kamma'id
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamma'id
m.f.dh eeg kamma'². la-mid: kama'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kama'id
m.dh la-mid: kamma'id
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kamma'
(Kamma'-a)
Waxaan kas loo falin ama loo oran; gef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamma'
kamma'¹: m.l.fk Wax aan kas ama ula kac loo falin. la-mid: kama'¹.
kamma'²: f.mg1 (-a'ay, -a'day) Kas iyo ulakac la'aan wax u samayn. la-mid: kama'².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kamma'
m.l.fk Wax aan kas ama ula kac loo falin. la-mid: kama'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kamma'
m. n. (adj.): mistake, blunder; unintentional, by mistake ~ chance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kamma'
-ah: (adj) accidental (ak si-dental); unintentional (an-in-teen-shinal); inadvertent (in adh veer-tant) ~ kama'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamma'
-a: (magac, lab, keli) wax aan kas loo samayn ama loo odhan; wax illowshiiyo iyo u badheedh la'aan ku yimaadda ama ku dhaca. Li: kas, camdi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kamma'
cf: gef, halmaan; See also: kama'
de: mistake, blunder; [atr.] unintentional, by mistake ~ chance
lx: kamma'
pd: (-a)
ps: n0-m
key: kamma'
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kamma'
خطأ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kammid
Kamid (ah).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kammid
n. phr. one of...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kammid
de: one of... = ka + mid
lx: kammid
ps: np
key: kammid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kambalid
m.f.dh eeg kambal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kambalid
-da: (magac, dhedig, keli) nafta ka goyn; dilid: kanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kammilid
m.dh la-mid: kaamild.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammacid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha iyo wejiga ka hanjabid. Haweenku qammacidda iskama daayaan. Dh: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khammaarid
(Khammaarid-da)
Khammaar cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khammaarid
m.dh la-mid: khamaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dammaadid
(Dammaadid-da)
Wax dammaadsan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammaadid
m.f.dh eeg dammaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dammaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wareerid iyo dayoobid; wax dammaadsan noqod. dammaadsan: (tilmaame) mid wareersan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaaciid
-ka: (magac, lab, keli) dhagax culus oo gacantu dirqi ku qaadi karto. Dh: danbasyaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, ka kaaftoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kammilmid
m.dh la-mid: kaamilmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamaarid
m.f.dh eeg khamaar². la-mid: khammaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaarid
-da: (magac, dhedig, keli) khamaar cayaarid. Dh: qamaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamaasid
(Khamaasid-da)
(bil) Toomman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamaasid
m.f.dh eeg khamaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaasid
-da: (magac, dhedig, keli) bil toomman noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lammaanid
m.dh la-mid: dammiinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammaanid
-da: (magac, dhedig, keli) lammaane noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaacid
m.f.dh eeg qammaac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qammaadid
m.f.dh eeg qammaad². la-mid: qammaad¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaadid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka fogaan; ka dheeraan; ka weecsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qammaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaarta qammaarka ciyaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sammaadid
m.f.dh eeg sammaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamata'id
-da: (magac, dhedig, keli) qarwidda; kala hadlidda qofka hurda markuu hawaawinayo. Dh: hadurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaagid
m.f.dh eeg xammaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xammaalid
(Xammaalid-da)
Hawsha xammaalka qabasho; tunka wax culus ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xammaalid
m.f.dh eeg xammaal². la-mid: xamaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xammaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax culus tunka ama dhabarka ku qaadid. Dh: qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aa'id
m.f.dh eeg aa'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'id
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax, waran ama wax kale meel ama qof ku tuurid. Maandhow, ninkaan aa'i waw aamusahayaaye. Dh: tuurid, ridid, mirid, halgaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kama'
kama'¹: m.l la-mid: kamma'¹.
kama'²: f.mg1 (-a'ay, -a'day) la-mid: kamma'².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kama'
-ah: (adj) accidental (aksi-dental); incidental (insidental); contingent (kontinjant); by chance ~ kamma'
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kama'
-a: (magac, lab, keli) khalad u dhaca si u kas la'aan ah. Nabarku si kama' ah ayuu yarka ugu dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'id
f.g1 (-day, -dday) la-mid: faa'iid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'id
(fal) ganacsi aad waddo, faa'ido ka hel; shaqo macaash ka hel. Dh: macaash, tar. Li: qasaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gam'id
(Gam'id-da)
Hurdo dhex gelid; seexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gam'id
m.f.dh eeg gama'². la-mid: gama'¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gam'id
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hurdo dhex gelid. Dh: seexasho.
