lx: karrayso
nt: karraysad (ka) [vn-m], karraysasho (/da) [vn-f]
pd: (karraystay)
ps: v3b=
key: karrayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg sarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabxarar
(Gabxarar-ka)
Cad hilib ah oo ka kooban dhawrka feerood oo waaweyn oo karraysta xiga oo sararta ka korreeya iyo hilibka yar oo weheliya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garab
(Garab-ka)
1. Labada lafood oo balballaaran oo qarqarrada hoostooda ku yaal oo docna cududuhu ka haystaan docna karraysuhu, middood.
2. Lafaha iyo hilibkooda, xubin ahaan.
3. Tiir; kaalmo; gargaar.
4. (roob) dhool; madax; fad; saylaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalxan
(Kalxan-ta)
Karrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karraysasho
(Karraysasha-da)
Si hore oo xun oo lagu jirey, si dhaanta oo ka wanaagsan ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafsakaar
(Lafsakaar-ta)
Laf fidsan oo laabta bartankeeda ku taal oo karraysaha iyo feeraha kore ku qotomaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakaar
(Sakaar-ka)
Laabta, meesha lafsakaartu ku taal oo karraysaha iyo feeraha kuwooda kore ku dhegdhegsan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garab
m.l (-rbo, m.dh) 1. Lafta isu haysa karraysta, sararta iyo gacanta. 2. Baalka shimbiraha. 3. Kaalmo af iyo addin leh. 4. Daruura is haysta oo da'aysa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garab
m.l (-rbo, m.dh) 1. Lafta isu haysa karraysta, sararta iyo gacanta. 2. Baalka shimbiraha. 3. Kaalmo af iyo addin leh. 4. Daruura is haysta oo da'aysa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
collarbone
/koolarbown/ (n) kalxan, karrays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalxan
-ta:(n) clavicle (kalaavikal); collarbone (kalarbon) ~ karrays -ta
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
clavicola
s.f. - kalxan, karrays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabxarar
-ka: (magac, lab, keli) cad hilib ah oo ka kooban dhawr feerood oo waaweyn oo karraysta xiga, sarartana ka korreeya iyo hilibka yar oo weheliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafsakaar
-ta: (magac, dhedig, keli) lafta fidsan ee laabta badhtankeeda ku taal oo ay karraysaha iyo feedhaha sari ku qotomaan. Lafsakaartu wadnaha iyo sambabbada ayay difaac u tahay Dh: xabbad, shaf, sakaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karraysad
(Karraysad-ka)
Karraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karraysad
m.l la-mid: karraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karraysad
-ka: (magac, lab, keli) si hore oo xun oo lagu jirey, si dhaanta oo ka wanaagsan ku sugnaan. Dh: karraysasho, bogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carraysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg carraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrayso
(fal) biyo la'aan daraaddeed, ciid ismarmarin, si salad loo bannaysto. Dh: gebagabayso, boodhayso, ciidayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darraysi
m.l la-mid: darraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darraysi
-ga: (magac, lab, keli) eed darraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darrayso
f.g3 (-stay, -satay) Timaha darro marsasho. la-mid: tarrayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darrayso
(fal) timaha darro marso. Warfaa timaha ayuu darraystay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarraysi
m.l la-mid: jarraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarrayso
f.g3 (-stay, -satay) Qof jarraysimo raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysi
m.l la-mid: darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrayso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: darrayso.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
array
/arrey/arrays, arraying, arrayed; (n) 1. wax tiro badan oo il gabato leh. 2. wax meel lugu sharraxay ama lugu waray si ay dadka u soo jiitaan. e.g. She looked in the window at the array of jewellery.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
array
v.tr., (attire) xarrago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barras
m.l la-mid: baras.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carays
nickname; name-m taunter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carays
-ka: (magac, lab, keli) eeg carayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carray
(fal) ciid mari; ciidee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farays
m.l la-mid: farayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farays
-ka: (magac, lab, keli) eeg farayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garays
(Garays-ka)
Dharka dumarku qaato mid kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garays
m.l (-syo, m.dh) Guntiino midabbo leh oo haweenku xirtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garays
m.l (-syo, m.dh) Guntiino midabbo leh oo haweenku xirtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garays
m. n., [collective] thin, light, brightly-designed cloth worn by women
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garays
-ka: (n) woman's dress ~ sari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garays
-ka: (magac, lab, keli) maro ay qarqarka sare haweenku ku xidhaan oo saddexqeyd ah ama guntiino ah oo labadeeda af la isugu keeno garabka dushiisa laguna xidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garays
de: thin, light, brightly-designed cloth worn by women (usually imported from Kenya or Tanzania)
lx: garays
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: garays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harray
m.l Orgi markaas hooyadii goysay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarays
-ka: (magac, lab, keli) faras carbin iyo tababar ku jira. Faraskani waa jarays. Dh: layli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarras
-ka: (magac, lab, keli) marka xooluhu ilkaha hore wax ku calaliyaan.
