kalaxigso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxigso
f.g3 (-saday, -satay) Labo qof oo wax isku haysta midkood u hiillin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaxigso
f.g3 (-saday, -satay) Labo qof oo wax isku haysta midkood u hiillin. m.f.dh, kalaxigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaxigso
v. discriminate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxigso
(fal) laba qof, mid u hiili; mid soo dhowayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaxigso
de: discriminate
lx: kalaxigso
pd: (kalaxigsaday)
ps: v3a=tr
key: kalaxigso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala-xigso
-kalaxigsaday / kala-xigsatay: (v) be biased; favor one side ~ eexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxigsi
m.l la-mid: kalaxigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxigsi
-ga: (magac, lab, keli) kalaxigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxigsad
m.l la-mid: kalaxigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxigsad
-ka: (magac, lab, keli) labo qof u kala hiilin ama mid isa soo xejin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xigso
cf: kalaxigso
de: make oneself close to
initial: x
lx: xigso
pd: (xigsaday)
ps: v3a=tr
key: xigso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxigsasho
m.f.dh eeg kalaxigso. la-mid: kalaxigsad, kalaxigsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kalaxigsad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kala xigsad
Discriminatorio
Discriminatory
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: falko².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falagso
v. weave something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falagso
(fal) bal ama caw, furfuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falagso
de: weave s.t. for oneself (e.g., palm fibers into a mat)
lx: falagso
pd: (falagsaday)
ps: v3a=tr
key: falagso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaliso
-da: (magac, dhedig, keli) haweeney la shaqaysa cid hawl badan haysa; gabadh gacanyare u ah dhakhtar iyo wixii la mid ah. Dh: caawiso, kalkaaliso. Wa: kalkaalisooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayo
f.mg3 (-yday, -ytay) Aryo isku jira oo xeroonaya ayadoo ayan cidi kala soocin, xeryahooda kala aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalafuqso
f.g3 (-saday, -satay) Wax is-haystay la-mid: kala dillaacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalafuqso
(fal) wax is haystay kala dillaacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) (daawo) Malax yeelasho (nabar). Majaajillo samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) (daaw.) Malax yeelasho (nabar). Majaajillo samayn. m.f.dh, malaxaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaxayso
v. suppurate, form pus, become pussy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxayso
(fal) malax ha ku gasho oo dheecaan yeelo. Naburoow malaxayso aad bogsatide. Dh: dheecaamayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaxayso
de: suppurate, form pus, become pussy
lx: malaxayso
pd: (malaxaystay)
ps: v3b=intr
key: malaxayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysatay, qayb adeegso qaybna kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayasho
m.f.dh eeg kalaxayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kala xidhe
Disjunction
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbaxso
f.g3 (-saday, -satay) Wax duubnaa kala fidsasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kalamagood
nickname-m separated by blood-feud; divided. Lit: dispersed or disunited
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalkaaliso
m.dh (-ooyin, m.l) Qof dumar ah oo loo tababbaray inay kaalmeyso dhakhtarrada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalkaaliso
m.dh (-ooyin, m.l) Qof dumar ah oo loo tababbaray inay kaalmeyso dhakhtarrada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalkaaliso
f. n. female nurse ~ medical assistant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalkaaliso
kalkaalisada: (n) a woman who helps, cares or assists
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalkaaliso
-da: (magac, dhedig, keli) gabadha dhakhtarka caawisa. Wa: kalkaalisooyin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalkaaliso
de: female nurse ~ medical assistant
lx: kalkaaliso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kalkaaliso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamso
f.g3 (-saday, -satay) Si degdeg ah wax u liqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamso
(fal) cunto iyo wax la mid ah, kolba in weyn dhakhso u liq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaxi
(fal) biyo ku badi ama balax ka yeel. Innoo balaxi caanaha. Dh: badhax, xariir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxis
-ka: (magac, lab, keli) geela oo laga haqab tiro ceel dhane ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Calaso
nickname-f slightly light-skinned. Syn. Calas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaxig
min ka mid ah qolada Naariga ee faalka Marka la dhigo ee uu soo hadho. Nin cirro leh ma baxsho. Nin timo madaw buu u tagsan yahay. Haddu dhulku cadyahay oo uu kuu baxo wuu fiicanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxis
m.l la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxso
f.g3 (-saday, -satay) Candho xoolaad caano ku baajisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galxis
-ka: (magac, lab, keli) xeelad looga cabo ceeldixeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadso
f.mg3 (-saday, -satay) U k.: wax dib u dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadso
f.mg3 (-saday, -satay) U k.: wax dib u dhigasho. m.f.dh, kaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadso
(fal) wax u fiirso; ha ku degdegin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifis; soo iftiimitaan. Kaahista dayaxa ma u jeeddaa?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaarso
f. n. bandage, cloth bandage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaarso
cf: sharooto {It}
de: bandage, cloth bandage Alt sp: gaarso
lx: kaarso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kaarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku qarsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaayso
f.g3 (-saday, -satay) Wax meel ku qarsasho. m.f.dh, kaaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadiso
m.dh (-ooyin, m.l) Wax aan lagu talaggelin oo si lama filaan ah u dhaca. la-mid: kediso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadiso
f. n. surprise, something unexpected
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kadiso
-kadisada: (n) emergency (imeerjansi); suddenness (sadan nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadiso
-da: (magac, dhedig, keli) wax si degdeg iyo lamafilaan ah kugu dhaca. Dh: lamafilaan, kedo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadiso
cf: kedis
de: surprise, s.t. unexpected
lx: kadiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kadiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalwis
m.l 1. K. ah: Beer la gooyay xabbad xabbad badar ah oo haray. 2. la-mid: kalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalwis
-ka: (magac, lab, keli) si habboon isugu dhicidda jiibta iyo jaanta; sacab labo shubidda koox yari ciyaar u jebiso.
