kalluumaysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalluumaysad
(Kalluumaysad-ka)
Kalluumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalluumaysad
m.l la-mid: kalluumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluumaysad
-ka: (magac, lab, keli) kalluun badda u doonasho. Reer xeebeedku waxay ku noolyihiin kalluumasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalluumaysato
(Kalluumaysata-da)
Dadka kalluumaysiga hawl ka dhigta, kalluunsato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalluumaysato
m.dh.u Dad noloshoodu ku xiran tahay kalluumeysiga; kalluunsato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalluumaysato
f. n., [collective] fishermen, fisher-folk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalluumaysato
-da: (n) fishermen (fisharmiin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluumaysato
-da: (magacwadareed) dadka kalluunka soo dabta; dadka badda gala ee mallayga soo qabqabsada. Agab kalluumaysi baa loo qaybiyey kalluumaysatada degaankan oo dhan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalluumaysato
cf: kalluunsade
de: fishermen, fisher-folk
lx: kalluumaysato
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: kalluumaysato
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalluumaysi
(Kalluumaysi-ga)
Kalluumaysasho; kalluunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalluumaysi
m.l la-mid: kallumaysasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalluumaysi
-ga: (n) fishing (fiishing). Ex: waxuu jecel yahay kalluumaysi; he likes fishing
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kalluumaysi
Pesca
Fishery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluumaysi
-ga: (magac, lab, keli) badda oo la aado oo laga soo jillaabto mallayga; shaqada soo dabashada kalluunka, habka loo soo dabto kalluunka. Kalluumaysiga ka hore dabbaashaa la baraa carruurta. Dh: jillaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalluumayso
f.mg3 (-stay, -satay) Kalluun dabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalluumayso
f.mg3 (-stay, -satay) Kalluun dabasho. m.f.dh, kalluumaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalluumayso
v.auto: fish, go fishing for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluumayso
(fal) kalluun soo dabo, badda aad oo qabqabso mallay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalluumayso
de: fish, go fishing for oneself
lx: kalluumayso
pd: (kalluumaystay)
ps: v3b=auto
key: kalluumayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalluumayste
m. n. fisherman
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalluumayste
-kalluumaystaha: (n) fisherman (fisharmari)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalluumayste
de: fisherman
lx: kalluumayste
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kalluumayste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluundabasho
-da: (magac, dhedig, keli) kalluumaysad: kalluumaysasho; kalluumaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalluumaysasho
(Kalluumaysasha-da)
Kalluunka qabashadiisa iyo ganacsigiisa hawl ka dhigasho; kalluunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalluumaysasho
m.f.dh eeg kalluumayso. la-mid: kalluumaysad, kalluumaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalluumaysasho
vl. n. act of fishing; fishery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalluumaysasho
-da: (n) fishery (fisheri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) kalluun soo dabasho; badda ka soo qabqabsashada kaluunka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalluumaysasho
a: kalluumaysad (ka) [vn2-m], kalluumaysi (ga) [vn2a-m]
de: act of fishing; fishery
lx: kalluumaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: kalluumaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuumaysad
m.l la-mid: cayuumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayuumaysad
-ka: (magac, dhedig, keli) dhabataysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysad
-ka: (magac, lab, keli) si isdulsaarid ah u rassayso; callays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluuncad
-ka: (magac, lab, keli) kalluunka hilibkiisu cadyahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macluumaad
m. n., [collective] information, data; known facts; knowledge, lore, learning, perceptions, discoveries, findings
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macluumaad
-ka: (n) data (deey-ta); information (in-foor-meey-shan); details (ditee-lis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macluumaad
-ka: (magac, lab, keli) hubaalo iyo xaqiiqooyin cilmiyeed oo wax guud ama wax gaar ah ku saabsan. Macluumaad dheeraad ah lagama hayo caalamka hawada sare. Dh: warar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macluumaad
bw: Arabic
de: information, data; known facts; knowledge, lore, learning, perceptions, discoveries, findings
lx: macluumaad
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: macluumaad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asluubaysan
(adj) behaved well, conducted oneself well
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaamaysad
m.l la-mid: calaamadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caleemaysad
m.l la-mid: caleemaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caleemaysad
-ka: (magac, lab, keli) geed, caleemo yeelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darxumaysad
m.l la-mid: darxumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darxumaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax darxumaystay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarumaysad
m.l la-mid: faarumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarumaysad
-ka: (magac, lab, keli) geel, kolka la lisayo, lugaha kala firkin. Dh: faadhumaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galladaysad
m.l la-mid: galladaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galladaysad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, wanaag gashad. Dh: galladaysasho, galladaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalluunsade
m. n. fisherman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalluunsade
cf: kalluumaysato
de: fisherman
lx: kalluunsade
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kalluunsade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lallabaysad
m.l la-mid: lallabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lallabaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax hal midh aad ka haystay hadba labo ku soo darsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhumaysad
-ka: (magac, lab, keli) sallixidda iyo bannaysashada uu qof ama neef meel fadhi u bannaysto ama hagaajisto. Dh: gaafasho.
