kangourou
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
kangourou
kangourou, n.m. - Xayawaan ku nool dalka Ostraaliya oo ku booda labada Lugood oo dambe (oo ka dhaadheer kuwa hore); dheddiguna hoosta buu kiish ku lee yahay ilma heeda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kanguuro
° Nafley (caanaley) kamid ah kuwa uurka ku leh kolay ay dhashooda yaryar ku qaataan, oo ku nool Austraalya iyo Tasmaanya. Waxay leedahay: madax yar, oogo qaarka danbe u weyn oo u xoog badan, jeenyo gaaggaaban oo tabar yar, lugo waaweyn oo booddada loo sameeyey iyo dabo dheer oo xoog badan. Waxay boodi kartaa sagaal mitir oo dherer ah, iyo saddex kor ah; (ama kanguur).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanguuro
m.dh.u (c. nafl.) Naasley lugaha dambe ku socota, uurka ku leh kiish ay ilmaha ku qaadato, oo ku nool Ustaraaliya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kanguuro
f. n., [collective] kangaroo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kanguuro
-kanguurada: (n) kangaroo (kaan garuu) ~kaangaruu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanguuro
-da: (magac, dhedig, keli) noole naasleyda ka mid ah oo qandi ama kolay ku leh caloosha oo dhasheeda ku xambaarto oo ku dhaqan carriga Ustaraaliya oo keliya, laba addin ee hore ayaa gaagaaban. Wa: kanguurooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kanguuro
de: kangaroo {Eng / It}
lx: kanguuro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: kanguuro
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
langoureux
langoureux, adj. - Heedadaw; Tamar darrayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gourou
gourou, n.m. - madax diineed.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
canguro
s.m. - kanguuro.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kangaroo
/ kaangaruu/ (n) kira ngewe (xayawaan ustareeliya ku nool oo ku booda lugaha dambe, dhaddiguna carruurta caloosha ku qaato).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sangoror
m.l. Honog.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sangoror
m. n., [compound] nosebleed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sangoror
-ka: (n) nosebleed (nowz-biliidh); nasal hemorrhage (heme-reej)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sangoror
de: nosebleed
initial: s
lx: sangoror
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: sangoror
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaanguuro
-kaanguurada: (n) kangaroo (kaan-garuu) -kangaruu
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
àngolo
s.m. - xagal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka goo
-yey / gooysay: (v) subtract (sab-taraakt) ~ ka jar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgoror
-ka: (magac, lab, keli) dhul xaaluf ah; dhul baad lahayn oo daaq xoolaad ka jirin. Afgoror xoole kuma dhaqmaan. Dh: madaxkar, madax-xalxal, barqafadhiisi, afgodhodh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangood
-ka: (magac, lab, keli) hungurayn iyo damac. Gosha naaska yara muuqday buu yara hangoodaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangool
(Hangool-ka)
Qalab qori ah oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reer-miyigu xoolaha ku ootaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangool
m.l (-llo, m.dh) Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. la-mid: hankool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hangool
m.l (-llo, m.dh) Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. la-mid: hankool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hangool
m. n. pitchfork, herder's hooked stick; nomad's tool for constructing a livestock corral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hangool
-ka: (n) a tool made of wooden stick with two prongs one side and hooked the other side used by nomads for carrying and fencing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangool
-ka: (magac, lab, keli) ul labo farraar oo hore iyo ganto danbe leh. Waxa loo adeegsadaa qaadista, cufidda iyo jiididda oodda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hangool
de: pitchfork, herder's hooked stick; nomad's tool for constructing a livestock corral
lx: hangool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hangool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kagguur
(Kagguur-ka)
1. Magaalo ama meel kale oo la degganaan jirey oo laga guurey, oo raadkii keliyihi haray.
2. Meel malab ama suri ku jiri jirtey oo maran, shinniddii iyo hurdihii meel kale uga guureen.
3. (beer) goof.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kagguur
m. n., [collective] abandoned settlement ~ farm; ruins
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kagguur
-ka: (magac, lab, keli) meel malab ama dhurde ku jiray oo uu ka tegay. Kagguur weeye surtu, malab iska daaye waxaro dhanaanna kuma jiraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kagguur
cf: dowr
de: abandoned settlement ~ farm; ruins
lx: kagguur
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: kagguur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kankoon
(Kankoon-ka)
1. Wax sida kubbadda u wareegsan ama u qaab eg.
2. Gumaar.
3. Qanboobka qaarki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kankoon
m.l Wax sida kubbadda u wareegsan ama qaab u eg leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kankoon
m. n. sphere, ball
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kankoon
-ka: (magac, lab, keli) isha inta cad ee buuran. Dh: gurux, fooc.
kankoon -ka: (magac, lab, keli) qanboolka qarkiisa.
kankoon -ka: (magac, lab, keli) halka bisqintu ka soo baxdo iyo inta ku wareegsan. Dh: gumaaar, gumeer.
kankoon -ka: (magac, lab, keli) walax sida kubbadda u wareegsan ama u eg qaab ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kankoon
cf: kuryo
de: sphere, ball
lx: kankoon
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kankoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karooro
f.g3 (-rtay, -ratay) la-mid: karuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karuuro
f.g3 (-rtay, -ratay) Wax badan is dul saarasho. la-mid: karooro.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
languor
n., caato, -di, weydnimo, -adi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rancour
n., uurxumo, -adi.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Karruuro
name-f sour camel's milk; prospered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
konkorro
-konkorrada: (n) young grasshoppers or locusts
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
minguuro
f. n. anniversary
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minguuro
-da: (magac, dhedig, keli) waxa minguurka lagu sameeyey laftiisa. Qoraalkani waa ooo meel baa laga soo minguuriyay: Dh: minguuro, manquul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
minguuro
de: anniversary
lx: minguuro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: minguuro
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
dangerous
(adj) of, or pertaining to a situation or condition that is harmful and may cause injury.
dhaawac halis ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dangerous
/dheynjaras/ (adj) khatar ah (halis ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dangerous
a., cabsi leh; not dangerous, cabsi la’, shil la’.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalagguro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax isku jiray ama isu dhowaa kala qaadasho. 2. Shax, jare iyo wixi lamida oo la kala badin waayey kala qaadasho. 3. Laba wax oo foodda is kula jiray dib u kala fogaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalagguro
(fal) wax isku jiray ama isu dhowaa badh ka qaadasho.
kalagguro: (fal) shax, jare iyo wax la mid, guulaysan waa hana lagaa badin waayo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mangouste
(greyish-red), n., shawshuga, -ihi; (red) soongur, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hang around
/haang-arawn/ (v) 1. war-wareegid (v) 2. raac-raacid (la-socosho).