gam'id: -da: (magac, dhedig, keli) hurdo gelid; hurdo seexasho. Li: baraarugid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hammad
-da: (n) a wish or longing; ambition (aam-bishin)-, desire (dizaayer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammad
-da: (magac, dhedig, keli) wax samayntiisa maanka lagu hayo. Dh: iddidiilo, mala'awaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabid
(Kaabid-da)
Wax ka maqan ku darid, ku kordhin, siin; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabid
m.f.dh eeg kaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan adkayn oo xoojin u baahan, wax ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaahid
(Kaahid-da)
Iftiin kaah ah yeelasho, soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahid
m.f.dh eeg kaah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahid
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifid; meel fog ka iftiimid; iftiin kaah ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalid
m.f.dh eeg kaal³. la-mid: kaalin² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalo uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarid
(Kaarid-da)
Kaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarid
m.f.dh eeg kaar². la-mid: kaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xanuunku qof ku keeno xummad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaayid
(Kaayid-da)
Meel aan laga arki karin gelin; qarin; dahid; xasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayid
m.f.dh eeg kaay², kay³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayid
-da: (magac) farsamada shaqo ruux ba xilli gaar u ah qabto, kolba loo dhiibayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabmid
m.f.dh eeg kaban².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalmad
-da: (n) word (woodh) ~ kelmad, erey
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kammil
f.g1 (-ilay, -ishay) la-mid: kaamil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmid
m.f.dh eeg karan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lammad
(fal) labee oo mar kale ku celi. Shaaha i lammad. Dh: labee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lammid
(la + mid)
Aan ka duwaneyn; u eg; la mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lammid
adj., [expression] equal, the same as
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lammid
de: equal, the same as
lx: lammid
ps: adj-expr
see: mid
key: lammid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaa'id
m.l (-dyo/qaaddo, m.dh) Qof ciidan hoggaamiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaa'id
m.l (-dyo/qaaddo, m.dh) Qof ciidan hoggaamiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saa'id
saa'id¹: m.l la-mid: saayid¹.
saa'id²: f.mg1 (-'iday, -'idday) la-mid: saayid².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saa'id
-ah: (adj) extra (ekes-tara)- additional (adi-shinaal); spare (ispeer)
saa'id -ay / day: (v) become greater or larger; increase (in-kiriis); multiply (mol-ti-palaay) ~ saa'id noqday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saa'id
-ka: (maqac, lab, keli) wax hore, wax dheeri ku ah; wax ka badan intii la rabay. Saa'id buu helay Sahal. Dh: dheeri, dheeraad. wax dheeraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agmarid
m.f.dh eeg agmar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agmarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aan kaa fogayn maritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaagid
m.dh la-mid: ammaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaarid
-da: (magac, dhedig, keli) geela goojintiisa. Amaaridda geelu waa calaamadda lagu garto in uu rimay.
amaarid -da: (magac, dhedig, keli) dareenka lulo iyo caajiska kaa xoog badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amsaxid
-da: (magac, dhedig, keli) cagmarinta iyo baabi'inta wax jiray. Meel dhulgariir ka dhacay amsaxid danbe uma hadhin. Dh: askaxid, burburin, baabi'in.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
barmaid
/baarmeydh/barmaids; (n) naagta ka adeegta baarka (kabal yeeriyad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dammaad
(Dammaad-ka)
Wareer culus oo madaxa qabta oo siga in wax lala arki waayo ama la dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dammaad
dammaad¹: m.l Wareer culus oo qofku kala garan waayo meesha iyo waqtiga uu joogo.
dammaad²: f.mg1 (-day, -dday) Wareer culus oo meesha iyo waqtiga la joogo lala kala garan waayo la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dammaad
m.l Wareer culus oo qofku kala garan waayo meesha iyo waqtiga uu joogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dammaad
m. n., [abstract] dizziness, light headedness
dammaad: [inchoative] v. become dizzy ~ light-headed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dammaad
-ka: (n) dizziness (diisi-nes)
dammaad -ay / -day: (v) become dizzy; feel dizzy; become disoriented (dis-oori-yentidh); become confused (kon-fiyuusidh); become bewildered (biwil-dheridh) ~ dawakh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dammaad
(fal) wareer iyo dayow. Dammaad baan qabaa ilaa beryahanba.
dammaad -ka: (magac, lab, keli) wareer culus oo madaxa qabta oo siga in wax lala arki waayo ama lala dhaco. Dh: dayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafadid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid: kafad saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafafid
(Kafafid-da)
(wax qoyan) wax yar engegid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafafid
m.f.dh eeg kafaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyanaa, soo yara engegid: soo yara qallalid. Dh: kawraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu lumay ama cidkale oo aad masuul ka tahay ku lumay bixin. Dh: magid, bedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kajamid
(Kajamid-da)
Hadal kajan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kajamid
m.f.dh eeg kajan².