kalaxigsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxigsi
m.l la-mid: kalaxigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxigsi
-ga: (magac, lab, keli) kalaxigsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxigso
f.g3 (-saday, -satay) Labo qof oo wax isku haysta midkood u hiillin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaxigso
f.g3 (-saday, -satay) Labo qof oo wax isku haysta midkood u hiillin. m.f.dh, kalaxigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaxigso
v. discriminate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxigso
(fal) laba qof, mid u hiili; mid soo dhowayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaxigso
de: discriminate
lx: kalaxigso
pd: (kalaxigsaday)
ps: v3a=tr
key: kalaxigso
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala-xigso
-kalaxigsaday / kala-xigsatay: (v) be biased; favor one side ~ eexo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxigsad
m.l la-mid: kalaxigsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxigsad
-ka: (magac, lab, keli) labo qof u kala hiilin ama mid isa soo xejin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kala xigsad
Discriminatorio
Discriminatory
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsi
m.l la-mid: falkasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaysi
-ga: (magac, lab, keli) moogaysi; meertaysi; kaltan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalafuqsi
m.l la-mid: kalafuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysi
m.l la-mid: malaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) malax yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxigsasho
m.f.dh eeg kalaxigso. la-mid: kalaxigsad, kalaxigsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxigsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kalaxigsad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kala xidhe
Disjunction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamidhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku laaqnaa, kala gurid oo kala soocid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysatay, qayb adeegso qaybna kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagsi
f.g1 (-iyay, -iday; -iyi) Cid agagse siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agagsi
-ga: (magac, lab, keli) xoolaha boojimada lagu soo qaado, cad ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alamsi
m.l la-mid: alamsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alamsi
-ga: (magac, lab, keli) hore u liqligid iyo cunis boob ah oo foolxun. Alamsi, aayar cun baa ka habboon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaxi
(fal) biyo ku badi ama balax ka yeel. Innoo balaxi caanaha. Dh: badhax, xariir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxis
-ka: (magac, lab, keli) geela oo laga haqab tiro ceel dhane ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaxig
min ka mid ah qolada Naariga ee faalka Marka la dhigo ee uu soo hadho. Nin cirro leh ma baxsho. Nin timo madaw buu u tagsan yahay. Haddu dhulku cadyahay oo uu kuu baxo wuu fiicanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaxis
m.l la-mid: faafin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg faaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsi
m.l la-mid: gaaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galxis
-ka: (magac, lab, keli) xeelad looga cabo ceeldixeedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadsi
(Kaadsi-ga)
Kaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadsi
m.l la-mid: kaadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsi
-ga: (magac, lab, keli) u fiirsi iyo degdeg la'aan marka hawl la qabanayo ama arrin lagu dhaqaaqayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifis; soo iftiimitaan. Kaahista dayaxa ma u jeeddaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalwis
m.l 1. K. ah: Beer la gooyay xabbad xabbad badar ah oo haray. 2. la-mid: kalwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalwis
-ka: (magac, lab, keli) si habboon isugu dhicidda jiibta iyo jaanta; sacab labo shubidda koox yari ciyaar u jebiso.
kalwis -ka: (magac, lab, keli) « ahs beer la gooyay xabbadaha yar ee badarka ku hadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laaxig
m.l Bayd faal oo madaxa ka ah labo, tan ku xigtana hal, manjaha iyo tan ka sarreysana min labo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg naaxid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
palais
palais, n.m. - qasri; aqallada madaxda boqorrada iyo dadka hantida badan.
palais, n.m. - hanqalaalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsi
(Raagsi-ga)
Raagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsi
m.l la-mid: raagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsi
-ga: (magac, lab, keli) dheeraysi in badan la sugo wax maqan oo la naawwilayo. Dh: daahsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagsi
(Taagsi-ga)
Taagsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagsi
m.l la-mid: taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsi
-ga: (magac, lab, keli) (ku ~ eeg taagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) «kala ~) aada u kala qaadid; kala waaxid; kala fidin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalaysi
-ga: (magac, lab, keli) beer aala ka gurasho; aale ka cuunid. Dh: quwaaxaysi, eeleysi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
amaigri
amaigri, adj. - Weyd; Naxiif; caato; Xayeeysi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
anàlisi
s.f. - falanqayn(ta), lafagur, baarid(da).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagsi
m.l la-mid: asaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaagsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg asaagsad asaagso: (fal) in uu filkaa yahay u arag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsi
m.l la-mid: balacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balacsi
-ga: (magac, lab, keli) kala fidsasho oo wax ballaadhan ka dhigasho. Balacsiga gogoshaada waad kartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaqsi
m.l la-mid: balaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaqsi
-ga: (magac, lab, keli) dareere carrabka ku dhuuq: carrabka wax ku balaqsasho. Dh: dhabaqsi.
