karkabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabi
-ga: (magac, lab, keli) maryo la isku toltolay oo dameeraha lagu raro. Dh: darbaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dirqi meel ciriiriyoon ku gelin. 2. Ku k.: xoolo iyo wixi lamida cayrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kakabi
v. push through, squeeze something into a tight place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kakabi
-yey / say: (v) push through by squeezing ~ ku kakabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabi
(fal) eri oo meel dheer kaga soo hadh; caydhi oo dhacmi oo shan dalow iyo daaddeysyo ka raarid. Dh: fogee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kakabi
de: push through, squeeze s.t. into a tight place
lx: kakabi
pd: (kakabiyey)
ps: v2a=tr
syn: magmakee, matatari
key: kakabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkabo
(Karkaba-da)
Wax la qabanayo oo kansho iyo waqti ku filan loo diido oo dabakarriix iyo dirqi iyo dhaqso lagu marsiiyo; qarbaqarbo; deddejis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabo
m.dh Ku dirqinta hawl qabasha-deeda lagu dirqiyo cid iney si degdeg u qabato. la-mid: karkabad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karkabo
m.dh Ku dirqinta hawl qabashadeeda lagu dirqiyo cid iney si degdeg u qabato. la-mid: karkabad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karkabo
f. n. hasty action, rush (job), frenzy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karkabo
-karkabada: (n) the act of rushing; haste (heeysti); hurry (heeri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabo
-da: (magac, dhedig, keli) si qasab iyo dedejin leh; hawl si qarbobarbo iyo degdeg ah loo wado. Afxakame karkabadii u ay iyo kulayl kiiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karkabo
a: karkabad
de: hasty action, rush (job), frenzy
lx: karkabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: karkabo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karkari
v. keep on cooking ~ boiling; repeatedly cook ~ boil something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karkari
-yey/say: (v) make or cause to boil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karkari
de: keep on cooking ~ boiling; repeatedly cook ~ boil s.t.
lx: karkari
pd: (karkariyey)
ps: v2a=pl
key: karkari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkabid
(Kabkabid-da)
Wax kabkab leh ka dhigid; isku nabnabid; karkarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkabad
(Karkabad-da)
Karkabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabad
m.dh la-mid: karkabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karkabad
vl. n. rush (job), urgent ~ hasty action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabad
-da: (magac, dhaddig, keli) dedejin iyo kiirkiirin xad dhaaf ah; buuq iyo qaylo dheeri ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karkabad
de: rush (job), urgent ~ hasty action
lx: karkabad
pd: (-da)
ps: vn-f
key: karkabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabee
f.g2 (-beeyay, -baysay) Cid hawl qabashadeed inay dedejiso ku dirqin. la-mid: karkabadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karkabee
v. rush, force someone to act hastily
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karkabee
-yey karkabeysay: (v) cause to move or act with rush or haste ~ karkabadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabee
(fal) karkabo ku rid; deddeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karkabee
de: rush, force s.o. to act hastily
lx: karkabee
pd: (karkabeeyey)
ps: v2b=
key: karkabee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarin
(Karkarin-ta)
1. Dhawr jeer karin.
2. (biyo, kd.) karkar gaarsiin; bislays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarin
m.dh 1. Dhowr jeer karin. 2. Kar-kar gaarsiin (biyo iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkarin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer karin. Dh: baylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawkabid
(Kawkabid-da)
Kawkab wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawkabid
m.f.dh eeg kawkab². la-mid: kawkab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawkabid
-da: (magac, dhedig, keli) kawkabid oo wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Kharaab ka dhigid (wax). la-mid: kharraabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kharaabi
v. break, disconnect (something)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kharaabi
-yey / say: (v) make useless or cause to break down; mess up; disable (diseeybel) ~ hallee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabi
(fal) wax xumaaday ama aan socon ka dhig. Dh: qaraabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kharaabi
de: break, disconnect (s.t.)
