karaamayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamayn
m.f.dh eeg karaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ixtiraam iyo xaqdhawr u muujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) karaamo u yeelid oo xurmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamayn
m.f.dh eeg kacaamee. la-mid: kacaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kacaan ka dhigid ama ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraamayn
m.dh la-mid: maraabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karaamaysan
Karaamo leh; amran; calman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax karaamo leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karaamaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax karaamo leh ahaansho. m.f.dh, karaamaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karaamaysan
der. [adjective] blessed, charismatic, endowed with divine favor ~ power
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karaamaysan
-aa: (adj) sacred (seey-karidh); holy (hooli); blessed (baleesidh) barakaysan, muqaddas. Ex: magaalada karaamaysan ee Mekka; the holy city of Mecca
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamaysan
(tilmaame) mid karaamo leh oo amran ama calman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karaamaysan
de: blessed, charismatic, endowed with divine favor ~ power
lx: karaamaysan
pd: (karaamaysnaa)
ps: adj-der
key: karaamaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmaamayn
(Garmaamayn-ta)
Garmaame cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmaamayn
m.f.dh eeg garmaamee. la-mid: garmaame (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si cadaawad iyo nac ah cid wax u yeelid. Dh: dibindaabyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaamayn
m.dh la-mid: khayaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, sirid. Dh: dhagrid, khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaaraamayn
(Xaaraamayn-ta)
Xaaraan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaaraamayn
m.f.dh eeg xaaraamee. la-mid: xaaraantimayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaaraamayn
-ta: (magac, dhedig, koli) mamnuucid oo xaaraan ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karaamee
f.g2 (-meeyay, -meysay) 1. Cid karaamo siin (Eebbe). 2. Cid xurmayn. m.f.dh, karaamayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
consecrate
/consakreyt/ (v) karaamayn (barakayn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hallow
/haalow/ (v) karaamayn. e.g. hallowed ground.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sanctify
/saanktafay/ (v) barakayn (karaamayn).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalgudid
-da: (magac, dhedig, keli) samafal iyo abaal hore laguugu galay celintii. Abaalgudiddu waa karaamayn iyo sharfin. Dh: abaalmarin, abaalcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurmad
-da: (magac, dhedig, keli) karaamayn iyo qadarin. Si xurmad leh ayaa odayaasha loo soo dhaweeyey. Dh: xurmo, xushmad, qadarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xurmo
-da: (magac, dhedig, keli) qadrinin karaamayn. Si xurmo leh ayaa odayaasha dhaweeyey. Dh: xushmad, qadarin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Karaama
name-m blessing, divine favor, charisma, supernatural power; miracle Arb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaama
ama Karaamo magac loo baxsho gabadh in ay xagga Alle ka barakaysan tahay la filayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karmayn
(Karmayn-ta)
(dayax) meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan midna u bursanayn, fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmayn
m.f.dh eeg karmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dayax, meel labo xiddigood u dhexaysa oo aan dhinac u badnayn fariisasho. Dh: fariisasho, karmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raamayn
(Raamayn-ta)
Raamo u yeelid, u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamayn
m.f.dh eeg raamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo ama wax la mid ah raamo dhaadheer u yeelid: raamo u samayn. Raamaynta timaha Rooble isagaa raba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Araarayn
(Araarayn-ta)
Labo qolo oo dagaallama haya kala joojin; dagaal joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araarayn
m.f.dh eeg araaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qolo oo dagaallamaya kala joojin. Araaraynta reeraha, aabbaa innoo dhigay. Araare ajal ma oosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haramayn
(Haramayn-ta)
Beerta haramaha ka limid, ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haramayn
m.f.dh eeg haramee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) beer haramaha ka gurid; beerta haramaha ka jarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaalmayn
(Kaalmayn-ta)
Wax qof u baahan yahay wax kala qabasho; kaalmo siin; u gargaarid; taageerid; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalmayn
m.f.dh eeg kaalmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof baahi qaba, waxtarid. Dh: caawin, gargaarid, taakulayn, taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaamaw
(fal) mid karaamaysan noqo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaramayn
-ta: (n) nationalisation (na-shi-naa-lizeey-shin), also nationalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaramayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qaranku leeyahay oo dadku wadaago ama ka dhexeeya ka dhigid. Dh: qaramays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaamayn
(Calaamayn-ta)
Calaamo u yeelid; astayn; calaamadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamayn
m.dh la-mid: calaamadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto duco looga jeedo, karin. Xilliga barwaaqada ah daraaraynta beereleydu waa joogto. Dh: casuumadayn, daraarays, ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farsamayn
(Farsamayn-ta)
Hawl aqoon iyo tab u baahan qabasho; wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farsamayn