balaqsi -ga: (magac, lab, keli) si laalaadsi ah oo aan miisaannayn, wax u qaadis. Buur igala culus neefkaad balaqsanaysaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof cajis ka dhigid. la-mid: cajisi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caajisi
v. debilitate ~ weaken, tire someone out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisi
(fal) wahsi ku rid, in uu caajiso sabab u noqo, qof caajisan ka dhig. Caajisi ninka oo ha u sheekayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caajisi
de: debilitate ~ weaken, tire s.o. out
lx: caajisi
pd: (caajisiyey)
ps: v2a=tr
key: caajisi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calafsi
m.l la-mid: calafsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calafsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg calafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calalis
(Calalis-ka)
Cunnada inteeda la calaliyo (hilib, badar, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalis
m.l 1. Cuntada inteeda la calashado. 2. la-mid: calalin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calalis
m. n. solid food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalis
-ka: (magac, lab, keli) eeg calalin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calalis
cf: caysh, cunno, dheef
de: solid food
lx: calalis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: calalis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalsi
m.l la-mid: calalsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalsi
-ga: (magac, lab, keli) wax afka gelin oo calalin. Dh: calalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carigsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg carigsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dala'si
m.l la-mid: dala'sasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dala'si
-ga: (magac, lab, keli) marka aad qof yaraysanaysid qiimaha uu leeyay. Li: tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalxiis
(Dalxiis-ka)
Dal shisheeye ama kan tolka gudihiisa oo soo arkid iyo raaxaysi loo tago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalxiis
dalxiis¹: m.l 1. Tegidda meel la tago iyadoo looga danleeyahay raaxeysi iyo daawasho. 2. D. ah: qof meel tamashle iyo raaxeysi u jooga.
dalxiis²: f.mg1 (-say, -stay) Meel tamashle iyo raaxeysi ku tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalxiis
dalxiis¹: m.l 1. Tegidda meel la tago iyadoo looga danleeyahay raaxeysi iyo daawasho. 2. D. ah: qof meel tamashle iyo raaxeysi u jooga.
dalxiis²: f.mg1 (-say, -stay) Meel tamashle iyo raaxeysi ku tegid. m.f.dh, dalxiisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalxiis
v., [compound] travel, go on a trip, tour
dalxiis vl. n., [compound] tour, trip; touring
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalxiis
-ka:(n) 1. tourism; tour (tuur). Ex: Wasaaradda Dalxiiska; the Ministry of Tourism ~ tamshle. 2. touring (tuuring); the act of traveling from place to place, especially for pleasure. Ex: waxaan aadnay dalxiis; we went on a tour
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dalxiis
Turismo
Tourism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalxiis
-ka: (magac, lab, keli) dalbarasho iyo tamashleyn dalka gudihiisa ama debeddiisaba ah oo la soo arko meelo xiiso leh ama lagu raaxaysto. Daawasho iyo dalxiis baan ku imid degmada. Dh: daanshadaashood, tamashle.
dalxiis-ka: (magac, lab, keli) dad ama qof dalxiisaya.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dalxiis
سياحة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fagagsi
m.l la-mid: tagagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fagagsi
-ga: (magac, lab, keli) dugaag iyo wax la mid ah, xagga danbe kaga tegid oo caydhsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: falko².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falagso
v. weave something for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falagso
(fal) bal ama caw, furfuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
falagso
de: weave s.t. for oneself (e.g., palm fibers into a mat)
lx: falagso
pd: (falagsaday)
ps: v3a=tr
key: falagso
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
falaise
falaise, n.f. - fiiqa ama caarada dhagax weyn (siiba cirifyada badda).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galabsi
(Galabsi-ga)
Galabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabsi
m.l la-mid: galabsasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galabsi
-ga: (n) the effect, consequence, result or outcome of a bad action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabsi
-ga: (magac, lab, keli) milay galab ah gaadhis.
galabsi -ga: (magac, lab, keli) ciqaab mudasho. Abaaraha dhacay waa galabsigii dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halabsi
(Halabsi-ga)
Halabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabsi
m.l la-mid: halabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabsi
-ga: (magac, lab, keli) faras iyo wixii la mid ah, rakaab la'aan fuul.
halabsi-ga: (magac, lab, keli) wax kaa cararaya tiigsi oo gaadhitaankiisa isku dayid. Safarka halabsi ku gaadhi maysid. Dh: tiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacsi
m.l la-mid: halacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halacsi
-ga: (magac, lab, keli) deymo; eegmo; isha la raacid. Dh: mildhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalafsi
m.l la-mid: jalafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadish
f.mg1 (-dshay, -dshiday; -dshi) Kaadiyid.