lx: kharaabi
pd: (kharaabiyey)
ps: v2a=tr
key: kharaabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabi
(Kaabi-ga)
1. Meel dhow; ag.
2. Rigrigada dermooyinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabi
m.l 1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaabi
m.l 1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaabi
m. n., loc., [collective], (adj.): vicinity; nearness; near, close, nearby
kaabi m. n. edge of a sleeping-mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaabi
-ga: (n) near distance; proximity (parook simiiti); vicinity (visiniti). Ex: laba makhaayadood oo kaabiga isku saaray; two restaurants in close proximity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabi
-ga: (magac, lab, keli) caawimaad ama wax wax lagu kabo. Kaftan reer magaal runbuu kaabi u yahay. Dh: kaal.
kaabi -ga: (magac, lab, keli) rigrigadda dermooyinka. Kaabigii dermada oo aan tolayey, ayaa furfurtay.
kaabi -ga: (magac, lab, keli) meel dhaw, meel aan kaa fogayn. Adhigu waxa uu daaqayaa kaabiga reerka. Dh: kanbal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakab
(fal) walxo kala googgo'an, isku toltol.
kakab -ka: (magac, lab, keli) walxo kala googgo'an go la isku toltolay.
kakab -ka: (magac, lab, keli) wax dirqi meel cidhiidhyoon u gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karab
(Karab-ka)
Kob bannaan oo caad siman ah siiba badda meelaha aan barroosinku qaban karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karab
m.l Sallax sisib ah, badda gunteeda ah, ciid lahayn oo baroosinku qabanin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karab
m. n. flat open space (e.g., the surface of the sea)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karab
-ka: (magac, lab, keli) kob bannaan oo caad siman ah siiba badda meelaha aan barroosinku qaban karin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karab
de: flat open space (e.g., the surface of the sea)
lx: karab
pd: (-ka)
ps: n-m
key: karab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carabi
(Carabi-da)
Magac kalluun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carabi
carabi¹: m.l Af ay dadka Carbeed ku hadlaan.
carabi²: m.dh Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
carabi
m.l Af ay dadka carbeed ku hadlaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Carabi
m. n., [collective] Arabic
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carabi
f. n. fish species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Carabi
-ga: (n) Arabic language
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Carabi
-ga: (magac, dhedig, keli) afka ay Carabtu ku hadasho. Dh: af-Carbeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carabi
-ga: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluunka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkab
(Kabkab-ka)
1. Wax laysku nabnabay.
2. Isku nabnabka laftiisa; karkar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabkab
m. n. patchwork
kabkab v. piece together, do patchwork
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabkab
-ay / tay: (v) repair (ripeer); patch up (paaj ap); dam (dhaan) ~ toltolid, karkar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kakabo
(Kakaba-da)
Wax dirqi loogu eryo ama loo geliyo, meel ka yar oo ciriiryoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakabo
m.dh 1. Cayrinta lagu cayriyo wax meel ciriiryoon. 2. Cayrinta wax meel lagu cayriyo. la-mid: kakabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kakabo
f. n. tight squeeze; something pushed through ~ into a tight place
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabo
-da: (magac, dhaddig, keli) meel in cabbaar ah loo socdo.
kakabo -da: (magac, dhedig, keli) wax dirqi iyo jujuub lagu geliyo meel ka yar ama cidhiiidhi ah.
