karfanid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karfanid
m.dh la-mid: kafnid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karfanid
-da: (magac, dhedig, keli) kafan saarid ama ku duubid. Dh: kafnid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafnid
m.f.dh eeg kafan². la-mid: karfanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafnid
-da: (magac, dhedig, keli) qof geeriyooday, kafan ku duubid. Kafnid la'aan maydka lama aaso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karfan
karfan¹: m.dh la-mid: kafan¹.
karfan²: f.g1 (-nay, -ntay) la-mid: kafan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karfan
f. n. white shroud, death cloth
karfan v. wrap a corpse in a shroud ~ death clothes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karfan
-ta: (n) shroud (sharaawdh); winding sheet used to wrap a body for burial ~ kafan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karfan
-ka: (magac, lab, keli) marada cad ee meydka lagu duubo. Dh: kafan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafadid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid: kafad saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafafid
(Kafafid-da)
(wax qoyan) wax yar engegid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafafid
m.f.dh eeg kafaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyanaa, soo yara engegid: soo yara qallalid. Dh: kawraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu lumay ama cidkale oo aad masuul ka tahay ku lumay bixin. Dh: magid, bedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaani
-ga: (magac, lab, keli) qof xafiis, dukaan iyo wixii la mid ah ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farfarid
(Farfarid-da)
Godgod yaryar u yeelid; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farfarid
m.f.dh eeg farfar². la-mid: faarfaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarid
m.f.dh eeg karaar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xawli ku socod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karfan_1
a: kafan
bw: Arabic
de: white shroud, death cloth
hm: 1
lx: karfan
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: karfan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karfan_2
de: wrap a corpse in a shroud ~ death clothes
hm: 2
lx: karfan
pd: (karfanay)
ps: v1=tr
key: karfan_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaanid
m.dh la-mid: kawaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarfadid
m.f.dh eeg qarfad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrfalid
m.f.dh eeg jawrfal². la-mid: jowrfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawrfalid
-da: (magac, dhedig, keli) amarkutaaglayn iyo dulmi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahfalid
m.dh (fiisikis) Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaahfalid
Radioactivity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahfalid
-da: (magac, dhedig, keli) mataataxa aan kala go'a lahayn lana joojin karin ee bu'aha atamyada curiyayaasha qaarkood u kala mataataxaan curiyayaal cusub oo saxarro iyo fallaadho la socdaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaynaanid
(Kaynaanid-da)
Hayaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaynaanid
m.f.dh eeg kaynaan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaabid
(Kharaabid-da)
Kharaab noqosho; kharribmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabid
m.f.dh eeg kharaab². la-mid: khar-raabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday noqosho. Dh: kharibmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanid
m.f.dh eeg khayaan. la-mid: kha-yaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, khayaano ku samayn. Dh: sirid, khatalid, dhagrid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karraaniyad
f. n. clerk, female civil servant, employee, lady official
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karraaniyad
de: clerk, female civil servant, employee, lady official
lx: karraaniyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: karraaniyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafad
1. (Kafad-da)
Kefed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafad
m.dh (-do, m.l) 1. Saxanka miisaanka. 2. Qoriga doonta lagu wado afka hore ee ballaaran. 3. Dembiisha weyn ee fooxa. la-mid: kefed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafad
m.dh (-do, m.l) 1. Saxanka miisaanka. 2. Qoriga doonta lagu wado afka hore ee ballaaran. 3. Dembiisha weyn ee fooxa. la-mid: kefed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafad
f. n. balance pan (on scale)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafad
-da: (magac, dhedig, keli) miisaanka labadiisa saxan middood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kafad
bw: Arabic
de: balance pan (on scale)
lx: kafad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: kefed
key: kafad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafan
(Kafan-ta)
Marada cad oo meydka la aasa hayo lagu duubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafan
kafan¹: m.dh (-fno, m.l) Marada cad oo meydka la aasayo lagu duubo. la-mid: karfan¹.
kafan²: f.g1 (-fnay, -fantay; -fni) Maro cad ku duubid (meyd). la-mid: karfan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafan
kafan¹: m.dh (-fno, m.l) Marada cad oo meydka la aasayo lagu duubo. la-mid: karfan.
kafan²: f.g1 (-fnay, -fantay; -fni) Maro cad ku duubid (meyd). m.f.dh, kafnid. la-mid: karfan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafan
f. n. white shroud, death cloth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kafan
-ta: (n) shroud (sharaawdh); winding sheet used to wrap a body for burial ~ karfan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafan
-ka: «xeer» magta dhagarta lagu baxsho, qaalin lo' ah oo rimman, ugub na ah oo loo geeyo reerka laga dhagaroobay.
kafan -ka: (magac, lab, keli) marada cad ee maydka lagu duubo. Kafankii iyo koran xabaalqod ah ba waa la keenay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kafan
bw: karfan
de: white shroud, death cloth
lx: kafan
nt: kafan (kafnay) [v1=]
pd: (-ta Pl: kafno (/ha))
ps: n3-f
key: kafan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karad
(Karad-da)
Roobka xooggiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karad
f. n. down-pour, force of a heavy rain
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karad
cf: roob
de: down-pour, force of a heavy rain
lx: karad
pd: (-da)
ps: n-f
key: karad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karan
1. (Karan-ka) Martisoor weyn; diyaafad.