jarras -ka: (magac, lab, keli) qof da' weyn oo haddana aan laga garan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarray
(fal) ardaa martisoor habeen ku cun oo aroortiina ku bariiso oo aqool subxeed ku sug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka ray
v. defeat, beat someone, vanquish
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_ray
de: defeat, beat s.o., vanquish
lx: ka ray
pd: (rayey)
ps: v2a=expr
key: ka_ray
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korray
(fal) dusha sare mar; meel kore gaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marras
(Marras-ta)
Maato; hoomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marras
m.dh.u Dadka intiisa jilicsan sida carruurta, odayada iyo masaakiinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marras
m.dh.u Dadka intiisa jilicsan sida carruurta, odayada iyo masaakiinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marras
f. n., [collective] dependents in a community (children, old people, the poor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marras
-ka: (magac, lab, keli) dubbe qori ah oo lagu tumo dhikilaha neefka lab ee la dhufaanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marras
de: dependents in a community (children, old people, the poor)
lx: marras
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: marras
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarray
(fal) meel sare joog: kor mar. Dh: korree, sarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warays
-ka: (magac, lab, keli) eeg warayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yarays
m.l la-mid: yarayn¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yarays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ararayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardays
-ta: (magac, dhedig, keli) ul xagga sare ka soo godan, dhabannadana looxsan oo geela lagu kaxeeyo. Dh: ul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjays
-ka: (magac, lab, keli) cunista qaadka.
barjays -ta: (magac, dhedig, keli) halka luquntu u ballaadhantahay ee laga gagabo, dhegta dabadeeda. Barjaystuu halgaad kaga dhuftey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrayn
(Carrayn-ta)
Carro ku shubid; ciideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrayn
m.f.dh eeg carree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku shubid; ciideyn; carrays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cayrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabrays
-ka: (magac, lab, keli) weerar daran ku qaadis. Dabrays baa ragga inta badan lagu laayey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarays
-ka: (magac, lab, keli) eeg haarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horrays
-ka: (magac, lab, keli) eeg horrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarcays
-ka: (magac, lab, keli) eeg jarcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarrayn
(Jarrayn-ta)
Wax ka filasho; cuquulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarrayn
m.f.dh eeg jarree. la-mid: jarraysimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marti subax hore in yar oo martisoor ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadlays
m.l la-mid: kadlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karmayn
(Karmayn-ta)
(dayax) meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan midna u bursanayn, fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmayn
m.f.dh eeg karmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dayax, meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan dhinac u badnayn fariisasho. Dh: fariisasho, karmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korrayn
(Korrayn-ta)
Wax kore ahaan; meel kore ku sugnaan, joogid; jago ama heer sare gaarid; sarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korrayn
m.f.dh eeg korree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid koreeya ahaan; meel kore ku sugnaan. Dh: joogid, sarrayn. Li: hoosayn.