kakabo -da: (magac, dhedig, keli) degdeg iyo carcarta hore ee nabar iyo wixii la mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kakabo
de: tight squeeze; s.t. pushed through ~ into a tight place
lx: kakabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kakabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kakanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karaab
(Karaab-ta)
Qoryo yaryar oo xalxalleefsan oo shabaagta badda la dhigo lagu xirxiro, si ay u sabbayso oo u muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaab
m.dh.u Qoryo yaryar oo xalxallefsan oo shabaagta badda la dhigo lagu xirxiro, si ay u sabbayso oo u muuqato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karaab
f. n., [collective] wood buoy ~ float for a fishing net
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaab
-ka: (magac, lab, keli) qoryo yaryar oo xal xalleefsan. Karaab soo ururiya oo kaalaya dabka shida. Dh: qoryo. Wa: karaabyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karaab
de: wood buoy ~ float for a fishing net {E}
lx: karaab
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: karaab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkar
(Karkar-ka)
a) Karka iyo rogmashada biyaha iyo wixii la mid ah oo kululaada. b) Kabkabniin badan. c) Qof kulul; diric.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkar
m.l 1. Tolmo lagu sameeyo dhar iyo wixi lamida oo meelo badan ka dildillaacay. 2. K. ah: qof dirac ah. 3. Karka iyo rogmashada biyaha iyo waxii la mid ah oo kululaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karkar
m.l 1. Tolmo lagu sameeyo dhar iyo wixi lamida, oo meelo badan ka dildillaacay. 2. K. ah: qof dirac ah. 3. Karka iyo rogmashada biyaha iyo waxii la mid ah oo kululaada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karkar
v. keep on cooking ~ bubbling; be boiling repeatedly
karkar m. n., (mass n.): a lot of steam
karkar vl. n. repeated patching ~ mending
karkar m. n. (adj.): person with a bad temper; hot-headed; brave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karkar
-ay / tay: (v) boil (booyl); came to a boil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkar
-ka: (magac, lab, keli) tolmo lagu sameeyo dhar iyo wixii la mid ah oo meelo badan ka dildillaacay.
karkar -ka: (magac, lab, keli) karka iyo rogmashada biyaha iyo wixii la mid ah oo kululaada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawkab
(Kawkab-ka)
1. Iyadoo gaajo ama harraad ama baahi kale oo daran la qabo, oo biyo ama wax kale oo badan dhaqso iyo xoog caloosha loogu sii daayo, sida la noqdo.
2. Xiddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawkab
kawkab¹: m.l Dhibaatada ka raacda xoolo aad u oomman biyo badan cabidda. la-mid: kawkabid.
kawkab²: f.mg1 (-bay, -btay) Xoolo aad u harraadan ama u gaajeysan biyo badan oo ay cabbeen ku wareerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawkab
v., [compound] feel sick after eating ~ drinking too quickly after severe hunger ~ thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawkab
-ka: (magac, lab, keli) sida la noqdo kolka iyadoo gaajo ama harraad daran la qabo, wax badan caloosha lagu sii daayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawkab
de: feel sick after eating ~ drinking too quickly after severe hunger ~ thirst
lx: kawkab
nt: kawkab (ka) [vn-m]
pd: (kawkabay)
ps: v1=cmp
key: kawkab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Markab
(Markab-ka)
Gaadiid badaha waaweyn lagu maro oo lagu dhoofo ama lagu dagaallamo ama wixii ganacsi ah lagu raro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
markab
m.l (-byo, m.l/dh/-raakiib, m.dh) Gaadiid badeed weyn oo u kala baxa qaar lagu dagaallamo iyo xamuulka qaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
markab
m.l (-byo, m.l/dh/-raakiib, m.dh) Gaadiid badeed weyn oo u kala baxa qaar lagu dagaallamo iyo xamuulka qaada. m.dh.w, maraakiib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
markab
m. n. ship, boat, oceanliner, steamer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
markab
-ka: (n) ship (shiip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
markab
-ka: (magac, lab, keli) gaadiid badaha waaweyn is kaga goosha oo dad iyo badeecooyin aad u culculus qaada ama dagaallada lagaga qayb galo. Markab xoolo siday ayaa badda ku degey. Wa: maraakiib, markabyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
markab
bw: Arabic
de: ship, boat, oceanliner, steamer
lx: markab
pd: (-ka Pl: maraakiib)
ps: n8-m
key: markab
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
markab
مركب، سَفِينة، باخِرَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarabi
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carjabi
(fal) duug ka dhig.
carjabi: (fal) dhiil la cugay, in yar oo caano ah ku dhaqdhaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabi
(fal) cid kale, ka saar muruqa qabtay ama xididka haya; ku diiri maro qoyan ama dufan la mariyey oo dabka lagu kulayliyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabkabo
(fal) isku nabnab oo isku keenkeen. Dh: nabnabo. Li: jajabi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabid
-da: (magac, dhedig, keli) walxo kala googgo'an, isku toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kakabin
(Kakabin-ta)
Wax dirqi meel ciriiryoon ugu eryid, u gelin; magmakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakabin
m.f.dh eeg kakabi. la-mid: kakabo.