2. (Karan-ta) Roob da'a xagaaga qaarkiisa danbe oo dayrta ka soo horreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karan
karan¹: m.l Martisoor weyn; diyaafad.
karan²: m.dh 1. Baargo'idda awr raraynimo loo jarabbaray yeesho. 2. Xilli roob badani ka da'o waqooyi galbeed oo ku beegan bisha Luulyo.
karan³: f.g/mg1 (-rmay, -rantay) 1. (f.g) Awr rarooy ah baar go'id. 2. (f.mg) Maro, harag iyo wixi lamida wax kar leh noqosho.
karan⁴: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax kar leh ahaansho (maro, harag iyo wixi lamida).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karan
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax kar leh ahaansho (maro, harag iyo wixi lamida). m.f.dh, karnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karan
m. n. feast, banquet
karan [feminine] n. rain falling at the end of the cool season, before the main autumn rains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karan
-ka: (magac, lab, keli) martisoor weyn iyo diyaafad.
karan -ka: (magac, lab, keli) baargo'idda awr raraynimo loo jarabbayi yeesho.
karan -ta: (magac, dhedig, keli) roob xagaaga ka dambeeya dayrtana ka horreeya oo aan dhulku wada lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karid
(Karid-da)
1. Maaro u hayn; awoodid.
2. Rogmashada iyo abur soo saaridda biyaha iyo wixii la mid ah oo la kululeeyo.
3. Wax dillaacay jaansaarid; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karid
m.f.dh eeg kar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wax la mid ah, qabashadiisa awooddid.
karid-da: (magac, dhedig, keli) wax dalooshamay ragcadayn oo karin ku dul tolid.
karid-da: (magac, dhedig, keli) aqoonta lisitaanka xoolaha. Karidda geela bar wiilka kol uun baad maqnaane.
karid-da: (magac, dhedig, keli) dheri, kulayl dartii is la rogrogis oo daadasho. Dh: faxid, baylid.
karid-da: (magac, dhedig, keli) dibbiro buuxsamid. Xabagtii aad cuntay baa karidda kuugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baanid
(Baanid-da)
Hadal ama dood qoran ama aan qornayn, meel madal ah ka jeedin; khudbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baanid
m.f.dh eeg baan³. la-mid: baanis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baanid
-da: (magac, dhedig, keli) ka doodidda dacwad idin dhextaal adiga iyo cid kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carfad
(Carfad-ka)
Oogada nafleyda haraggeeda, meel hawl ama cudur aawadi la adkaata, oo jilif ama lakabyo fuulaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carfad
m.l.kh la-mid: qarfad¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
carfad
m. n. callus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carfad
-ka: (magac, lab, keli) oogada nafleyda haraggeeda, meel ka mid ah oo hawl ama cudur aawadiis la adkaata, oo jidhif ama lakabyo adag yeelata. Dh: gaatir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
carfad
de: callus
lx: carfad
pd: (-ka)
ps: n1-m
key: carfad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carfid
(Carfid-da)
Ur udgoon soo saarid, ka soo bixid, yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carfid
m.f.dh eeg caraf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carfid
-da: (magac, dhedig, keli) ur udgoon soo saarid ama yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faanid
(Faanid-da)
Faan isku sheegid; is faanin; is ammaanid; tookhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faanid
m.f.dh eeg faan³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faanid
vl. n. bragging, boasting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faanid
-da: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan naftaada ka sheegid; is'amaanid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faanid
de: bragging, boasting
lx: faanid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-f
key: faanid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabid
(Kaabid-da)
Wax ka maqan ku darid, ku kordhin, siin; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabid
m.f.dh eeg kaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan adkayn oo xoojin u baahan, wax ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaahid
(Kaahid-da)
Iftiin kaah ah yeelasho, soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahid
m.f.dh eeg kaah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahid
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifid; meel fog ka iftiimid; iftiin kaah ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalid
m.f.dh eeg kaal³. la-mid: kaalin² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalo uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaanad
(Kaanad-da)
Qori dheer oo madaxiisa ballaaran oo daloola shukaanta afkeeda kore oo fiiqan la gesho, madaxiisa kalena shukaanhayuhu gacanta ku hayo oo doonnida ku duwduwo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaanad
m.dh Qori dheer oo masaxiisa ballaaran oo daloola shukaanta afkeeda kore oo fiiqan la gesho, madaxiisa kalena shukaanhayuhu gacanta ku hayo oo doonida ku duduwo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaanad
f. n. rudder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaanad
-da: (magac, dhedig, keli) qori dheer oo madax ballaadhan oo daloola leh, oo shukaanta doonnida afkeeda hore ee fiiqan la gesho, madaxiisa kalana shukuumigu gacanta ku hayo oo doonnida ku duduwo. Wa: kaanado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaanad
de: rudder
lx: kaanad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kaanad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarid
(Kaarid-da)
Kaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarid
m.f.dh eeg kaar². la-mid: kaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xanuunku qof ku keeno xummad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaayid
(Kaayid-da)
Meel aan laga arki karin gelin; qarin; dahid; xasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayid
m.f.dh eeg kaay², kay³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayid
-da: (magac) farsamada shaqo ruux ba xilli gaar u ah qabto, kolba loo dhiibayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadfan
(tilmaame) wax la kidfay oo jarjar yaryar oo badan laga dhigay. Tani waa maro kadfan. Dh: jarjaran, kidfan, googo'an.