faadhumaysad -ka: (magac, lab, keli) neef geel ab oo dhedig, kolka loo godlo ee la doonayo in la lisa a lugaha kala durkin. Hashu kolkaa labada lugood bay dib ula baxdaa oo lisid bay isu diyaarisaa, Dh: faadhumaysasho, faadhumaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caloolkuhaysad
-ka: (magac, lab, keli) xusuus hore uurka ku haysasho. Dh: caloolkuhaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafuumaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax barafuun marsan yahay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barafuumaysan
der. [adjective] perfumed, fragrant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafuumaysan
(tilmaame) udgoon cadar lagu buufiyay. Macawis barafuumaysan ayaa la ii keenay. Dh: cadaraysan, carfisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barafuumaysan
de: perfumed, fragrant
lx: barafuumaysan
pd: (barafuumaysnaa)
ps: adj-der
key: barafuumaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilaahrumaysad
m.l la-mid: ilaahrumaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaahrumaysad
-ka: (magac, lab, keli) ku qancidda in uu Ilaahay yahay ka mutaystay in la caabudo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluungareed
-ka: (magac, lab, keli) mallayga daaqa shacaabiga ee ku nool. Dh: kalluungoomeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharmuutaysad
-ka: (magac, lab, keli) dhillaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asluubays
-ka: (magac, lab, keli) eeg asluubayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballansad
-ka: (magac, lab, keli) sii ballansi, ballan la sii dhigasho. Ballansad baan lahaa aad la dhigatide miyuu baxay maamulihii dugsigu? ballansan: (tilmaame) dad ballan u taallo. Labada beelood way ballansanyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballaysan
(tilmaame) mid la balleeyey oo la gardaadiyey. Dh: gardaadsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
callaysan
(tilmaame) wax is dulsaarsaaran ama rassaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dallaayad
(Dallaayad-da)
Dallad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallaayad
m.dh (-do, ml.) 1. la-mid: dallad. Qalab ka samaysan saab bira ah iyo maro ku tolan oo qorraxda iyo roobka laga galo. 2. Baarashuud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dallaayad
m.dh (-do, ml.) 1. la-mid: dallad. Qalab ka samaysan saab bira ah iyo maro ku tolan oo qorraxda iyo roobka laga galo. 2. Baarashuud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Dallaayad
pr. n., [feminine] Dallaayad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dallaayad
f. n. umbrella
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dallaayad
name-f shade; umbrella. Syn. Dallaayo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dallaayad
-da: (n) umbrella (am-bareela) ~ dallad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dallaayad
magaca gabadh la rajaynayo in ay noqoto mid reerkeega iyo tafiirteeda la hadhsado sida dallaayadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallaayad
-da: (magac, dhedig, keli) walax cadceedda la isaga hadheeyo oo maro ama wax kale ka samaysan. Dh: dallad.
dallaayad-da: (magac, dhedig, keli) dallad maro ka samaysan oo ay ciidamada cirku diyaaradaha kaga soo boodaan. Dh: baarashuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmaysad
m.dh la-mid: fahmaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guulaysad
-ka: (magac, lab, keli) guul helid; libin gaadhid; imtixaan helis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la halleeyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hallaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la halleeyey ahaansho. m.f.dh, hallaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hallaysan
der. [adjective] ruined, out of order
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hallaysan
-aa: (adj) disabled (diseeybilidh); damaged (dhaamijidh); dysfunctional
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hallaysan
de: ruined, out of order
lx: hallaysan
pd: (hallaysnaa)
ps: adj-der
key: hallaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalmaysi
m.l la-mid: kaalmaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalmaysi
-ga: (magac, lab, keli) kaalmaysasho; gargaarsasho; taageersasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalmayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax kaalmo ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalmayso
f.g3 (-stay, -satay) Wax kaalmo ka dhigasho. m.f.dh, kaalmaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalmayso
v.auto: get someone to help oneself; make use of someone ~ something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalmayso
-kaalmaystay I kaalmaysatay: (v) use the help [assistance]; exploit (ekis-palooyt)-, capitalize (kapitalaayz) ~ kaasho, gargaarso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalmayso
(fal) taakulayso; taageerso; gargaarso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaalmayso
de: get s.o. to help oneself; make use of s.o.~ s.t.
lx: kaalmayso
pd: (kaalmaystay)
ps: v3b=auto
key: kaalmayso
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kaalmayya
aider.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysad
(Kabbaysad-ka)
Kabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysad
m.l la-mid: kabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) caano lagu cabbo cancantuugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayad
m.l (fiisikis) U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaxayad
m.l (fiisikis) U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalaxayad
Dispersion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxayad
-ka: (magac, lab, keli) u kalabaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kallahaad
(Kallahaad-da)
Kallah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallahaad
m.dh la-mid: kallah¹.