m.f.dh eeg farsamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farsamayn
vl. n. manufacturing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farsamayn
-ta: (n) processing, fabrication, manufacture, production (pro-dhak shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farsamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawl fulinteeda kolba tab iyo xeelado ay ku fusho u qabasho. Dh basarin, habayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farsamayn
de: manufacturing
lx: farsamayn
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: farsamayn
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Garaafayn
Graphing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof muruq qabtay, shey kulul saarsaarid. Dh: diirdiirin, solid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karammaan
-ka: (magac, dhaddig, keli) meel daaqsin dibir bannaan ah. Dh: kadhammaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkabayn
(Karkabayn-ta)
Cid hawl qabanaysa karkabo ku ridid; qarbaqarbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabayn
m.f.dh eeg karkabee. la-mid: karkabadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraabayn
(Maraabayn-ta)
Dhadqhaqaaqa iyo dheeldheelliyidda doonyaha iyo maraakiibta badda saaran, oo hirarku ku wacan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabayn
m.f.dh eeg maraabee. la-mid: maraamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabayn
vl. n. rolling movement of ships and boats caused by the waves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u dheeliyid; marba xag u dulaamid. Maraabaynta doonyaha waa lagu wada matagaa. Dh: maraabays, duldullaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabayn
de: rolling movement of ships and boats caused by the waves
lx: maraabayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maraabayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maraate baaban iska dhigid; is waalid; is masuukhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maryamayn
(Maryamayn-ta)
Kuusha ka faalin, wax dhici doona ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryamayn
m.f.dh eeg maryamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maryamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faal dumarku sameeyaan oo ay kuusha ka faaliyaan. Beydan way maryamayn taqaannaa. Dh: faalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato gaadhsiin: wax yeello u geysasho. Qardamaynta dadka kala joogso. Dh: luggoyn, dibindaabyeyn, qardamays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraayayn
m.f.dh eeg saraayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraayayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale colaadin iyo ibtilayn.
saraayayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax fayow cudur iyo wixii la mid ah qaadsiin. Dh: sadhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waraabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sida waraabaha u ci'yid; dhurwaa iska dhigid. Carruurtu waraabaynta way ka sasaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkabadayn
(Karkabadayn-ta)
Karkabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabadayn
m.f.dh la-mid: karkabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) deddejin ama qarbaqarbayn. Dh: karkabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barwaaqayn
m.f.dh eeg barwaaqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barwaaqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samalaho ka dhigid; heersare gaarsiin sida dhaqaalaha iyo waxii la mid ah. Dh: bashbashayn, aaranayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharsamayn
m.f.dh eeg dharsamee. la-mid: dharsamays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharsamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar farsamayn oo samayntiisa warshad ama qalab kale u adeegsasho. Dh: dharsamays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farafarayn
m.f.dh eeg farafaree. la-mid: farafarays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farafarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel la dhigay faraha la galid. Dh: taataabasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faraxumayn
-ta: (n) the act of molesting; molestation (malas-teeyshiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh si qasab ah u kufsasho, uur sharci daarra ah uurayn. Dh: kufsad, kufsi, kubsad, kufsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garraadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talo xal loogu helay hawl jirtay. Dh: maarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) walaandeynta wax qof qudh ah lagu qaadi karin. Dh: handaafin, walaandeys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hargaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargaameyn
(Hargaameyn-ta)
Si hargaamo ku jirto cid wax u yeelid; dhibid; dibindaabyeyn; silicdilyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargaameyn
m.f.dh eeg hargaamee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaamaan
m.f.dh eeg harqaaman. la-mid: harqaamaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamayn
m.dh la-mid: haylid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haylaamayn
vl. n. brand, branding marks on cattle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aqal daso ah, haylaan dusha ka saarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haylaamayn
de: brand, branding marks on cattle (consisting of a cut in the ear from which a part is left hanging)
lx: haylaamayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: haylaamayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalakaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo is dagaalaayey midba dhinac u jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khayaanayn
(Khayaanayn-ta)
Khatalid; sirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanayn
m.f.dh eeg khayaanee. la-mid: khayaamayn, khiyaamayn, khiyaanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, siyaasadayn oo khiyaamayn. Dh: qiyaanayn.