kalwis -ka: (magac, lab, keli) « ahs beer la gooyay xabbadaha yar ee badarka ku hadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaxig
m.l Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
LAXIYO
Gloriosa minor 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
LAXIYO
(Lahio) C Gloriosa minor Rendle. Liliaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxso
(fal) eeg maaxo.
maaxso: (fal) inta uu laas maaxsamayo sug. Berri waa kalkaagiiye hadduu laasku kaa gudho maaxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg naaxid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
palais
palais, n.m. - qasri; aqallada madaxda boqorrada iyo dadka hantida badan.
palais, n.m. - hanqalaalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagso
f.g3 (-saday, -satay) Wax imaatinkoodu dib u dhacay daahsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagso
v. be impatient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raagso
-raagsaday / raagsatay: (v) feel something has taken longer than expected; feel unable to wait ~ daahso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagso
(fal) dhererso wakhtiga qof ama wax aad sugayso. Dh: daahso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagso
de: be impatient
lx: raagso
nt: raagsad (ka) [vn-m], raagsasho (/da) [vn-f], raagsi (ga) [vn-m] 'being impatient'
pd: (raagsaday)
ps: v3a=
key: raagso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taagso
f.mg3 (-saday, -satay) 1. Tabar yeelasho. 2. Qun yar socosho. m.f.dh, taagsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taagso
inch. v. be invigorated, become strong, gain strength
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagso
(fal) awood jidheed yeelo. Taagso oo cunto fiican cun, wuu taagsaday oo gashi fiican buu helay: Dh: itaalso, xoogso.
taagso: (fal) dhaqaale fiican inaad hesho ku dedaal; shaqada labanlaab si hayntaadu u fiicnaato. Luula waa baayacmushtar oo way taagsatay.
taagso: (fal) wax jiifay ama dhulka yaalay, toosiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taagso
de: be invigorated, become strong, gain strength
initial: t
lx: taagso
nt: taagsad (ka) [vn-m], taagsasho (/da) [vn-f], taagsi (ga) [vn-m]
pd: (taagsaday)
ps: v3a=inch
key: taagso
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taliso
name-fruler, commander
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) «kala ~) aada u kala qaadid; kala waaxid; kala fidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalayso
(fal) aale ka guro ama ka dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agaagso
v. share the spoils; share one's windfall
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agaagso
de: share the spoils; share one's windfall
lx: agaagso
pd: (agaagsaday)
ps: v3a=
key: agaagso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aloogso
f.mg3 (-saday, -satay) Si didmo iyo degganaan la'aan leh u kicid (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aloogso
(fal) shaqo iyo hawl, mid joogta ka yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagso
f.g3 (-saday, -satay) Qof, qof kale oo ka heer sarreeya wax la darajo ah iska dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaagso
f.g3 (-saday, -satay) Qof, qof kale oo ka heer sarreeya wax la darajo ah iska dhigid. m.f.dh, asaagsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaagso
v. put oneself on the same level as someone else
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asaagso
de: put oneself on the same level as s.o. else
lx: asaagso
pd: (asaagsaday)
ps: v3a=tr
key: asaagso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaniso
m.dh la-mid: baanise (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baaniso
m.dh la-mid: baanise.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaniso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baanise.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacso
f.g3 (-saday, -salay) Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
balacso
f.g3 (-saday, -salay) Daymoo; dhugo; milicso; ilkuxad. m.f.dh, balacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balacso
(fal) wax duubnaa, kala fidsasho.
balacso: (fal) ildayo, fiirso. Aarkuba wuxuu balacsadaa booddo ka horow e.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqso
f.g3 (-saday, -satay) Carrabka wax ku cabbid (eyga iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaqso
v. live on a hand to mouth existence, survive on what one can get
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqso
(fal) 'xayawaan' carrabka caano, biyo ama dareere kale ba ku cab. Dh: dhabaqso.